Sign in to follow this  
Emperor

Faroole's first tour of the state as President of Puntland + massive welcome:PICS

Recommended Posts

Emperor   

Soo dhaweyntii Madaxweynaha Puntland ee Qardho (Sawiro)

Monday, February 2nd, 2009 at 1:37 pm

 

Horseed Media

Qardho, Puntland

 

qardho_soodhaweyn_faroole103Waxaa maanta soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada si diiran ugu soo dhaweeyey shacabka iyo waliba maamulka gobalka iyo Degmada.

 

Madaxweyne Faroole oo la kulmay odayaasha iyo siyaasiyiinta gobalka ayaa ka hadlay safarkiisa asagoo sheegay in u yimid magaalada Qardho inuu u kuur galo xaalada gobalka iyo waliba wadatashi.

 

Madaxweyne Faroole ayaa ka hadlay sidii wax loogu qaban lahaa magaalada Qardho oo uu sheegay inay tahay magaalo Taariikhi ah oo horey maamuladii jiray ay uga gaabiyeen inay wax u qabtaan.

 

Madaxweynaha ayaa hada galay kulamo iyo wadatashiyo uu la yeelanayo maamulka gobalka, degmada, siyaasiyiinta, iyo Odayaasha ku sugan magaalada Qardho.

 

Waa safarkii ugu horeeyey oo uu gudaha Puntland ku sameeyo Madaxweynaha cusub ee Puntland tan iyo intii xilka loo doortay bishii lasoo dhaafay ee Janaayo.

 

Maalmihii lasoo dhaafay ayey magaalada Qardho ka socdeen kulamo ay ku arrinsanayaan beelaha ku dhaqan Gobalka Karkaar oo Bayaan shalay ay soo saareen ku sheegeen inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin maamulka cusub ee Dr.Faroole.

 

Waxaa Madaxweynaha safarkiisa ku wehliya Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo Mas’uuliyiin kamid ah xukuumada oo ay ku jiraan , Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Gen.Cabdullahi Ilkojiir, Wasiirka Maaliyada Md.Faarax iyo Xildhibaano iyo madax kale oo ka tirsan xukuumada.

 

Wafdigan ayaa markii ay magaalada daafaheeda soo gaareen ay halkaasi kusoo dhaweeyeen shacabka magaalada, mas’uuliyiinta gobalka, degmada, cuqaal, siyaasiyiin iyo nabadoono.

 

Source: Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Yep, they must be feeling high, all this love...

 

What a peaceful transition this was, unity is power, Masha'alah Kudos to reer Puntland....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this