Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf holds court in Mogadishu.PICS

Recommended Posts

C/laahi Yusuf Ahmed::: Ma Jirto Cafis loo fidiyey Hogaamiyayaasha Maxaakiimta (Daawo Sawiro)

Last Updated::2007-01-09 15:39:41

 

Muqdisho:- Madaxweynaha Somaliya C/lahi Yusuf Ahmed oo maanta shir jaraa'iid

ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin wax cafis ah oo loo fidin doono hogaankii sare ee Maxaakiimta.

 

C/laahi Yusuf ayaa sheegay in cida kaliya ee la cafin doono hadii ay hubka dhigaan ay yihiin Maleeshiyooyinka la duufsaday, waa suu hadalka u dhigayee.

 

Madaxweynaha DFKMG ayaa ku nuux nuuxsaday in aysan wax wadahadal ah la geli doonin Maxaakiimta oo uu sheegay in ay si rasmi ah u burbureen.

 

C/laahi Yusuf ayaa sheegay in Hogaamiyayaashii maxaakiimta intaysan ka bixin Muqdisho ku dhawaaqeen in Maxaakiimtii ay burburtay oo ay kala direen taageerayaashooda, wuxuuna sheegay in aysan la hadli doonin koox aanba jirin.

 

Hadaladii hore ee DFKMG

 

Ra'iisul Wasaaraha oo ku sugnaa goobta uu Madaxweynaha Shirka jaraa'iid ku qabtay ee Villa Somaliya, ayaa asagu horey u sheegay in la cafin doono Maleeshiyaadka Maxaakiimta.

 

Balse Dowlada Somaliya ayaan horey si rasmi ah war uga soo saarin sida ay ka yeeli doonaan Hogaamiyaashii Maxaakiimta.

 

Amniga nawaaxiga Madaxtooyada Villa Somaliya oo si weyn loo sugay

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa sheegay in hogaamiyaasha maxaakiimta ay yihiin kuwo danbi weyn ka galay dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay kusoo aruuriyeen kooxo argagaxiso, isla markaana dagaalo ka abuuray gudaha dalka Somaliya.

 

Muqdisho

 

 

Nawaaxiga Villa Somaliya oo lagu arkayey ciidamo aad u badan oo kamid illaalada Madaxtooyada

 

C/laahi Yusuf ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho hawsha ugu weyn ee uu hada u joogo ay tahay sidii uu Ra'iisul Wasaaraha Somaliya gacan ugu siin lahaa hawlaha maamul u sameyn gobalka Banaadir.

 

Amniga Muqdisho

 

Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegay in ay jiraan qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, hawlahaasina ay wadaan kooxo fowdo ka shaqeenaya.

 

 

Tiknikada Dowlada oo ku sugan nawaaxiga Villa Somaliya

 

Madaxweynaha Somaliya ayaa ku hanjabay in ay tilaabo adag ka qaadi doonto Dowlada cidii isku dayda in ay amniga khal khal geliyaan.

 

Hogaamiye kooxeedkii

 

Madaxweynaha Somaliya oo soo hadal qaaday Hogaamiye kooxeedkii Somaliya ka jiray ayaa sheegay in aysan suurto gal aysan ahayn in Qabqablayaashii dagaalka ay dib u qabsadaan meelihii ay joogeen.

 

Wuxuuna sheegay in ay dalka ka talin doonto Dowlada oo kaliya aysana jirin doonin kooxo garab yaaca.

 

Ra'iisul Wasaaraha Somaliya

 

 

Madaxweynaha DFKMG oo uu markaasi garab fadhiyey Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi, ayaa sheegay in hada uu Ra'iisul Wasaaraha kala shaqeyn doono sidii loo dar dar gelin lahaa maamul u sameynta gobalada.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdullahi_Geedi_Jeele.jpg

 

cabdullahi_villa_somalia.jpg

 

geedi_cabdullahi_villa_somalia.jpg

 

l2300776.jpgNawaaxiga Villa Somaliya oo lagu arkayey ciidamo aad u badan oo kamid illaalada Madaxtooyada

 

 

r3866611385.jpg Tiknikada Dowlada oo ku sugan nawaaxiga Villa Somaliya

 

capt.nai10401091051.somalia_nai104.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf: "Ma jirto sabab aan xilligaan ula yeelanno wadahadallo Madaxdii Maxkamadaha maadamaa ay sheegeen inay ururkoodii kala direen..." SHIR JARAA'ID

 

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 09/01/07

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, waxaana uu kaga hadlay shirkiisaas jaraa'id qodobbo dhowr ah.

 

Madaxweyne Yuusuf oo ka hadlayay cafis loo fidiyay Madaxdii Maxkamadaha ee laga awoodda roonaaday ayuu sheegay in aanay jirin wax cafis ah oo loo fidiyay wuxuuna yiri: "Ma jirto wax cafis ah oo loo fidiyay madaxdii Maxkamadaha, waayo waa dambiilayaal aan mudnayn in cafis loo fidiyo, waxaanse cafis u fidinnay malleeshiyooyinkii la siray ee u dagaallamayay Maxkamadaha haddii ay hubka dhigaan".

 

Sidoo kale C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu sheegay in aanay jirin wax wadahadallo ah oo ay la yeelanayaan Maxkamadaha maadamaa ay iyagu sheegeen inay kala direen ururkoodii, oo ay kala firxadeen iyagiina.

 

"Ma jirto sabab aan xilligaan ula yeelanno wadahadallo Madaxdii Maxkamadaha maadamaa ay sheegeen inay ururkoodii kala direen, mana jiraan goob ay hadda ku sugan yihiin, iyo mucaarad dowladda ka soo horjeeda oo ay la hadlaan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo shirkiisa jaraa'id ee uu ku qabtay Madaxtooyada ay ka fadhiyeen dhinacyada Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya oo ayaa ka hadlay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in kuwa qaraxyada sameynaya loo dulqaadanayo in yar, balse haddii ay sii wadaan qaraxyada ay dowladdu tahay mid shacabkeeda ka mas'uul ah isla markaana ay la dagalaamayso kooxahaas.

"Kooxaha qaraxyada sameynaya waa kuwo ka soo horjeeda nabadda iyo kala dambeynta, balse dowladdu waxay ku wargelinaysaa inay la dagaalamayso, aysanna carqaladaha sii wadi doonin" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf.

 

Mar uu ka hadlay hoggaamiyeyaashii dagaalka Muqdisho oo dhawaan dib ugu soo laabtay Muqdisho ayuu sheegay inaysan dowladdu ka aqbalayn inay dib ugu celiyaan shacabka Muqdisho dhibaatooyinkii ay ku hayn jireen iyo kala qoqobnaantii, waxaana uu sheegay inay jiraan qorshayaal ay dowladdu u dajisay hoggaamiyeyaashii dagaalka.

 

"Dowladdu waxay u sameysay qorshey aan u ogolaanayn hoggaamiyeyaashii dagaalka inay dib ugu celiyaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin iyo kala qoqobnaan, isla markaana awooddoodii la xadiday, waxaana jira in dowladdu ay qorsheynayso inay la shaqeeyaan dowaldda oo ay xasilinta dalka ka shaqeeyaan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay inay dowladdu doonayso inay nabadda ku soo dabbaasho Muqdisho.

 

"Anigu Saxaafadda ayaan ka maqlay in diyaarado dagaal oo uu Mareykanku leeyahay duqeeyeen goobo ay ku jiraan haraadigii Maxkamadaha, waxaana uu xaq u leeyahay Mareykanku inuu duqeeyo goob kasta oo ka tirsan Somalia oo uu ku tuhmayo inay ku sugan yihiin kooxo dambi ka galay" ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo intaas ku daray: "Mareykanka waxay xaq u leeyihiin inay duqeeyaan goob kasta oo ay ku jiraan kuwii duqeeyay safaaradahooda Kenya iyo Tanzania, waana xaq inay sidaa sameeyo Mareykanka".

 

Wuxuu sheegay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo shalay uun soo gaaray Magaalada Muqdisho inuu u yimid Magaalada Muqdisho sidii uu uga qaybqaadan lahaa dhismaha maamul uu yeesho gobolka banaadir iyo howlaha nabad ku soo dabbaalidda magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, mase sheegin inuu dib u laabanayo iyo in kale.

 

"Waxaan u imid Muqdisho inaan ku caawiyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi howsha maamul u sameynta gobolka Banaadir, iyadoo lagala tashanayo dadka gobolka u dhashay" ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo intaas ku daray: "Maamulka gobolka Banaadir waxaa loo dhisi doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan, sidoo kalena waxay dowladdu ku dadaalaysaa inay nabad ku soo dabbaasho caasimadda ".

 

Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe

 

xuurshe114@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The President and The Prime Minister along with Deputy Defense Minister and a host of Mogadishu Clan Elders are discussing how to bring Somalia back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo shaaca ka qaaday in Toddobaad gudihiis maamul ugu sameenayaan magaalada Muqdisho.

 

January 09- 2007 HornAfrik, Mugadisho

 

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in Toddobaad gudihiis maamul ugu sameenayaan magaalada Muqdisho isagoo shacabka ugu baaqay in hubka ay dhiibaan.

 

Madaxwaynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf oo maanta markii ugu horeysay tan iyo markii shalay uu magaalada Muqdisho soo gaaray shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Somalia ayaa ka warbaxiyey sababaha uu u yimid magaalada Muqdisho taas oo uu sheegay inay ugu weyn tahay siddii magaalada Muqdisho loogu sameyn lahaa maamul iyo kala dambeyn muddo Toddoba cisho ah gudahooda islamarkaana dib loogu howlgalin lahaa hey’adihii sharciga oo ay ugu horeeyaan ciidamadii booliska iyo kuwii asluubta.

 

Madaxwaynaha waxa uu sheegay in ahmiyada kowaad ay siinayaan sugida nabadgalyada gobolka Banaadir, waxa uuna shacabka Muqdisho ugu baaqay inay hubka dhiibaan oo ay soo galiyaan gacanta dowladda isagoo xusay in dowladda ay mas’uul ka tahay sugida ammaanka dalka iyo dadkaba.

 

C/laahi Yuusuf ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id waxa uu uga hadlay dhibaatooyinka ay hogaamiye kooxeedyada ku hayeen shacabka Soomaaliyeed isagoo qeexay in dowladiisa aaney qorshaha ugu jirin inay dib u soo celiso hogaamiye kooxeedyadii iyo dhaqamadoodii qalafsanaa waxa uuna xusay in qaarkood ay imminka Baydhabo tageen isagoo sheegay in kuwa dhimana ay halkaas tagi doonaan.

 

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Mqudishio kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen kuwa bulshada qalqal loogu abuuro waxa uuna uga digay kooxaha qaraxyadaas sameenaya inay ka waantoobaan haddii kale laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Ammaanka xarunta Villa Somalia oo C/laahi Yuusuf shirka jaraa’id ku qabtay ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo afaafka hore iyo gudaha madaxtooyada ay soo buuxiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka oo la arkayey iyagoo ku howlan baaritaanada wixii madaxtooyada galaya ama ka soo baxaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha DF oo shir jara'id ku qabtey Muqdisho

 

9 Jan 9, 2007, 09:14

 

Madaxwayne Cabdulahi oo fadhiya goobta shirka jaraa'id

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia Md. C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Villa Somalia ayaa waxaa uu kaga waramay arrimo dhowr ah isagoo marka hore ka hadlay socdaalka uu ku yimid magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa waqti yar ay u harsan tahay, loona baahan yahay in inta dhiman si nabadgelyo ah dadka ay u noolaadaan, isagoo shacabka Somaliyed ka codsaday in hubka ay dhigaan oo gacanta dowladdu kaliya uu ku soo haro, Yusuf oo intaa raaciyay in hadii Maliishiyada hubkooda ay ku soo wareejiyaan dowladda aan la hilmaami doonin iyadoo uu u balan qaaday in la siin doono fursado shaqo iyo tababaro ciidan iyadoo la geyn doono xeryaha ciidamada.

 

Mar uu ka hadlayey qabqablayaasha dagaalka ayuu sheegay Madaxweynaha in dowladdiisa aysan u ogolaan doonin in dib danbe ay u soo noqdaan qabqablayaasha dagaalka mudada 16-ka sano shacabka haystay, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha Somaliyed in ay iska saaraan tuhunka ay ka qabaan dowladda ee ah in dowladdu ay u soo celineyso qabqablayaasha dagaalka, wuxuuna tilmaamay in hogaamiye kooxeedka dagaalka qaarkood ay ku sugan yihiin Baydhabo qaarka kalena ee harsan uu sheegay in ay tegi doonan isagoo intaa raaciyay in dowladdiisa ay u sameysay barnaamij shaqo, wuxuuna ka codsaday hoggaamiyeyasha Somaliyed in dadkooda ay dhinac ka raacaan ama dowladda ay kusoo daba xirmaan.

 

Madaxweynaha ayaa taageeray duqeynta xaga cirka ciidamada Mareykanka ay u geysanayaan qeybo ka mid ah Koonfurta dalka Soomaaliya isagoo sheegay in ay xaq u leedahay iney duqeyso goobaha ay ku sugan yihiin danbiilayaasha dagaalka, wuxuuna Madaxweynaha uu tilmaamay in halkaasi ay ku sugnaayeen kooxihii weerarka ka geystay safaaraddihii Mareykanka uu ku lahaa Daaru-Salaam iyo Nairobi, wuxuuna sheegay in duqeyntaasi uusan war ka heyn balse uu ka maqlay warfaafinta.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in dowladdiisa wax cafis ah u fidineyn kuwa mayalka adag isagoo ku tilmamay kuwo danbiilayaal ah, wuxuuna sheegay in la cafiyay kaliya dadkii Mabda'oodii la qalday ee kasoo laabtay, wuxuuna kas oo horjeestay in wax wada hadal ah la gali doonin madaxdii Maxkamaddaha Islaamiga.

 

"Ma jirto sabab aan xilligan ula yeelanno wadahadallo Madaxdii Maxkamadaha maadamaa ay sheegeen inay ururkoodii kala direen, mana jiraan goob ay hadda ku sugan yihiin, iyo mucaarad dowladda ka soo horjeeda oo ay la hadlaan", ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayey wada hadal in ay la galayaan iyo kale madaxda Maxaakiimta.

 

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa mar uu ka hadlayey qaraxyada ka dhacayey magaalada Muqdhisho habeenadan ayuu sheegay in dowladdiisa ay wax weyn ka qaban doonto, isagoo intaa raaciyay in dowladda ay u dulqadaneyn kooxaha geysanaya qaraxyadaasi lana horkeeni doono shariciga hortiisa, wuxuuna Madaxweynaha uu sheegay in la howlgelin doono qeybaha ciidamada amniga iyo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir oo mudo todobaad gudahood ay ku howlgelin doonto.

 

"Kooxaha qaraxyada sameynaya waa kuwo ka soo horjeeda nabadda iyo kala dambeynta, balse dowladdu waxay ku wargelinaysaa inay la dagaalamayso, aysanna carqaladaha sii wadi doonin" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf.

 

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya shir jaraa'id ku qabto caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimo, waxaana xiligii uu shirkii Jaraa'id ku qabanayey Villa Somalia la fadhiyay Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Wasiirka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haaruun

 

First it was why is he in Nairobi and not Somalia. Then it was why is he in Jowhar/Baidoa and not Xamar. Now it's he will leave it a matter of time.

 

Chap this is mere propoganda. The president will be in Xamar till his term is up inshallah, and I think all the faltering Miss Cleo's should heed my advice, and stop making predictions that will falter at the end of the day.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Keep entertaining yourself with falsehood,the reality on the ground is alot different.

 

Yeah,the U.S has just bombarded parts of somalia and killed inncoent civilians in their act,put that one on the board as well..it adds to the growing dark marks on somali history.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this