Sign in to follow this  
Dhubad.

Puntland opposes the new Makhirland state !

Recommended Posts

Dhubad.   

Puntland oo ku eedeeysay Somaliland iney gadaal ka soo riixeyso maamul goboleed la magac baxay Maakhir State oo dhowaan looga dhawaaqay gobolada Sool Sanaag Bari iyo Ceyn.

 

 

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax ayaa wax aan an jirin oo la dhoodhoobay ku tilmaamay maamulka goboleed la magac baxay Maakhir State oo dhowaan looga dhawaaqay gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo intooda badan hoos yimaada maamulka Puntland, wuxuuna tilmaamay min xubnaha ku dhawaaqay mamulkaasi aaney metelin dadka halkaasi ku dhaqan oo iska markaana odayasha dhaqanka ee beelaha halkaasi dega ay ku maqan yihiin shirka ndib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Muqdisho.

 

 

"Dadka goboladaasi ku dhaqan waxay horey u sheegeen inay ka mid yihiin maamulka goboleedka Puntland, waxayna ka tirsan yihiin mas'uuliyiinta iyo ciidamada maamulkaas haddii ay ka laabanayaaana waxaa go'aankaa ka gaari kara salaadiinta iyo odayaasha dhaqan ee beelaha halkaasi ku dhaqan" ayuu yiri Mr Bangax oo sheegay in ololahaasi uu yahay mid ay wadaab xubno taageersan maamulka Somaliland oo sida uu sheegay doonaya iney khal-khal siyaasadeed ka abuuraan deegaanada Puntland, iyadoo labada maamulna uu ka dhexeeyo muran ku saabsan dhulka haatan looga dhawaaqay maamulka cusub.

 

 

Wasiirka ayaa sheegay in wadahadaladuin bay kula yeesheen mjagaaladan Muqdishio ay ka soo baxeen natiijoyyin wax ku ool ah oo ku aadan qeybsiga kheyraadka soo baxa dalka gaar ahaan deegaanada Puntland, kuwaasoo uu sheegay in dhamaantood nlagu guuleystay.

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dayniile...........LoooooooooooL.

 

Jb...we are not threatening anyone with Xasuuq like madcow called Waraabe would. Come to think of it, now that boogey man called M-jania is out of the picture. I wonder who he would blame now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Maamulada Puntland iyo Maakhir State oo hadalo kulul isku dhaafsaday

Click here to find shabelle news English

Shabelle airs news in English

Mogadishu 15, August 07 ( Sh.M.Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay maamulka la baxay Maakhir State ee dhowaan looga dhawaaqay gobolka Sanaag ee W/Somalia, iyadoo maamulka Maaqir State na uu si kulul uga jawaabay arinkaasi.

 

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland C/raxmaan Bangax oo u waramayay shabakadda warbaahinta Shabelle, isagoo ku sugan magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in maamulkaasi ay dhisteen kooxo aan matalin isla markaana aan kalsooni ka heysan dadka deegaanka.

 

Waxa uu sheegay in salaadiinta iyo waxgaradka gobolka Sanaag ay horey uga qeyb qaateen dhismaha maamulka Puntland isla markaana ay ku leeyihiin Ahmiyad gaar ah.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka la baxay Maaqir State ayaa hadalka wasiirka warfaafinta Puntland ku tilmaamay hadal la iska yiri isla markaana sheegay in Puntland aysan awood u laheyn in ay tagto deegaanada Maaqir State.

 

Madaxweynaha maamulka Maaqir State Col. Jabril Cali Salaad oo u waramayay idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay ka hadasho dhacdooyinka gobolka Sanaag, isla markaana dadka deegaanka ay taageersan yihiin maamulka Maakhir State.

 

" Hadalka Wasiirka warfaafinta Puntland waa mid la iska yiri isla markaana riyo u eg" Ayuu yiri Col. Jabril.

 

Dowladda KMG ah ee Somalia oo aqoonsan maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin jiri taanka maamulka cusub ee Maakhir State, inkastoo madaxweynaha maamulkaasi uu sheegay in maamulkaan uu yahay mid sharci ah isla markaana dowladda KMG ah ay aqoonsan tahay.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqanaya hadalo kulul oo maalmihii ugu dambeeyay ay isku dhaafsanayeen warbaahinta maamulada Puntland iyo Maakhir state oo dhowaan looga dhawaaqay gobolka Sanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites

Time for col. Jibril to extend his political ambitions a bit and contest for the big price that’s Puntland, I say. MMA’s maahmaah comes to mind. Conflict is inevitable so why not thing BIG yaa Caamir :D ! Adeer meesha xoolo sadaqo ah ma yaallaan ee nimanka sii fiican wax haloogu qabsado. Cadde lost about fifty boys to get to where he is; I think Jibril can avoid losing more boys than Cadde sacrificed to make his voice heard--sadly that's how Somalia’s political formula has become.

 

 

ps--i would be interested to know what relationship good Jibril has with the King in Adis, he might as well get my support if he shares our views as it regards to Ethiopia.

 

pss. What's the background of the new colonel btw?

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool. Dayiile and Shabbele news portals reported this?

While not a single site from Puntland main portals even mentioned any conflict?

Dayniile...........LoooooooooooL.

 

Jb...we are not threatening anyone with Xasuuq like madcow called Waraabe would. Come to think of it, now that boogey man called M-jania is out of the picture. I wonder who he would blame now.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Maamulka Cusub ee Labaxay Maakhir State iyo Puntland Oo Hadalo Kulul Isdhaafsada

 

(Garoowe}15.8-7

Dowlad goboleedka Puntland oo ku tilmaamtay mid waxba kama jiraan ah islamarkaana ay riyo kujiraan dadkii ku dhawaaqey maamul dhawaan lagaga dhawaaqey gobolka Sanaag oo lagu magacaabo "Maakhir State"....laakiin hadalkaas waxaa jawaab kulul ka bixiyay madaxweynaha maamualkaasi Maakhir State Korneel Jibriil Salaad......................................

 

Maamul goboleedka puntland ayaa waxaa uu si kulul u cambaareeyey maamul dhawaan lagaga dhawaaqey gobolka Sanaag oo lagu magacaabo "Maakhir State".

 

Wasiirka warfaafinta ee Puntland C/raxmaan Bangax oo la hadlayey warbaahinata, ayaa ku tilmaamey maamul dhawaan looga dhawaaqey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag in uu ahaa mid waxba kama jiraan ah islamarkaana ay riyo kujiraan dadkii ku dhawaaqey maamulkaasi sida uu Bangax yidhi.

 

Waxaa si kulul hadalkaasi uga jawaabey madaxweynaha maamualkaasi Maakhir State Korneel Jibriil Salaad, oo sheegey in Puntland aaney awood u laheyn in ay ka hadasho waxaa ka jira gobolka Sanaag.

 

Korneel Jibriil waxaa uu intaasi ku darey in maamulkaani uu yahay mid sharci ah oo islamarkaana ay somalia ay ka warheyso.

 

Deegaano ku yaala gobolka Sanaag ayaa waxaa sanadooyinkii laga soo gudbey ka jirey xiisado u dhaxeeyey maamulada Somaliland iyo Puntland, iyadoo maamulkanina uu noqonayo maamul kale oo seddexaad oo ka jira gobolada waqooyi ee waddanka Somalia.

 

.widhwidhonline@gmail.com

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^It might not be an issue to the certain clan oriented websites you religously follow every minute of the day but its an issue to the locals.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

 

an issue to the certain clan oriented websites

Adeer why are you sounding desperate we are all the same clan adeer, the people of Sanaag and rest of Puntland for example are the same sub,sub, sub-clan. They share everythig even the name. But you did not knwo that did you. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Xiinfaniin, the inevitable conflict you alluded will only reinforce the declaration of independence of Maakhir state. I view that as a positive aspect that would reinforce and unite Maakhirites. One thing that is for sure is that Maakhirites will unite behind their own leaders if war is believed to be a last resort. However, I know that war is not the last resort and Puntland authority will reconsider their uncalled threats and disrespect for the people's right to self-govern and help the TFG and its allies achieve their desired goal of Somalia.

 

I also know from informal sources that Maakhir state would like to engage in bilateral talks with the neighbouring countries of Somalia to ensure that its ports are not used as a conduit for shiploads of weapons by homegrown insurgents of our Neighbours.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the people of Sanaag and rest of Puntland for example are the same sub,sub, sub-clan.

Not anymore .......... things seem to be moving to another direction these days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this