Sign in to follow this  
General Duke

Borama : elder states cries out INJUSTICE at SNM gang over Awdal

Recommended Posts

Boorame, Jan 05 -“Madaxweyne Berri Tegaya Masiirkayaga Iyo Ka Caruurtayada U Iibin Mayno, Dadkayaguna Doorasho Gellimaayaan Waananu Gubaynaa Waraaqaha Diiwaangelinta Laftooda” Xuseen C. Warfaa, oo ka mid ah Odayaasha Reer Boorama.

 

Xuseen Cawaale Warfaa oo ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Reer Boorama horena mar uga ahaan jiray Maayer magaaladaasi, ka hor doorashooyinkii dawladdaha Hoose, ayaa sheegay inay wax garadka, Odayaasha iyo Aqoon yahanka Boorama ay ka arin sanayaan, isla markaana ay bayaan dhakhso ah ka soo saari doonaan natiijada diiwaangelinta gobolada, taas oo uu sheegay inay gobolka Awdal diiwaangelintu ka ahayd diiwaangelin, halka gobolada kalena uu ku tilmaamay inay ka ahayd Tiro Koob, taas oo uu sheegay in Caruurtii yar yarayd xataa la Diiwaangeliyey.

 

Xuseen Cawaale Warfaa oo u waramayey Idaacada Radio Horyaal ayaa si weyn uga soo hor jeedsaday Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socota Somaliland, taas oo uu sheegay inaanay u dhicin si caddaalad ah, isla markaana haddii wax laga qaban waayo aanay aqoonsanayn diiwaangelinta, gobolka Awdalna aanay ka dhici doonin wax doorasho ahi, waxa kale oo uu intaasi ku daray inay gubi doonaan waraaqihii diiwaangelinta ee ay qaateen.

 

Waraysigaasina waxa uu u dhacay isaga oo dhamays tiran sidan:-

 

Ma jirtaa inaad Qaadacaysaan Natiijada diiwaangelinta ee gobolka Awdal?

 

J: “Haa way jirtaa imikaan shirkeedii ku socdaa waxa weeyi arinta diiwaangelintii waxa loo badalay tira koob anaga waxay nagu soo martay wax la yidhaahdo diiwaangelintu 18 jir wixii ka hooseeya la diiwaangelin maayo waliba waxa weeyi dhibaatada naga soo martay Boqolaal jeerbaa sanaaduuqdii la bedalay oo haddii aan tusaale kuu soo qaato kii Abu-qays waxa la geeyey meel la yidhaa magaceedii baa iga baxsadaye lixda sanduuqba mid walba meeshiisii laga bedalay. Laba maalmood baan diiwaangelinta galay oo kaliya markay naga tagtayna dadkayagii waxaa is diiwaangeliyey 50%, 50na way hadheen, dabadeed markay naga tagtay ee ay Hargeysa tagtay waxaa loo bedelay tira koob caruurta gambadho lagu fadhiisiyey dadkii tirinayey baa goobjoog ka ahaa iyo hay’addihii taa waxaa ka masuul ah ciddii xilkaa loo dhiibay”

 

S: waxaad sheegtay in arinta tira koob loo bedalay, waxaad la socotay diiwaangelinta gobolbaa idinka horeeyey gobolka Saaxil buu ahaa oo diiwaangelin laga soo sameeyey gobolkii labaad baad ahaydeene Kumpuyuutarada is weydaartay iyo arimahan aad ka cabanaysaana gobol walba bilawga hawshaasi way ka dhacaysay waamaxay dareenka imika keenay arintaasi markii goboladii oo dhan diiwaangelintii oo gobolkii ugu dambeeyey uu maanta socdo sababta aad areenkan u keenteen?

 

J: “waxa keenay waxa weeyi diiwaangelin bay ahayd tira koob markay noqotay nin leh baa goosanaya waxa weeyaan sida aanu anaguna u noqonay 100. Burcana 400 u noqotay, Hargeysana Hal Milyan u noqotay dad kayagu ma ma dhalaysbaa adeer anagu mise goor walba cidhiidhi iyo cadaadis uun baanu ku jiraynaa waxa weeyi waan ka baxnay waxaad sheegaysaba, waanu ka baxaynaa arintan haddii wax laga badali waayaba”.

 

S: gobolada oo dhan diiwaangelin isku mid ah ayaa laga sameeyey ta kale cidan aad ku eedaynayso oo aad leedahay ciddii lahayd baa u tashatay madaxweynaha Somaliland waa nin ka soo jeeda gobolka Awdal waa masuulka ugu sareeya ee qaranka isaga ayaanay diiwaangelintu ka timid isagii illaa imika waa uu ku qanacsan yahay wixii ka soo baxay markaa miyaan la odhan Karin wixii aad shalay doonayseen baad maanta diidaysaan?

 

J: “anigu Somaliland ma diidanin horena waan u doonayey inaan doonayeyna adaa ogoo meel walba waan u maray Somaliland jiritaankeeda laakiin ma ogoli in Somaliland lagu baabiiyo masiirka iyo aayaha ubadkayga iyo aniga kayga in lagu baabiiyo marabo oo dad dan lihi ay ku baabiiyaan madaxweynahana ubadka reer Awdal u iibin mayno barituu xilka ka degayaa waxa weeyi nalagu beerlaxawsan maayo oo arintu waa sidaasi haddii wax laga badeli waayo yeeli mayno haddaaban ku leeyahay”.

 

S: Madane xuseen waxaad sheegtay in 50% dadka reer Awdal is diiwaangeliyeen gobolada kalena waxaaba la leeyahay 30% iyo 40% baa is diiwaangeliyey markaa meesha 50% is diiwaangeliyeen najax bay u muuqanaysaa Sababata aad imika u diidantihiina waxaad tidhi tirooyinkan gobolada ay soo baxeen ayaa walaaca keenay miyaan la odhan Karin markaa idinka ayaa arintaa ku degdegay?.

 

J: kumaanaan degdegin oo waxaa la yidhi haddaan ciyaarta maxaygaa loo lahayn habeenkii maxaa loo tumanayaa gambadho iyo kuraas baa la dul saarayey caruurta yaryar waxaana weeyi caddaaladda is diiwaangelintuna sidaa maahee 18 jir wixii ka sareeya ayaa is diiwaangeliya markaa waxaan ku idhi anaga dumarkayagu madhalays maaha. Illaa 1969-kii waxaa halkan waxaa halkan ka footaysay 34,000, Hargeysana sidaa si leeg bay ahayd anagu Somaliland waxaanu nahay organ-ka kaliya ee u daacada ayaanu nahay, balse waxa weeyi tartan siin qabiil qaran laguma noqdo, haddii wax laga badali waayo waanu ka baxaynaa Somalilandna Jiri mayso haddaan ku leeyahay”.

 

S: Xuseen waxaad sheegtay hore in Togdheer iyo Hargeysa’aad uga badanaydeen markaa dadku waa ay isyaqaanaan xuseen markaa miyaad aaminsantahay in tirada ka soo baxaday Hargeysa iyo Togdheer aad ka badanaydeen haddaad reer Awdal Tihiin?

 

J: Maya ma aamin sanin inaanu ka badanahay, xaqiiqda ayaanu ka dulaynaa kama badnine way naga badan yihiin, laakiin waxa weeyi xaq inta ay leeyihiin ha qaataan anaguna intayada aanu qaadano waxa weeyi cadaalad baanu rabnaa anagu”.

 

S: Xuseenoow goboladan dhexe haddii ay ka dhacday da’da la diiwaangelinayo in ka yar la diiwaangeliyey waxa la inoo sheegay oo uu komishanku inoo sheegay in servarka marka dadka la geliyo uu kala saarayo cidii markaa aan ku haboonayn intii loo qorsheeyey uu ka saari doono taa miyaad ku qanci ladihiin?.

 

J: Anuu ma maqal waxaa aad sheegayso naloomana sheegin waxa weeyi marka hore maxaa loogu ogolaaday ayaa meesha taala doqon waxaa la yidhi waana la siraa waana la sababaa waana lagaga baxaa waxa weeyi anagu inta aanay waxaasi dhamaan, haddii Conclution hagaagsan aan helno oo caddaalad ah waxba kama qabno Somaliland waanu nahay anaguun nalagu dili maayee waan diidnay dadkayaguna doorasho galimaayaan waananu gubaynaa waraaqaha laftoodaba”.

 

S; Arintan maad ka wada socotaan masuuliyiintiina dawladda ku jirta iyo shacabkaba miyay ku wada socdaan wasiiradii xukuumadda ee gobolka ka soo jeeday miyay kula socdaan?.

 

J: “Wasiiro ma rabno wasiiradu waa daba ******yo ma rabno madaxweynuhuna isagu jiritaankiisuu ka hadlayaa anaguna eedayn mayno laakiin waxa weeyi wixii waday diiwaangelinta ayaa xadkii ka leexday namana khuseeyaan”.

 

S: Waxaad ii sheegtay inaad ku socoto shir maxaa idiin go’aana ee idiin meel yaala hawsha diiwaanglintu waa gebogabo waxaana la gelayaa doorasho?

 

J: waxaa noo go’aan ah degdeg baan baaq u soo saaraynaa, Saylac ilaa lughaya ilaa iyo waxa gobolka Awdal jooga ma galayaan doorasho haddii wax laga bedeli waayo qabiil ma kala adka”

 

S: Xuseenoow dadku waa dad isku mid ah waa dad Somaliland ah gobolo uun baa la kala degan yahay dad kala maarmaya oo meel kala tagaya maaha waxaa dad badani is weydiinayaan sababta xiligan keentay inay tahay maadaama ay doorashadii soo dhaw dahay oo arintaa madaxweynaha soo bixitaankiisa dambe ay aad uga dayrinayaan ayaa arintan keentay oo jirto qiiq isku qarin wayni taas miyaan la odhan Karin?

 

J: Ma anaga? Anagu Qiiq isku qarin mayno waxa weeyi wixii cadaalad ahna diidi mayno madaxweynuhuna waa gobolka Awdal, Madaxweynaha Masiirkayaga iyo masiirka caruurtayada u iibin mayno waa sidaas oo baruu baxayaa waxa weeyi cadaalad baanu rabnaa.

 

Arintan ayaa ah mid ay inta badan dadka ku nool gobolka Awdal ay aamin san yihiin in diiwaangelintu gobolada kale lagu shubtay, taas oo ka dhalatay kadib natiijooyinkii diiwaangelinta ee gobolka Togdheer oo ay ka soo baxday tiro xukuumadda Rayaale aanay filanaynin, taas oo ku kaliftay xukuumaddu inay gobolka Sool iyo Sanaag oo aan qorshaha diiwaangelinta hore ugu jirin ay ogolaato inay bixiso kharashka ku baxaya hawl wadeenada diiwaangelinta si ay halkaa uga soo baxaan codad lagu dheeli tiro tirooyinka ka soo baxay Togdheer iyo Hargeysa.

 

Il - somaliland.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

J: “waxa keenay waxa weeyi diiwaangelin bay ahayd tira koob markay noqotay nin leh baa goosanaya
waxa weeyaan sida aanu anaguna u noqonay 100. Burcana 400 u noqotay, Hargeysana Hal Milyan u noqotay dad kayagu ma ma dhalaysbaa adeer anagu mise goor walba cidhiidhi iyo
cadaadis uun baanu ku jiraynaa waxa weeyi waan ka baxnay waxaad sheegaysaba, waanu ka baxaynaa arintan haddii wax laga badali waayaba”.

:eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

J: “anigu Somaliland ma diidanin horena waan u doonayey inaan doonayeyna adaa ogoo meel walba waan u maray Somaliland jiritaankeeda
laakiin ma ogoli in Somaliland lagu baabiiyo masiirka iyo aayaha ubadkayga iyo aniga kayga in lagu baabiiyo marabo oo dad dan lihi ay ku baabiiyaan madaxweynahana
ubadka reer Awdal u iibin mayno barituu xilka ka degayaa waxa weeyi nalagu beerlaxawsan maayo oo arintu waa sidaasi haddii wax laga badeli waayo yeeli mayno haddaaban ku leeyahay”.

Oodweyne whats injustice is taking place, are the SNM keeping the people of Borama down, are they counting fake numbers? :mad:

 

We need answers people...

Share this post


Link to post
Share on other sites

S; Arintan maad ka wada socotaan masuuliyiintiina dawladda ku jirta iyo shacabkaba miyay ku wada socdaan wasiiradii xukuumadda ee gobolka ka soo jeeday miyay kula socdaan?.

 

J: “Wasiiro ma rabno wasiiradu waa daba ******yo ma rabno madaxweynuhuna isagu jiritaankiisuu ka hadlayaa anaguna eedayn mayno laakiin waxa weeyi wixii waday diiwaangelinta ayaa xadkii ka leexday namana khuseeyaan”.

It seems some people are trying to create permenent realities on the ground and the elder and his group have woken up..

 

Its shame.. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Duke's overall message:

Mogadishu = clan courts.

Hargeisa = SNM gang

Bosasso = Somalia

 

Simple yet (if repeated enough ) deadly . :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Originally posted by Johnny B:

Duke's overall message:

Mogadishu = clan courts.

Hargeisa = SNM gang

Bosasso = Somalia

 

Simple yet (if repeated enough ) deadly .
:D

:D:D:D LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke message is simple, whats good for one is good for all. The people of Borama will want what those in Burco want, to be treated with respect and dignity.

 

Also lads if Somalia is divisable so si secessionistland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by General Duke:

“waxa keenay waxa weeyi diiwaangelin bay ahayd tira koob markay noqotay nin leh baa goosanaya
waxa weeyaan sida aanu anaguna u noqonay 100. Burcana 400 u noqotay, Hargeysana Hal Milyan u noqotay dad kayagu ma ma dhalaysbaa adeer anagu mise goor walba cidhiidhi iyo
cadaadis uun baanu ku jiraynaa waxa weeyi waan ka baxnay waxaad sheegaysaba, waanu ka baxaynaa arintan haddii wax laga badali waayaba”.

No hold on. The man did not say anything wrong. He is just displeased with the voter registrations in Awdal. I think it's fair out cry. About 133,000 registred in his home state while Burco and Hargeysa were far superior, that doesn't mean rer Awdal do not reproduce in less of Hargeysawis and burcawis, but rather teh the quees were lil shorter in Awdal. Better luck next time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by General Duke:

J: “waxa keenay waxa weeyi diiwaangelin bay ahayd tira koob markay noqotay nin leh baa goosanaya
waxa weeyaan sida aanu anaguna u noqonay 100. Burcana 400 u noqotay, Hargeysana Hal Milyan u noqotay
dad kayagu ma ma dhalaysbaa adeer
anagu mise goor walba cidhiidhi iyo cadaadis uun baanu ku jiraynaa waxa weeyi waan ka baxnay waxaad sheegaysaba, waanu ka baxaynaa arintan haddii wax laga badali waayaba”.

Classic Somali response 1231_hysterically_laughing.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this