Sign in to follow this  
BN

MADAXWEYNUHU WUU TANAASULAY BALSE 20 QODOB KALE....

Recommended Posts

BN   

MADAXWEYNUHU WUU TANAASULAY BALSE 20 QODOB OO KALA DARAN AYAA WELI U QARSOON WASIIRADA HUBEYSAN EE MUQDISHO [Warbixin dheer oo dhinacyo kala duwan taabaneysa]

 

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia - 10/07/05

 

Toddobaadkii hore Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu u muuqday mid iska masaxay eedeyntii loo jeedinayay mar haddii uu ku dhawaaqay in ay dhinacooda tanaasul ka sameeyeen labadii qodob ee la aaminsanaa inay saldhigga u ahayd khilaafka iyo kala qeybsanaanta xubnaha dowladda Federaalka, isagoo sheegay in ay ka hareen rabitaankoodii ahaa in Ciidamada dalalka safka hore aan laga faquuqin kuwa kale ee la doonayo in ay dalka yimaadaan iyo xukuumada oo uu hoggaaminayo Ra'iisal Wasaare Geedi ay si buuxda uga howlgaleyso caasimada Muqdisho, halkii Jowhar laga soo dhiibi lahaa awaamiirta Dowliga ah ee lagu nabadeynayo magaalada Muqdisho.

 

Tanaasulka ka soo yeeray Madaxweynaha ma noqon mid si weyn looga riyaaqay xarumaha ay Muqdisho kaga sugan yihiin Wasiirada hubeysan, waxayna taasi bedelkeeda ay miiska soo saareen ku dhowaad 20 qodob oo qaarkood ka culus labadii qodob ee la isku heystay sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, umana arkaan kooxda Muqdisho tanaasulka Madaxweynaha mid ku filan in si midnimo ah lagu wareejiro shaagga Dowladda haddii aan qodobada kale xal laga gaarin, kuwaasoo midka ugu muhiimsan uu yahay in gebi ahaanba la bedelo xukuumada uu madaxda ka yahay Prof. Geedi, isla markaana uu Madaxweynuhu magacaabo Ra'iisal Wasaare cusub, waana qodobka ugu adag ee ay ku dhegan yihiin ragga hormuudka u ah kooxda Muqdisho ku sugan ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo la rumeysan yahay in ay xubnaha Baarlamaanka ee la jooga badankooda ku heystaan amaba ku dagaal geliyaan in xukumada cusub ee la dhisi doono ay Wasiiro ku yeelan doonaan Wasiiro ka tayo wanaagsan kuwa ay ku magacaaban yihiin, iyagoo rajeynaya in ay kooram u helaan ridista Xukuumada Prof.Geedi, waxayse haatan ku mashquulsan yihiin soo xero gelinta xubnihii lagu buuxin lahaa kooramka, bacdamaa ay gacanta ku hayaan ilaa 80 cod oo ay isku halleyn karaan, haddiise uu qodobkaasi gorgortan galo ayay warar hoose sheegayaan in ay la soo bixi doonaan liiska qodobada soo socda:-

 

* In Madaxweynuhu uu Muqdisho yimaado xal ka gaarista qodobada lagu muransan yahay.

* In laga laabto magacaabista iyo xil ka qaadistii dhacday mudadii uu khilaafku jiray.

* In Golaha Wasiirada aan laga badin karin Baarlamaanka, isla markaana aanay Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha ka mid ahayn Golaha Wasiirada.

* In Wasiirada hubeysan loo sameeyo maqaam ay kaga sareeyaan Wasiirada kale, iyadoo lagala tashanayo dhammaan howlaha dowladda sida maqaamkii ay ku lahaayeen shirkii dib u heshiisiinta.

* In xubnaha Baarlamaanka aanay xilligan fasax ku jirin oo ay sharci darro ahayd fasaxii la geliyay.

* In miisaaniyada Dowladda mar kale doodeeda la hor geeyo Baarlamaanka oo aan kala qeybsaneyn.

* In wax kaalmo ah nooc kasta oo ay ahaato aan la weydiisan karin Dowladaha Itoobiya iyo Yeman.

* In heshiisyada iyo go'aanada ay magaca Dowladda ku saxiixeen Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha la hor geeyo Baarlamaanka oo mideysan.

* In Wasiir kasta uu dakhliga miisaaniyadeed ee wasaaradiisa uu ku yeesho 20% (Boqolkiiba labaatan).

* In Wasiirka Amniga uu ka mas'uul yahay ama ay hoos tagto howlaha Ciidamada Booliska iyo howlgelintooda sida ku qorneyd wareegto uu Madaxweynuhu mar saxiixay.

* In dishibiliin lagu qaado Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ee gudoomiyay kulankii uu qabsoomidiisii dib u dhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

* In Wasiir kasta ay mas'uuliyiinta Dowladda uga dambeeyaan arrimaha degaankiisa oo aan lagu soo faragelin.

 

Qodobadan iyo kuwo kale oo la sheegay in ay qarsoodi u yihiin Wasiirada hubeysan ayaa sugaya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo aan la hubin midka u sahlanaan doonta inuu Ra'iisal Wasaare cusub ku dhawaaqo iyo inuu qodobadan kale wada xaajood ka galo, waxaase laga yaabaa inay qodobadan noqdaan kuwo aan marnaba keeni doonin wax isu soo dhawaansho ah, tiiyoo ay adkaan doonto in Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ay Xukuumadiisa si hagar la'aan ah uga howlgasho caasimada Muqdisho, su'aashuse waxay tahay maxaa dhici doona kolka uu Prof. Geedi Muqdisho yimaado?.

Waxaa Qoray: Xasan Maxamuud Axmed [Fanax]

 

Wargeyska toddobaadlaha ah ee SANCA

 

Somaliweyn Media Center

 

http://www.somaliweyn.org/pages/news/July05/10July16.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this