Sign in to follow this  
Jumatatu

MAGAN AHMED MUCJISADII KUBADA MIISKA (TABLE-TENNIS)

Recommended Posts

Jumatatu   

Mahada_tenis.jpg

 

Somaliweyn -- 03/12/05

Akhristoow ii ogolaw in aan halkan idiinku soo bandhigo wacdarihii uu Magan AHMED ka muujiyay cayaarihii kubada miiska ee kadhacay dalka Holland .

Waxaa dhowaan lagu qabtay magaalada Breda oo ku taala dalka Holland cayaarihii kubada miiska oo ay ka soo qayb galeen 12ka cayaartooy ee ugu wanaagsan dalka Holland. Cayaarahaas kubada miiska oo ahaa kalikali , waxaa ka soo qaybgalay dhamaan dadwaynaha xiiseeya kubada miiska , iyo waliba shirkado u badan wadamada Europe, gaar ahaan kuwa iibiya qalabaadka kubada miiska

Waxaa kaloo iyagana goobjoog ka ahaa goobtaas tababarayaasha ugu wanaagsan dunida si ay u qiimeeyaan cayaartooygii ugu wanaagsanaa dunida , gaar ahaan kubada miiska.

Waxaa Semifinlekii isugu soo baxay Magan Ahmed oo u cayaara kooxda FTT FRANIKEN IYO JAROEN KEUPER oo u cayaara FTT NIJMEGEN. Dhinaca kalena waxaa isugu soo baxay TONIE HEJNEN oo ka socday kooxda ZWOLLE iyo YAN KOOSTRA oo ka socday magaalada LEEUWARDEN. Waxaa hadaba Finlekii isugu soo baxay Mr Magan iyo Jaroen Keuper oo ay isla soo gaareen 5cet. taasoo kuu muujinaysa cayaartaasi sida ay u macaanayd , cetkii ugu danbeeyayna waxa uu ku dhamaaday 16-14 oo ay guushu kuraacday Mr Magan Ahmed.

Waxaa akhristoow aanay marnaba maskaxdoodu ka bixi la-dahay dadwaynihii cayaartaas daawanayay , sida quruxda leh ee u Mr Magan u cayaarayay , iyo isaga oo waliba 11kii cayaartooy ee kale kuligood ka wada badiyay.

Waxaa kaloo uu akhristoow Mr Magan mutaystay in ay shirkado badani ka codsadeen in uu u xayaysiiyo qalabkooda ay ku soo bandhigaan dunida.

Waxaa ilaa hada uu Mr Magan ogolaaday in uu u xayaysiiyo shirkad la yiraa 4STER oo ah shirkad shaqada u raadisa dadwaynaha ku dhaqan Holland.

 

Waxaa kaloo la gudoonsiiyay Mr Magan bilad sharaf iyo cayaarwanaagii sanadka 2005 ugu wanaagsanaa qaarada Europe.

 

Mar aan hadaba kula xiriirlay khadka telefonka waxaa uu Mr Magan ii sheegay in uu aad u jeclaan lahaa in uu mar uun arko isaga oo masalaya wadankiisa Somalia.

 

Waxaa kaloo Mr Magan ii sheegay in uu dhowaan u kala diri doono qalab Sport dhamaan gobolada Somalia iyo waliba dhalinyarada Somaliyeed ee kala dagan wadamada sedexaad. sida Africa iyo midlde -east.

Waxaa hadaba Akhristoow ogaataa in ay umada Somaliyeed ay leedahay dhalinyaro mustaqbal kuleh dunida , gaar ahaan cayaaraha , waxaa kaliya een u baahanahay waa dhiiri galin, iyo in la dhiiri galiyo dhamaan dhalinyarada soo ka caysa.

Waxaan ka codsanayaa war baahiyayaasha in ay si aad ah isku xilqaamaan si ay u taageeraan qof alle qofkii doonaya in uu horumar ka sameeya Sportiga ama cayaaraha .Cayaaruhu waa waxa kaliya ee umada Somaliyeed Midayn kara , isuna keeni kara. Somaliduna aad ayay u xiisaysaa Cayaaraha .

Waxaa hadaba akhristoow amaantaa mudan dhamaan masuuliyiinta iyo dhalinyarada xiisaysa cayaaraha .

Waxaa aad u wanaagsan in aan barano iskuna taxalujino barashadooda iyo waliba in aan dhiiri galino dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee aan magacooda laga aqoon dunada. Ma-aha kaliya in aan isku taxalujino RONALDIINHO. Mana xuma in aan barano Ronaldiinho, lakiin aan dhiiri galino cayaartooydeena yar yar ee soo kacaysa. Mahadsanidiin. La soco fikradaada waad soo dhiiban kartaa , oo waliba mid ka duwan hadii aad hayso.

 

Mahada_tenis_3.jpg

 

Mahada_tenis_5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this