Sign in to follow this  
Gabbal

The death of Abwaan Cabdiqadir Hersi Yam-Yam

Recommended Posts

Gabbal   

Alaha ha u naxariisto, abwaanka caanka ahaa ee Cabduqadir Xirsi Yam-Yam baa la yidhi xalay fiidki baa gaari ku jiidhay magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

 

 

Yamyam.gif

 

 

Allaha u naxariistee abwaan Cabdiqaadir Xirsi Yamyam ayaa ku geeriyoodey dalka Mareykanka.

 

October 22, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

War goor dhow inaga soo gaarey dalka Mareykanka ayaa sheegaya inuu geeri yoodey Allaha u naxariistee abwaan Cabdiqadir Xirsi “Yamyam†oo kamid ah abwaaniinta dalka Soomaaliya iyo dibadiisa sida weyn looga garanayo.

 

Allaha u naxariistee Abwaan Yamyam waxaa magaciisa oo saddexan la oran jirey Cabdiqaadir Xirsi Siyaad, wuxuuna ku magac dheeraa “Yamyamâ€.

 

Hooyadii abwaan Yamyam waxaa la oran jirey Canoof Ibraahin, xaaska uu ka tagey ayaa waxaa la yiraahdaa Ambiyo Axmed, waxa uu ifka kaga tagey afar “4†wiil iyo saddex “3†gabdhood, waxaana inoo xaqiijiyey geerida abwaan Yamyam Cumar Cismaan Dhaga Yare oo ay xidid ahaayeen.

 

Yamyam waxaa wararku nagu soo gaarayaan in xaley maqribnimadii markii afurka wakhtiga Mareykanka lagu jirey uu gaari ku jiirey Ohio, waxaana Yamyam uu ahaa nin wadani ah suugaan fara badana kaga tagey dalka.

 

Allaha u naxariistee Abwaan Yamyam taariikhdiisa oo dhameystiran haddii ALLE idmo wakhtiyada soo socda ayaan idiin soo gudbin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Columbus: Innaa Lillaahi Wa innaa Illayhi Raajicuun - Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam oo Shil Gaari ku Geeriyooday

- Saturday, October 22, 2005 at 03:27

 

Columbus: Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa, waxaa galabta shil gaari ku geeriyooday Eebe ha u Naxariistee Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam. Marxuumka ayaa isaga oo goynaya waddo ku dhaw xaafadda uu ka deggannaa galbeebka magaalada Columbus ee DG Ohio waxaa jiiray gaari.

 

Marxuumka ayaa ahaa cabqari, aftahan ah oo baxri ku ah hal-abuurka iyo jid-bixinta suugaanta ilaheeda kala duwan. Eebe ha u naxariistee, abwaan Yamyam waxaa suugaanta u wehiliyey isaga oo ahaa ehlu-diin u go'odoomay u adeegsida suugaanta ee wacyigelinta iyo hoga-tusaalaynta qubanaha Somaliyeed. Waxaa xus mudan, safarkii uu ugu magac daray "Roob Doon" ee uu kal hore ku kala bixiyey gobollada Somaliya intooda badan xilli abaar ba'anni ay ku dhufatay geyiga Somalida.

 

Ehelka, qaraabada, bahweynta suugaanta, iyo ummadda Somaliyeed ayaan uga tacsiyadaynaynaa geerida naxdinta leh ee Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamayam - Sabir iyo Iimaan. Marxuumkana Illaah waxaan uga baryaynaa dambi dhaaf iyo naxariis.

 

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun!

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Innaa Lillaahi Wa innaa Illayhi Raajicuun

Ilaahay ha u naxariistu marxuumka janadii ha siiyo

 

ehaladiina sabar iyo iimaan

 

amiin

Abwaanku waxuu u lahaa mowhibo suugaanta soomaalida,waxuu ahaa nin wadani ah oo somaalinimadu aad u qadarin jirey, Ilaahay na ugu daray diin

Share this post


Link to post
Share on other sites
J.Lee   

Ehelka, qaraabada, bahweynta suugaanta, iyo ummadda Somaliyeed ayaan uga tacsiyadaynaynaa geerida naxdinta leh ee Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamayam - Sabir iyo Iimaan. Marxuumkana Illaah waxaan uga baryaynaa dambi dhaaf iyo naxariis

 

Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inna Lillahi wa inna illayhii raajicuun, Illaahay ha unaxariisto Abwaanka geriyooday, camalkiisa wanaagsan ha aqbalo tiisina xumaaydana Allaah subxaanah ha ugu dembi dhaafo, aamiin ya allaah,

Ehelkiisa iyo qarabadiisa iyo intii taqiinay marxuumka illaah samir iyo imaan ha ka wada siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

LAA XAWLA WALAA QUWATA ILAA BILAAHIL CADIIM. YAA ALLAAH, YAA RAXMAAN, YAA RAXIIM, YAA WADUUD, YAA JABAAR, YAA MUTAKABIR, YAA MALIK, U NAXARIISO ADOONKAAGA KU DHINTAY ISAGA OO QADARINAYA MAGACAAGA. UNA NAXARIISO EHEL KIISII IYO CARUUR TIISA YA RABI, IYO DHAMAAN UMADA SOOMALIYEED IYO MUSLIMBA. ALLAHU MA AMIN ALLAHU MA AAMIN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this