Sign in to follow this  
General Duke

Daroor: fighting continues over 70 dead...

Recommended Posts

Dagaallo Kale Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Darroor, Ergooyinka Sii Qulqulaya Iyo Baaq Madaxweyne Riyaale Jeediyey

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 18 February, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Darroor (Somaliland.org) – Dagaallo kale ayaa maanta dib uga bilaabmay deeggaanka Daroor oo Arbacadii dagaal dhimasho iyo dhaawac badan geystey ku dhexmaray laba beelood ee deegaankaas wada dega.

 

Dagaalkan oo lagu soo warramay inuu saaka ka bilaabmay Afar meelood oo kala duwan, waxa uu yimi iyada oo ergooyin door ah oo ka kala tegey Hargeysa iyo Burco ay gaadheen deegaankaas, qaar kalena ay ku sii qulqulayaan, si ay u dhexgalaan colaadda labadaa beelood.

 

Dagaalkan oo sida wararku sheegayaan socdey ilaa gabal dhicii maanta, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha uu geystey, iyada oo wararku sheegeen in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas loo soo qaaday cusbitaalada Hargeysa iyo Burco. Waxaana la filayaa in caawa goor dambe ay soo gaadhayaan.

 

Baaqyo is daba joog ah oo ka imanaya dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa loogu jeediyey labada beelood inay dagaalka joojiyaan, wadahadalna ku dhammeeyaan colaadda.

 

Baaqyadaas waxa ugu dambeeyey mid ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Hargeysa.

 

Madaxweyne Riyaale waxa uu labada beelood ee dagaalku ku dhexmaray jiidda Daroor ugu baaqay inay degdeg u joojiyaan dagaalka, isaga oo sheegay in aanay jirin wax xikmad ah oo ay ku dagaalamayaan beelahaasi.

 

“Xikmad alla xikmad lagu dagaalamayo maanta oo aan ku qanacsanahay ma jirto. Aad baan uga tiiraanyoonayaa, aad baan uga xumahay, waxaan leeyahay walaalayaal joojiya dagaalka, ” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

 

Waxa uu sheegay in dowladdu u gurmatey daminta colaaddaas oo ay dirtay Guurti iyo odayaalba. Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay u direen Baaq inay u soo gurmato joojinta dagaalka, isaga oo sheegay in Itoobiya ka aqbashay in Somaliland ka hawlgasho joojinta colaaddaas oo ka socota dhulkaas oo ka tirsan Maamulka Soomaalida ee Itoobiya.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagal markale ka qarxay deganka Daroor

 

18 Feb 18, 2007 - 4:59:11 PM

 

Dagaallo beeleedyo ayaa mar kale dib ugu qarxay deegaanka Daroor ee ka tirsan gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaasi oo ay isku hayaan labo maliishiyo beeleed oo ku dirirsan arrimo deegaan iyo aano qabiil oo horay u dhex martay.

 

Dagaaladan oo xooganaa ayaa gelinkii danbe ee maanta hakaday, iyadoo lagu soo waramayo in ciidamada dowladda Itoobiya ay soo kala dhex galeen, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo colaadaas.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada isku magacowday Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa ka waramay dagaalada dib ugu soo cusboonaaday deegaanka Daroor isagoo ugu baaqay labada dhinac ee dirirka u dhaxeysa in ay si shuruud la'aan ah u joojiyaan isla markaana wada hadal ay ku dhameeyaan wixii khilaafaad jira, wuxuuna Daahir Riyaale uu intaa raaciyay in deegaanada Somaliland aanan wax gurmad ah ka tegi karin isla markaana maamulkiisa aanan dhex geli doonin, maadaama buu yiri uusan deegaanka aheyn dhulka Somaliland.

 

Arbacadii lasoo dhaafay ayey aheyd markii dagaal xoogan labada dhinac ku dhex maray deegaanka Daroor iyadoo todobaadkii hore ay halkaasi ku dhintay in ka badan 30 qofood, waxaana socda dadaalada ay wadaan cuqaasha dhaqanka Somaliland.

 

Jigjiga, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaa Ka Danbeeya Dagaalada Daroor

 

Xassan Yuusuf — London, UK — 19 February, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

Yaa Ka Danbeeya Dagaalada Ka Soo Cusboonaaday Daroor Iyo Meelo Kalle.

 

Soomalidu waxay ku maah-maahdaa qofna caadadii ma baajo bahala ceedhin ma

daayo waxa taa ka dhigan kooxda maanta ka talinaysa Somaliland kuwaas oo

kursi jacayl dartii ay la gashay in ay dhiig daadiyaan.

 

Taariikhdu iyadaa isa soo celisa nidaam kasta oo ku fashilma hogaaminta umad

wuxuu miciin bidaa wax uu ku qariyo ceebtiisa markaa taagan hadaba waxa

su’aala maxaa mar keliya dagaal ka wada bilaabay min G/Sool, Saaxil Ilaa

Daroor? Jawaabta su’ashan ayaan ahyn mid sidaa u sii adag kooxda riyaale

hogaaminayo ayaa sidan dan mooday iyagoo ka fekeraya soo dhowaanta mudadii

xilka madaxtinimada taas oo ay aaminsan yihiin inaanay isu soo taagi karayn

mar kalle doorasho sidaa darteed waa in Dalka iyo dadkaba dab la sudho si

goor dhow loo yidhaahdo xaalad degd-dega ayaa dalku ku jiraa, Hadaba

sheekadani ma tahay mid cuntamaysa ? jawaabtu waa maya rabshadahan hada la

bilaabay waxa la odhan karaa waa dhamaadkii nidaamka Riyaalle iyo

Naarquutayaasha hoos jooga ee u dhiga shaxda balse uu iska garan waayay

lumiyay fursad qaali ah oo uu iskaga maydhi lahaa waxyaabihii lagu sheegayay

xiligii uu hayay shaqadii xumayd ee la wada garanayo.

Maanta shacbiga Somaliland Cididood baa calool ku jabtay halgan dheer ka dib

markii ay hadana dib u bilaabeen xili ay is weydiiyaan maxaynu kula

dagaalanay Max’ed Siyaad arimahani waxay ina xasuusinayaan sheekada buugii

beerta xayawaanka oo Shacbiga Somalilandna yahay xayawaankii kooxda talada

haysataana yihiin doofaaradii Nabilyoon, Skwilar iyo kuwo kalle .

 

Si hadaba Somaliland looga badbaadiyo kooxda doofaarada ah waa in umadu

garataa danteeda una fahamtaa waxyaabaha hada socda mashaariic la mida kuwii

hore ay ugu baabaday Somalia iyadoo umada walaalaha ah mindiyo laysugu

dhiibayo

 

Kooxda Doofarada ku noqday Somaliland mid maskaxda ha gashadeen (Ilaahayna

noo maqan) Idinkuna waxaa maraysaan oo ka cabi doontaan koobkii rag la

garanayo.

 

Riyaalena haw diyaar garoobo dacwad la mida ta ku socota Calli Samatar, Tuke

, Charles Tilor, iyo Cid kastoo gashay denbiyo ka dhan ah Bani aadanimada.

 

Wabilaahi Towfiiq

 

 

Xassan Yuusuf

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

One can only say, Inaa lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun.

 

Ilaahow kala qabooji dadkan is diriray.

 

Insha Allah.

 

Thanks for the news Duke.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Degaanka daroor iyo khasarahii dagaalki shalay iyo xaalada oo maanta degen

 

--------------------------------------------------

 

hadhwanaag 2007-02-19 (Hadhwanaagnews) Daroor(HWN):- Inka badan 43-qof ayaa ku dhintay tiro 50 kabadanina way ku dhaawacantay kadib markii shalay dagaal ka soo cusboonaaday Deegaanka Daroor ee Kililka 5-aad ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia,kaas oo u dhaxeeyaa laba beelood oo reer Somaliland ah goobtaasi wada dega,

 

Sida ay wariyasha shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com ee magaaladoyinka Hargeysa iyo Burco Mustafe janaale iyo cabdisalan ilkacase ay soo arkeen isla markaasna ay tirada dhimashada u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay inuu dagaalku ka bilaabmay shalay Afar goobood oo ka tirsan deegaanka Daroor ee Kililka 5-aad ee ismaamulka soomaalida Ethiopia, waxaana halkaasi ku dagaalamayaan laba beelood oo wada dega jiidaasi.

 

Sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhayaa deegaanka daroor ee dirirku ka socoto ayaa tibaaxaayaa inay labada beelood mid-ba dhinacooda ay kaga kala dhinteen dad badani halka ay kuwa kalena kaga dhinteen tiro intaasi lamida waxaana ilaa imika lagu jiraa gurmada colaad damina oo ka socda degaamada somaliland oo dhan iyadoo ergoyin badani ka kala baxeen degaamada Buuhoodle hargeysa Burco Boorame iyo sanaag

 

Warar naga soo gaadhaaya degaankaasi ayaa sheegaaya in maanta aanu dhicin wax dagaal ahi iyadoo la soo kala dhexdhigay ciidamao ka socda dawlada federalka ee ethiopia iyo ergooyinki tirada badnaa halkasi gaadhayna ay ka qayb qaadanaayan xabadjojonta

 

 

Kala socda shabakada hadhwanaagnews.com wixii wara ee ka soo kordhaa degaanka Daroor ee coiaadu ka soo cusboonaatay…………………………….

 

Weriye, Mustafe-janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

E-mail, janaale94@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Why does every topic turn into Uncle this Uncle that?

 

If in fact 70 people have died in a matter of a week or so. That is Xamar-like numbers. Xamar is a town of 1.5+ million and by some estimates 2.5 million people.

 

Daroor is a Small town in Somali galbeed. This kind of stuff should not be happening. Where are the clan elders?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wax la yidhi Dagaalbaa ka dhacay Doollo iyo hawde

isku Dhufte reerii hadday kala dednaayeen

Alaylehe waxay kala Dexeen Doorka maanta ahe

 

Doonbiraley lama aan jeclayn dirirta maantaye

Dagaalkay dhigeen Geeljiruu Dawba ma ahayne

Nimanbaa ku Diirsaday warkay Dumarku keeneen

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Ladies and Gentlemen, stop this BS...we all know whats happenning.

 

All of the sudden qabiil wars are starting everywhere were Somalis live....coincidence? I think Not.

 

The Xabash and Xabash dabadhilifs are turning our people against each other, so that we see each other as enemies. Stop this qabiil mentality or we will all be gone.

 

The xabash are in muqdisho and we are fighting in, daroor, yeyle, cagaaaren, jubooyinka, kismayo, hiiraan. Are you people blind or something?

 

These qabiil wars are not a coincidence.

 

To hell with this Sland or Pland or whatever land, there is one Somalia and thats Someliweyn, the xabash will opppress us all in the same way, the xabash doesn't favour one qabiil over another, ka tashada meesha. Idinba waad ogtihiin in aan xabash kaliya aan la dagaalamahayn, ka tashada sheekadan ayaan idin dhihi lahghaa.

 

Akhrista bogaga internetka Soomaaliyeed, waad arkeysaan sida calooshood u waryayaasha calooshood u shaqeestayaasha Soomaaliyeed ee dadka isigu dirayaa, ee meel walba qabyaalad uga hadlayaa, meeshii ee wadaninimo dadka ku guubaabinlahaayeen ayee dadka nacayb ku abuurayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Let us pray all in alla kala qaboojiyo oo kala badbaadsho dadka muslimiinta ah ee islayn. Illaahow neecaw nabadeed kala dhex mari dadkan isku le'eday.

 

Odweyne could you plse once forget the A/Y paranoid, and pray for peace to prevail among these ppl killing each other. The issue of prsident Yusuf got nothing to do in this case.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

First, I would pray for the people who died in this unnecessary conflict. I will also advise that mediation process must immediately be launched bringing this fratricidal war to an end. When the conflict heightens to this scale, the traditional method of solving the blood and hostility seems hardly unattainable (eye for eye or set amount of monetary provision from our Dia-paying groups).

And as many of us have avoided questioning the source of the conflict, which appears trivial, it is not still aberrant that we should enquire of the historical disputes of our land ownerships. One clan might dispute the fact that they were the first settlers and thus rights to the grazing areas and water boreholes is within their purview, whereas the other clan might make the same argument, which leads to a political stalemate born out of the characteristics of segmentary societies. Case in point is all the previous conflicts that took place among varying clans in Somalia. One of two possible solutions is for the government of Ethiopia to intervene by convening a committee of elders from both clans. The second solution is a desirable peaceful intervention from "Somaliland" administration, using the traditional Guurti resolution mechanism.

 

ILaahey hakala qaboojiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What can u do about its behind Ethiopian line

 

Dadkaasii maha reer somaliland waa reer Ethiopia culuma uu diinka said waa dagaal xaraam aah.

 

Beel kale lala ma dagaalamyo if they are fightin shisheeye thats oke but not ur kind

 

wey isk ahagaagii tigray haa dhex gallo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Caamir:

I will also advise that mediation process must immediately be launched bringing this fratricidal war to an end.

What for? Mediation process never solved these atavistic enmities between rival clans. They only postpone it at best. The magnitude of this tragedy, eclipsing even what's happening in occupied Mogadishu, calls for urgent AU intervention. Only AU peacekeepers can bring lasting peace. If not AU maybe Ethiopian soldiers?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this