Sign in to follow this  
General Duke

Beledxaawo: Al Shabaab retatake town from Barre Hiiraale led militia

Recommended Posts

Dagaal xoogan oo ka socda degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

 

Balad Xaawo: (Sh. M. Network) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa Magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo halkaasi oo maalmo ka hor ay qabsadeen ciidanka dowladda KMG.

 

Wararka laga helayo degmada Balad Xaawo ee gobolkaasi Gedo ayaa sheegaya in abaaro 6-dii maqribnimo oo qadar 20 daqiiqo ah dhiman degmadaasi ay weeyay ku soo qaadeen ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyadoo xiligaasi kadibna dagaal xoogan xoogan uu ka dhex qarxay gudaha Magaalada.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka xoogiisu haatan uu ka socdo bartamaha degmada Balad Xaawo, waxaana labada dhinac ee dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hub aad u cul culus.

 

Qaar ka mid ah dadka ku noolaa Magaalada ayaa isaga cararay halkaasi kadib markii galabta ay ka warheleen saan saanka dagaal ee Al Shabaab ay ku soo qaadeen degmadaasi Balad Xaawo.

 

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo cid u hadashay dhinacyada dagaalamay hase ahaatee wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Shabelle,net hadii uu Illaah inoo saamaxo.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looooooooooooool

 

Barre Hiiraale carar hakujiro waligiis. He has not spent spent 24 hrs in the city and the warlord is on the run again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarakada al-Shabaab ayaa dagaal culus ku qaadey magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo halkaas oo maalmo ka hor ka baxdey gacantooda, dagaalka oo bilowdey gelinkii danbe ee Maanta (Khamiis) ayaa ahaa mid aad u xoogweyn, waxaana Shabaabku ay magaalada ka soo galeen ilaa dhawr jiho, iyada oo markii danbe gudaha magaalada la isla galay.

 

Xiriiro aan la samayney magaalada Beled Xaawo iyo Mandheera ee dalka Kenya ayaa Horseed Media loo sheegay in ciidamadii isbahaystey ee ahlu-sunnah iyo Dawladda Federaalku ay u baxeen dhanka Waqooyi, waxaana hadda magaalada gacanta ku haya ciidamadii al-Shabaab.

 

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalka, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jiraan meydad magaalada dhexyaala kuwaas oo ahaa dhinacyadii dagaalamaayey.

 

Shan maalmood ka hor ayaa xoogaga isa soo bahaystey oo uu hoggaaminaayo Barre Hiiraale ay xoog uga saareen ciidankii al-Shabaab oo muddooyinkii la soo dhaafey halkaas ka ariminaayey.

 

Ciidanka Dawladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunnah ayaa saldhig ku leh degmada Doolow ee xadka Itoobiya, halkaas oo ay markii hore ka soo duuleen.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Originally posted by Che -Guevara:

^Yes, AS kicked his behind back to his Woyane masters
:D

hehehe since when the ssdf boys become AS supporters? Ileen waa ayaga wada faraxsane

Share this post


Link to post
Share on other sites

LooooooooL@ssdf boys.

 

I'm happy when AS shows any dabaddh!l!f the door whether be Hiiraale, Geedi, Yeey Amxaari or any warlord including Sharif. Hiiraale is quintessential dhabal!l!f like his peers.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Che, awoowe adigu AS waligaadba raacsaneed laakiin xertaan aashuunka ku adimaayo i know the 4 -4-1 eey ciyaarayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Dont make it worse for old Hiiraale now, just keep quite and the let the story die down.. :D

 

As for Che, Al Shabaab are tough in them parts, they got a beating in Galgala as you are well aware..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabaab is the strongest force in Southern Somalia. They can easily defeat the government and warlords were it not for the AU, the real question is, what will they do with Puntland (and Somaliland)?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this