Sign in to follow this  
Saalax

Dr.Gaboose declares his ambition to become the future leader of Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

2i9ph0k.jpg

 

Dr.Gaboose Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday In Hamigiisa Siyaasadeed Yahay Inuu Mar Uun Noqon Doono Madaxwayne Somaliland

Hargeysa(Oodweynenews) – “Yurub caruurtu marka ay yaryartahay waxa la yidhaahdaa, maxaad doonaysaa inaad noqoto Mustaqbalka?, Qaarba waxay bay ku jawaabaan, midbaa yidhaahdaa, anigu waxaan jeclaan lahaa inaan dhakhtar noqdo, anigu waxaan jeclaan laha inaan askari noqdo, mid kala waxa uu yidhaahdaa anigu waxaan jeclaan lahaa inaan madaxwayne noqdo sida Obama oo kale ah, aniguna mabda’ayga idinka qarin maayee, halkuu Siilaanyo gaadhay ayaan doonayaa inaan gaadho.” Sidaa yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Yusuf (Gaboose), oo hadalkaa ka sheegay shirjaraa’id oo isaga iyo Wasiiro kale ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa Hargeysa.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa kale oo uu ka hadlay mowqifiisa ku aadan ururadii siyaasadeed ee uu ku doodi jiray, “Anigu in ururo siyaasadeed la furo waa mabda’a aan aaminsanahay waa mabda’a uu Madaxweynuhu aaminsan yahay intooduba waxay ku soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeed oo ay ku ololeeyeen oo ay lahaayeen codkiina na siiya haddii aanu soo baxno ururada waanu furaynaa.” Ayuu yidhi yidhi Dr. Cabdi Gaboose,

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Ururada siyaasadeed oo la furaa waxa ay la imanaysaa guulaha ugu waaweyn ee dalkeena horumarkiisa siyaasadeed, waxay siinaysaa fursada boqolaal masuul noqon kara oo karti, dadnimo iyo qiyam siyaasadeed leh oo jid ay u maraan inay dalkooda hogaan ka noqdaan la’aa.”

Waxa uu tilmaamay in furista Ururada siyaasadeed ay qayb ka qaadanayso xoojinta dimuqraadiyada, “In albaabada loo furo oo ay is-tijaabiyaan oo uu halyey fiicanina ka dhex dhalan karo, arintaasi waxa ay xoojinaysaa dimuqraadiyada dalkeena ee curdinka ah waayo xisbi waliba marka uu si ogaado inta ku waddada jirtaana tahay in is-ogol, waayo kaan ogolaynina uu urur ka furan karto.” Ayuu yidhi Dr. Caboose.

Dr. Caboose waxa uu hoosta ka calmaadiyey in xisbiyada jiraa ay ku dadaalayaan inay is-dhisaan, “Xisbi walba waxa uu ku dadaalayaa in uu dhiso, gudihiisa, barnaamijkiisa iyo wadajirkiisa, tartankana meel fiican ka galo. Xisbi furashaduna may ahayn hebel iyo hebel xisibi loo furayo ee waxay ahayd xuquuq ummadda somaliland oo dhan mugdi kaga jirtay oo xisbiga Kulmiye uu balan qaaday.” Ayuu hadalkiisa ku so af-meeray Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Yusuf (Gaboose),

Arrinta uu ka dhawaajiyey Dr. Maxamed Cabdi Yusuf (Gaboose), ayaa daaha ka rogaysa hanka iyo damaciisa siyaasadeed halka uu gaadhsiisan yahay, isaga ka mid ah siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee Somaliland ee inta badan ku soo jiray saaxada siyaasada, isla markaana dhibaato kasta u soo maray inuu ka midho-dhaliyo ujeedooyinkiisa siyaasadeed uu hiigsanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I told you guys. he is a nutcase.

 

Kulmiye has already a runner up for Riyaale, he is called Muuse Biixi, ex warlord, ex tribal leader, ex pilot, ex UDUB. Now you have Gaboose. I dont think Kulmiye needs any opposition coming years.

 

UDUB ha iska nasato.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Land_Soldier, who said he will run for kulmiye? it says his only having ambitions to become the next future leader of somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warlord Muuse Biixi is the uncle of Xaji Xunjuf. Xaji was prebaring himself for Madaxtooyada as gacanyare.

 

Now his dreams are turned to ashes by Dr.Gaboose.

 

So, I wanna know what Xaji things.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this