Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Second suicide bomber

Recommended Posts

Second suicide bomber in somalia history

 

Weerar uu fuliyay ruux naftiis hure ah oo lagu qaaday ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh xaruntii hore ee Asluubta.

Posted to the Web Apr 19, 15:38

 

 

Muqdisho:-Qarax xoogan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay xaruntii hore ee ciidamada Asluubta oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia, waxaana la sheegaya in qaraxa uu ahaa mid uu fuliyay ruux naftis hure ah.

 

 

Waa weerarkii 2aad oo maalin gudaheed lagu qaado ciidamada Ethiopia ayadoo maanta weerar loo adeegsaday miino lagu aasay wadada dacalkeeda lagu qarxiyay kolonyo ciidamada Ethiopia ay leeyihiin.

 

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ruux naftii hure ah oo kaxeysanayay gaari miineysan uu isku qarxiyay fariisinka ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin xarunti hore ee asluubta.

 

 

Lama garanayo khasaaraha ka soo gaaray qaraxaasi,hayeeshee waxaa lagu soo warramayaa in dhawr gaari ay gubatay tiro askar ahna ay soo gaartay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

 

 

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan istishhaadiga ah oo noqonaya kii 2aad oo ceynkiisa oo ka dhaca magaalada Muqdisho,bishii hore ayay ahayd markii ruux naftiis hure ah uu isku qarxiyay fariisin ciidamada Ethiopia ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcirfiid.

 

C/qaadir Osman

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Gaari Tiknika ah oo ka tirsanaa ciidamada DFKM oo ku biiray xoogaga muqaawamada.

 

Muqdisho 18 Abriil 07 (Beerdhiga ) Baabuur Bagaasa ah oo uu saaran yahay qoriga suuga oo labo dhuumood ah ayaa maanta abaarihii 5:45 ee galabnimo ku soo biiray xoogaga muqaawamada.

 

Gaarigan suuga ah ayaa waxa uu ka soobaxay jidka sayid, kaasooy dad badan wada arkayeen isaga oo ka soo dhaadhacaya wadada sayidka.

 

Ilo ku dhow dhow muqaawamada ayaa beerdhiga u xaqiijyay in xoogaga muqaawamdu gudoon siinyeen abaalmarin, abaalmarintan ayaa lagu sheegay inay ka danbeysay go’aanka wax ku oolka ah ee uu gaaray waduhu waa sida hadalka loo dhigaye.

 

Wadaha baabuurkan ayaa ahaa nin dhalin yara ah oo da’diisa lagu qiyaasay ilaa 26-sano.

mar la waydiiyay waxyaabaha ku kalifay ayaa waxa uu ku jawaabay kadib markii uu la kulmay maalin maalmaha ka mid ah gabar soomaaliyeed oo xijaaban oo indha shareerna qabtay qaar askarta ka mid ah ay ku yiraahdeen gabadhii dhig indha shareerka, markii ay dhigtay kadibna ay ku yiraahdeen xijaabkana dhig.

 

Gaarigan suuga ah ayaa intii uu marayay wadooyinka magaalada muqdisho ay shacabku ku soo dhaweynayeen takbiir, iyagoo istubayay dhamaan jidadka uu baabuurku marayay.

 

http://www.beerdhiga.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Gaari Uuraal ah oo ciidamo Itoobiyaan ah sida oo lagu gubay agagaarka Lafoole.

 

Muqdisho 19 Abriil 07 (Beerdhiga ) Intii u dhexeysay 9:00-9:30 subaxnimo ayaa gaari Uuraal ah oo sida ciidamo Itoobiyaan ah oo kusoo jeeday magaalada Muqdsiho miino lagu qarxiyey meel ku dhow kulliyada Macalimiinta ee Lafoole taas oo keentay in gaarigu gebi ahaanba burburo, waxaana lagu wadaa in ciidankii saarnaa ku baaba'ay.

 

Goobjoogayaal ku sugnaa goobtaas xiliga qaraxu dhacay ayaa iyaguna sheegay in qaraxu saameeyey gaari kale oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya lamana oga inta uu la egyahay khasaaraha gaaray iyo cida wax ku noqotay midna.

 

Goobjooyaashu waxaa kale oo ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay hareereeyeen goobtii qaraxu ka dhacay wadadana ay xireen.

 

Dhinaca Kale, warar xog-ogaal ah ayaa sheegay in gaari Uuraal ah xoogaga muqaawamadu ay xalay waxyeelo ku gaarsiiyeen isgoyska Cali Kamiin halkaas oo la sheegay in uu weli yaalo. wuxuuna gaarigan ka mid ahaa laba gaari oo isku dayeysay maqribkii ka dib in ay ka baxaan xarunta Xisbiga iyo Isbartiibada iyaga oo kusii jeeda xarunta madaxtooyada.

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Ciidamada Xabashida oo dagaal ka bilaabay deegaanka Fagax xilli madaafiic ay ku asqeynayaan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

 

 

Muqdisho,19,April-07 (Qaadisiya.com) Ciidamada Saliibiyiinta Xabashida ayaa maanta si gardarro ah ugu soo duulay fariisimaha mujaahidiinta xarakaadka muqaawamada ay ku leeyihiin deegaanka Fagax, waxaana halkaasi ka qarxay dagaal culus oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayadoo cadawga uu taangiyo iyo BM uu ku garaacayo xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

Taangiyada ciidamada Xabashida ayaa ka soo gudbay isgoyska Sanca kuwaasoo durbaba dagaal ka bilaabay agagaarka isgoyska Fagax,waxaana haatan halkaasi ka socda dagaal aad u qaraar oo dhex maraya labada dhinac, wax war ah lagama hayo khasaaraha dagaalka uu gaystay.

 

Dagaalka ka socda aaga Fagax waxaa bar bar socda madaafiic sidii roobka oo kale looga soo ridayo Villa Soomaaliya iyo kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad kuwaasoo si garba siman ah ugu soo dhacaya xaafadaha Carafaat,Juungal,Towfiiq,Ex-control Balcad,SOS iyo Suuqa Xoolaha.

 

Si rasmi ah looma garanayo khasaaraha madaafiicdaasi ay gaysteen,hayeeshee warar hordhac ah ayaa muujinaya in ilaa 18 qof ay ku shahiideen madaafiicda iyo dagaalada ka socda Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay in qoys ka kooban 8 qof ay ku shahiideen kadib markii madaafiic ay ku habsatay dadkaasi oo ku sugnaa gurigooda oo ku yaal xaafada Carafaat, halka guri ku yaal xaafada Juungal ay ku shahiideen 4 qof halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

 

Ciidamada Saliibiyiinta Tikreega iyo kooxda Imbagaati ayaa damacsan sidii ay u qabsan lahaayeen isgoyska Ex-control Balcad si culeyska ay uga qaadaan ciidamada Saliibiyiinta ee ku go'doonsan garoonka kubada cagta ee Muqdisho isla markaana ay ugo'doomin lahaayeen dagaalyahanada muqaawamada ee ka dagaalamaya aaga Bar Ayaan iyo garoonka.

 

http://www.qaadisiya.com/war8%20dagaalka%20fagax%20april%2007.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Hi Xiin, that is going to take some time and unity among somalis. How long these fighters in Muqdisho can keep up with a well funded and replenished army is a concern.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xox ogaal:

xiin War is what they want war is what they gonna get

What war?

 

There isn't and won't be a war until Ethios are fought in Gaalkacyo, Beletweyn, Biodoa, Kismaayo, Berbera, Cadale, Zone 5 etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsade, I was talking about the eventuality of it all. But you are right that these Ethiopian troops are funded and provided with logistics they need to continue this project. But I also think a foriegn power cant stay longer in a hostile enviroment like Moga is...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

^ You are right saxib. Muqdisho is no place for the Xabashi army. The longer the war goes with minimal effect on the enemy the harder it will be for the average person to bear though. The TFG is no more anyway but the Xabashi army needs to suffer for their savagery. I just hope the sacrifices being made should come in strong and greater numbers of somalis to join to shorten the tragedies unfolding and see the quick defeat of the Tigre animals.

 

Our country is at risk if the Xabashis get hold of Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

(Beerdhiga ) Intii u dhexeysay 3:00-3:30 galabnimo ayaa Camaliyad Istish haadi ah oo uu fuliyey naftii hure aan magaciisa la sheegin lala beegsaday xaruntii hore ee ciidamada Asluubta oo fariisin u aheyd ciidamada Itoobiya xiligaasna laga soo ridayey madaafiic xoogan oo waxyeelo ba'an u geysatay dad badan oo rayid ah.

 

Ilo xog ogaal ah ayaa Beerdhiga u xaqiijiyey in naftii huraha falka fuliyey oo watay gaari ah nooca loo yaqaano Surf uu bartanka u galay goob ay yaaleen gaadiid badan oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya lana filayo in madaafiicdu kasoo dhacaysay waxaana isla markiiba joogsaday madaafiicdii halkaa kasoo dhacaysay.

 

Waxaa isla markiiba la arkayey madaafiic hoobiyayaal ah oo si talantaali ah uga dhacaysa isla xeradii qaraxu ka dhacay oo ka imaanaya fariisimada xoogaga muqaawamada.

 

Lama oga ilaa iyo hada khasaaraha falkan iyo duqeytu ay u geysteen ciidamda Itoobiya ee goobtaas ku sugnaa waxaase la qiyaasayaa in khasaara balaaran uu soo gaaray sida inta badanba falalka noocaan ahi ay geystaan.

 

Falkan Istish haadiga ah ma ahan kii ugu horeeyey ee lala beegsada ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho waxaa 26-kii Maarso fal Istish haadi ah oo khasaaro ba'an geystay lala beegsaday fariisin ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen Ceel Cirfiid falkaas oo uu fuliyey Allah ha u naxriistee Aadan Ookiyaale oo la sheegay in loogu aargudayey Suuban Maalin Cali oo ay fara xumeeyeen ciidamada Itoobiyaanka ah ee deegaankaas joogay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this