Sign in to follow this  
Che -Guevara

Is this really Boorama?

Recommended Posts

Mudaharaad ka dhacay Borama iyo dad hore loo dilay oo halkaa lagu aasay

 

Axad, 12 July 2009 (HOL): Afar qof oo la dilay ka dib markii laga afduubay Jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Borama iyo Gabiley ee Somaliland, ayaa maanta lagu aasay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Taas oo keentay in dad gadoodsani mudaharaad ku dhex maraan Magaalada Borama.

 

Afarta qof ayaa la dilay ka dib markii sida la sheegay laga afduubay Jidka u dhaxeeya Borama iyo Gabiley, taas oo ku soo beegantay waqti ay dirir dhinaca Dhulka ahi u dhaxayso qaar ka mid ah Beelaha wada dega Awdal iyo Gabiley. Dadweyne tiro badan ayaa maanta ka qayb-galay aaska dadkan, kuwaas oo markii ay ka dareereen Aaska Mudaharaad ay isugu soo baxeen ku dhex maray Magaalada Boorama ee Xarunta Awdal.

 

Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedyada Gobolka Awdal oo la hadlay dadkii isugu soo baxay Mudaharaadkaas, ayaa falka lagu dilay dadkan ku tilmaamay mid aan bannaanayn, isla markaana ah wax laga murugoodo. Waxaanay kula dardaarmeen dadkii Mudaharaadka ka qayb galay iyo guud ahaan Shacabka reer Awdal in aanay si cadho leh uga jawaabin tallaabadaas, isla markaana aanay ku kicin arrimo abuuri kara nabad-gelyo darro.

 

Inkasta oo aan ilaa hadda la fulinin go’aan ay Golaha Guurtida Somaliland ka soo saartay arrinta muranku ka taagan yahay ee dhulka labada dhinac ku muransan yihiin, ka dib markii ay guddi u saartay arrintan, haddana Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aano hor leh oo ay ku amrayso Taliyayaasha Ciidamada iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha in goobta muranku ka taagan yahay laga dhigo goob Ciidan, tallaabana laga qaado cid kasta oo lagu arko iyada oo hub sidata. Waxaana go’aankan ka mid ahaa in sidoo kale tallaabo laga qaado qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland oo ay ku eedeeyeen in ay tebiyeen warar been ah oo arrintan la xidhiidha.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawi Colaadeed Oo Boorama Hadheeyey, Socdaalka Taliyaha Bileyska Iyo Dhaqdhaqaaqa Nabadeed

 

Boorama, (Halganews) – Magaalada Boorama ayaa shalay laga dareemayey jawi colaadeed oo aan la ogeyn meel uu ku dhamaan doono kadib markii ay soo gaadheen warar sheegayey in maleeshiyo beeleed ka soo jeeda degaanka Gabiley habeen hore jidgooyo ay u dhigteen rakaab iyo gaadiidley ku soo socotay Boorama, halkaana ay ku laayeen ku dhawaad afar qof, tiro aan weli la xaqiijin oo kale oo rakaabkii saarraa ahna weli la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, dadka ayaa taagnaa suuqyada iyo meelaha kale ee layskugu yimaado, iyagoo dhegta u taagayey waxa ka soo kordhay jiida shaqaaqadu ka jirto ee tan iyo Jimcihii dorraad laga soo sheegayey wax beddelay nabadgelyadii Somaliland ku soo jirtay sannado badan, wararkaasi oo isugu jiray wax dhacay iyo wax aan dhicinba, ayaa marba marka ka dambaysa wax ka sii bedelayey jawiga iyo dareenka dadka, iyadoo dadweynaha qaarkood ku baaqayeen abaabul dagaal lagu qaado waxay u arkayeen gar-darada iyo xasuuqa loo geystay dadka musaafirka ah.

 

Maamulka Gobolka Awdal iyo kooxo salaadiin iyo madaxdhaqameedyo isugu jira ayaa iyaguna dhinaca kale la dareemayey dhaqdhaqaaqyada nabadeed ee ay abaabulayeen, balse ilaa imika lama oga meel ay wax u marayaan.

 

Dhinaca kale qaar ka mid ah salaadiinta iyo odayaasha ku nool Boorama oo shalay gelinkii dambe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama ayaa si kulul uga hadlay dadka lagu laayey jidka u dhexeeya Kalabaydh iyo Dilla, kuwaas oo dhinaca kalena talooyin u soo jeediyey xukuumadda, talooyinkaas oo ku salaysan laba arrimood, waa tan koowaade in la soo qabto dadkii dadkaa laayey, lana soo celiyo gaadiidka la dhacay, iyo arrinta kale oo ah inay xukuumaddu joojiso fulinta go'aanka Ceel-berdaale, isla markaana dadka dhulkaasi ku nooli iskood u heshiiyaan.

 

Hase yeeshee salaadiintaasi ayaan soo hadal qaadin eedeymaha dawladdu ku leedahay dilalka dhacaya, oo haddii aanay guurtida dhulkaasi u dirin wakhti xasaasi ah aanay xaaladdu maanta sidan ahaateen, haddiise ay ku adkaysatay in go'aanka guurtida la raaco, ay waajib ku ahayd inay waajibkeeda ka gudato, balse aanay ahayn in kolba dhinac ay uga muquurato.

 

Dhinaca kale taliyaha ciidanka Bileyska Somaliland iyo ciidan uu watey ayaa iyaguna shalay subax ku waaberiistay Boorama, balse aan la ogeyn hawsha ay u yimaadeen Boorama, iyada oo laga filayey inay ku waaberiistaan dhulka mashaqadu ka dhacday, si ay u baacsadaan maleeshiyo beeleedka la sheegay inay dadka musaafirka ah ku laayeen jidgooyada ay u dhigteen.

 

Taliyaha iyo ciidankaas oo watay gaadiidka dagaalka ayaa shalay barqadii u dhaqaaqay dhinaca bari ee magaalada Boorama, gaar ahaana dooxada Cammuud ee Jaamacadda Camuud waxayna wararka qaarkood sheegayaan in Taliyaha iyo ciidanka uu watayba gurmad u ahaayeen macallimiin iyo arday ka kala timid gobolada kale ee Somaliland, oo Jaamacadaasi wax ka dhiga ama dhigta, kuwaas oo laga cabsi qabay in qaraabada dadka lagu laayey Kalabaydh u bartilmaameedsadaan aargoosi balse aan wax loo geysan.

 

Dhinaca kale taliyaha ciidanka Bileyska iyo badhsaabka gobolka Awdal ayaa la sheegeyaa inay xaaladdan awgeed hadallo kulul isku weydaarsadeen. Inkastoo aan la xaqiijin sida wax u dhaceen, balse badhsaabka Gobolka Awdal Maxamuud Sh. C/laahi Cige ayaa la sheegeyaa inuu taliyaha ku canaantay waxa uu u soo dhaafay meesha dhibtu ka dhacday, meydadka dadka la laayeyna u soo qaadi waayey, una baacsan waayey dadkii dadka jidgooyada ku laayey ee ku sugan degaankaasi.

 

Ilaa imika ma jiraan wax ku saabsan abaabul dagaal oo qaybo ka mid ah dadweynaha magaalada Boorama ku qaadayaan duullaan lagu ekeeyo degaanada khilaafaadku ka taagan yihiin, balse iyadoo ay goor hore tahay in la saadaaliyo waxa ka iman kara dhacdadan maalmaha soo socda.

 

Hadalada dareenada ugu weyn lahaa ee sida weyn loo hadal hayey ayaa waxa ugu badnaa sida foolxumada leh ee maleeshiyo beeleedka Gabiley u balaadhiyeen dagaalka iyo gacan ka hadalka iyo foolxumada kale ee ku saabsan ugaadhsiga dadka rakaabka ah ee aan ku jirin iyagu khilaafaadka Ceelberdaale.

 

Inkasta oo ay wararka qaar sheegayaan inay jiraan dad weli la la’yahay oo loo malaynayo inay afduub ku maqan yihiin, haddana ma jiraan tiro rasmi ah oo si cad loo sheegay in la afduubay, iyadoo xidhiidho badan oo aanu la sameynay meelo kala duwan aanay noo xaqiijin cid afduub lagula maqan yahay.

 

Dhinaca kale dhacdadan habeen hore ayaa sidoo kale waxay dad badan illawsiisay talada golaha Guurtidu ka gaadheen dhulkaasi, iyo sida xukuumadda Rayaale weli uga war-wareegayso maadaama ay ogeyd in go'aan kasta oo ka soo baxa golahaasi yahay mid indhaha lagu hayey fulintiisana aanay ka warwareegin, halka dad kalena dhinaca laga xukumay Ceelberdaale ku eedeeyeen sababta ay mar horeba uga qayb-galeen dhexdhexaadinta haddii ay diidayaan go'aan kasta oo aan u cuntamayn, isla markaana ay u bannaanayd inay ergeda guurtida ka saaraan xubin kasta oo ay u arkaan inaanay dhexdhexaad ka ahayn. .

 

Xaaladdan ka soo cusboonaatay Ceelberdaale, ayaa beryahanba laga filayey inay dalka ku keeni doonto amni darro haddii ay dhammaan weydo, balse wakhtiga dhamaystirkeeda lagu soo beegay aanay ahayn wakhtigii ku habboonaa, xukuumadduna ka dambayso waxa haatan ka dhacaya dhulkaasi, iyadoo ay xukuumadda iyo guurtida u bannaanayd inay ergeda guurtida hawshaasi ka joojiyaan inta xaaladda siyaasadeed ee dalku degayso.

 

 

 

Xigasho Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Haatuf News:

Haween 80 Jiro Ah oo Xabsiga La Dhigay

 

Badhasaabka Awdal Oo Lagu Eedeeyey Inuu Xabsiga Dhigay Haween 80 Jiro Ah Oo Ka Soo Jeeda Qoyska Reer Sh. Cali Jawhar, Dhulkoodiina Dad Kale Siiyey

 

“Waxan Illaahay Ka Baryayaa In Qofka Na Haysta, Illaahay Wax Kadeeda U Keeno” Faadumo Sh. Cali Jawhar

 

Boorama, July 12, 2009 (Haatuf) – Xubno ka mid ah qoysaska caanka ah ee reer Boorama, ayaa guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi Cige, ku eedeeyey inuu kula kacay falal arxan darro ah, kana baxsan shuruucda dalka iyo kan diinta islaamka ah, kaddib markii uu xabsiga u diray haween da' ah oo ka soo jeeda qoysaskaasi, isla markaana dhul-beereed ay ku leeyihiin Boorama uu siiyey dad kale oo ay isaga dano kale ka dhexeeyaan.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, xubnahan ayaa sidoo kale badhasaabka Awdal ku eedeeyey, nin aan ku dhaqmin shuruucda dalka, isla markaana ciddii uu doonana xidhxidha, wax ka daba hadlaana aanu jirin, sidaa darteedna loo baahan yahay inay bulshada reer Somaliland iyo reer Awdalba kula taliyaan inuu dadka si caddaalad ah ugu xukumo gobolka.

 

Faadumo Sh. Cali Jawhar, oo ka mid ah saddex haween ah oo dhawaan loo qabqabtay muran dhul-beereed ay ku leeyihiin Boorama oo dad kale ku sheegteen qaybo ka mid ah, ayaa wareysi ay arrintaasi Haatuf ka siisay kaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan caddaalad darro, sharci la'aan iyo arrimo kale oo ay ka tirsanayaan gudoomiyahaasi, waxayna Faadumo Sheekh Cali Jawhar tidhi: ''Dhawr iyo sagaashan sano ayaan jiraa weligayna ma arag xafiisyo dawladeed, ama mid la iiga yeedhaba. Waxaan la yaabay waxa aniga iyo haween kale oo walaalahay ah naga qabsaday guddoomiyaha gobolka Awdal, oo beer aan weligayo Boorama ku lahayn na dul keenay dad aanaan wax naga dhexeeyaa jirin, kaddibna beertayadii badhtankeedii jago ka qabsaday oo leh qasab baan ku dhisanayaa. Waxa dhacday in maamulka dawladda Hoose ogyahay sharcigayaga dhulbeereedkaasi, cashuurtiina aanu bixinnay, isla markaana aanu ku dhaqaaqnay inaanu qayb ka mid ah dhisanno, kaddibna annagoo halkaa marayna ciidan iyo dad shicib ah nala dul keenay oo nalaga burburiyey dhismahayagii, isla markaana xabsiga saldhigga Bileyska nala geeyey. Markii aan nidhi maxaa nalagu haystaana la yidhi dhul baa la idinku haystaa, oo weliba badhsaabku cid uu wato ayaa idinku haysata, waxana nalagu yidhi ma dhisan kartaan. Intaa markay marayso ayaa habeennimadii dambe koox kale dhulkayagii qabsatay oo haddaan doonayo in dhulkayga xoog ku raadsanno, waxay tafiirtaydu maraysaa 72 qof, gabdhaha kale ee ila dhashayna waa intaa in le’eg, mana doonaynno inaan xaqayaga u dagaalanno. Dadkan ma garanaynno, dhul deris ah ma nihin, dhul nagama iibsan ilaa imikana waan garan la’nahay sida wax u socdaan iyo waxa badhsaabku annaga noogu haysto dhul jago ah oo uu dad la doonayo. Waxaan ummadda reer Somaliland, ummadda reer Awdal, muslimka dhulka ku nool, Golayaasha qaranka, iyo xukuumadda sareba ka codsanaynaa in arrintaasi badhsaabku nagu hayo ee tacaddiga iyo dulmiga ah wax laga qabto, loona sheego in dhulka ay shaqo ku leedahay dawladda Hoose, maxkamadda iyo meelaha kale ee sharciga dawladda laga hago, intaaba hanala horgeeyo, wixii intaa ka baxsan waxaanu u aragnaa gef iyo awood sheegasho iyo shaadhka dawladda oo nalagu dhacayo, waxaan Illaahay ka baryayaa in cidda dhibtaa nagu haysa Illaahay keligii meel ka siiyo wax kadeeda.”

 

Intaa kadib ayaan dadkii deriska la ahaa dhul-beereedkaasi wax ka weydiinnay sida wax u socdaan iyo cidda meeshaa isku haysta.

 

Ugu horreyn waxan wax ka weydiinnay nin la yidhaahdo Faysal C/raxmaan waxaanu yidhi “Meeshan waxan deggenayn muddo toban sano, dhulkan aan guriga ka dhisannay waxa naga iibiyey reer Sh. Cali, iyaga uun baan meeshan ku ogeyn, waxaanu maalin dhaweyd aragnay ciidan iyo dad kale oo muddo saddex saacadood na haystay, weligayna ma arag.”

 

Oday kale oo isna ka mid ah odayaasha xaafadda ee jaarka la ah beertaa ayaa isna yidhi “Annagu buuqa waan maqlaynay dadka meesha yimidna waan moodaynay inay reer Sh. Cali ka iibiyeen meesha, waxan ogaannay goor dambe in dadkani meel kale ka soo duuleen oo meeshan uun farta loogu fiiqay, waar Illaahay ka yaaba ayaan nidhi, weyna na maqli waayeen, reerkaasina iyagaan ka iibsannay jagadan aanu deggenahay.”

 

Si kastaba ha ahaatee muranka dhulka ee magaalada Boorama ayaa haatan cirka isku sii shareeraya oo kolba weji la imanaya, sharcigii dawladda ee lagu kala baxayeyna haatan waa la dhaafay oo waa la maqli waayey, waxayna u egtahay in arrimahan dhulku haddii ay sidan ku sii socdaan ay keeni karaan xasilooni-darro aanay cidi itaal u haynin xalkeeda, daawladdana ay ka soo gaadhi doonto dhibaato kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

This huge demostration was held in borama today and people are very angray... and it seems uprising agains Somaliland administration...and all the people are shooting.. Soomaaliya Ha Noolaato......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

if you look closely at the background in the third down picture, you will see a building with the writings "amoud university" on it. this university is known to be located in Boorama proving the authenticity of these photos. Simples. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^You took magnifying glass eh?....Well if Jb isn't rebuking this, then it must have some truth to it

 

I thought the conflict that spurred was resolved?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

^^ no need for JB i'm positive :D . yeah people do tell me i've got a good eye sight. as for the location of the uni search it on google. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Warkamaanta Update

 

(Warkamaanta July 12, 2009, 9:00) Finally some good news. People in Borama have taken to their home all ***** people in the city to protect in their homes. People in Gabilay have taken up similar acts and are protecting all ********** people in their own homes. There is a call going out in the Mosques of both cities that any body who hurts any innocent person will be dealt with severely in this world and in the next. That is the beginning of good news...

 

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

(Warkamaanta July 12, 2009 ) 8:24 am Ontario time. It appears that more cars and trucks on both sides of waring tribal groups are being kidnapped. People are being hostages on both sides of the tribal front as people go about their own business. It appears that there are more people dead than we have heard so far. The most disheartening parts of the whole issue is that at least some of the killed in Kalabaydh has been mutilated before death. It appears that it was an intentional attempt to cause a permanent war in the region.

 

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

(Warkamaanta July 12, 2009) Hashim Goth reports from the battle front that battles are raging on in the Gabilay Dilla front at this moment.

 

The time is early Afternoon and the fighting started this morning. Hashim reports that 4 of the injuried are now on the way to the hospitals in Borama. Hashim also reports that there is a lul in the fighting at this moment. He will update us as he reaches Borama.

ON the other hand Hashim Goth reports that there were extensive demonstrations that shook Borama. There is too much choas in the streets. It was the brutality that the people have seen on the 4 people dead that has fired the emotions of the people. Hashim Goth reports that there is information indicating that some of the victims killed in Kalabaydh had their their necks cuts off. Police eventually broke up the demonstrations. Gun fire was heard in the streets. No further injuries reported

 

 

www.warkamaanta.com

 

[ July 12, 2009, 11:46 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

^I think they are throwing things out of proportion?....How bad was whatever happened?

 

Yes there's always concern for Qabiil reprisals, but you make it sound 90s or I should say the article.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, there was some tensions regarding land farms near Gibay area, however things came to a head when four men from Borama were taken from their car and killed by clan militia. This has sparked the latest Anger. There are no major battles but there are demos, for the people if Borama to forget Riyaale and wave the blue flag highlights how angry they feel. It's something new.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

^^^ I wonder if JB uu isku qaadiye by those sights :D , The begining of the fall of Somaliland. All it needs now are the elections to be rigged by dictator Riyaale of to be postponed again :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this