Sign in to follow this  
ANWAR

USC + maxkamadaha Islaamiga = BAYBAY SOMALIA

Recommended Posts

ANWAR   

26 Janaayo 1991 waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kacdoon dadwayne kii ugu weynaa intii la xasuusan yahay taariikhda Soomaaliya,Waxay ahayd maalintii la riday dowladii uu hogaaminayay M Siyad Barre,Dad badan ayaa maalintaas ku tilmaamay in ay tahay maalin Qaran oo la xusi doono sida 1da Luuliyo & 26da June,Nasiib daro ma dhacin in ay noqoto maalin la qadariyo waxayna noqotay bilcaksi maalin madoow oo soo martay taariqda Soomaaliya, waxaa durbadiiba biloowday burbur aan joogsi lahayn waxaa mid mid loo waayay dhamaan adeegyadii & hayadihii dawlada ,waxaa biloowday dagaalo sokeeye oo sanadba sandka ka dambeeya sii kordhayo, isku soo wada duub waxaa magaalada Muqdisho loo aqoonsaday caasimada aduunka ugu liidata, dadkii sugayay in hadii Siyaad Barre la eryo ay heli doonaan nolol ka wanaagsan tii ay heysteen ayaa hawadoodii beenoowday,waxaad maqlaysaa iyagoo leh Beri samaadkii, Waagii aan qaranka ahayn, Waagii nabada ama burburka ka hor erayadaas oo ay inta badan ula jeedaan xiligii Siyaad bare talada haayay hadaba ereyadaas ayaa waxay muujinayaan in halgankii & kacdoonkii USC uu fashilmay, 16 sano kadib & kacdoon labaad waa tulucdeena manta waxaana aqristoow halkaan idiinkugu soo gudbinaynaa calaamado ay isaga mid yihiin kacdoonka midowga Maxkamadaha & Kii USC.

 

United Somali Congress Midowga Maxkamadaha

 

1 Magacu waa Urur mideeya Soomaaliya 1. Magacu waa urur mideeya Maxkamadaha Soomaaliya.

 

2. Xaruntu waa Hotel Towfiiq 2. Xaruntu Waa Hotel Ramadaan

 

3. Markii USC talada la wareegtay iyagoon Soomaali isugu yeerin waxay isla markii ku dhawaaqeen in uu xukunka qabto Cali Madi Maxamed waxeyna taasi ka caraysisey dad badan oo Soomaaliyeed waxaa aad ugu riyaaqay beeshiisa waxayna arintaasi ka mid noqotay waxyaabaha dhaliyay Muranka Soomaaliya gaar ahaan beelaha ****** .

3. Markii maxkamaduhu talada la wareegeen waxay isla markii magacaabeen Guddi Shuuro oo macnihiisu yahay Baarlamaanka oo ay Madax uga dhigeen Xasan Daahir Aways wayana taasi ka caraysisey dad badan oo Soomaaliyeed waxaa aad ugu riyaaqay beeshiisa. waxayna arintaasi ka mid noqotay waxyaabaha dhaliyay Muranka Soomaaliya gaar ahaan beelaha ****** .

 

4. Markii USC Muqdisho la wareegeen kuma ekaan ee waxay isla markii u qalab qaateen weerar lagu qaaday Magaalda Kismaayo. 4. Markii Maxkamaduhu Muqdisho la wareegeen kuma ekaan ee waxay isla markii u qalab qaateen weerar lagu qaaday Magaalda Jowhar.

 

5. Waxay USC amar ku bixisay in hubka lagu wareejiyo Jabhadaha taageersan USC

5. Waxay Maxkamaduhu amar ku bixiyeen in hubka lagu wareejiyo Maxkamadaha taageersan Midowga Maxkamadaha.

 

6. USC qorshe & barnaamid u degsenaa si ay dalka u hogaamiso ma jirin waxayna u arkayeen guul lama filaan ah oo Alle keenay.

6. Maxkamadaha qorshe & barnaamid u degsenaa si ay dalka u hogaamiyaan ma jirin waxayna u arkayeen guul lama filaan ah oo Alle keenay.

 

7. USC Jabhadihii taariikh ahaan iyaga ka horeeyay sida SSDF ma tixgelin waxayna u arkayeen cadaw.

7. Midowga Maxkamadaha Maxkamadihii taariikh ahaan iyaga ka horeeyay sida Maxkamadaha Xararyaale,Siinaay & Towfiiq ma tixgelin waxayna u arkayeen cadaw.

 

8. Markii USC guulaysatay waxba dembi ah looma raacan mas’uuliyiintii sar sare ee ka tirsanaa maamulkii M Siyaad bare sida Xuseen Kulmiye Afrax & C/qaasin Salaad Xasan waxaana loo aqoonsaday caaqiliin ****** oo lala tashado maxaa yeelay beelahooda ayaa kacdoonka hogaaminayay.

8. Markii Maxkamaduhu guulaysteen waxba dembi ah looma raacan mas’uuliyiintii sar sare ee ka tirsanaa Dagaal oogayaasha soomaliya sida Yusuf Indha Cade waxaana loo aqoonsaday nin gacan wanaagsan siiya Maxkamadaha maxaa yeelay beeshiisa ayaa kacdoonka hogaaminaysa.

 

Waxaan halkan idiinkugu haynaa labo calaamad oo ay ku kala gedisan yihiin USC Midowga maxkamaduhu.

 

USC Waxaa hogaaminayay saraakiil & Janano aan diinta aqoon u lahayn sida Shabeel, Dhoore, Caydiid, Calasoow Dheere, & Maqadeeye. Maxkamadaha waxaa hogaaminaya rag culimaa’udiin ah sida shariifka, Sh Xasan aweys & kuwo kale.

 

Waxay sheegi jireen in ay dalka ku xukumayaan hanaanka Dimoqoraadiga Waxay sheegayaan in ay dalka ku xukumayaan hanaanka Shareecada Islaamka ee Muqadaska ah.

 

Hadaba aqristoow waxaa suurtagal ah hadii ay maxkamaduhu sii hayaan wadada ay hada hayaan in taasu dhali karto fashilkii ku yimid guushii USC.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Run waxyaabo badan oo iska shabahaan ayaa jira labada kacdoon. waxaase muuqata waxyaalo badan oo ay kukala duwan yihiin, waxyaalaha ay kukala duwan yihiin waxaa kamida.

 

1) maxkamadaha deg deg badan kama muuqdo.

 

2} Maxkamadaha oo hal hugaan leh, iyagoo ujeedo siyaasadeed leh, oo ah inay nabadgelyo iyo maamul sameyaan, kadhex muuqdaan siyaasada soomaaliya, hugaankana uqabtaan soomaaliya maadaama iyagu caasimadii gacanta kuhayaan. iyagoo si qunyar qunyara igu fidiya dalka.

 

Waxyaalaha hortaagan maxkamadaha inay horey usocdaan.

 

1) Wadamo shisheeye

2) Taageerada loo hayo oo siilumaysa

3) cadow guduaha ah

 

Gabobo

Maxkamaduhu iyagaa gacanta sare leh,hase ahaatee meeshii ufogeyd ee gaadhi kareen ayay gaadheen, hadii ay kuguuleystaan inay maamul lataageersan yahay kadhisaan moqdisho, waxay noqonayaan awooda ugu weyn soomaaliya. Hadii kalese burburkooda ayaa bilaabmaya, dagaal siyaasadeed oo gudaha iyo dibadeba ka imaanaya ayaa fashiliniya. hase ahaatee waxay ubadan tahay inay fashiliyaan TNG siday hada kusocto. maadaama taageerayaasha maxkamadu kaxoogan yihiin, kuwa TNG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sxbayaal, balaaayo siraadis ma fiicna. Marka xiga maxkamadaha iyo USC wax la is barbardhigi karo malahan.

 

USC markay qabstay xamar waxaay bilaabeen waxay ugu yeereen "Raadintii Haraadiga" in other words ethnic cleansing waayo waxaan xasuustaa Cali Mahdi iyo Xusseen Kulmiye (hold on, who was this man?) ayagoo is la fadhiyo uyuu yiri "waxaan raadaynaa haraadigii siyaad barre" :rolleyes:

 

Si kastaba, xagga maxkamadaha weli mala arag ayagoo aarsi raadis ah, xattaa ma raadiyaan "haraadigii" isbahaysiga sheydaanka :D tan kale qabiil kasta oo soomali ayaa ku jira.

 

So lets pray in aay sheekada ka kala daadanin meeshi roona Illaah ha ina dooransiiyo.

 

 

am

 

cid waliba ayaa ku jirta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this