Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The Upper Parliament of Somaliland extended their term for another 3 years

Recommended Posts

Golaha Guurdida oo Muddo kodhin u Sameeyay Golayaasha Wakiilada, Guurtida, Deegaanka iyo Xisbiga udub oo Canbaareeyay Muddo kordhintaasi.

 

 

Fadhigii Maanta oo ay ka soo Xaadireen 68 mudane oo uu Gudoominayay gudoomiye ku Xigeenka koowaad........

 

Hargeisa (GNS)Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta Cod Aqlabiyada ah ku meel Mariyay Muddo kordhin loo sameeyay golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo Deegaanka, Mudada Xilka Golaha Wakiilada ayaa loogu kordhiyay laba sanno iyo sideed bilood halka Golaha Deegaanka loo kordhiyay Muddo Sanad iyo Badh ah, Guurtiduna isku kordhisay seddex Sanno iyo Sideed Bilood.

 

Fadhigii Maanta oo ay ka soo Xaadireen 68 mudane oo uu Gudoominayay gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada ahna ku simaha Gudoomiyaha Golaha Mudane Sheekh Axmed Nuux Furre ayaa isagu mudanayaasha ku wargeliyey in sida distuurka JSL u ogalaanayo Golahan inuu u kordhin karo mudo xileedka Goleyaasha qaranka oo dhan marka uu dhammaado ee doorashana la gali kari waayo sababo sharciyeysan. Isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] uu dhawaan ka soo dalbaday in loo kordhiyo mudo xileedka sii dhammaanaya Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, sidaas awgeed-na loo baahan yahay in maanta loo kordhiyo mudo macquul ah Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo iyagu wakhtigoodii sii dhammaaday.

 

Shirgudoonka golaha ayaa Ka dalbaday in Cod fartaag ah lagu ansixiyo ama lagu joojiyo Muddo kordhinta Golaha Wakiilada oo ah laba sanno iyo sideed Bilood, waxaa ogolaaday 65 mudane, waxaa diiday laba Mudane, Gudoomiyuhuna muu Codayn.

 

Mudanayaasha ayaa ugu Baaqay Xukuumad Cusub inay sanad gudihii ku qabato Doorashada Golaha Deegana lana diyaariyo Wixii ay ku Qabsoomi lahayd doorashadani.

 

Mudo kordhintan ayaa ahayd mid la wada filayey hase yeeshee aad uga badan intii la filayey, mudo kordhintan ayaa ku dhamaatay si nabadgelyo ah aan wax buuq ahi ka dhalan.

 

Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa isagu markiiba ka hadlay, kuna tilmaamay xadgudub lagu sameeyay hanaankii wada tashi ee xisbiyada qaranka u dhexeyay. Ku simaha gudoomiyaha xisbiga UDUB Axmed Yusuf Yasin ayaa sheegay in arinkan mudo kordhinta golayaasha loo balansanaa 15ka September 2010 in ay iskaga yimaadaan sedexda xisbi iyo gudida dooroshooyinka. Waxaanu yidhi Madaxweyne Siilaanyo wuxuu gawracay taladii la iskaga iman lahaa. Waxaanu sheegay gudoomiye ku xigeenka UDUB in mudo kordhintani tahay mid aan la aqbali Karin haba yaraatee.

 

Xisbiga UCID ayaan isagu ilaa hada ka hadlin mudo kordhinta maanta loo sameeyay golayaashii qaranka. Waxaana la filayaa inuu UCID si weyn uga hor imadoono mudo kordhinta oo uu hore gudoomiyahoogi uga sii digay in aan mudo kordhin la samyn inta ay xisbiyadu ka wada tashanayaan wixii laga yeelilahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Guurtida Oo Mudo Kordhin Isugu Kordhiyay Iyaga & Wakiiladda

September 7th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org) Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa muddo-xileedkii sii dhamaanayey ee Golaha Wakiilada ugu kordhiyey mudo laba sanno iyo siddeed bilood ah, waxa ay iyagu iskugu kordhiyeen sadex sanno iyo sideed bilood halka ay Golaha Degaankana xukumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen in muddo sannad iyo badh gudihii ah oo maanta ka bilaabmaysa in Madaxwaynuhu ku qabto Doorashada golayaasha deegaanka iyagoo mar hore xilka loo kordhiyey.

 

Fadhigan maanta oo ka dhacay hoolka shirarka ee Wasaarada Arimaha Gudaha, ayaa waxa shir-guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida ahna ku simaha Guddoomiyaha Md Sh Axmed Nuux Furre. Waxana madasha maanta ka soo qaybgalay 68 mudane.

 

Ku simaha Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Sh Furre, ayaa isagu mudanayaasha ku wargeliyey in sida distuurka JSL u ogalaanayo Golahan inuu u kordhin karo mudo xileedka Goleyaasha qaranka oo dhan marka uu dhammaado ee doorashana la gali kari waayo sababo sharciyeysan. Isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] uu dhawaan ka soo dalbaday in loo kordhiyo mudo xileedka sii dhammaanaya Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, sidaas awgeed-na loo baahan yahay in maanta loo kordhiyo mudo macquul ah Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo iyagu wakhtigoodii sii dhammaaday.

 

Waxana isla markii-ba Md Furre Xildhibaanada ka dalbaday inay cod gacantaaga ku diidaan amma ku ogolaadaan wakhtiga loo baahan yahay in Golaha Wakiilada loo kordhiyo oo ahayd laba sanno iyo sideed bilood. waxana soo jeedintaas oggolaaday 65 Xildhibaan, halka ay ka diideen 2 mudane Guddoomiyuhu-na ma codeyn sidaas ayuu ku ansexay wakhtiga dheeraadka ah ee Wakiialadu. sidoo kale mudo xileedka Guurtida ayaa hal sanno ka dambaynaya kan Golaha Wakiilada.

 

Sidoo kale Golaha Guurtidu waxa isla fadhigan ay Xukumada ugu baaqeen in mudo sannad gudihii ah ay ku qabto Doorashada Goleyaasha Deegaanka dalka Somaliland oo dhan, isla markaana diyaariso wax kasta oo looga baahan yahay qabsoomid Doorashadaas.

 

Si kastaba ahaatee waxa iyagu dur-ba cambaareeyey mudo kordhin Golaha Guurtidu sameeyeen labada Xisbi Mucaarid ee UDUB iyo UCID, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan karin oo khalad ah, isla markaana meel kaga dhacay wadahadalkii arintan ka yeesheen komishanka doorashooyinka, asxaabta siyaasada iyo goleyaasha qaranku.

 

Ramaasnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sept 07, 2010 War Deg-dega:- Golaha Guurtida Oo Mudo Kordhin U Samayeey Doorashooyinkii Golayaasha

Hargaysa (Waaheen)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kal-fadhi aan caaddi ahayn oo ay maanta ku yeeshay Wasaarada Arrimaha Guddaha JSL Fadhigan maanta ee Aqalka Odayaasha oo uu Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, kulan kan oo ay kaga arrinsanayeen waxa ay ka yeelayaan muddo kordhin Madaxweyne Siilaanyo uu kaga dalbaday in ay u sameeyaan Golayaasha Baarlamaanka “ Wakiiladda iyo Guurtida” iyo Golayaasha Deegaanka oo qaarkoodana hore wakhtigii la doortay uga dhamaaday qaarkoodna uu bishan ka dhacayo.

 

Hadaba doodo iyo falanqayn ka dib waxay mudanayaashu u codeeyeen mudo kordhinta golayaasha waxay u dhacday sidan.

 

1.Aqalka Baarlamaanka waxaa mudadii xilka loo kordhiyey 2 sano iyo 8 bilood (Laba Sano iyo sided bilood.

2.Golaha Guurtida ayaa iyagana xilkii loo kordhiyey 3 sano iyo 8 bilood (Saddex Sano iyo Sideed bilood)

3.Halka iyagana sidoo kale Golaha deegaanka loo kordhiyay muddo 1 sano iyo Badh ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

This is crazy.

Odayaashan Guurtida wadanka Halagaqabto.

 

The time setting here shows that Weligeed Muran doorasho uun baa lagujirayaa.

Waa si intay noolyihiin aiy meesha fadhiyaan.

 

Kulmiye If they would not do something about this. They should kiss goodby to the masses support.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juma the parliament elections were planned end this year but because we just had an election twho montsh ago it just not feasible so that’s why they extended the term of the parliamentIts understandable.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Iam not against the necessary extension but the unreasonable duration. Why did they extended themselves 3yrs, and prliement two and eight while one year fo local government? It would be efficient and cost effective if all the three elections takes place at once and the extensions should have been set for at most one year for the preparation.

 

 

This is is rediclous and anyone can sees the faulty political gimmicks in it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No Jb its actually rayaales fault if the presidential election would of happened in 2008 , we could of hold the parliament elections now in 2010 but we all know what happened

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rayaale is not here anymore ,,, do it and blame the old one miyaa sheekadu ?

 

there is no way the Guurti extend their own term for almost another 4 years ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yes indeed rayaale Is not there anymore thanks to Kulmiye And the Mujaheed, and the democratisation of Somaliland shall continue , the guurti is never elected But rather named but inshallah the parliament elections will be held in 2 and a half years

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LOL@the upper parliament, do they have lower one too?

 

Sii haya dheh odayaasha meesha inta waddanka intiisa kale ka nabadoobahayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This President public support falling faster Than ice shelves. Even the supreme courts decisions should be blamed on the President like they did it to Riyaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this