Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Dr Faroole visits Military Police bases in Nugaal

Recommended Posts

IMG_2151.jpg

Garoowe: Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa oo booqday xerooyinka ciidamada daraawiishta iyo kuwa Booliska

14. Januar 2009

 

Garoowe(AllPuntland)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta booqasho ku tegay xerooyinka ciidamada Daraawiishta Maamul Goboleedka Puntland iyo kuwa ciidamada Booliska ee magaalada Garoowe.

 

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo ugu horeyn booqday saldhiga Booliska Garoowe ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay ciidamo ka tirsan Booliska ugana war bixiyay xaalada saldhiga iyo baahidooda, waxayna mas'uuliyiintaasi ay booqdeen qeybaha uu ka kooban yahay saldhiga.

 

C/raxmaan Faroole ayaa ka waramay qiimaha Boliisku leeyahay iyo in loo baahan yahay ahmiyada koowaad ay tahay in la siiyo Booliska, wuxuuna Madaxweynaha cusub ee Puntland uu ugu baaqay dhamaan ciidmada Puntland in ay muujiyaan isku duubni iyo wada shaqeyn, wuxuuna Madaxweynaha uu ka codsaday ineysan noqon ciidamada kuwa ku qoran Waraaqo oo aan waxqabadkooda la arkin balse marka mushaarka la bixinayo ay isa soo xaadiriyaan.

 

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa waxay booqasho ku tageen xerada 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo Daraawiish ah oo aan badneyn, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay ciidamada daraawiishta oo u badan Odayaal da' ah oo Salaan sharaf Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ay ka gudoomeen, Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxayna sheegeen in mudo 32 bilood ah aysan helin wax mushaar ah, ayna ku dulmanaayeen sidaasi.

 

Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa ayaa ku dhiirigeliyay ciidamada Daraawiishta Puntland in wixii hada ka danbeeya ay heli doonaan wixii ay xaqa u lahaayeen isla markaana waxaa uu sheegay Madaxweynaha in ciidamada dhinacooda looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nidaamka iyo in ay ka digtoonaadaan masuq maasuqa..

 

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali shire oo si wanaagsan ugu xeel dheer dhinaca ciidamada ayaa sheegay in uu ka war qabo xaalada ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin, wuxuuna ka codsaday in ay adkeystaan inta laga habeynayo ciidamada isla markaana la isku keenayo mudo gaaban, wuxuuna balan qaaday in sharaftii ay ciidamada lahaayeen dib loo soo celin doono.

 

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in Todobaadkan gudahiisa la dhisi doono guddi ka shaqeeya isu keenida ciidamada kala duwan ee Puntland si loo soo celiyo awoodii ciidan maadaama ay ciidamadu yihiin laf dhabarka qaranimada dalka.

 

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

IMG_2060.jpg

Madaxweynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Farole iyo ku xigeenkiisa Cabdi Samad Cali shire ayaa saakay Jan 14,2009 kormeer ku sameeyey xarumaha iyo Talisyada ciidamada Daraawiishta iyo

 

Booliiska, iyadoo ujeedka booqahsda aheyd sidii ay madaxda sare u ogaan lahayd baahiyaha dhabta ah xilligan haysta ciidamada.

Ugu horayntii Madaxweyne Farole iyo kuxigeenkiisa Cabdisamed Cali shire waxay kormeerkooda ka bilaabeen Taliska Boliiska gobolka Nugal iyo saldhiga dhexe iyagoo halkaasi salaan kaga qaatay ciidamadii ku sugnaa, waxayna qol qol u galeen dhamaanba xafiisyada iyo qaybaha kala duwan ee uu ka koobnaa saldhiga dhexe, iyadoo xarunta ay ku soo dhoweeyeen sariikasha ciidamada Booliiska, Asluubta iyo ciidamada sugida Wadooyinka ee taraafikada loo yaqaano,

 

 

Madaxweynaha Farole oo intii uu ku guda jiray xurumaha ciidamada Boliiska & ayaa waxaa si qoto dheer u darseen bahiyaha indhuhu qaban karaan iyada oo qaybta Boliiska gobolka Nugal Koranto la'aan ahaayeen xafiisyada lagu shaqeeyo.

 

Madaxweyne Faroole ayaa markuu dhamanba maray xafiisyada kala duwan ee qaybta Booliiska waxaa uu la hadlay ciidamadii Boliiska oo goobtaasi ku suganaa isga hadlkiisana ku bilabay inay ahmiyada kowaad siinayaan ciidamada si looga shaqeeyo amaanka.

 

 

"Maanta waxaan idinku nimi inaan idin aragno madaama aad tihiin ciidamadii sugida amniga waxyana booqashadayadu ka turjumaysaa ahmiyada balaadhan ee aan idiin hayno gaar ahaan waxaan is tusnay inaan ka bilawno kuwa dadka amaankooda suga dambiyadana baadha ee madaniga ah waana waajibaad na saaran inaan idhahayaga ku aragno si aanu isha uga bogano baahida ay qabaan iyo ta cafimaad iyo daryelkoda " ayuu Madaxweyne Faroole hadalkiisa ku bilaabay.

 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Madaaxweyne ku xigenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo in badan ku dheeraaday marxaladihii ay soo mareen ciidamada Puntland oo uu isagu xogogaal u ahaa madaxna ka ahaan jiray intii maamul goboleedka la asaasay, wuxuuna uu halkaasi ka sheegay in dhamaan ciidamada ay heli doonaan xuquuqda ka maqan isagoo ciidamada booliiskana ugu baaqay inay waajibkooda iyo shaqadooda si daacadnimo ku dheehanatahay ay u qabtaan,

 

 

Intaasi kadib ayaa waxa ay u dhaqaaqeen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu xarunta ciidamada Daraawiishta ee 54aad halkaasi oo ay salaan kaga qaateen cutubyo ka ciidamada, waxaana halkaasi ay Faroole & Shire ka dhegaysteen cabashooyin ay soo gudbiyeen hogaanka sare ee Daraawiishtu iyagoo tibaaxay inaysan 32 bilood wax mushahar ah.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke,

 

Serious question for you:

Why not use the 2000-3000 Puntland troops that have now returned from Mogadishu & Baydhabo to secure the peace. They have better training (thanks to the UNDP for the police and Ethiopians for the Army troops) than the local militias that stayed behind in Puntland. Or are those being saved for a possible assault on Las Anod??

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I think the troops from the south will be the core of the Puntland security forces.

There is no attack planned on LA as I know of.

PS: The troops from the south make up around 5000 and not the smaller figure, half have returned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland leaders visit security forces, pledge support

14 Jan 14, 2009 - 4:54:08 PM

 

GAROWE, Somalia Jan 14 (Garowe Online) - The new leaders in Somalia's Puntland regional government visited security facilities in and around the administrative capital Garowe, Radio Garowe reports.

 

 

Puntland leaders with army commanders

Dr. Abdirahman Mohamed "Farole," the Puntland president, and VP Gen. Abdisamad Ali Shire toured the central police station in Garowe and spoke directly with top commanders and the cadets.

 

Police commanders informed Puntland's new leadership about needs the facilities are missing, including electricity for the offices.

 

 

Puntland police

"We came to you today because our top priority is security," President Farole told the police officers at the central station.

 

VP Shire told the police that all members of the security forces – army, police and corrections – will receive their rights under the new administration in Puntland.

 

Later Wednesday, President Farole and Vice President Shire toured 54th Army Base in the northern outskirts of Garowe.

 

 

President Farole & VP Shire at 54th Army Base

Puntland army commanders shared their complaints with the new leaders, who pledged to provide financial and material support to empower the region's security forces.

 

Since the Jan. 8 election, it is the first time Puntland's new leaders have visited security facilities to address the urgent need for a strong and effective security force.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Originally posted by Mintid Farayar:

Duke,

 

Serious question for you:

Why not use the 2000-3000 Puntland troops that have now returned from Mogadishu & Baydhabo to secure the peace. They have better training (thanks to the UNDP for the police and Ethiopians for the Army troops) than the local militias that stayed behind in Puntland. Or are those being saved for a possible assault on Las Anod??

LOOOL

 

waliba runbuu kaa mooday :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Qudhac adeer we defeated you before and it will not be a major problem to defeat you again. We have a new admin and one more ruthless than the Gen, and also we dont have the burden of the TFG to carry. It is us and you alone and we know how to deal with you old lad. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this