Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: UCID KULMIYE say no to Extension

Recommended Posts

Xisbiga Siyaasiga Ah Ee KULMIYE oo Mawqif Adag Iska Taagay Muddo Kordhinta Golaha Guurtida

March 31st, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org)- Hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in go’aankii muddo kordhinta Madaxwayne Riyeele ee golaha guurtidu uu yahay mid baal-marsan sharciga iyo distoorka daka, isla markaana aanay jirin duruuf muddada xilka loogu kordhiyo xukuumadda wakhtigeedii gabaabsiga yahay.

Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xaruntiisa Hargaysa, waxaana war-murtiyeed laga soo saaray shirkaasi jaraa’id lagu sheegay in go’aankii golaha guurtida ee muddo kordhinta xukuumaddu aanu waxba ka bedelin mawqifkii hore ee xisbiga KULMIYE, kaas oo ahaa in aan xisbiga KULMIYE sinaba u aqbali kariin muddo kordhin aan sharciga iyo distoorka dalka waafaqsanayn.

Warmurtiyeedka xisbiga KULMIYE ka soo saaray shirkaasi jaraa’id oo noqul ka mid ahi soo gaadhay shabakadda wararka ee Somaliland.org, isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:

“Go’aankii Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta MADAXWEYNAHA waxba kama beddelin mowqifkii hore Xisbiga KULMIYE ee ahaa inaan Xisbiga KULMIYE sinaba u aqbali Karin muddo-kordhin aan sharciga iyo distoorka dalka waafaqsanayn.

Xisbiga KULMIYE wuxu u arkaa Go’aankii Guurtida ee 28ka March 2009 ee loogu kordhiyey MADAXWEYNAHA muddada lixda bilood ah mid baalmarsan sharciga iyo distoorka dalka, iyada oo aanay oollin duruufaha ku xusan qodobka 83aad farq.5aad, ee loo cuskaday go’aankaas isaga ah, kaas oo dhigaya sidan:- “Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada MADAXWEYNAHA iyo ku-xigeenka MADAXWEYNAHA marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan MADAXWEYNAHA iyo Ku-xigeenka MADAXWEYNAHA , ……”.

Waxa kale oo Xisbiga KULMIYE u arkaa inaan Guurtidu xaq u lahayn sharci ahaan inay cayinto wakhtiga doorashadu qabsoomayso, Sida ku tilmaaman xeerka doorashooyinka Lr.20. 2001 qodobkiisa 8aad oo dhigaya sidan: “Komishanka ayaa cayimaya taariikhda la qabanayo doorashooyinka , si waafaqsan distoorka…”

Dhinaca kale waxaan la tixgelin go’aankii Golaha wakiillada la soo doortay ee ku baaqayey in haddii doorashadu ku qabsoomi weydo muddadaas sannadka ah ee loo kordhiyey Mdaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, in labada Gole ee sharci-dijintu (Baarlamanku) ay isugu yimaadaan fadhi wada jir ah, si ay uga wada go’aan qaataan xaaladda abuurantay.

Waxa xaqiiqo ah in shantii sannadood ee MADAXWEYNAHA iyo ku-xigeenkiisa la doortay ay ku dhammaatay 15 May 2008, iyada oo sababta loogu kordhiyey sannadka dheeraadka ah ay ahayd inuu ku qabto sannadkaa gudihiisa doorashadii Madaxtooyada, taas oo uu ku fashilmay. Haddii mar kasta oo uu Madaxweynuhu qaban waayo doorasho suurtagal noqon mayso in mar walba loogu abaal gudo muddo kordhin cusub.

Sababahaas kor ku xusan awgeed, wuxu xisbiga KULMIYE go’aansaday Qodobadan hoos ku qoran:

a. In wixii ka dambeeya 6da April 2009 aanu Xisbiga KULMIYE u aqoonsanayn Daahir Riyaale iyo ku-xigeenkiisa kuwo sharci ku fadhiya.

b. Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay inuu ka qeybgalo doorasho xor ah oo xalaala, taasoo micnaheedu yahay :-

(i) inaan hantida ummadda (gaadiidka, xafiisyada dawladda, dhulka danta guud, khayraadka badda iyo maaliyadda dawladda) loo adeegsan dano xisbi u gaara.

(ii) in seddexda xisbi u sinnaadaan adeegsiga warbaahinta dawliga ah ( Raadiyow Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeyska Maandeeq), loona magacaabo guddi madax bannaan oo maamusha.

(iii) in ciidamada nabadgelyada (Booliska iyo sirdoonka) aan loo adeegsan dano xisbi u gaara, sidoo kalena inaan ciidanka qaranka loo adeegsanin ujeedooyin ka baxsan waajibaadkiisa Distooriga ah ee difaaca qaranka.

(iv) In la helo garsoor dhexdhexaada oo madax bannaan

Xisbiga KULMIYE wuxuu mar walba u diyaar u yahay in khilaafaadka lagu dhammeeyo wadatashi.

Xisbiga KULMIYE wuxuu soo jeedinayaa in la helo Dawlad wada tashi ku timaada oo lagu wada kalsoon yahay, waajibaadkeeduna ku kooban yahay inay dalka gaadhsiiso Doorasho xor ah oo xalaal ah.”

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E-mail: afqarshe114@hotmail. com

Somaliland.org, Hargaysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

OGAAL: ‘Doorashadu waa inay 31 May dhacdaa… Guurtidu awood uma leh muddaynta’

March 30th, 2009

 

Maxay ku kala duwan yihiin Komishankii hore iyo kuwa maantu?

 

“Masuulka Kursiga fadhiyaa halay kordhiyo & inuu Doorasho qaban waayo oo ummadda cabudhiyo maaha”

 

Shukri X. Ismaaciil Baandare - Waraysi

 

“Haddii mudda-kordhin uun la wado waxa iman kara oo ay taasi horseedi kartaa cawaaqib-xumo”

 

“Haddii Komishanku hanan waayo Kalsoonida Xisbiyada iyo Shacabka, awood-fulineed yeelan maayo”

 

“Waa nasiib-darro inay maanta Komishanka lacagtii doorashadu kaga xaniban tahay Xisaab-xidh la’aan”

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

No, you the one who missed the metaphor. I know daftness is not a crime but a curse, and that is why I keep forgiving you. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. You definitely confused everyone with your Mumbo jumbo and Sufi metaphysical soul searching. Have you found your true self yet and what should we call you now. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this