Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Rift Between Somaliland Government Ethiopia

Recommended Posts

Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay gurigiisa ugu yeedhay Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargaysa isaga oo ugu hanjabay inuu Dalka ka saari doono hadii aanay Dawladiisu cadayn waxay ka daba gurayso Xukuumadiisa cusub.

 

Cadhada Madaxwaynuhu kula dhacay Safiirka waxay ka danbaysay markii ay waftigii Ingiriiska ee Dalka ka anbabaxay Daraad ee uu Hogaaminayay Safiirka ingiriiska u fadhiya Ethopia uu Madaxwaynaha soo gaadhsiiyay tuhuno ay Dawlada Itoobiya ka qabto Xukuumadiisa Cusub, isaga oo la kulmay Xubno ka tirsan Xukuumada Siilaanyo si uu u baadho eedaymaha ay Dawladiisu la daba taagan tahay Golaha Wasiirada Xubno ka mid ah.

 

Sida ay wararku sheegayaan Madaxwaynahu waxa uu si adag ula hadlay Safiirka Itoobiya oo uu ka dalbaday inay Dawladiisu Sharaxaad ka bixiso sababta ay tuhunada iyo Eedaymaha ula daba socoto Xukuumadiisa, taasoo sida la sheegay uu Safiirkuna ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo.

hasayeeshee Madaxwaynuhu wuxuu si adag oo ay ka muuqato diidmo uu ka biyo diiday dhaqdhaqaaqyada Itoobiya ay ku daba gurayso Xukuumadiisa ayuu ula hadlay Safiirka, taasoo gaadhay xad uu ugu hanjabay inuu Dalka ka eryi doono hadii aanay Dawladiisu ka dayn faro-galinta ay ku hayso Xukuumadiisa Cusub.

 

Sida ay sheegeen warar ku dhaw dhaw kulanka ay labada dhinac wada yeesheen Shalay waxa circa ku sii shareeray Dalab ay Xukuumada Itoobiya kaga dalbanayso Madaxwayne siilanyo inuu Itoobiya ku tago, taasoo dhawr jeer oo hore uu ka muquurtay, balse hada ay cadaadis ku saarayaan inuu aqbalo si ay wax uga waydiiyaan arrimaha ay ka shakisan yihiin ee ku gedaaman Xukuumadiisa iyo tuhuno ay ka qabaan Gobolada Bari Sool iyo Sanaag kuwaasoo ay u arkaan inay Xukuumadu ka gaabisay Sugida Nabad-galyadooda, isla markaana ay u arkaan inay bar kulan u yihiin Kooxaha Xag jirka ah, iyada oo Itoobiya ka cabsi qabto inay goobahaasi yihiin Galgalada Somaliland.

 

Sida la ogyahay waxa baryahaba isa soo tarayay wararka ka hadlaya in Itoobiya iyo Xukuumada cusub ee Somaliland aanay isku sanbanaanayn isla markaana ay Biyo hoostood iska hirdiyayaan, kuwaasoo labada dhinac midkoodna aanu ilaa hada si toos ah uga hadal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Waaheen :D:D

 

wariyaa JB,iyo xaajiga Show dhakhtarkii weli odeygii dacaayad ka lamaquusan?

in kastoo odeygu dhinacii siyaasada shan iyo eber kagabadiyaiy? :D

 

Toloow Colkan galbedeysan jooja.dhakhtarkan ciishan la hadloo, belaayo majidhee tafaafulka jooji oo shanta soo socota iska samir dhaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
PasserBy   

Ethiopians don't trust Siilanyu. The relationship between Ethiopia and Sland has been in deep freeze ever since he took power. The recent development regarding the arrest of Jaamac Yaasiin Faarax will only widen the rift.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Waxaan jecelahay inaan halkan ka caddeeyo arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya in mad madow soo galay warkaasi wuxuu ka imanayay ilo-wareedyo aan rasmi ahayn. Warkani kama uu soo bixin dawlada Itoobiya iyo Somaliland-ba. Labada dawladoodba arrintan way ka hadleen oo way beeniyeen. Waxa jiray warar qolooyin isku sheegayay inay warbixino ka soo saaraan arrimaha Somaliland iyo Geeska Afrikaba oo meel loogu hagaago iyo cidday yihiin aanay jirin ayaa warkaasi keenay. Warkaasi war jirra ma aha xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya halkiisii iyo meel ka sii wanaagsan ayuu marayaa. Waxaanay labada geesoodba diyaar u yihiin inay sii balaadhiyaan xidhiidhkaasi,”ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ka jira in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu sii xumaanayo.

HERE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

8xsmk3.jpg

 

21o4zfn.jpg

 

Hargayska Iyo Addis Ababa oo Isku Kacsan.

 

Wararka ka soo baxayaa magaalada Hargaysa Iyo Addiss Ababa ayaa sheegaya in xukumadda Addiss Ababa Iyo maamul gobaleedka lamagac baxay Somaliland ee Hargaysa uu xiriirkooda siyaasadeed hoos u dhacay kadib markii xukumadda Addiss Ababa sheegtay in Golaha Wasiirada ee uu dhisay Silaanyo ay ku jiraan kooxa mintid ah.

 

Maalmo kahor ayay ahayd markii masuul u hadlay mid ka mid ah Xisbiyadda magaalada Hargaysa ka dhisan la waydiiyay xariirka dowllada Itoobiya iyo maamulka cusub ee Silaanyo isagoo markaas ku jawaabay Itoobiya iyadda u baahan Somaliland wuxuuna masuulkaas haddalka ku sii daray in Itoobiya ay u gali lahaayeen daadad hadii aysan Soomaliland taageerin.

 

******today wuxuu horey Idinku soo sheegay in doorashadii ka dhacday magaalada Hargaysa ay sirdoonka xukumada Tigreegu ay dhaliileen iyagoo ku eedeeyay in dhaqaalo baddan ay bixiyeen kooxa islaamiyiin ah, hase ahaatee dadka ku nool magaalada Hargaysa ayaa sheegay in hantida oogu baddan ee doorshada ay baxisay xawilaada Dahabshiil oo taageeraysay Siilaanyo.

 

Haatan waxaa ku sugan magaalada Addiss Ababa Daahir Riyaale Kaahin oo la ogayn sababaha uu u yimid iyadoo Daahir uu warbaxno ka siiyay xukumada Itoobiya qaabkii doorshadu u dhacday, lama oga Daahir Iyo dowllada Itoobiya waxay ku wada hadleen, Daahir Riyaale oo xukun jeclaa ayaa haduu rabo kar-kaarka waydaarin kara xukumada Siilaanyo.

 

******today

Addis Ababa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this