Sign in to follow this  
NABAD x 3

ETN tv Director is jailed in Boosaso.

Recommended Posts

Agaasimaha telefishanka Madaxa banaan ee ETN oo xabsiga loo taxaabey

 

Tuesday, March 17th, 2009 at 7:03 pm

 

 

Agaasimaha telefishanka madaxa banaan ee ETN Bosaso Cabdiweli Shiikh Xassan ayaa maanta xabsiga dhexe ee Bosaso loo dhaadhiciyey, Weriye ka tirsan telefishanka ETN Maxamed Maxamuud Ilkacase aya xaqiijiyey in xafiiskiisa galabta laga ka xaystey Cabdiweli, mana jirin wax waaran ah ama digniin ah oo soo gaarey.

 

Mar aan isku dayney inaan ogaano sababta loo xirey Cabdiweli Shiikh Xassan ayeysan noo suuroobin, wayna ka gaabsadeen maamulku in ay wax tafaasiil ah ka baxsho.

 

Cabdiweli Shiikh Xassan ayaa ahaa madaxa Telefishanka ETN kaas oo dhidibada loo taagey 2005tii, waxaana sidoo kale dhawaan uu xarun ku yeeshay Magaalada Nayroobi isaga oo laga daawado aalada Satalaytka.

 

Waa markii u horeysey tan iyo markii la asaasey telefishanka ETN in xabsiga la dhigo Cabdiweli Shiikh Xassan.

 

Maamuladii Puntland soo maray ayaa ku caanbaxay in ay cunaha qabtaan saxaafadda madaxa banaan, iyaga oo tacadiyo kala duwan u geystey suxufiyiinta ku hawlan hawlo maalmeedkooda.

 

Horseed Media waxa ay ugu baaqaysa maamulka Puntland in si deg deg ah loo cadeeyo sababta loo haysto Cabdiweli Shiikh Xassan, isla markaasna xoriyadiisi dib loogu celiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is Faroole turning into a totaletarian dictator who doesn't like free media.

 

This is a sad day for somali media in general and Puntland in particular.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this