Sign in to follow this  
juma-nne

Ethiopia Invades Gebilay

Recommended Posts

juma-nne   

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Wajaale ka sii Daayey

 

Xubno laga qabtay Shirkadda Qodanaysa Macdanta

 

 

 

Gabilay (Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay heshiis qarsoodiya ku siisay Itoobiya inay macdan ka qodato deegaano ka tirsan gobolka Gabilay. Taasoo keentay in shirkad ka socota Itoobiya oo macdan qodanaysaa soo gasho deegaano ka tirsan gobolkaasi, taas oo ay Ciidamada Amaanka ee Somaliland ku soo qabteen iyagoo macdan ka qodaya Jiida u dhaxaysa Allaybaday iyo Wajaale.

 

Shirkadan oo mudo shan maalmood ah macdanta qodaysay ayey Ciidanka Amaanku soo qabteen iyaga oo aan markaas garanayn cida ay ka socdaan, balse markii ay Wajaale geeyeen ayey u yimaadeen Saraakiil ka socotay Maamulka kililka Shanaad ee Itoobiya gaar ahaana deegaanka Awbare iyo Ciidamo hubaysan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo maamulka Wajaale u sheegay inay shirkadaasi ku timid dalka heshiis dhexmaray wasaarada Arimaha debada ee Somaliland iyo xukuumadda Itoobiya, kaas oo dhigaya in deegaanka gobolka Gabilay ay macdan ka qodaan shirkadaasi iyo mid Somaliland ka socota.

 

Kadib maamulka wajaale ayaa la soo xidhiidhay Xukuumadda dhexe ee Somaliland, waxaana amar lagu siiyey inay sii daayaan qalabkii shirkadaasi iyo shaqaalaheedii laga qabtay, kuwaas oo islamarkiiba la siidaayey halkiina ka bilaabay hawshoodii.

 

Gudoomiyaha degmada Wajaale Cumar Aadan Qasaali oo aanu arintan wax ka weydiinay xalay ayaa noo xaqiijiyey jiritaanka shirkadan Itoobiyaanka ah ee Macdanta ka qodanaysay Somaliland, isaga oo islmarkaana faahfaahin ka bixiyey dhacdadan iyo siday ku ******** shirkadan. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sedan:

 

S. Gudoomiye waxaad nooga warantaa warar na soo gaadhaya oo Degmadaasi Wajaale oo ka Dhacay oo sheegaya rag Ethiopian ahi kin dhulka Somaliland iyagoo Macdan ka baadhaya aad soo qab-qabateen.

 

J. Nimankaasi waxay ka soo talaabeen Allaybaday, mudada ay ku jireen Somaliland waa shan cisho oo ay laba cisho Allay-baday joogeen iyo saddex cisho oo ay wax baadhanayeen, markaa sifadii ay ku soo tallaabeen oo aanaan warbixin iyo xog rasmi ah aanaan ka haynin ayaanu ku soo qabanay iyo iyadoo amnigoodii Somaliland aan lala soo socod siin iyo ciidankii ka hawl gali lahaa aanay soo ogaysiin oo aan loo diyaarin, markaa tiradoodu waxay ahayd 8 qof iyo hal Askari ayaa la socday, markaa sifadii ay ku soo galeen oo aan na raaligelin Awgeed ayaanu ku soo qabanay, wixii baadhis iyo dhokomantis ah ee ay haysteen waan baadhnay waxaanu hadda ku wareejinay Dawladda Ethiopia.

 

S. Gudoomiye shirkadani maxay ahayd?

 

J. Anagu waxaan aragnay waa niman Ethiopian ah waxayna ka socdeen Dowladda Ethiopia shirkaduna waa shirkad Ethiopian ah, markaas heshiis ay Dowladda Somaliland wada galeen ayaa jiray, dhinaca Wasaarada Arrimaha Dibadda, markaa koox kale oo Somaliland ah ayey ahayd inay iskubiiraan.

 

S. Markaa ma waxay ka soo Tallaabeen Xuduudka oo Soamliland gudaheeday ka baadhayeen, mise waxay ka baadhayeen dhinaca Ethiopia?

 

J. Ethiopia waxay ka soo baadheen ma ogin, laakiin xuduudka Somaliland ayay ka soo gudbeen, gudaha Somaliland ayay in door ah soo galeen, masaafada ay soo galeen Km ahaan dusha kama hayo, laakiin dhul balaadhan bay gudaha u soo galeen, oo qayb ka mid ah gobolka Gabilay ayay baadhayeen oo in door ah ayay soo galeen oo ay Somaliland baadhayeen.

 

S. Muddo saddex cisho ah oo gudaha wadanka hawl-gal intaas le’eg laga waday, muddada intaas leeg maxaa loo qaban waayay oo saddex cisho ka dib loo qabtay ?

 

J. horta waxay ku soo galeen dalka nidaam sharci ah oo waxay wateen dhokumantis u ogolaanaya iyaga iyo tiim Somaliland ahi in ay wada shaqeeyaan oo baadhistaasi Jiyoolajiga ah wada sammeeyaan, saddex cisho ayey gudaha baadhista ka wadeen laba cisho Allaybaday hareeraheeda ayay taagnaayeen, Allay-badayna way ku noqonayeen oo fadhigooda ayaa ahaa, markaa xiligaas may fogaan, balse markii dambe wey soo f********, Fogaansho gudaha ah oo illaa Beerihii ayay tageen, taas ayay wax ka dhaceen oo ay noogu soo qayliyeen dadku, Gobolka ayaa warbixinta na soo siiyay.

 

S. Maadaama oo ay baadhistan shirkad Somaliland iyo Shirkad Ethiopian ahi iska kaashanayeen ma noo sheegi kartaa sida uu yahay shrciga ay haystaan?

 

J. Kollay wixii xuduuda ka soo talaabaya iyo isku socodka Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa shaqo ku leh oo u xil saaran, marka taa laga yimaado waxa weeyaan in system-kii ahaa Wasaarada Macadantu kala hawl galaan kaasi waa mid gooni ah oo waxa wax laga waydiinayaa Wasaarada ay khusayso, markaa warbixinta aanu ka haynay waa in labadaasi tiim wada shaqeeyaan.

 

S. Warbixintaasi ma qoraal ayaad ku hesheen mise maamulkaad kala xidhiidheen oo idinka qanciyay ?

 

J. Maamulka waanu ka haynaa, qoraalna waanu ku haynaa, qoraalkaan haynaana waa kaas ah in la wada shaqeeyo, caddayntaan haynaana waa taa, wax khilaaf ah oo saamayn lihina ma jirto.

 

S. Labada Shirkadood ma kuwo Dowliyaa mise waa kuwo gaar loo leeyahay ?

 

J. waxaan rajaynayaa in ay Dawliyihiin, inkastoo aanan qoraalkoodii jeebka ku haynin.

 

S. Gudoomiye waxaanu maqalnay in Ciidamada Ethiopia oo hubaysani idiinku yimaadeen xarumihiina idinkuna qanciyeen Shirkadaasi Ethiopianka ah in aad sii daysaan, illa haddana ay hawl-galkoodii sii wadaan maxaa ka jira arrintaasi?

 

J. Arrintaasi waa mid aan waxba ka jirin, waxa la isku qanciyo oo la isku khasbayaa ma jirto, Dawlad xor ah ayaynu nahay, muhiimaduna wada shaqaynta ina dhextaal uun weeyi, Ciidan hubaysan oo Somaliland soo galay ma jiro, oo xuduuda anagaa xilkeedu na saaran yahay oo illaalina, Nidaamkii aan ku wareejinayna waa wada shaqayntii labada Dowladood.

 

S. Maadama Arrintani ay tahay arrin ugub ah, Awooda intaas le’g ee aad ku sii dayseen maxay tahay ? yaase amarkaa bixiyay.?

 

J. Deegaanka Wajaale waa mid ballaadhan xilkeedu anaga ayuu na saaran yahay, muhiimaduna waxay tahay wixii haddii aanay shar u wadin Somaliland, dadkanina waa dad Civil ah oo Wasaarad ka socda, markaa wax qadiyad laga dhigo sii dayntoodu ma aha.

 

S. Maamulka idiin yimid xaguu ka socday ?

 

J. waxa uu ka socday Maamulka killidhka 5aad ee Soomalidu degto, gaar ahaan Degmada Aw Barre.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka Itoobiya ee Somaliland oo Beeniyey, War Been Abuur ahaa Oo Ay Qoreen qaar ka mid ah Wargaysyadu

 

Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya xafiiska ganacsi ee ay Hargeysa ku leeyihiin Mr: Wabishet ayaa beeniyay war ku soo baxay Wargeysyadda dalka qaarkood oo wax ka qoray shirkad Itoobiyaan ah oo gudaha Somaliland ka waday hawlo macdan qodis ah, taasoo maamulka degmadda Wajaale ay doraad ku qabqabteen iyagoo hawshaasi faraha kula jira masaafad balaadhan oo ka tirsan gudaha Gobolka Gabiley halkaasoo la sheegay in lagu sii daayay wadahadal ay labada xukuumadood ka yeesheen xadgudubka ay Itoobiya dhinaca Somaliland ku soo sameysey.

 

Mr. Wabishet waxa uu warkan ku beeniyay waraysi telefishanka Qaranku ay la yeesheen kaasoo uu safiirku ku eedaynayay dawladda Eratariya hadalo ay dhawaan ku weerartay Somaliland waxaanu waraysigaa ku sheegay dawladda eratariya inay ka xuntahay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland

 

Safiirka Itoobiya waxa uu isla waraysigaa ku sheegay inaanay waxba ka jirin wararka ay saxaafadda Somaliland qortay ee sheegaya inay shirkaddo macdan baadhaya oo Itoobiyaan ahi soo galeen guddaha dalka Somaliland, waxaanu sheegay warkaasi inuu yahay mid lagu waxyeelaynayo xidhiidhka labada dale ee Itoobiya iyo Somaliland isagoo sheegay shirkadda macdanta baadhaysay inay hawsheedu ku koobnayd dhinaca kililka shanaad ee Itoobiya.

 

Dafiraada safiirka ee Itoobiya ayaa waxa uu si cad uga hor imanayaa waraysi uu warbaahinta siiyeen maamulka degmadda Wajaale taasoo ay ku cadeeyeen shirkadd Itoobiyaan ahi inay muddo saddex cisho ah baadhis dhinaca macdanta ah ka waday gudaha Somaliland iyagoo hawshaa wadana ay ku soo qabqabteen shaqaalihii shirkaddaasi iyo qalabkoodiiba

 

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale oo ay saxaafaddu wax ka weydiisay arintan mar uu doraad shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa qiray inay xukuumadu dhinaceedda ka gaabisay hawlo labada dawladood ay ka wada fulin lahaayeen xuduudka u dhaxeeya labada dal isagoo sheegay xukuumadda Somaliland inay kulan ka yeelanayso wixii Dhacay inkastoo uu sheegay inaan wax macdan ah laga baadhayn balse ay jiraan ururin la xidhiidha xogta deegaanada xuduuda ku teedsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by juma-nne:

Now Mr. JB Whom do we belive or at least makes sense. The invader or the invaded?

I'm there sxb .... I need nobody to believe. I live there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Safiirka Itoobiya ee Somaliland oo Beeniyey, War Been Abuur ahaa Oo Ay Qoreen qaar ka mid ah Wargaysyadu

Typical JB, intaas ka badan miyaad ka sugeyseen?

 

halkaas ka sii wad JB

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this