Sign in to follow this  
Nur

Ma ku fakartaa inaad .......?

Recommended Posts

Nur   

...Islaamka wax u qabato

 

 

From the archives two years ago.

 

Waxaa laga yaabaa inaad is weydiineysid , Maxaan Islaamka u Qaban Karaa?

 

 

1. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka Haddii niyadaadu ay khaalis Allah u noqoto, markaas, kaalin weyn baad qaadan kartaa, taasoo ku sugta addimadaada diintaan, naarna kaa badbaadisa.

 

2.Waxaad wax u qaban kartaa diintaan haddaad taqaanno dariiqa aad qaadeyso kaasoo u baahan cilmiga sharciga ah inaad taqaan, sidaa darteed in aad wax barato waa waddada loo qaado jannada.

 

3. Waxaad wax u qaban kartaa haddad ka faaiideysato wax walboo Allah uu kuu suuro geliyey si aad diintiisa ugu adeegto, Allah wuxuu yidhi, "Ku raadi wax walboo Allah kuu suuro geliyey daarta aakhiro, hana illaawin nasiibkaaga addunka kaa soo gaadhay"

 

4. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddad ka hormariso Islaamka danihiisa, danahaaga gaarka ah.

 

5. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddaad raacdo waddada ay mareen culimada iyo kuwa diinta dadka ugu yeedha, hadaba sabir, adkeyso, maxaa yeelay waxaad ku sugan tahay waddadii anbiyada Allah oo ah cibaado weyn.

 

6. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddad ka fogaato caajiska, bakheylnimada, carada dow, iyo fuleynimada, maxaa yeelay diinteenna waa diin xaq ah, qofkii aaminsanna uma eka siffadka xunxun.

 

7. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddaad qalbigaag ku xidho jeceylka Allah, Rasuulkiisa iyo saalixiinta, ood markaas badiso xasuusta Allah, Salaadda rasuulka, istighfaarka iyo inaad daa'imto akhrinta Quraanka, maxaa yeelay ma jiro wax ka eryi kara quluubta murugta oo Quraanka ka fiican, isla markaasna u kordhin kara murti iyo farxad.

 

8. Waxaad wax qaban kartaa Islaamka haddad waqtigaag habeysato ood maalin walba aad wax ka sameyso xuquuqda Allah, Mustafaha, Reerkaaga iyo ummadda. Markaas aad nafta kula halganto sidaad xataa hal qof aad uga fakin leheyd naarta.

 

9. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddad ku darto hammigaaga, oo uu faraxaaga iyo murugtaada ay noqoto mid ku xidhan hadba howshaad Islaamka u qabatay.

 

10. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka, hadba markaad aragto fursad aad ajar ku heli karto inaad u barattanto, u tarntanto oo ayan ku gafin illaa inaad xaqijiso.

 

 

2002 e-Nuri Somali Service

i nuuri, aan ku nuurshee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Reer Guraaga

 

Waxaan la yaabanhay waxaan qoraalkaygaan aanan loo akhrinin, amaaba aan faallo laga dhiibanin.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalixa   

aslamu calykum

Marka ugu horayss aad iyo aad baad uu mahadsantahay xilkan aad qaaday ood na yara bararujisay oonad wajibka Alaah iyo umada muslimeed nagu leedahay naa hasuusisay.

Dadaka soo gala islamic section ayaba marka igu horeeysa aad uu yar marka la garab dhigo the other threads. Ma ogtahay maliin horee waxan waydiyay su'aal kuu sahabsanayd siiradi nabiga and no one answered me, waxan dareemay iin sida cajiinta la ii dhafay. Topicaygina waxa uu socda somewhere in the last threads in islamic section. Hansal la'igama qaadin. Ilaahay hana soo hanuuniyo amiin.

Lakiin nuur waxan jeclaan laha hadii aad nosii kordhisid topigaan walaal ood waliiba dhinaca dumarka aad wax noga sheegtid waxa ay gabadha islaamika ahi oofin karto ay uu qaba karto communitigeeda islamka ah maxa yeelay waxaan samay nayay muxadiro yar malin horayto ku sahabsan xaaqa iyo wajiibka dumarka islamku ay leeyihin. Waxa ii cajabisay waxyaabaha badan ay faleen dumarka sida Asma bint Abubakr (rc). Actually I will, marka iska dhaaf walaal ani baa topiga aad uu jecel :D

Salam and ilaahay hakuu naxariisto, dambii kuu dhaafo jana fardowsana kugu hambalyeeyo. Amen

Share this post


Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

Brother Nur jazaaka lahu kheyran.

 

Aad baan u akhriyey waxyaalaha aad ku qorta forumkan diintana aad bad u taqaan diinta runtii ajar bad shaqeysatey, walibana dadka aniguu kale ah ee diinta iska yar yaqaan hadana temptations ee jiitaan aad ban ugu farxi lahaa hadaad noo sheegtid kutub ama cajalado si fiican uga hadleysa diinta (carabigana si fiican ayaan u aqaanaa) si aan bal sheydaan iskaga celiyo wadamadan een joognana waad ogtey oo runtii wuu kaa xoog badanayaa sheydaanku hadaanad ku xidhneyn ilaahey oo waxaad iska noqonasaa materialistic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jzk khyr bro nur!

 

rabbi hana siiyo niyad khaalis ah, qof kasto diinta wax mau qaban karo ee dadka diinta barta aa wax u qaban kara, rabbi hanagu maneesto cilman naaficaa!

aameeeeen

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Reposted (originally posted May 9, 2005)

 

 

Quickies ( Jawaabo gaagaaban)

 

Bishaaro

 

What a great screen name, where did you get it from, I am envious i missed that nick. Walaalo, Nomads baa jira i warsaday inaan ku qoro af Somaliga, sidaa darteed qayb baan ugu talo galay, taasoo ay tani ka mid tahy.

 

 

Rayaana sis

 

waxaad qortay

 

" Lakiin nuur waxan jeclaan laha hadii aad nosii kordhisid topigaan walaal ood waliiba dhinaca dumarka aad wax noga sheegtid waxa ay gabadha islaamika ahi oofin karto ay uu qaba karto communitigeeda islamka ah maxa yeelay waxaan samay nayay muxadiro yar malin horayto ku sahabsan xaaqa iyo wajiibka dumarka islamku ay leeyihin. Waxa ii cajabisay waxyaabaha badan ay faleen dumarka sida Asma bint Abubakr (rc). Actually I will, marka iska dhaaf walaal ani baa topiga aad uu jecel

 

 

Walaalo

 

Wallahi meel i xanuuneysa ayaad taabatay, Haweenka kaalintooda ( Dowrkooda, Role) waa mid aad loogu baahi qabo, run ahaantiina, waayahn danbe, haweenka Somalida wey ka dheereeyeen Ragga xagga wax u qabadkka diinteenna qaaliga ah, sidaa darteed, waxaad i xasuusisaa inaan qoro maqaal arrintaas ka hadlaya, maxaa yeelay muddo dheer baan rabay inaan ka qoro maqaal arrintaas.

 

 

Adnaan

 

Walaalle, waan ogsoonahay waxaad dareemayso, maxaa yeelay angaba waxaan ku caqliyeystay qurbaha galbeedka ah, hadduu eebbe idmo, waan soo qoridoonaa, lakin sidaan ku idhi Rayaan, adigan bal i xasuusi ( from time to time). inta ka horresysa, hal xasuuso, Allah kama daalo inuu ku cafiyo, ha ka daalin inaad cafis warsato.

 

Saamiya

 

Amin walaalo, Allah kaa aqbalo, laakin dadka aan cilmiga leheynna wax waa u qaban karaan diinta, wa iney Diinta bartaan.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nin Saalix ah baa wuxuu ku gabyay:

 

Bughdal Xayaati wa xubbullahi akhrajanii

Wa Baycu nafsii bimaa leysat lahu thamanaa

Innii wazantu alladii yabqaa li yacdilahu

Maa leysa yabqaa, falaa, wallaahi ma attazanaa

 

Macnaha gabayga:

 

Naceybka nolosha dunida, iyo jeceylka Allah , ayaa i soo saaray.

 

Iyo inaan nafteyda ku iibsho (gado) waxaan la qiimeyn karin ( oo qaali ah, Allah Raallinimodiisa)

 

Waxaan is barbardhigay si aan u miisaano, waxa hadhaya waligii oon dhamaaneyn ( nolosha Aakhiro), iyo waxa dhamaanaya ( nolosha dunida),

 

Wallahi baan ku dhaartayee, isu ma dhigmaan!

 

 

Cabdullahi Bin Mubaarak

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

xadiis waxaa jira dhahaya lama shalaayo ee Allah waxaa la weydiistaa dambidhaaf iyo sida aad ku jirtid si dhaanta. talow ya matniga xadiiska haya?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Akhi Muriidi

 

Xadiithka ugu macne dhow kaad matnigiisa aad warsatay, waa Xadiiska uu soo wariyey Al Bayhaqi

 

" Laa tatamannow liqaa al Caduw, was'aluu Allaaha al caafiya, fa idhaa laqeytumuuhu fathbutuu, wakthiruu dhikrallah"

 

Macnihiisu yahay, " Ha tamannina la kulanka cadowga, Allahna weydiista caafiyada, haddaad la kulantaanna, sugnaada, badiyana dhikriga Allah"

 

Waxaa fasiray xadiithkan Caalimka Al Minaawi" Wuxuu yiri asagoo sharxaya xadiithka: " Ha tamaninna la kulanka cadowga is cajabin darteed, iyo idinkoo ku kalsoon xooggiinna oo qudha. Reebidda la iska reebay in la tamanniyo la kulanka cadowgana isma diiddana in la dalbado shahaadada Allah dartiis, maxaa yeelay, shahaadadu ku ma xidhna in dagaal la galo oo qudha"

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

baarkallah fiik akhi nur

 

waa runtaa kufriga lama daandaansado Allow fitno ha nooga dhigin,lamana caayo kufaarta oo way kugu dacni.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Somaliya Toosoo (oo Isku tiirsada)

 

Walaal, waxaad ka bilowdaa caawimaaddaada inaad SOL Forum ( Islam) aad ku soo qortid qoraallo anfacaya dadka akhrista safxaddan. (Best in English since most Somali audience are not well versed in reading Somali articles)

 

Baarkallahu feek

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Somaaaliyey toosoo, toosoo isku tiirsdaee, hadba kiinna taag daranee taageera waligiinnee!

 

 

Waxaa loo baddalay

 

 

Soomaalieyey seexdoo, seexdoo ha soo kicineee

 

Hadba kiinna dhiidhiya oo is-caabbiya ee, soo jiida soona seexiya ee!

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this