Sign in to follow this  
wind.talker

Cade Muse's unfairness revealed!

Recommended Posts

GENARAAL CADDE MUUSE OO U ISTICMAALAY MAAMULKII LOO DHIIBAY MID UU UGU ADEEGO REERKA UU KA SOO JEEDO.

 

Markii la doortay cadde muuse ooy taariikhdu ahayd 8/1/05 oo uu isku hubsaday in uu madaxweyne noqday ayuu la soobaxay waxyaalo aan laga malaynayn oo dib u noqosho leh billaabayna sidii uu illaha dhaqaalaha ee puntland ugu dhiibi lahaa beeshiisa.

 

Haddii aan wax ka soo qaadano taariikhihiisa xiliyadii uu puntland ka talinayey C/laahi Yuusuf waxaa uu Jananka Cadde muuse waxaa uu muddo sanadku dhowaada magangelyo ku jooggay Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag Halkaas oo uu soogalay ka dib markii Col. C/laahi Yuusuf uu soo cayrsaday deegaanadii uu ka soo jeeday jananku .

 

Col. C/laahi Yuusuf oo cayrsanaya Jananka ayaa waxaa ka reebay beelweyta degta Gobolka sanaag u fidisayna magangelyo muddo aan yareyna ku haysay gobolka sanaag markii danbena waxaa soo kaxayey Suldaan Siciid C/salaan iyo Boqor Buurmadow oo kala hadlay Col. C/laahi si uu cafis ugu fidiyo Jananka sidaas ayuuna goboladiisii iyo deegaankiisii ugu soo noqday Jananku.

 

Haddaba waxaa layaaba Janankii sanadka lagu hayey gobolka sanaag ee halyeyga laga horjoogay magangelyadana kaga baxsaday Col.C/laahi Yuusuf in uu maanta si aan laga filayn xukunka ugu adeegto balse layaab malahan oo horey ayaa loo yiri (dad iyo duunyaba waxaadan ka filayn ayaa ka yimaada).

 

Gen ku markii ugu horeysay ee uu isku hubsaday kursiga madaxweynaha Puntaland ayuu Agaasimaha guud ee dekeda gobolka bari oo ah meelaha dhaqaalaha Puntaland ka soo baxo u magcaabay nin ka soo jeeda beeshiisa taasi waa qodobkii koowaad ee lagaga aamin baxo, waxaa kale oo uu magcaabay Wasiirka dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga iyada oo sharciga beelaha ku bahoobay puntaland uu dhigayo in aan beesha madaxweynaha heshaa aysan yeelan wasiir .

 

Waxaa kale oo iyana jira laba gobol oo isku mar baarlamaanka Puntland ansixiyey uu midna miisaaniyada Puntland ku daray midna aanu ku darin Gobolka aanu ku darin miisaaniyada ayaa ah gobolkii looga fidiyey magangelyada ee muddada sannadka ah lagu hayey ee col.c/laahina lagaga horjoogay.

 

Haddaba waxaa layaaba Masiirka Puntland ma sii jiri doonaa haddii Cadde muuse sidaas ku sii waddo?

 

Waa maya waayo dadka ku nool puntland ayaa 80% aaminsan yihiin puntland in aanay sii jiri doon haddii Cadde muuse sidaas ku waddo maamulkiisa qaloocan inta badana waxay dadweynaha puntland haddal hayaan in Cadde muuse uu waddo iska horkeen beelaha ku bahoobay M.G.Puntland taas ayaana sabab u noqon karta in aanay puntland sii jiri doon haddii Cadde muuse sii hayo maamulka.

 

Tusaale waxaa inoogu filan ah burburka Puntland marka aan eegno labad gobol ee Sanaag iyo Highland oo ku talo jira sidii ay maamul madax banaan u samaysan lahaayeen iyada oo ay hadda u dhowdhowdahay samaysashada maamul u gaara .

 

Labadaan gobol ayaa ahaa lafdhabarta Puntland marka laga eego xagga dhaqaalaha ka soo geli jiray maamulka puntland waxaana hubaala in ay Puntland noqonayso maamul burburra sababta oo ah Puntland waxay ku tiirsan tahay waa dhaqaalaha ka soo baxay goboladaas is biirsaday ee ku bahoobay maamul gobleedka taas ayaana keenaysa in ay burburto Puntland haddii gobolada lafdhabarta u ah ay ka goostaan.

 

Habadaba waxaa iga talo ah Gobolada dhaqaalaha ugu fiican ka soo geli jiray Puntland ee Sanaag iyo Highland waa tashadeen taladooduna waa caddahay maamul ayeyna xili dhow samaysanayaan, waxaana hadda xoogga la saaray xagga ciidanka oo la qoro illaa iyo hadda oo uu taliye ciidan ka yahay ciidankaas loo qorayo maamulka cusub ee labada gobol Col. Yaasiin leeleel waxaana hubaala maamul aan ciidan lahayn in aanu socon karin maanta Somalia sida aynu wadda ogsoon nahay taas ayaana keenay qoritaanka ciidanka iyo tababarada socda xiliga haddan ee aan weli maamulka la dhisin.

 

Marka waxaan shacabka qiimaha badan ee layaaban dhaqanka qaloocan ee Cadde muuse ku maamulayo puntland ay u keeni doonto in dhulka puntland ay lamid noqoto xaalada koonfurta Somalia ka taagan oo kale marka waxaan lee yahay shacabka haddaydaan ka talo qaadan maamulka qaloocan ee Cadde muuse sidaas ayaa ku danbeyn doontaan cidii aan ka tashan .

 

Maxamed Somali

 

http://www.dhahar.com/articles/m519.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this