Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu tamed: security clear up project: PICS

Recommended Posts

MUQDISHO: Daawo sawirrro ku saabsan qaabkii ay u dhacday burburintii goobaha sharci-darrada ah ee Muqdisho

Posted to the Web May 08, 14:03

 

Muqdisho (PP) - Iyadoo ciidammada Dowladda ay si rasmi ah saakay uga billaabeen howlagallo ay ku nadiifinayaan Muqdisho iyagoo burburiyay dhismayaal ganacsi oo sharci-darro ah kuna yaalla hareeraha waddooyinka iyo goobaha kale ee jidadka ah.

 

Haddaba, waxaa u suurogashay Shabakadda Wararka ee Puntlandpost inay idinkaga soo qaado sawiro sida ay u dhaceen burburinta goobahaas sharci-darada ah ee lagu ganacsanayay, waana kuwan sawirradii ee daawasho wacan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guns banned from Somali streets

Last Updated::2007-05-07 15:31:23

 

The new mayor of the Somali capital, Mogadishu, has banned people from carrying weapons on the streets.

 

Former warlord Mohamed Dheere announced the ban at his inauguration ceremony, following his appointment last week.

 

The move is seen as a big step forward in the process of restoring stability to Somalia, which has not had a working government in 16 years.

 

The government last week ended a six-week operation against Islamist and clan fighters in the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Booliska ee Dowlada oo Maanta Magaalada Muqdisho ka bilaabay Hawlo lagu Bur Burinayo sandaqadaha sida sharci darada ah looga dhisay wadooyinka Magaalada.

 

Ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ee iskugu jira Booliska iyo kuwa Military-ga ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii waddooyinka Muqdisho oo cariiri xoogan loogu bartay dadka ku dhex ganacsada looga qaadi lahaa.

 

 

 

Isgooysyada KM4, Zoope ilaa Banaadir ayay ciidamada ka xaaqeen dhamaan goobihii sandaqadaha ahaa ee ku yaalay laamiyada dhexdooda kuwaaso 16-sanno lagu ganacsan jiray.

 

Waddooyinkaasi ayaa haatan noqda kuwo waa weyn oo ay gawaarida heli karaan inay is gudbaan iyo goobo Barking ah oo gawaarida la dhigto.

 

Saakay ayay ciidamada Dowlada howl-galo ka sameeyeen inta u dhaxeysa Isgoosyada Baar Ubax iyo Black Sea ee waddada sodonka, halkaaso ay ku yaaleen goobo sandaqado ah oo laamiga dhexdiisa lagu dhex ganacsan jiray.

 

Ganacsatada qaarkood ayaa ku andacoonayeen inaysan heysan goobo ay u guuraan iyagoo ugu baaqayay Dowlada KMG ah ee Somalia inay dajiso goobo ay ku ganacsadaan.

 

Ammarkaan lagu xaaqayo goobaha sandaqadaha ah ee dhex yaalay waddooyinka Muqdisho ayaa waxa uu kasoo baxay Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo maamulka gobalka Banaadir.

 

 

Isku soo duuboo, arrintaan ayaa dib usoo celin karta bilicsamida caasimada Somalia ee Muqdisho.

 

Guutaale yare Allmudug.org Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howl-gallo lagu burburinayo dhismayaal oo ka socda wadada 30 ka

Click here to find this article in english

 

Mogadishu 08, May.07 ( Sh.M.Network) Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee ku ganacsata hareeraha wadada 30 ka ayaa bilaabay in ay iskood u fujiyaan Jiingadahooda.

 

Wadooyinka caasimadda Somalia ee Muqdisho oo horey u ahaa cariiri isla markaana sandaqado ay ka dhisnaaayeen hareeraha wadooyinka ayaa waxaa soo baxaya Isbadalo, ka dib markii maamulka gobolka Banadir uu soo saaray wareegto lagu farayo ganacsatada yaryar ee wax ku iibsata hareeraha wadooyinka in ay baneeyaan.

 

Ganacsatada ayaa waxa ay muujiyeen in ay u hogaansamayaan maamulka gobolka, waxaana talaabadii ugu dambeysay ay aheyd saakay oo lagu arkayay isgoyska Baar Ubax ilaa Black sea qaar ka mid ah ganacsatada yaryar oo si iskood ah uga qaadanaya sandaqadahooda wadada Laamiga ah dhexdeeda, halkaasi oo in muddo ah ay ku ganacsanayeen.

 

Xubno ka mid ah ganacsatadaasi ayaa sheegaya in tani ay tahay talaabo horumar leh ila markaana ay doonayaan in goobta ay baneeyaan, hasa ahaatee ay is weydiinayaan halka loo qorsheeyay in ay tagaan marka ay ka guuraan goobta ay ku ganacsanayaan iminka.

 

Waxaa lagu arkayay wadooyin kale oo ka mid ah caasimadda Gawaari cagaf cagafyo ah oo qaadaya walaxaha culus ee yaala wadooyinka sida Containerada oo qaarkood laga durjinayay goobaha laamiga ah.

 

Wadooyinkii ugu ciriiriga badnaa ee magaalada Muqdisho ayaa qaarkood haatan laga dareemayaa firaaqo dheeri ah, isla markaana gawaarida ay helayaan meelo baarkin ah, waxaana ka mid ah goobaha laga dareemayo in howl muhim ah laga qabtay agagaarka Isgoyska Zope, KPP iyo meelo kale, iyadoo goobahaasi ganacsatada ay si iskood ah uga qaateen sandaqadahooda iyo kuwo kale oo xoog ay ciidamada dowladda uga burburiyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammada Dowladda Federaalka oo saakay billaabay inay burburiyaan goobaha ganacsi ee Sharci darrada oo ku yaalla inta u dhexeysa..,,

 

MAY 8. 2007 Radiofreesomalia.com

 

Inta u dhexeysa Isgoyska Al-Baraka iyo Isgoyska Baar Ubax ayay ciidammada Dowladda ka billaabeen inay ka burburiyaan goobaha ganacsi ee ku yaalla wadadaas dhinacyadeeda iyo weliba bartamaha waddadaas.

 

Burburintaan ayaa waxaa la sheegay inay qayb ka tahay bilic soo celinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dadweynihii lahaa ganacsigaas ay billaabeen saakay inay ka gurtaan alaabadooda goobahaas, isla markaana ay gacmahooda ku burburiyaan, iyagoo ka baqaya in khasaare ay kala kulmaan haddii ay diidaan inay burburiyaan.

 

Ciidammo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Booliiska ayaa waxay gaaf-wareegayaan waddooyinkaas dhinacyadooda, iyagoo dhowraya howlaha ay wadaan dadkii ku ganacsan jiray wadada bartankeeda iyo hareeraheeda, iyagoo sidoo kale ugu baaqayay dadka inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qaataan alaabadooda goobahaas.

 

Dhawaan ayay ciidammada dowladdu ka burburiyeen goobo ka tirsan Muqdisho sandaqo ganacsi oo ku yaallay goobo sharci-darro ah, waxaana maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay inuu burburinayo goob walba oo ganacsi oo aan ku oolin goob sharci ah.

 

Tan iyo intii uu dalka burburay ayaa goobaha ganacsiga waxay ahaayeen kuwo laga dhiso goobo aan sharci ahayn sida dhinacyada waddooyinka, bartamaha waddooyinka, jidadka waaweyn ee xaafadaha iyo goob kasta oo bannaan iyadoo aysan cidna cidda kale wax xushmad ah aysan siinayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda Federaalka oo burburiyay Sandaqado si sharci darro ah looga dhisay hareeraha Waddooyinka

 

Talaado, May 08, 2007(HOL): Ciidamada Mileteriga iyo kuwa Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wada socda ayaa saakay waxay burburiyeen sandaqado si sharci ah looga dhisay hareeraha wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Al-Baraka.

 

Sandaqadahan ay burburiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ahaayeen kuwo ay ku ganacsan jireen ganacsato yar yar oo ka baayac mushtara Shidaalka iyo Qaadka, kuwaasi oo saakay markii burburinta lagu bilaabay sandaqadahoodii bilaabay cabasho ku saabsan in aysan heysan meel ay ku xoogsadaan oo ay ka soo saartaan nolol maalmeedkooda.

 

Booto Axmed Baarre oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee shidaalka ka ganacsada oo sandaqaddii ay ku xoogsan jirtay laga jebiyay ayaa sheegtay in ay Ciidamada Dowaldda Federaalka xalay jebiyeen goobihii ay ku ganacsan jirtay, isla markaana markii ay saakay soo shaqo tagtay ay arkeen meeshii ay ku shaqeysan jirtay oo maran.

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amarka lagu burburinayo sandaqadaha iyo guryaha sida sharci darrada ah looga dhisay hareeraha waddooyinka xiligii uu fowdada ku jiray dalka ayaa wuxuu ku macneeyay sababta loo jebinayo guryaha iyo sandaqadaha ku yaala hareeraha waddooyinka iyadoo la doonayo in la soo celiyo bilicdii waddooyinka Magaalada Muqdisho.

 

Dadka leh Guryaha ku soo jeeda Waddooyinka Laamiga ee ay Sandaqadaha ka hor dhisnaayeen iyo weliba darawallada Gaadiidka kala duwan ayaa soo dhaweeyay howshan nadiifinta Waddooyinka ah ee uu ku dhaqaaqay Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna sheegeen in ay dhibaato ku qabi jireen sandaqadaha sida sharci darrada ah uga dhisan hareeraha waddooyinka.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur ayaa ugu baaqay dadka sida sharci darrada ah ugu ganacsan jiray hareeraha waddooyinka in ay nidaamka raacaan, isla markaana ay tagaan suuqyada sharciga ah ee horay loogu ganacsan jiray, wuxuuna caddeeyay in maamulka gobolka Banaadir uu ganacsatadaas ku caawin doono sidii ay ku heli lahaayeen meelo ay ku ganacsadaan.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa horay waxay howlgal midkan oo kale ah oo waddooyinka lagu nadiifinayay ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Isbitaalka Banaadir, halkaasi oo ay ku yaaleen sandaqado tiro badan oo qarka u saarnaa in ay wadada xiraan. Si kastaba arrintu ha ahaatee tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa goobaha ganacsiga waxay ahaayeen kuwo laga dhiso goobo aan sharci ahayn sida dhinacyada waddooyinka, bartamaha waddooyinka, jidadka waaweyn ee xaafadaha iyo goob kasta oo bannaan iyadoo aysan cidna cidda kale wax xushmad ah aysan siinayn.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Is that all by yourself Duke...inside the dark, Copying and pasting all those posts nonstop as thou u r proving something hard to prove, trying almost to make a lie to look like the truth....Somalis say....Fulay wax ka hub iyo ulo badan....THEY DISMANTLED BARAAKO CABDOW IYO TOBAKAAYO MADOW....WOW!!!

 

Granted that this time around is our AdeerKEEN's time...WE should loot as much as we can and get out as soon as we can....There is no government viable here...Habarkast waa ogtahay...we should stop lying to ourselves and do the looting and killing and VACATE quickly...

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is no government viable here...Habarkast waa ogtahay...
we should stop lying to ourselves and do the looting and killing and VACATE quickly...
[/QB]

The vision and strategy of the dowladdiid in a nutshell.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Hadana masaakiinta maalkooda oo la burburiyo in lagu faano oo la yiraahdo waa qaran dhis maa la keenay, maskiinoow xaal qaado!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bokero   

Eco. and Duke... why r u presenting the TFG AS THOUGH its a break from the past? i know i am wasting my time to engage with you two... cos its difficult or near impossible to dislodge fundamentalism.. but i wont give up although many have…

 

 

Answer this if u may

 

Why support characters that have raped, maimed, killed, enslave, a nation and a people?

 

What brings you, seemingly educated Somali to support WARLORDS>> i cant simply understands..

 

Finally, before you accuse me of supporting the UIC let me say this… my opposition to the warlords of TFG and their invitation for the colonization of Somalia, doesn’t mean I support the backward UIC that wanted to take us back to the Middle Ages!!

 

Please address your responses to the question... no drifting, or gymnastics... I am hoping your responses will not mere confirm the suspicions of many, for the sake of all us!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune, these are illegal and dangerous kiosks, both to the traffic and the hygene of the areas.

All the traders will be given the opportunity to move to the Xamarweyne market or Bacadle.

 

Its easy to comment, and it is easy to defend those who occupy the lands, homes of millions of poor Somali's.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Suuqa weyn ee Bakaaraha oo saakay laga billaabay in la burburiyo goobaha ganacsi ee waddooyin suuqa laga dhisay

Posted to the Web May 09, 12:17

 

 

Muqdisho (PP) - Ciidammada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay saakay howagallo ay ku burburinayan goobaha sharci-darrada ah ka bilaabay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxayna amarro ku siiyeen dadka ku ganacsanaya waddooyinka waaweyn ee Bakaaraha inay ka guuraan goobahaas.

 

 

 

Ganacsatada ayaa waxay billaabeen inay alaabooyinkooda ka gurtaan goobahooda ganacsi, iyadoo goobahoodana billaabay inay burburiyaan, iyadoo aysan jirin wax gacan labaad ah oo ku wehlinaysa burburinta xarumahooda.

 

Ciidammada Dowladda ayaa waxay ilaalo ka hayaan goobaha burburinta ay ka socoto, iyagoo goobaha laga maqan yahay weydiinayay ganacsatada kale cidda leh, balse haddii ay waayaan ay burburinayeen iyagoo ay ku jiraan alaabooyinkoodii ganacsi.

 

Arrintaan ayaa waxaa cabsho weyn ka muujiyay dadka ganacsatada ah ee goobahaas lahaa, waxayna ku tilmaameen inay taasi tahay sharci-darro ayna ahayd in lala sugo goobahooda ganacsi.

 

Waddooyinka waaweyn ee suuqa Bakaaraha ayay sheegayaan inay doonayaan ciidammadu inay furaan, iyagoo sheegay in ciriiri fara badan uu ku jiro suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya oo dhan.

 

Dhanka kale Goobo ganacsi oo ku harsanaa waddada 30-ka oo shalay howlgallo lagu burburinayo goobaha ganacsi ay ka dhaceen ayaa saakay si xoog ah looga jajabinayay dadkii lahaa; iyadoo aan la kulmay goob ganacsi oo shaaha lagu gado oo ay burburinayaan ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandopst - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Eco. and Duke... why r u presenting the TFG AS THOUGH its a break from the past? i know i am wasting my time to engage with you two... cos its difficult or near impossible to dislodge fundamentalism.. but i wont give up although many have…

 

Answer this if u may

 

Why support characters that have raped, maimed, killed, enslave, a nation and a people?

 

Finally, before you accuse me of supporting the UIC let me say this… my opposition to the warlords of TFG and their invitation for the colonization of Somalia, doesn’t mean I support the backward UIC that wanted to take us back to the Middle Ages!!

hhmmmmmmmmm...........characters who have raped and killed and maimed and looted??? In the past tense??? I think I personally can live with that...I think the nation is capable of putting the past behind it and move on...BUT a cynic like me would rather ask you to use the present tense instead of the past tense to simply complete your thought....as the maimin and in broad daylight looting now in pictures (coutersy of ADeer Duke) continues....

 

Anyways, I did not mean to hijack your curiosity...I think ur post deserves an honest answer if ever there's been one....Aan dhawrno

Share this post


Link to post
Share on other sites

********* ******** ******** ********

_____________

 

Easy on caayda, duqa.

 

[ May 10, 2007, 12:43 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this