Sign in to follow this  
Mohamed nuur

The Resurrection Party of Somalia

Recommended Posts

if you have seen this party, then you will be surely believe in its justice to rebuild our nation. I want you to read this, altough it is in somali, you will find it very intresting.

 

---------------

 

Waa Hor Leh – Baaq ku Socda Shacabka Soomaaliyeed

 

Sidda aan ka war hayno lana socono adduunyadu waa waayo badan tahay, waa walibana waxyaalihiisuu wataa; waxaan shaki ku jirin oo aan marnaba baayactan gali karin hal caqiido oo sidda faraqa u dhexeeya biyo xareed ah iyo kuwo dhiiqeysan u kala cad yihiin, sideedabana Aadanaha kuwii talada Alle (Subxaanuhu) waafijiyaa waxaa ay ka faa’iideystaan waaga ay la soo waabariistaan oo kii gudbaa waxaa ay kala haraan cashar iyo khibrad si ay waaga kale ee soo daahiri doona looga faa’iideysto, marka taas aan bar bar dhigno kuwa talada Alle (SW) uusan waafajin waxaa ay noqdaan kuwo aan waayaha dersi kala harin oo khasaare ayay mar waliba ku sugan yihiin.

 

Hadaba iyaddoo arinku siddaas yahay ayaan waxaan bal eegeynaa waaga cusub ee Soomaaliya la soo darsay khibradda u baahan in lagala haro, waxaan la ilaawi Karin xaaladda Diinta, Dadka iyo Dalka la soo daristay, hadaba si aan xiriirka ka dhexeeya saddexdaas arin u noqdo mid adag oo la kor yeelo, ayaan u baahan nahay inaan casharaddii nala soo darsay inaan bal balaarino si aynaan u noqon shacab khasaarey.

 

Sideedabana waxaan dareenka shacabka Soomaaliyeed ku soo aadineynaa wakhti qaali ah oo taariikhda maanta baal ku yeeshay hasaba ahaadee baal madow, hadana waxaa ay tahay digniin ku socota mushtamaca (Nin kuu digay kuma dilin), waa inaan si gaar ahaaneed u eegnaa arimihii inala soo darsay tan iyo intii caymiska qabiilka loo galay lana dhaafsaday qaranimo buuxda oo loo dhan yahay, yaan la eegin lana isku mashquulin dooda ah Qabiil ma noqon karo Qaran, balse ha la eego natiijadii waxay soo socotaba soo shaac baxday oo fiiro gaar ah ha loo yeesho ahmiyaddii aan Soomaali Weyn u hayney oo si fiican inta loo soo jilciyey lagana soo kaleeyey dhinac walba ugu dambeyntii ina keentay in naloogu yeero THE REPUBLIC OF ANIMAL FARM ama Qarankii Dugaaga.

 

Waa in la isweydiiyaa saddex su’aalood oo kala ah:

 

B. Maxaa Keeney in Qarankii Dugaaga naloo hirgaliyo

 

T. Sidee looga bixi karaa

 

J. Inuusan mar dambe soo noqonse siddee looga gaashaaman karaa.

 

Horta magacu haddii hadaba la isweydiinayo waa mid aan iska abuurney, waxaad ka xaqiiqsataa buugii uu qoray George Orwell, kaasoo ku dheehnaa aragtidda ah (All Animals are Equal but some are more Equal than others) waxaadna garab dhigtaa Nidaamka Fadaraaliga ah oo salka ku haya caqiidadda ah 4.5 taasoo ka dhigan (Soomaalidda waa siman yihiin balse qaar ayaa ka sii siman kuwo kale), dabcan 4.5 ma’aha tiro kaamil ah oo waxaaba sharaf ahaan lahayd in loogu yeero 5 si ay shanta qaybood ee dalka ka kooban yahay arinka lagu saleeyo, taasi ma dhicin, hadase hadafku ma’aha inaa ka hadalno maxaa ay u dhici weydey balse aan jawaab u helno saddexdaas su’aalood ee kor ku qeexan .

 

Su’aalahaas na horyaala waa inaan si sharaf leh uga jawaabnaa, xataa haddii aannu naf lacaraari nahay waa inaan dhareerka iska duwnaa oo aan jawaabteedda si geesinimo leh u soo bandhignaa, ka dibna aan sidda ugu haboon ka yeelnaa oo aan ku dhaqaaqnaa.

 

Dhab ahaan waxaan si gaar ahaaneed dareenka Ardeydda, Dhallinyaradda iyo Aqoonyahanka la baaday ee dhinaca loo soocay ku xujeyneynaa inay si hagar la’aan ah safka hore u soo istaagaan isna weydiiyaan inay masuul ka yihiin booskii ay baneeyeen inuu noqday mid gacanta u gala kuwa istaahila inay ku sumadeysnaadaan Qaranka Dugaaga, oo si khalad ah loogu takoorey shacab weynaha, waayo taariikhda marnaba idin cafin meyso haddii aydan shacabka la safan oo aydaan taageerin afgambiga habeensiga.

1. Waa Kuma Xisbigga Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya

Xisbiggan waxaa la aas aasay muddo hada laga joogo sagaal bilood, waxaana uu yahay Xisbi wadani ah oo ku dhisan falsafada Soomaali Weyn (Greater Somalia), kaas oo ka jawaab bixinaya Siyaasada Habeensiga ku dhisan ee ku habsatay maanka dadkeena Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan.

 

Intaas waxaa u dheer inuu saxayo saddex qodob oo ilaa maanta masuul ka ah in aanu heli wayno qaranimo buuxda, sixitaanka saddexdaas qodob ayaa ah mid looga shidaal qaadanayo halgankii iyo gobonimadoonkii soo jireenka ahaa, kaas oo hakad la galiyay, waxaana ay kala yihiin:

In heshiiskii la ansixiyay 1dii Luulyo, 1960kii la tix raaco kaas oo qorayay in NFD, SoomaaliGalbeed iyo Jibuuti lagu soo darayo Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya.

Asturida sharafta calankeena oo ay astaantiisu tahay xidig shan gees wadata taas oo aan ku sharfeeno in waxa calanka u taagan yahay la fuliyo.

Tirtirida xuduudaha dalka gudihiisa laga furay oo waa in aan isaga gooshnaa Muqdisho ilaa Hargeysa, Hargeysa ilaa Jibuuti, Jibuuti ilaa Iimeey, Iimeey ilaa Gaarisa.

2. Waa Maxay Afkaarta/Falsafada Xisbiggan Xambaarsan Yahay

Xisbigga Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya waa mid ku dhisan labo maado oo la is qaabilsiiyey si xal waara loogu soo dabaalo dhibaatooyinka ku saleysan Qabiilka, Jahliga, ********imada, Gunnimada, Gumeysiga iyo Goboleysiga. Si looga gudbo tiirarka ay ku dhisan yihiin maadooyinka sababa inta jecel in lagu dul noolaado, ayaan waxaan soo bandhigaynaa Xalka Saddex Geeslaha oo ka kooban: - Aqoon, Dhaqaale iyo Nabad + Isku xidhka Diinta, Dadka iyo Dalka (tixraac sawirkan soo socda oo si kooban u sharaxaya cad buug lagu qori karo).

 

Fiiro Gaar Ah

Sideedaba Qaranka waxaa uu leeyahay shan tiir oo mid ka midda haddii ay ka maqan tahay, aaneysan jirin wax qaranimo loogu yeeri karo, sidaas darteed ayaa haboon in la fahmo faraqa u dhexeeya Qaran (oo ku abtirsata inta jecel inay wada noolaadaan) iyo Qabiil (oo ku abtirsata inta jecel in lagu dul noolaado oo aaneysan waligeed gunnimo ka bixin).

HADABA WAA MAXAY QARAN?

Iyaddoo kooban, waxaa Qaran lagu qeexaa inuu yahay Dad ku nool Dhul, Dhulkaasoo ah mid Xora, oo ay Xornimadiisu u horseedo Nidaam dowladeed oo la Aqoonsan yahay.

Qaranimo Buuxda = Dad + Dhul + Xornimo + Nidaam Dowladeed + Aqoonsi

Hadaba marka aad eegtid Soomaaliya oo ah Dal ka kooban Shan Qaybood oo xataa astaantii calanka ay xambaarsan tahay tilmaanta shantaas qaybood wadata, waxaa dhab ah inaaneysan buuxin shuruudihii qaranka, hase ahaatee tiirarkii Qabiilka waa la kaamiley oo waa ay dhan yihiin.

Marka su’aashu waxaa ay tahay muxuu yahay xalka uu xambaarsan yahay Xisbiggan lana doonayo inay shacabka Soomaaliyeed si dagan u darsaan iyaddoon deg deg uusan jirin.

Horta marka ugu horeysaa waa in si wanaagsan loo fahmo inaaneysan dowlad dhalan Karin ilaa la helo Dad Soomaaliyeed oo Dhulkooda kaamil u yahay oo walibana Xora, waayo haddii doodu tahay Dowladnimo ayaa horseedeysa in la helo hirgalinta tiirarka qaranka ee maqan waxaa ay ka dhigan tahay dad doonaya inay mar’uun gacanta ku dhigaan dowladnimo iyagoo u maraya jidka ugu fudud, qaran dhisidiisana looma mari karo jid gaaban ee waa in lagu talo gala jid dheer, waa sababta keentay in bulshadda Soomaaliyeed lagu sii kala dilo iyaddoo la og yahay inaysan dowlad imaneyn balse hadafku yahay in la isu hub aruursado oo colaad cusub la soo oogo, arinka dowlad la dhisayo ee sidda deg dega ah la doonayo inay dadku u qaataan sidaas ayuu ka macno dhigan yahay.

Wanaaga waxaa uu qaataa muddo dheer inuu ku soo if baxo, balse xumaanta ayaa ah midda aadka u nugul walibana sida dhaqsaha ah loo abaabuli karo, shaki kuma jiro iyaddoo la og yahay in dadka iyo dalka xornimadoodii ay gacanta ugu jirto Itoobiya, in hadana isku mashquulinta dowlad dhidhibadda loo aaso ay tahay mid maqaarsaar u ah arimo badan oo qarsoon oo ay uguna horeyso siddii loogu faatixeyn lahaa intii yareyd ee ka soo hadhey dhulkii baaxadda weynaa ee Soomaaliya ahaa.

XALKA XISBIGGA (XALKA SADDEX GEESLAHA)

Si taas looga hortago ayaa waxa uu Xisbiggu Maadadiisa koobaad oo ka kooban Aqoon, Dhaqaale iyo Nabad, udub dhexaad uga dhigay AQOONTA.

Waxaannu la soconnaa inay Aqoontu tahay mid Diiniyan amreysa shaqsi kasta inuu waxna qoro waxna akhriyo oo aayaddii ugu soo horeysey Quraanka Kariimka waxaa ay ahayd (IQRA = Akhri), marka shacabka Soomaaliyeed waxaa uu u baahan yahay Aqoon aan waxba la soo hoos gelin.

Aqoonta ma’aha oo kaliya mid aan dooneyno inuu ilmo kastaa oo dalka guduudihiisa ku jira uu ku helo waxbarasho tayo sare leh balse waa inay tahay Aqoonta mid lexejeclo ku abuureysa shaqsiga, Aqooni ma’aha oo kaliya in kuliyaddo laga soo baxo balse waa inay tahay furaha ugu weyn ee horseeda lexejeclo aad u hayso Diinta, Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, Aqoontaas weeye midda uu Xisbiggan aaminsan yahay in loo fidiyo shacabka meel waliba oo uu joogo.

Waxaa hubaal ah lexejecladda ay abuurto Aqoontaas inay tahay mid horseedaysa inuu dalka ilo dhaqaale oo ku filan helo, waxaase ugu muhiimsan soo celinta ama dib u beeridda dabaqadda dhexe ee shacabka (Middle Class) kasoo si naxariis daro ah loo xayuubiyay, hadaba Xoola dhaqatadda, Beeraleydda, Kaluumeysatadda iyo Farsama yaqaanka waa inay siman yihiin lana kala takoorin si loo helo dhaqaale isku xiran oo aan kala go lahayn, waa inaan mushtamaca loo kala xigsan sidaas ee ay taladda dalka wax ku leeyihiin, dabcan anagu afarta qaybood ee shacabka Soomaaliyeed si hagar la’aan ah ayaan ugu soo beereynaa Xisbiggan anagoo u aragna inay yihiin mustaqbalkii dalka xoreyn lahaa.

Iskaashiga dhex mara Aqoon lexejeclo ku dhisan (mid aad u haysid Dadkaaga iyo Dalkaaga) iyo abuurista dabaqadda dhexe ee mushtamaca ayaa ah mid horseedeysa in la helo Nabad waarta.

Sidda Qaranka u leeyahay shan tiir oo aan kala maarmin ayaa hadana waxaa iyadana xaqiiq ah si loo helo Nabad dhaba, in loo baahan yahay iskaashi dhexmara Aqoonta iyo Dhaqaalaha labadaas oo u ah furaha xal Nabadeed oo dalka ku baaha kaasoo ka saaraya ummadda qaharka iyo dhibaatadda la xiriirta dayaca, dhaqaale xumadda iyo abaaraha aan wax looga gaashaanto aaneysan jirin.

Waxaan iyadana shaki ku jirin in ay imaneyso isku soo dhawaanshaha Diinta, Dadka iyo Dalka, waayo Aqoon saafi ah ayaa keeneysa inay curiso dareen ah in xadaaradda wanaagsan ee ay Soomaali dhaqanka u leedahay ay tahay mid Diinta Islaamka ka timid runtiina taas waxaa sii xoojinaysaa inay Soomaaliddu tahay Dadkii Diinta Islaamka sidda degan ee aan dhibka lahayn ku qaatay, waayo Carabta marka la garab dhigo Soomaalidda waxaa xaqiiq ah in Soomaalidda ay si dhib yara u fahantay Diinta, tani kuma iman iyagoo xoog iyo baqdin ku aqbalay Diinta, balse waxaa iskaashaday Soomaalidda oo dabiiciyan xadaarad u leh horukaca iyo imaatinka Diin wanaag oo sharaf fareysa.

Marka waa lama huraan Sidda Aqoonta ay udub dhexaad ugu tahay Dhaqaalaha iyo Nabadda in Diinta ay noqoto mid udub dhexaad u ah Dadka iyo Dalka.

Si aad u fahantaa Xisbiggan fikradda uu ka qabo Diinta ayaan waxaa soo qaadaneynaa shan qodob oo kooban kuwaas oo aan ku xoojineyno doodeena.

XAGGA DIINTA

Ummaddayada Soomaaliyeed waa ummad Muslim ah oo Sunni ah oo shaaficiyo ah, ee waa in sideedaas lagu dhawraa oo aan tafaaaruq diini ah la soo dhex galin. Sideedabana Diinta Islaamka waxaa ay horumar ku gaadhi kartaa marka aan xooga la saarin mabhadaha jira oo marka aad sii eegto aaneysan waxba ku kala duwaneyn balse waa in xooga la saaraa siddii loo xoojin lahaa arinka ah UMMAH oo ay Soomaali ka mid tahay.

Culimada ummaddu waa culimadii weligeed ummaddu soo lahaan jirtay ee cilmigga fiqiga iyo fanniyada diinta oo dhamina tiqii kuna xasishay.

Dariiqooyinka Baabu Suufiga ah iyo kooxaha diinta isku hayaa, waa kuwii Nabigu (SAW) ka ducaystay markuu lahaa “Alloow diinta masiibo ha naga gelinâ€. Dariiqooyinkaas waxaa ay bur burinayaan midnimadda ummadda, waxayna horseedayaan qas taasina waxaa ay keeneysaa in shacabku jahwareero.

Dariiqooyinka diinta isku haystaa waa inay ummadda ka fadhiistaan oo ay Diinta bartaan, cid ka xigtaa Diinta ma jirto balse ayagoon waxba soo baran oo aan cilmi lahayn haddii ay damcaan inay fadwooyin soo rogaan, waxaa ay keeneysaa isfahan faro badan, marka cilmiga diinta ha barteen oo si wada jira diinta ha loo barto

Ummadda Soomaaliyeed waa Muslimiin waxaana diintoodu fareysaa midnimo, marka in loo kala qaybiyo firqo iyo gobolo oo hadana madaxa la isu geliyo waxaa ay tilmaameysaa in la garab marayo waxa diinta fareyso.

XISBIGGAN SIDDEE AYUU U ARKAA HABKA XOOJIN KARA DIINTA

Waa in dib loo soo celiyaa culimmaddii ummaddu lahayd ee fiqiga iyo fanniyadda diinta aadka u tiqiin.

Sidoo kale waa in la soo celiyaa darajeyntii culimadda lahayd si loo soo celiyo anshaxii cilmi raacista dhabka ahaa

Culimadaas aan soo sheegnay weeye kuwa matalaya golayaasha culimada, muftiga guud ee qaranka iyo muftiyadda wax hanuuniyaa waa inay iyagu ka soo dhex baxaan.

Waax walba iyo goleheeda culimaddu waa inay deegaanka waaxdaas ka haqab tiraan dugsiyo quraan (miyi iyo magaaloba) oo akhrinta quraanka dadka la wada baraa.

Waaxda iyo goleheeda culimmaddu waa inay deegaankooda ka haqab tiraan Masaajidyo lagu cibaadeysto oo laguna tukado wakhti walba si cilmiga diinta loogu barto.

Waxaa uu Xisbiggan si adag u aaminsan yahay in loo baahan yahay siddii waaxahuhu u lahaan lahaayeen xarumo waaweyn oo culimada fuqaha ka soo baxdo, fanniyada diinta oo dhanna lagu barto.

3. Afkaarta Xisbigga Iyo Xiligan Kala Guurka

Tafaraaruqa qabiilka inoo geystay ayaa noqday mid lagu saleeyo nidaam qabiil ayidsan oo hada la casriyeeyey, kaas oo danta laga leeyahay ay tahay in la kala dheereeyo lana isku dilo walibana la kala dilo shacabka Soomaaliyeed oo horeyba la quudsiiyey dalagii qabiilka.

Sidda aanba kor ku soo xusney, Aqiidooyinka ay ka mid yihiin 4.5 iyo Nidaamka Fadaraaliga (Shirkii Mbagathi) ayaa ka astaan bixinaya kala dheereynta dadka iyo dalka loo jiheeyey, taas oo la doonayo in naloo karbaasho cadow gumeysi u soo tafaxaytay kasoo lid ku ah horumarkeena marka aad ka eegtaan dhinac kasta, waxaaba xaqiiq ah inuu lid ku yahay jiritaankeena (Diiniyana noo neceb).

Shirarka dalka dibadiisa lagu qabtay ee afduubey himilooyinka nabad raadinta, qaxootiga soo baro kacay dib u celintiisa, dhisida qaran loo dhan yahay oo xataa aan ka tagin dhulka Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan isla cadowga noo soo naash naashay shir nabadeed ayaa ah kuwo loo baahan yahay in il gaar ah loo yeesho.

Marka aad daraasaad aad ka suubisid sababta manta kaliftay in Soomaaliya xal looga dhigo nidaam ku abtirsadda inuu yahay Fadaraali, waxaa dhab ah inaad isha ku dhufan doontid xatooyo mustaqbal oo si gaar ahaaneed loo naaxinayo lana doonayo inay wakhti ku haboon seefteeda la soo baxdo.

Mar marsiinyaha ay ka midka yihiin “si loo helo Nabad waarta loona baabi’iyo is’aaminaad la’aanta ka dhextaagan qabiiladda Soomaaliyeedâ€, waxaa kuu baxaya in Fadaraaligu uu yahay xal sun wata midkaas oo ka faa’iideysanaya dhibka Soomaali loo soo qoondeeyey ee ay boqolaalka sano caabinayeen.

Boqortooyadda Masiixiga ah ee faca weyn taasoo waayadan dambe la soo daristay godoon xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba leh, ayaa waxaa u cad sidda kaliya ee ay ku ilaashan karto jiritaankeeda inay tahay iyaddoo dalkeena u soo dhoofisa habkeeda maamul musuq maasuqa ah kaasoo ay caalamka beenta lacagta uga gurato.

Itoobiya waxaa ay ku doodaa inay tahay dal qowmiyado badan balse Dimuquraadi ah, kaasoo ay ku suuro gashay iyaddoo ayidsan kuna dhaqanta Nidaamka Fadaraaliga ah si qowmiyad walibaa taladda iyo aayatiinka dalka wax ugu yeelato, dhab ahaan taas marka aad ka fakartid, waxaad arkeysaa inay tahay been si daran wax u xiireysa oo aan sal iyo raad aan lahayn. Hase ahaatee waxaa suurta gal noqotay in taladda dalka gacanta u gasho koox aad u yar oo dooneysa inay adoonsi ku saleysan xag diimeed kula kacdo mushtamaca Itoobiya oo u badan Oromo (intooda badan waa Muslimiin).

Si ay marka u hesho dhaqaale ay taladda dalka ku ilaashato ayaa waxaa u suurto gashay inay fikirkaas u dhoofiso shirkii Mbagathi ka socday kaasoo noqday mid loo arkey inuu yahay xalka Soomaali ka maqan, balse u fiirso sidda ay Itoobiya hadda dalka uga faa’iideysatay adigoo eegaya labo maamul goboleed (sidda Somaliland iyo Puntland oo labaduba ah maamul goboleedyo gacansaar la leh Addis-Ababa hadana ay ka dhexeyso dagaal militari oo joogto ah). Shacabka labada gobol waa wadaniyiin afduub ugu jira Addis-Ababa.

Sidoo kale Itoobiya waxaa u suurto gashay inay Koonfur Soomaaliya ku soo hurgufto hub aad u xad dhaaf ah kaasoo ay inta badan dooneyso inay colaad ku huriso si ay daanka wabiyadda (Juba iyo Shabeele ay ugu beerto daroogo dakhligaa ka soo baxaa ay ku kabto dhaqaalaheeda diciifaya) oo waxaa ay rartay kana daadgureysay dhulkaas kumanaan qoys oo Soomaali ah kuwaasoo xadaarad u lahaa inay wax beertaan.

Hadaba sidee ayay isla dowladan ay colaada qarniyada ahi naga dhexeyso u keeni kartaa Nabad waarta!

Nabad dhab ah oo waarta waxaa ay hir galeysaa marka shacabka Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan aayatiinka jiritaankooda, waa in dadka Soomaaliyeed noqdaan furaha keena heshiis ina dhex mara, isla mar ahaantaas, shir kastaa oo ku abtirsada magaca Soomaali waa inuu dalka gudihiisa ka hir galaa, taas weeye mida hada ka maqan shirarkii la qabanayey 15kii sano ee la soo dhaafay haba u dheeraado kuwii ugu dambeeyey ee labada sano ahaa (Eldoret + Mbagathi).

Marka Xisbiggan wadaniga ah waxaa uu xooga saarayaa labo arin oo ku aadan dibu heshiisiin iyo dhalinta nabad waarta kuwaas oo ka maqan ilaa maanta shir ku abtirsada inuu u taagan yahay soo celinta qaranimada Soomaaliyeed, waana:

In shacabka lagu daro talada dalka iyo dibu dhiska qaranimo buuxda

In shirarka xambaarsan magaca Soomaali ay noqdaan kuwo Soomaaliya lagu qabto oo aan dalal shisheeye loo dhoofin si shacabka loo khiyaano

4. Xubnaha Sare ee Xisbigga Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya

Waxaa sharaf inoo ah inaan shacabkeena Soomaaliyeed u soo bandhigno dhallinyaradda wadaniyiinta ah ee hormuudka ka ah Xisbiggan ilaa heerka qaranka matalaya ee aan marnaba baayactan galineyn inay raali ka noqdaan habeensi xambaarsan gumeysi iyo gunnimo bakhti dil ku dhisan.

 

Fadlan ku soo dhawaadda oo ku soo dhaweeya gacmo iyo qalbi furan geesiyaasha, waxaana ay kala yihiin Mudanayaasha iyo Marwooyinka:

 

Liibaan Cabdi Daahir, LiibaanGeeddoon

Maxamed Sh Nuur

Xasan Sh Cali Aadan

Mubashir

Cabdifataax Sh Nuur

Tamad Maxamuud Xasan

Fardowso Aadan Ibraahim

Cabdalla Kulmiye

Mahad Maxamed

Abwaan Maxamuud C/qaadir Daa’uud

Abdirashiid AbdiNaasir Warsame (faranuug)

5. Golaha Shacabka Ee Xisbigga Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya

Qodobkan shanaad (5aad) wuxuu yahay mid muhiim ah oo aad xasaasi u ah marka la eego ulajeedooyinka uu xambaarsan yahay, waxaana haboon in dadweynaha Soomaaliyeed (oo ka kooban unugyadda muhiimka ah ee bulshadda) qiimeyn ku suubiyaan cawaaqibka ay leedahay hirgalintiisa iyo balaarinta baaxadda uu hadda ku fadhiyo oo ah wajigii bilowga.

 

Golaha Shacabka ee Xisbigga waa mid matalaya shacab weynaha Soomaaliyeed wuxuuna yahay tiirka labaad ee uu Xisbiggan ku taagan yahay marka laga soo gudbo tiirka xubnaha sare.

 

Waa lagama maarmaan in hawlaha Xisbigga iyo natiijooyinka la higsanayo ay noqdaan kuwo ka shidaal qaata amuuraha hadda jira si xal kastaa oo soo baxa loogu saleeyo baahidda shacabka qabo.

 

Anagoo soo xusnay islana soo garanney in shacabku u baahan yahay inuu taladda dalka iyo aayatiinkooda ay si fir fircooni ahi loo baahan yahay inay uga qayb qaataan, ayaan hadana waxaan markale tusaalahaas dooneynaa inuu noqdo mid Xisbiggu uu ku dhaqaaqo walibana aan u fidino muwaadiniinta Soomaaliyeed (Yar iyo Weynba) kaalintii ay ku hanan lahaayeen jiritaankooda kaasoo si gardaro ah loo inkirey loona baahan yahay in la saxo

 

Inta badan waxaa la isla dhexmaraa oo la isku xantaa in shacabkeena uu mar waliba ka maqan yahay taladda dalka oo aaneysan codna ku lahayn inay ka dhiibtaan fikradahooda su’aalahan soo socda: - Su’aalaha Shacabka

 

B.Dal noocee ah ayaannu dooneynaa Soomaaliya inay noqoto

T. Soomaaliya dib ha loo qeexo oo ma waxaa ay ka macno dhigan tahay:

- Somaliland oo gooni ah

- Puntland oo gooni ah

- Mayland oo gooni ah

- Hiiraanland oo gooni ah

- Banaadirland oo gooni ah, waa maxay goboleysigan?

Mise waa dal ku dhaqma astaanta calanka ee caalamka uu aqoonsan yahay:

-Waqooyi

-Koonfur

-Jibuuti

-SoomaaliGalbeed

-NFD

Waxaan shaki ku jirin in haddii caalamku uu aqoonsaday calanka buluuga ah ee xidigta cad ee shanta gees ka kooban wata, ay ka macno dhigan tahay in la aqoonsan yahay in dalka shantiisa qaybood loona baahan yahay inaan anaguna sidaas u aragno oo aan u citiraafno.

 

J.Siddee ayaa dibu heshiisiin dhaba looga dhex curin karaa qabaa’ilka dalka

X.Siddee ayaa qabiil looga gudbi karaa oo qaranimo buuxda loo heli karaa

KH.Siddee ayaa khayraadka dalka loo qaybsan karaa

D. Nidaamka Fadaraaliga ma yahay mid xal ah

R. Maxaa ay ku kala duwan yihiin dibu heshiisiin ka dhacda dalka

gudihiisa/Dibadiisa, keese baa inoo dan ah haddii aan nahay shacabkii.

S. Madax noocee ah ayaan dooneynaa haddii aan nahay shacabkii

SH.Waa maxay siyaasadda gudaha iyo dibada ee dalkeena

DH.Xagga ijtimaacigga maxaa dhaqan celin ah ayaa la qorsheeyey (sidda la

dagaalanka qaadka, qoriga iyo qalin la’aanta).

X.Siddee ayaa diinta loo quweyn karaa mase u baahan nahay mufti guud oo ay

Ummaddu leedahay

 

Su’aalahaas oo dhan ayaa shacabku qabaa marka waxaa cadaatay in mar kastaa oo shir la qabto laguna afduubayo magaca Soomaali ay iska muuqato sidda loo raqiisiyo culeyska iyo muhiimadda ay su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan xambaarsan yihiin, marka madaama ay siddan dhacday in ka badan shan iyo toban jeer oo ilaa shan iyo toban sano siddan lagu jirey, waa khasab in shacabku uu meel codkiisa ku kaydiyaa kuna wada tashadaa si ay talaabo u qaadaan taasoo ay ku ilaalinayaan danahooda la dayacay ee dhaqaale xumadda horseeday ilaa waxyaabihii aasaasiga nolosha u ahaa (sidda biyo nadiif ah, Isbitaalo iyo Waxbarasho tayo leh) ayaa noqday kuwo daaqada ka baxa.

 

Si aan u ilaalino mustaqbalkeena iyo subcadeena waa inaan ka kaaftoonaa kana baxnaa balanqaadyadda beenta ah ee magaceena lagu cuney bilaayiin doolar kuwaas oo si isdaba jog ah u soo socday muddo dheer, sidda kaliya ee aad ku heli kartaan Aqoon saafi ah, Dhaqaale boodhka ka jafa diifta ina haysata iyo Nabad waarta oo aan Diinteena iyo dhaqankeena ku xafidno waa anagoo ka kaaftoona balanqaadyadda beenta ah ee maanta halkaas ina dhigay.

 

Waxaan jidka u baneyney siddii naloogu dul noolaan lahaa oo waxaan dhexda ugu jirnaa halaqyo isu bahaleynaya kuwaasoo doonaya inay danahooda iyo dano kale nagu fushadaan (waxaad fiiro gaar ah siisaa suntan badaha dalka ku aasan ee ilihii biyaha laf dhabarta u ahaa nolosheena ku soo qubaya sun waxyeeladeedu aaneysan daawo lahayn).

 

Marka si aan arimahaas oo dhan aan jawaabo iyo xal ugu helno ayaan waxaan xooga saareynaa in Dhisidda Golaha Shacabka ee Xisbiggu uu noqdo mid Soomaalidda dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ka qayb qaataan (waxaana xooga aan saareynaa) Waxgaradka, Ardeydda, culamaa’duiinka, hooyooyinka, iyo dhamaan inta ku taameysa inay Soomaaliya lugaheeda isku taagto kana xorowdo farogelin shisheeye oo boqolaal sano ka hortaagnaa inay mar hesho qaranimo buuxda oo loo dhan yahay.

 

Golaha Shacabka waa Baarlamaankii Xisbigga oo waxaa uu baaq u gudbinayaa culamadda, ardeydda dugsiyadda sare/jaamacadaha, dhallinyaradda, ganacsatadda iyo waxgaradka kale inay soo buuxiyaan golaha kana qayb qaataan hawshan muhiimka ah ee uu Xisbigga Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya ku dhaqaaqey taasoo si daacadnimo ah loo fulinayo aan marnabana baayactan la galineyn damiirka shacabka Soomaaliyeed oo wax waliba nagala weyn.

 

Golahan shuruud la’aan ayaa lagu soo galayaa balse waxaa muhiim ah oo runtii shuruud noqon karta inaad tahay muwaadin Soomaaliyeed oo aan necbeyn horukaca dadka Soomaaliyeed, waxaase iyadana muhiim ah inaadan ahayn shaqsi u adeega cadow shisheeye balse jecel inuu u adeego dadkiisa dhibaateysan bilaa shuruud la’aan.

 

Golaha wuxuu yahay mid aan doorasho ka dhacayn oo waa la wada siman yahay waxaase dhab oo iyadana meesha ku jirta in golaha shacabku uusan soo dooraneyn Xubnaha Sare ee Xisbigga waayo doorasho iyo waxyaabo khiyaali ah sidda “Dimuqraadiyad†waa arimaha wakhtiga looga lumiyo dunidda saddexaad, shan iyo toban sano ayaa doorasho iyo gudi cusub kolba Soomaaliya loo suubinayay natiijadda soo noqnoqataa waxaa ay ahayd mid salka ku haysa qabiil dib loo soo nooleeyo, dagaalo, gaajo, cuduro iyo anagoo aduunka dib uga harna.

 

Iyaddoo laga faa’iideysanayo arimahaas oo dhan ayaa waxaa dhab ah inaan ka sareyno ahmiyadahaas maangaabka ah, waa kuwo Alle (SW) uu naga koryeeley nagana fogeeyey dhiiqadeeda iyo usgaga aan kala go’a lahayn ee ay wadato, marka waxaan balanqaadeynaa iyaddoo loo wada markhaati yahay inaan dhageysano talooyinka iyo tusaalayaasha aan ka gudoonno Golaha Shacabka anagoo ku lifaaqeyna ficiladeena.

 

Waxaan aad u daneyneynaa siddii aan horeyba u soo sheegnay Ardeydda Soomaaliyeed meel waliba oo ay aduunka ka joogaan, culamadda hadda ugaadhsiga lagu hayo laguna nacay xadaaradda quruxsan ee ay faafinayaan, ganacsatadda xilka iska saartay inay shacabkooda ILO dhaqaale u furaan, iyo Hooyooyinka la agoomeeyey, waa iyaga kuwa noqonaya tiirka Golaha Shacabka.

 

Soomaaliya anagaa iska leh wax waliba oo ceeb ah ee ay qabto ama lagu sheego waa dalkeenii oo cid kale oo uu sugayo inuu xal ku soo dabaalo ma jiro, waa anaga dadka la doonayo inay taladda dalka la wareegaan kulana wareegaan si cadaalad ku dhisan oo waa inaan ninka maskiinka ah ee tuugsanaya, kan insha beeley, midka lugaha la tirey, ka xoolihiisii la dhacay ama reerkiisii la laayay, midka xoolaha haya ee ay abaartu kolba dhinac ku riixeyso, kan beertiisii la xoogay ee daroogada looga beerayo, midka badda sumeysan ka kaluumeysanaya ee aan haysan waxkale oo uu ku noolaado, dhamaantood waa inaan ka talo qaadano, dhageysano waxa ay sheegayaan, ka dibna aan si wada jir ah aan dalka u xoreyno min Koonfur ilaa Waqooyi, Waqooyi ilaa Jibuuti, Jibuuti ilaa Somaali Galbeed, min Soomaali Galbeed ilaa NFD ka dibna aan ku soo laabano duulaanka meeshii uu ka bilowday ka dibna six or ah aan dalka ugu kala socono iyaddoo aaneysan jirin xuduudo qabiil iyo kuwo goboleed.

Waa inaan Taaariikhda dalka dib u qornaa oo aan sumcadeena soo ceshannaa kuna soo ceshannaa anagoo isu ah Ul iyo Diirkeed, Shimbir iyo labadeeda Baal, Faro iyo Suulkeed iyo Qaanso iyo Leebkeed.

 

Muddo 600 oo sano ah ayay Soomaali ku jirtay dagaal iyo iska caabin cadow doonayay inay dadnimadda ka saaro si ay u gumeysato, mar waliba si sharaf leh ayaa diinta, dadka iyo dalka loo daafacay oo waatan maanta ina keentay in aan markale taariikhda casharadeeddii qaaliga ahaa aan ka raacano sidda aan uga bixi karno dhibaatada nalagu soo hurgufay, sidda kaliya ee aan uga guuleysan karno dabinta badan ee naloo daadshay waa anagoo ka kaaftoomna labo arin oo si joogta ah isula socday tan iyo intii la xasuusto: Qabiil iyo Qabiil loo xaadh xaadho inuu Qaran noqdo.

 

Si kastaa oo la isugu dayo inuu Qabiil Qaran noqdo waa adigoo isku dayaya inaad taraq iyo baasiin ku khamaara inaysan dab keeneyn, waa labo maado oo aan isku jaho loo adeegsan Karin, waxaan u baahan nahay inaan cadaawadda qabaa’ilka Soomaaliyeed isu hayaan ay ku jaheeyaan isla cadowgii qabaa’ilka Soomaaliyeed sidda ay u dhan yihiin u horseeday inay ka bixi waayaan cunaqabatayn dhaqaale, dagaalo aan lagu kala adkaaneyn, abaaro aan loo haysan gaashaan lagula tacaalo, mustaqbal beel ay ku sugnaadaan dhalaankiina iyo aakhirka oo khayraadkii aad ka gaajeysneydeen ee dhulkiina oo la iska dal dasho, cadowgaas waa Itoobiya ee dhaaf dhiiga Soomaali ee sidda macno daradda ah aad ku qubeysaan geesiyaal hadaad tihiin cadowgiina waa kaas ee xabadda dhinacaas u rida kana soo dhacsada xaqiina

 

Mahadnaq

 

Waxaan mahad qaali ah u direynaa dhamaan akhristayaasha Xisbigga oo sanadkan 2005 cadadkoodii kor u dhaafay 10,000 oo qof (waa dadka sidda joogtadda ah u akhriya qoraaladda Xisbigga tan iyo intii Xisbigga la dhisay, sanadkii hore bishiisii 8aad), waxaan kaloo uga mahad celineynaa shabagadaha wararka Soomaaliyeed ee wadaniyadda qaaliga ah noogu deeqay iyagoo qadarin iyo xilkasnimo intuba noo horseeday, waxaan shaki ku jirin in shabagadaha Soomaaliyeed ay maanta yihiin kuwo soo bandhiga aragtiyo qaali ah taasoo kaliftay inay ku khasabto dad badan oo aan horey wax u qori jirin inay maanta ka qayb qaataan doodaha socda ee loo baahan yahay in shacabku hormuud ka noqdo, hadaba waxaa naga go’an inaan mahadnaq u gudbino:

 

http://www.horseednet.com

http://www.midgaan.com

http://www.******.com

http://www.qaranimo.com

http://www.dayniile.com

http://www.banadir.com

http://www.somaliroots.com

http://www.radiowarsan.com

http://www.ceelbuurnet.com

http://www.somaliawatch.com

 

Sidoo kale waxaa mahad mudan darawaliinta Soomaaliyeed ee Taxiga magaalada Melbourne ka wada kuwaas oo Xisbiggan ka gacan siiyay xaga dhaqaalaha iyo daabacaada bishii April ee sanadka 2005.

 

 

Tixgelin

 

Gabayga aan ku bilaabeyno dooda Xisbigga Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya waxaa tiriyey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxaana ka soo xulaney buuga la magac baxay Diiwaanka Gabayga, daabacaadiisii koobaad.

 

Gabaygu wuxuu yahay mid murtidiisa ay maanta ina khuseyso haba ahaado mid markii la tiriyey lagu qiyaaso inay ka soo wareegtay in ka badan sideedan sano (80 sano), wuxuuna mataal ka dhigayaa sida wakhtigaas wixii ka dambeeyey arimihii Aabayaasheena inooga digeen ay wali taagan yihiin oo aaneysan jirin wax iska badalay, siiba arinka khuseeya shisheeyaha shacabka kala qaybiyey oo aad moodo wali inuu “gini gini†inagu kala sasabanayo.

 

Walow halgankii Sayidka uu ahaa mid dad badani ay siyaabo kala duwan iu kala safireen hadana waxaan shaki ku jirin inuu cashar badan walibana u badan layli uga tagay shacab weynaha Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Jananka caanka ahaa ee dalka soo maray qarnigii 20aad, Allaha u naxariistee Maxamed Faarax Caydiid wuxuu ahaa geesi Soomaaliyeed oo iskala weynaa inuu shisheeye u adeego, dadka ugu yeeraa inuu ahaa nin wax xasuuqay waa dadka inta badan raaliga ka ahaa inay sharaftooda ku iibsadaan qiimo aan gaareyn hal gini, balse Jananku wuxuu tusaale u ahaa una yahay nimanka maanta jooga ee ciwaanka aaneysan istaahilin qaatay sida Abaanduule hadana cadow hoosta ku wata.

 

Waa in taariikhda la ilaaliyaa lagana asturaa inay madoobeeyaan raxanta astaanteedu habeensigu tahay, shacabkana waa inay ka madax banaanaadaan aboorkan ku tarmaya dibu dhaca, waa in dhallinta iyo ardeyda ay u adeegaan afkaar iyo himilo u soo jiideysa xornimo ilaa heer qaranimo buuxda ah, iskana ilaaliyaan inay u jilcaan ulajeedo daxal salka ku haysa, sidee ayaa cawaan hormuud kuugu noqon karaa adigoo dhinac walba ka horeeya damiinkan sharaftaada qiimo tirey, ku biir Xisbigga Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya una horseed Diintaada, Dadkaaga iyo Dalkaaga jidkii aad ku adkeyn lahayd xidhiidhka u dhexeeya oo ah mid waayadan dambe badhax laga dhigay

 

-----------------------------ALLAA MAHAD ISKA LEH----------------------------

Ciwaanka aad kala soo xiriiri karto Golaha Shacabka:

 

GolahaShacabka@hotmail.com

 

Qore: Liibaan Cabdi Daahir, LiibaanGeeddoon

Gudoomiyaha Xisbiga Ahna Xoghayaha Afkaarta Xisbigga

(Party Leader and Secretary of Party Ideology)

 

Saxaafadda: Maxamed Shiikh Nuur, Xoghayaha Sare ee Saxaafadda Xisbiga

(Chief Party Press Secretary)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this