Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland minister asks for assylum in the UK

Recommended Posts

Wasiir Somaliland Oo Magan Gelyo Siyaasaded (Qaxooti) Weydiistay Dawladda Ingiriiska

Somaliland.Org — London, UK — 22 January, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Nin wasiir ah oo ka tirsan dawladda Somaliland ayaa dhowaan magangelyo siyaasadeed ka dalbaday dalka Ingiriiska, sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan. Wasiirkan oo isku dhiibay magac kale, sheegtayna in uu asal ahaan kasoo jeedo beelaha laga tiro badan yahay ee loo yaqaanno 'Baajuunta' ayaa codsigiisii weli horyaalaa xafiiska qaabilsan qaxootiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska.

 

 

Ujeeddada uu wasiirkani ka leeyahay isdhiibista oo la sheegay in Madaxweynuhu ka war hayo ayaa lagu tilmaamay in ay tahay sidii uu u heli lahaa sharci deganaansho oo marka shaqada wasiirnimadu ka dhamaato ku dego dalkan Ingiriiska.

 

 

Arrintan oo badiba dadka jaaliyadda Somailland ee Ingiriisku markii ay ******* ka xanaaqen, ayaa laga baqayaa in ay fashilanto oo la ogaado in codsiga ama dalbashada qaxootinimo ee Wasiirkasi been ku salaysan tahay, taas oo fadeexad ku noqonaysa dawladda iyo dadka Somaliland ee uu masuulkanni u adeego.

 

 

Ma aha markii ugu horeysay ee xubno ka tirsan dawladda Madaxweyne Rayaale magan gelyo siyaasaded weydiistaan wadamadda Europe, gaar ahaan dalka Ingiriiska. Arrintan ugu danbaysay ee Wasiirkan is dhiibey oo ahaa Wasiiradii wax ka dejiyey heshiiskii ay dawladda Somaliland la gashay dawladda Ingiriiska ee ku saabsanaa in dadka loo diido aqoonsiga qaxootinimada loo mastaafuriyo Somaliland, ayaa ka cadhaysisay badiba dadka reer Somaliland ee ku nool Ingiriiska.

 

Sida uu dhigayo heshiiska dawladda Somaliland la gashay dawladda Ingiriiska, haddii uu waayo Wasiirkani magangelyadda siyaasaded ee uu dalbaday, waxa isaga oo garbaduub u xidhan loo mastaafurinayaa oo laga dejinayaa garoonka diyaaradaha ee Hargeisa, Igal International Airport.

Share this post


Link to post
Share on other sites

OG_girl

Duke... what minister u talking about even our beloved president is refugee in Kenya :D

 

Salam

 

 

cajiiiiiiiiib war wold leadrs kii xooga kulahaa muqdisho xataa waxeey qaxooti ku yihiin Kenya :D

 

Go_girl madax weeynah xataa katag qab qab la yaashii dagaalka kuma noqon karaan muqdisho :D

niman kale aa la wareegay somaliya kusugan gobal kasta iyo degmo kasta

smile.gif

 

 

nabad galyo alaha nasiiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fyr   

Smith this is zilch compared to receiving welfare checks form the Danish government as the ex vice president of Puntland did, back in November 2004.

 

LoL Smith, not every single refugee seeks asylum :D

 

does this sound familiar Smith?

 

Under international law, a refugee is a person who is outside his/her country of nationality or habitual residence; has a well-founded fear of persecution because of his/her race, religion, nationality, membership in a particular social group or political opinion; and is unable or unwilling to avail himself/herself of the protection of that country, or to return there, for fear of persecution.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fyr Kanten, are you actually saying in a nutshell if I'm correct. That it's worse to receive welfare checks than blatantly lying to get a refugee status as an opressed Bajuni, while being a minister of Sland?

 

war kaftanka naga daa sxb! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this