Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

The city of the milky lakes

Recommended Posts

war miya walantaheen misa ana walan. out of the three regional capitals of sool, sanaag iyo cayn, two are part of puntland solely because of the will of the people of these regions and one has no agreed upon administration. The first two are Buhoodle and Las Anod. the other, Erigavo, is more complex. Erigavo's four clans agreed long time ago to put peace above all and remain neutral until they can reach a comprehensive agreement. Thanks in large part to the reluctance of puntland adminstration (The Puntland Vice President is from this city) to start wars, the situation has remained so. Among the three, Erigavo is the only one we can argue about which of the two states its part of becouse argueing about where Las anod and Buhoodle belong is a stupendous exercise in silliness. Rudy, on one hand you insult this city of Las Anod and on the other, you make it seem as though what only matters to you is that it is a Somali city. Whatever the case, I understand your problem is with Puntland and not Las Anod, like many other people here. I fail to understand this. I can see that few Somalis, in an effort to seem fair to Somaliland, equivocate two completely different entities. This has to be the case if this hatred of puntland is anything but that famous Somali couse of hating for the sake of hating. I can only encourage people to staop this and to educate themselfs about what puntland stands for.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Wadanku muxuu la baaba'ey ayaa la isweydinayaa! ciyaalka xaafada xitaa iney masiirka umada kataliyaan ayey doonayaa! Aduuni Khatal ayuu yiri Adan Galaydh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khudbaddii Garaad Jaamac Garaad Cali, Khudbaddii Qarnigan.

 

 

Jun 02, 2006 By:C/casiis Saleebaan Axmed

Faallo(Radiossc.net):- Akhristayaal waxaa 22kii bishii aynu soo dhaafnay ee May Lagu Caleema Saaray Dooxada Geedda Qarsay ee Magaalada Laascaanood Garaad Jaamac Garaad Cali oo noqday Garaadkii 19aad ee Garaadtooyada SSC ugu faca weyn, waxaanu Garaadku Xafladdii caleema saarkiisa ka Jeediyey Khudbad lagu macneeyey in ay ahayd tii qarnigan.

 

Haddaba waxaanu akhristayaasha halkan ugu soo bandhigaynaa Khudbaddii Garaad Jaamac Garaad Cali oo qoraal ah, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa markii codbaahiya lagu soo dhaweeyey ku bilaabay Haddalkiisii sidan.

 

“Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Madax dhaqameedka, madaxda Maamullada, Culimada, Abwaanada, Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo shacab weynahaba, waxaan dhammaantiin idinku salaamayaa Salaanta Islaamka ee Asalaama calayku waraxmatu Laahi Warabakaatuhu.

 

“Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa si weyn u naafowday Noloshii Bulshada Soomaliyeed, xagga maamulka, xagga nabad galayada, xagga Horumarka, Xagga bulshada, sidoo kale waxaa lumay kala danbayntii, xushmadii iyo Hab-muumuuskii Soomaalidu haybadda u lahaydâ€

 

“Waxaa lumay dhismahii dhaqanka, ku dayashidii wanaagsanayd, sidoo kale waxaa lumay Haybaddii, Gobonimadii, iyo Marti soorkii magaceenu ku dhisnaa ee Soomaalâ€

 

"Waxaan meel kastoo Soomali ay joogto ugu baaqayaa Nabad galyada, Midnimada, israaca, kalsooni, calool fayoobaan, sidoo kale waxaan bahweynta Soomaaliyeed u caddaynayaa in Mandaqadda Nugaal Godan, Sanaag, Sool iyo Cayn ee Fadhigaygu yahay ay waajib igu yeelayso in aan Soomaali isku baadi goobo, si waafaqsan Diinta iyo dhaqanka Soomalaiyeedâ€

 

“Waxaan soo dhaweynayaa Wada tashiga, Wada Noollaanshaha, is dhex-marka, is-taageeridda, iyo isku tiir-sanaanta Bahweynta Soomaliyeed min qoys ilaa Qaran, Sidoo kale waxaan idiin ballan qaadayaa in aan heegan u noqon doono Danta Ummadda Soomaaliyeed, anigoo ku shaqaynaya haddii alle idmo la tashiga Isimada si waa faqsan xilka maamul ee aan dhaxlay, sida ku cad Xeerarka, Diiwaanka, nimaadka Boqortooyadan Aasaaska u ahaa ee aan ka soo gaadhay Aaabayaashay iyo wixii ay Aaabayaashood ka dhaxleenâ€

 

“Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan si gaar ah bulshada deegaankan SSC ugu adkaynayaa in ay ka fogaadaan Is khilaafka iyo xurgufaha yar yare ay sababtey Qoodhi xero kuma heshiiso, waxaana ku Bogaadinayaa sida ay Ummadda Soomaaliyeed uga danbi la yihiin haddii dagaal iyo burbur dhacay, waxaana lee yahay Waa la doogi yaan la dacaroonâ€

 

“Haddii Alle idmo waxaa aynu furi doonaa Xarun wada tashi dhaqan oo aan filayo in ay horay inooka maqnayd, gunna u noqota kala daadsanaanteena iyo tan guud Soomaaliyeedba, Garaad ahaan ma noqon doono Garaad ku milma Siyaasadda Soomaaliya, ee waxaan ahay Garaad Dhaqanâ€

 

Qaybtii Koowaad.

 

 

 

C/casiis Saleebaan Axmed

Radiossc.net

Laascaanood.

Gjaamac1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col. Tacabir 'Laascaanood Oo Go’doon Ahayd Ayaa Noqotay Xudduntii Dhabta Ahayd Ee Soomaaliya Isku Xidhaysay'

 

 

Jun 01, 2006 By:M. A. Noor (Jeenyo) - Radiossc.net

Abu Dhabi(Radiossc.net):- Waxaanu waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanay Col. Maxamed Cumar Cigaal (Tacabir) oo ku soo guryo noqday waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo uu si rasmi ah u deggan yahay, kana mid ahaa waftigii uu hoggaaminayey Prof. Cali Khaliif Galeydh ee ka qeyb gashay xafladdii Caleemo Saarka ee Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Col Tacabir iyo Cali Khaliif Oo Booqday Xafiiska Hay'adda SSHDA iyo Isbitaalka Laascaanood, xilligii ay Caleema Saarka Garaadka ka qayb Galayeen.

 

 

Ugu horreyna waxaanu waydiinay:

 

 

Su'aal: Col. waxaad nooga warrantaa xafladdii sidii ay u dhacday iyo xubnaha ka soo qeyb galay?

 

Jawaab: Waad mahadsan tahay, marka hore waxaan u mahad celinayaa shabakadda Warbaahinta ee Radiossc.net iyo howl wadeenadeeda gudaha iyo dibaddaba, gaar ahaan howl-wadeenada ku sugan Laascaanood, oo qeyb weyn ka qaatay howshii caleemo saarka Garaadka.

 

Haddaan u soo noqdo jawaabta su’aasha aad I waydiisay, guud ahaan xafladdii caleemka saarku si fiican ayay u dhacday oo aan la meyn kareyn, nabad galyana ah, farxad iyo kalgacal badan ayaa dhex maray dadkii munaasibadda ka soo qeyb galay, ergooyinku waxay ku dhawaayeen 3000 marka laga reebo shacabka SSC, oo si aan tiro lahayn uga soo qeyb galay, xoog iyo dhaqaale badanna u huray munaasibaddaas.

 

Su'aal: Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad is leedahay waa laga faa’iidey maxaa ka mid ah?

 

Jawaab: Waxaa ugu weyn ee laga faa’iiday waxay ahayd Laascaanood oo go’doon ahayd ayaa noqotay xudduntii dhabta ahayd ee Soomaaliya isku xidhidhaysay, waxaana u daliil ah, Soomaali oo dhan meel ay joogtaba ayaa wafuuddeedii Laascaanood ku kulantay munaasibaddaas darteed.

 

Su'aal: Col. Waxaa jirtay in xubno ka socdaay Maamulka Hargeysa ay ka qeyb galeen caleemo saarka, sidaad ogtahayna shacabka SSC waa Puntland, sidee u aragtaa arrintaas?

 

Jawaab: waxaan u arkaa arin caadi ah, sababtoo ah marka hore waa arin dhaqan oo caado u ah ummadda Soomaaliyeed inay ka qeyb gasho boqortooyooyinka asaliga ah caleemo saarkooda. Maamulka Somalilandna wuxuu khuseeyaa beelaha Waqooyi ee sameystay, laakiin Annaga wufuudda noo timid waxay ahaayeen Isimo iyo shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo beelahaas u dhashay, martina way noo ahaayeen, si sharflehna waa ku yimaaddeen waana ku tageen.

 

Su'aal:: Maamulka Puntland siduu uga qeyb qaatay howsha caleemo saarka?

 

Jawaab: Anagu wax qarsoodi ahaa war kama hayno, laakiin wax muuqda oo uu taray garan mayno.

 

Su'aal: taas ma waxaad uga jeeddaa goobta way ka maqnaayeen, Anagoo og in Madaxweyne Cadde Muuse iyo ku-xigeenkiisa Xasan Daahir Afqudhac ay kulanka caleema saarka goob joog ahaayeen?

 

Jawaab: Meesha waa joogeen, nimanka aad sheegaysid, laakiin maxay la yimaaddeen? maxayse la tageen ayaa lays waydiinayey?.

 

Su'aal:: Dhinaca kale Dowladda KMG ee Federaalka Soomaaliya ma jirtaa wax maamuus ah oo ay iyagu muujiyeen?

 

Jawaab: haa wafti ballaadhan ayaa ka timid oo uu hoggaaminayey Wasiirka Boosta iyo Isgaarsiinta iyo xubno ah xildhibaano Baarlamaanka Dowladda KMG oo beesha ka soo jeeda iyo wufuud tiro badan oo ay hoggaaminayaan Malaaqyo oo ka socotay Beelaha Digil iyo Mirifle oo kasoo kicitimay Baydhabo.

 

Su'aal:: Col. Waxaa jiray shaki siyaasadeed oo beeshu ama Maamulka Puntland qudhoodu ay ka qabeen waftiga aad ka mid ahayd ee Cali Khaaliif hoggaamiynayey, taas maxaad ka leedahay?

 

Jawaab: war heedhe waddankan hubka ugu xoogga badan ee dadku isticmaalaa Soomaaliya maanta waa BEENTA iyo XASARADDA, Annagu waxaanu u tagnay caleemo saarka Garaadka, iyadii ayaanu ka qeyb qaadaney, howl kalana kumaanaan jirin, dee ninkii wax ka soo saarayaa isagay jirtaa.

 

Su'aal: Taas macnaheedu ma waxaa weeye, Qoraalka digniinta ahaa ee ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland ee ku wajahnaa waftiga aad ka midka ahayd, waa ina wax kama jiraan?

 

Jawaab: Qoraalkaas waanu aragnay, wuxuuna ahaa macno darro, sababta oo ah wax siyaasad ah oo laga hortagaa meesha ma oollin, meesha aanu tagneyna waa dhulkagii ee deegaan kale maanu tagin, nin uu yahayba dhulkagaya iyo dadkeyga taladiisa ninna uga daba fadhiisan mayno.

 

Su'aal: Shakhisaadka Hargeysa ka yimid ee aad carrabka ku dhufatay, ma iyagaa iska yimid mise waa la casumay?

 

Jawaab: Maya waa la casumay, waxaana cusamay guddida guud ee calaamo saarka Garaadka.

 

Su'aal:: Sidaad u aragtaa fikira Garaadka cusub ee ku soo biiray maqaamka Garaaddada Soomaaliyeed, isagoo ah Garaadka guud ee beelaha SSC?

 

Jawaab: Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac waa Garaad ay ka muuqato inuu leeyahay aragti dheer (charisma) oo ah tii Aabbihii iyo Awoowgii lagu yaqaanay, intaas waxaaba ka sii weyn oo aan dareemay Anigu shakhsiyan inuu yahay nin karaamo badan, waxaan beelaha SSC kula talin lahaa inay Garaadkaas ka dambeeyaan, maadaama uu yahay nin shakhsiyaddiisa iyo sharafkiisaba dhowraya oo jecel dadka beesha u dhashay in aanay noqon dad cid kale hoos jooga.

 

Su'aal: Baaqa Garaadku Isimada ugu baaqay inay kulan ku yeeshaan Laascaanood sidaad u aragtaa?

 

Jawaab: waa baaq fiican dantuna ku jirto, waxaanan rajaynayaa in Isimada Soomaaliyeed ee Garaadku u baaqay ay Ajiibaan baaqaas, waayo nabad galyada nolosha dadka ayaa ku xidhan.

 

Su'aal: Dhinaca kale, Col. waxaad ka mid ahayd waftigii ballaadhnaa ee gaadhay Buuhoodle, kana qeyb qaatay soo afjariddii xurguftii dhexmartay beelihii ku dagaallamay Aangalo, bal arrintaas nooga xog warran?

 

Jawaab: Prof. Cali Khaliif iyo Anigu waxaanu tagnay Buuhoodle markii aanu mashaqada maqalnay, waana nasiib darro ah in dad wada dhashay oo meel wada yaalla in si sahlan xabadi uga dhex qaraxdo oo halkaas ay ku nafwaayaan rag qiimo iyo qaayaba dadka u lahaa, waa Ilaahay mahaddii dhibtii intaasay ku ekaatay, laakiin wali qodxo badan ayaa u baahan in la guro, dhaahin badana in laysa siiyo ayaa loo baahan yahay, dulqaad badanna in la yeesho ayaa loo baahan yahay.

 

Su'aal: Cali Khaliif oo yaraantiisii ka tagay Buuhoodle muddo hadda laga joogo 40 sannadood ka hor, maantana booqasho lama filaan ah ku tagay Buuhoodle, siday kula ahayd shucuurtiisu? Sidayse dadka Gobolkaasi u arkeen imaanshihiisa?

 

Jawaab: U maleyn maayo in Cali Khaliif 40 sannadood ka maqnaa Buuhoodle iyo nawaaxigiisa, balse waxaad moodaa inuu shalay ka tagay waayo isagaaba iga badiya Balliyada iyo Jidadka, dhulka oo dhanna taako taako ayuu u yaqaanaa, marna isma odhan kartid ninkan ayaa waddanka ka maqnaa muddo, waxaaba intaba ka daran dadka siduu u yaqaan, nin walba hooyadii iyo abtiyaashii iyo aabbihii iyo xigtadiisa ayuu yaqaan, ninkaasi waa nin mas'uul ah una dhashay SSC, dadka Gobolkuna waana soo dhaweeyeen iyagoo garanaya waxaanu isu nahay.

 

Su'aal: Ugu dambeyn maxaad shacabka SSC u soo jeedinaysaa?.

 

Jawaab: shacabka SSC waa shacab fiican oo aad u wanaagsan oo daacad ah oo diin leh oo dhaqan leh oo Soomaali weyn ah, waxaa kaliya ee loo baahan yahay waxaa weeye golaha Garaaddada oo Xarun mideysan yeesha, talada qoyskuna halkaas ka soo fusho.

 

 

 

 

 

M. A. Noor (Jeenyo)

Radiossc.net Desk News

tacabir1.jpgSSHDA8.jpgSSHDA7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhogor   

Garaad Cabdiqani will be missed, lets just hope the new Garaad will bring unity to Somalis like his predecessor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

May Garaad Jaamac Garaad Cali be a great Garaad like his predecessors and guide us throught these hard times for the Somali people. May he be a just leader who unites the Somali people. May he be a Somali patriot like those before him and never surrender to any injustice and lead us to all things good and rightious and away from all that is wrong in our nation today. Amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Originally posted by me:

May Garaad Jaamac Garaad Cali be a great Garaad like his predecessors and guide us throught these hard times for the Somali people. May he be a just leader who unites the Somali people. May he be a Somali patriot like those before him and never surrender to any injustice and lead us to all things good and rightious and away from all that is wrong in our nation today. Amiin.

AMIIN TO THAT ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this