Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

BREAKING NEWS: The Al Gore of Somaliland resigns!!

Recommended Posts

Silaanyo oo Istiqaald u gudbiyay xisbiga Kulmiye!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo mihiim ah oo ku dhaw dhaw madaxda sar sare ee xisbiga Kulmiye ayaa noo xaqiijiyay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Ahmed Maxaed Maxmuud Siilaanyo uu isla xisbigiisa u soo bandhigay in uu iska casilaayo jagada xisbiga gudoomiyanimada, ilahaasi waxa ay noo xaqiijiyeen in aan goobtaasi oo ahayd xarunta xisbiga ee magaalda Hargaysa aan xisbigu xiligaasi ayna soo dhawaynin arinkaasi hase ahaatee kulamo kale loo balansanyahay.

 

Lama garanaayo ilaa hada waxa ku kalifay is casilaadaasi dahsoon ee uu Siilaanyo u soo gudbiyay madaxada sar sare ee xisbigiisa, hase ahaatee waxa baryahanba isi soo taraaya, qaab xumida siyaasdeed ee la soo gudboonaatay xisbiga Kulmiye, marka laga eego xaga horumarkiisa siyaasadeed,dhaqaale iyo dhaqan ahaaneedba oo aad meel kastaba ka dareemayso buuq iyo kala qaybsanaan caadifad ku dhisan oo ay had iyo jeeraale ku dhaqmaan madaxdiisa kala duwani, taasi oo aan hore looga baran taasi oo waliba gaadhay ama u gudubtay qaar badan oo ka tirsan xisbiga Kulmiye meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba.

 

Sida aynu ogsoonahay waxa albaabada loo laabay Idaacadii ku hadli jirtay afka Xisbiga ee la odhan jiray Horyaal Radio, taasi oo ay sababtay xidhitaankeedu markii ay qurba jooga bixin jiray kharashka idaacdaasi ay ku qanci waayeen siyaasada xisbiga isla markaasna loo baahanyahay in aan wakhti danbe iyo maal danbe la iskaga luminin kharashgalinta idaacdaasi ilaa inta la saxaayo qaldaadada iyo soo celinta sumcadii xisbiga isla markaasna aanu sidani ku gali kari doonin doorashooyin.

 

Sida ay doontaba ha haatee gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Siilaanyo ayaa doraad booqosho ku kala bixiyay xabsiga madheera ee ay ku xidhanyihiin suxufiyiinta wargayska Haatuf, halkaasi oo uu muujiyay sida uu uga xunyahay xadhigooda xaq darda ah waa sida uu hadalka u dhigaye, dhanka kalena Siilaanyo waxa uu ka gaabsaday in uu ka dhaleeceeyo shirkii xisbiga Kulmiye ku qabsaday magaalda London xadhiga suxufiyiinta Haatuf, taasi oo ka xanaajisay tageerayaal iyagu ka tirsan xisbiga Kulmiye oo ka qayb qaadanaayay shirkii Kulmiye ee magaalda London oo aan haba yaraatee qodobadii saxaafda loo qaybiyay ee shirkaasi ka soo baxay aan lagu dhaleecaynin xadhiga suxufiyiinta Haatuf ee hada la hor boodaayo.

 

Xaaladu sida ay doontaba ha ahaatee Siilaanyo waxa joog iyo jiifba u diiday shirweynaha xisbiga oo afarbilood oo qudhaatii ay naga xigaan taasi oo rag xisbiga ka tirsani ay dhagaha u sareen Gudoomiye waa xiligayagii, taasi oo iyada lafteedu ah mid ka baxsan anshaxa tartanka ee doorashooyinka xisbiga gudahiisa.

 

Qarannews

Hargaysa

 

 

Date:2007-03-26

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

This is a step forward for the future of Somaliland and its national unity.

 

Silaanyo will be remembered and liked for taking such step.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is still rumours and nothing is confirmed yet ,,,, so we better wait and see what developes ,,,,

 

so far, it is only qarannews that reported this ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

“Wax Aan is Casilayo Iyo wax Aan Tagayaa ma jirtee Maantu dagaalku kow ii yahay oo maalin ay ka....”Axmed Siilaanyo

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

()

hadhwanaag 2007-03-27 (Hadhwanaagnews) Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa si kulul u beeniyay war xalay lagu baahiyay shabakadda wararka faafisa ee Qaran News, kaas oo shabakadu ku sheegtay in Axmed-Siilaanyo istiqaalad xil ka tegis ah u gudbiyay xubnaha xisbiga KULMIYE....

Md. Siilaanyo, oo xalay Wargeyska Geeska Afrika, wax ka weydiiyay jiritaanka warkaas, ayaa waxa uu sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, “Qaran News, wax ay Siilaanyo iyo KULMIYE ka qortay oo run ah miyaa la arkay?” ayuu yidhi yidhi Axmed Siilaanyo oo intaas ku daray, “Waxa ay tahay (Qaran News) waa la ogyahay dacaayadda iyo colaadeedana waa la ogyahay cidda ka dambaysa iyo cidda samaysatayna waa la ogyahay. Markaas waxaan dunida iyo dadkaba u sheegayaa warkaas wax alla wax ka jiraa ma jiraan ee maalin aan ka taageero badanahay, maalin xisbigu ka dad badan yahay iyo maalin aanu shacbiga iskaga kalsooni badanahay ma jirto.”

Md. Siilaanyo, waxa uu tilmaamay in is casilaadi ka dheertahay oo uu bilow u yahay dagaalka siyaasadeed.

“Wax aan is casilayo iyo wax aan tagayaa ma jirtee maantu dagaalku kow ii yahay oo maalin ay ka badan tahay kalsoonida aan dadka iyo xisbigaba ka haystaa hore iima soo marin.”

Shabakadda Qaran News, waxa ay xalay baahisay war ay sheegtay inay ka soo xigatay ilo ku dhow-dhow madaxda sare ee KULMIYE, oo sheegayay in Axmed Siilaanyo xisbigiisa u soo bandhigay inuu iska casilayo jagada guddoomiyenimada ee xisbiga. Waxa ay shabakadu sheegtay in xisbigu aanu soo dhawayn go’aankaas Axmed Siilaanyo balse loo balamay kulamo dambe.

Dhinaca kale dhawaan waxa ay shabakadda Qaran News faafisay warbixin ay sheegtay inay ka soo xigatay ilo KULMIYE ah oo sheegaysay in Muuse Biixi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose dedaal mataanaysan ugu jiraan qabashada hoggaaminta xisbiga KULMIYE iyo sidii xilka looga qaadi lahaa guddoomiyaha KULMIYE Md. Siilaanyo.

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika...

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

looool...you are big supporter of him arent you?

 

I think Ex-Xisbiga meant it in good way, since Al Gore is involved raising awareness in global warming compaing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alot of people consider him the Al Gore of Somaliland because he lost by a small margin

to President Riyaale.

 

I don't have anything against him personally, I just think his organization is really backward and uses alot of "ku-xumee" tactics to get support meanwhile undermining the government.

 

But whats up with the SL news portals lately. Qaran News isn't the only site reporting false stories so is Harowo and Soyaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

they didn't report it as a news ,, they reported and clearly said it is rumours and that is it ,,,, now the guy spoke out and even criticized qarannews ,,,,,,,,,,,,,, waxaasaan isagana ku nacay ,,, talking to every jiir and bisad :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by Ex-Xisbiga:

Alot of people consider him the Al Gore of Somaliland because he lost by a small margin

to President Riyaale.

 

Actually it was stolen from him. So as Al Gore..That is why people called him the Al Gore of Somaliland. Not because hi lost the election in close margin.

 

He is not conceited like some people. Had he challenged the outcome, GOD knows how divided Somaliland would have been today. I respect him for taking the lost for the sake of the nation. Not too many people would do that.

 

I was UDUB supporter my self but lets keep it real.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jay,

 

What do you base your argument that the election was stolen from him? are you saying he had a rightful claim to the presidency from the beginning or maybe you are arguing that Riyaale rigged the elections?

 

if the latter can you tell me how our last elections could have been democratic and how we are different to any other failed african state where leaders rig elections to keep themselves in power i.e Mugabe of Zimbabwe.

 

those are some serious allegations and you need facts to back you up

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Yes the election was rigged by UDUB and yes we're not different from Zimbabwe and the USA. These things happens all over the world.

 

I'm not gonna go into details of how they did it in this public forum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this