Sign in to follow this  
Duufaan

Hargaysa Yaa Ugarniqi?

Recommended Posts

When the final agreement over the election modalities is agreed upon in Somaliland by all parties (Insha'Allah, soon), a lot of individuals on SOL will need 'extra-potent AntAcid medication' to treat the full-blown ulcer that will develop :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Geting Ulcers For what Sxb? for Defeated Kulmiye and Formation of a somalilnd based in and around Hargeysa?

 

Let me be honest with you sxb. As far as Riyaale is on that top sit no one worries abt seccesationists. Maybe if That defeated Siilanyo comes to power things may have little bit tilt but not much still.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ In case you miss it in the other post, I will also post the same reply here since it's pertinent to our discussion:

 

-------------------- ------

 

Originally posted by juma-nne:

markii hore puntland hates somaliland and vice versa. Hadeerna it hates Udub. Maybe When puntland gets to have political paries we would see somaliland Hating on one of them. But why Hate? Is it because udub sidii gofanaha ayaiy ugasoogo'oday hantidiii ummada?
:D

 

I had deam that Puntland too has political parties and the ruling party is named "UGUB"

 

Now would you hate on UGUB yaa mitid?

Juma-nne,

 

First of all, thank you for openly confirming something that escapes some of the less discerning people on SOL.

 

You forgot to mention one pertinent fact about the current leadership of Udub that might have some relevance to Puntland's feelings vis-a-vis Udub:

 

It was the current leadership of Udub that put Puntland back in the box (if you know what I mean). Before that, Puntland was punching way above its weight... After that latest exercise by the current Udub leadership regarding Puntland, the manner in which Puntland was viewed by the international community as well as other Somali regional players changed.

 

So while from a Somaliland perspective, Udub has serious issues just like the other two parties, it gets stellar marks from Somalilanders for the manner it resolved the territorial disputes on its borders.

 

I strongly suspect that's a powerful factor in the 'Puntlandian' bias against Udub and its leadership.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

I dont agee with you on that Mitid. The takeove of LA by Somaliland administartion changed nothing in particula. This execise Just helped Riyaale gain some Alliance to the east In case Oday Siilanyo Tries any mischevious move through his Clansmen(HJ) The main Threat to his Longevity on that top sit. Next I dont see any Political Gains to the overall Agenda for recognition. LA is still not the boardepoint for the enclave.One more thing it actually Helped riyaale impose a non accounted 2% tax increase on the locals as a pretext for helping the acquired town of LA. I dont see any tangible gains for Somaliland on this actually It's an unnecessay cost and unworthy if you look at the bigger picture.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

Juma-nne,

If you honestly believe that, you're not as astute as you intimate.

 

At least, you're no longer peddling your dreams of Somaliland's imminent collapse smile.gif

 

I saw your teary moaning suggesting Silanyo should just retire and return to Burco since he decided to negotiate. ;)

 

What can I say... He loves his people and land like most Somaliland leaders.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli

Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga

Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu

Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali

Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi

Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya

Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori

Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale

Hanquusle halowle Garaad himhimowle

apart form Garaad I think the rest must be Af-jini :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

M mitid. How abt this just read the last statement by Eng. Axmed xaashi. I believe that he is one of the most staunch pro-seccesation.

 

 

Riyaale Iyo Kuwii Muddo-Kordhinta Sameeyay Waxay Dalka La Sugayaan Inta Dawladda Shariif Xoogaysanayso”

April 22nd, 2009

 

 

“Madaxweyne Ku-Xigeenka Aamus Baa Lagu Yidhaahdaa Oo Talo Lama Weydiiyo, Ee Wax Loo Diro Uun Buu Soo Qabtaa” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi – Wareysi

 

Hargeysa, April 22, 2009 (Haatuf) – “Xisbiga KULMIYE mar buu khalad galay laakiin tii hore ayuu wax ku bartoo wuu isu soo jeedaa, ina Cigaal iyo Ina Riyaalena waxay ku kala duwan yihiin, Ina Cigaal marka laga toosan yahay wuu qaadan jiray, laakiin Ina Riyaale aynu wada-hadalno ceeb buu u haystaa, tanaasulkana fulaynimo.” Sidaa waxa yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee urur-siyaasadeedka QARAN ee bah-wadaagta kula jira xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo shalay wareysi uu siiyey Telefiishanka Madaxa banaan ee SLSC iyo wargeyska Haatuf, kaas oo uu kaga hadlay arrimo xiiso badan oo la xidhiidha xaaladda dalka iyo arrimo kale, waxaanu wareysigaasi u dhacay sidan:

 

S: Waxaad tahay injineer, oo dhinaca dhulka iyo dhismayaasha danta guud wax badan xog ogaal u ah, marna maayar ka soo ahaa caasimadda, markaa waxaad si faahfaahsan uga warantaa dhulkan danta guud ee xukuumaddu iibisay?

 

J: Arrimahan waa kuwo cusub sida loo galayna aanay ahayn si hagaagsan.magaaladu waxay u qaybsanayd laba dhinac waxay ahayd shacab Area iyo dhinac dadweynuhu deganayeen, ingiriiskuna wuxuu ka degi jiray magaalooyinka dhinaca galbeedka ama waqooyi galbeed, qorshe wadooyin iyo dariiqyo ah umuu samayn ee wuxu ugu talo galay guryo gooni gooni fiilo ah oo ay dhirtu kala qariso, sidaas ayaanu talogalkii hore ahaa. Anigu markii aan maayarka noqday waxaan arkay hunguriga ka haya dadka dhulka shacabka, dhagax baa meel walba ka dhigtay oo ninba meel buu seegtay, taasna waxaan ku soo xidhay baarlamaanka ayaan geeyey talo’aan leeyahay shacab Area wax dambe oo dadweyne ka dhisa yaanay jirin, si looga baxo boobkii dhulkaas ku socday, baarlamaankii way ansixiyeen, madax weynihiina digreeto ayuu kusoo saaray kolka shacbigan waxay ahayd inaanu shacab Area dhul dadweyne laga iibiyaa jirin.

 

Haddaba nasiib daro kolka dan gaar ahi jirto, danta gaarka ahi sharciga waa u col, sharcigana wixii dan guud ah ayaa loo sameeyey, marka wax la boobayo dan gaar ah ayaa imanaysa oo sharcigii waa la jiiidhayaa, markii aan maayarnimadii aan ka tagay ayaa barnaamij kii la baabi’iyey, dabadeed waxaa soo galay niman tijaarta, musuqmaasuqa ugu weyn ee dalka haystaana waa nimanka maalqabeenka ah, waxoodii oo xalala ah ayey xaaraan ka dhigaan, waxa jira xadiis Nabewi ah oo odhanaya shibir yar oo dhul ah luquntaa laguu sudhayaa aakiro, markaa dhulkan waaweyn ee ay haystaan kama bixi karaan, laakiin dad aakhiro-ba ujeeda maaha. Waxa jira qodob distoori ah oo odhanaya dawladu way munaafacaadsan kartaa, kirayn kartaa, waanay iibin kartaa, laakiin waa inay sharciga waafaqsanaataa oo waxan la iibinayaa dadka u dhexeeyaa oo la yidhaahdaa halkaasaa la iibinayaa yaa iibsanaya ee aanay noqon ka iibiya hebel uu hebel wato iyo hebel xisbiga UDUB taageera. Marka la iibiyo ee sharciga la mariyo kadibna waa in dakhligu gala miisaaniyada qaranka, nasiib darada waxa ka mid ah waaxdii garsoorku way dhimatay, xeer ilaalintina way dhimatay, Hanti Dhawrkii wuu dhintay oo hanti ummadeed oo uu ka warhayaa ma jirto, hanti dhawrka ayey ahayd inuu daba galo. Marka horena waxay ahayd hanti dhawrka in la dhaariyo, oo aan la eryi karin baarlamaanka oo la ansixiyo mooyee, immikase erigaa ka kaga weyn waxan yar ee ay qadanayaan, haddaba lacagayowga lagu iibiyey dhulkan mid galay miisaaniyaddu kuma jiro. Markaa waa xaaraan waana sharci daro iibka dhulka danka guud.

 

S: Dhulka danta guud ee magaalada yaa masuul ka ah, ma wasaaradda hawlaha guud mise maayarka?

 

J: Berigii aan maayarka ahaa ayaa Alle ha u naxariistee Quraab oo ahaa wasiirka Hawlaha Guud waxaanu isku qabsanay shacab Area, anigu waxaan istaagay daaraha ayey dawladda dhexe leedahay, dhulkuse wuxuu ka tirsan yahay dhulka magaalada ee maayarku xukumo, waayo shacabku maaha bogcad ka go’an magalaadda, ka dibna waxaanu isula tagnay alle ha u naxariistee cigaal, sidaas ayaanu ku kala baxnay oo anigu ku shaqo lahaa shacabka manuu soo geli jirin wasiirka hawlaha guud.

 

S: Markaa dhulkan danta Guud ee la iibiyey sidee loo dhaxal wareejiyey ma maayarkaa iibiyey mise Hawlaha Guud?

 

J: Dhulkan waxa lagu dhaxal wareejiyey magac inagaga yimid Somalia markii aynu isku darsanay oo la leeyahay Hawlaha Guud baa ku shaqo leh, marka ninka madaxweynaha ahi ka leexdo danta caamka ah naasnuujin baa timaad. Calaa kuli xaal, waa hawl si xaaraan ah lagu iibiyey, xoolo xaaraan ah baa la siistay oo nin lagu caawiyey, anigu waxan qabaa maalinta illaahay dawlad wanaagsan keeno inay halkeedi ku noqon oo kuwa khasaarana iyaga noqon doonaan, waayo xoolo ay nin siiyeen kuma iibsan karaan xoolo ummadeed, iyagana waxa u roon in xaaraanta laga dulqaado, sharci ay ku iibsadeena ma jiro oo dariiqadii sharciga ahayd may soo marin.

 

Markii dhexdhexaadintii Rayaale iyo shariif - iyagu may wada fadhiisan ee waa loo kala shaqaynayey - waxa ku jirtay inay isku soo noqdaan muddo siddeed bilood ah ka dib, codsiga Riyaale ka dalbaday guurtida ee lixda bilood ah ee uu isagu yar dafiray laakiin ay isla ogaayeen oo uu isagu u diray iyo kuwii u ansixiyey muddo kordhinta waxay ku waddo jiraan dambi qaran oo ah in dalka dib loo dhigo inta Somalia iyo shariif qoladiisu ka xoogaysanayso.

 

S: Madaxweyne ku xigeenkiina wuxuu ka tegay Djibouti, ee dayaxa iyo dugsiga maxaa isku beegay?

 

J: Waxyaabo badan baa isku beegmay ee madaxweyne ku xigeenku markuu sii tagay wuxuu si yidhi islaamka ha lagu dhaqmo oo sharciyadi hala sameeyo iyo wax caynkaas ah, islaamka ma shalay uu xusuustay, maxaa isku begaydii bay kuso noqonaysaa, toddobadi sanadood ee u fadhiyey muxu islaam uga hadli waayey, maxaa imika keenay, horta ninkii Djibouti tagaaba shakigiisa ayuu leeyahay waayo Djibouti noqotay meel dhibaatadeenu ka kow tahay waxay ka shaqeeyaan, bililaqaysi ayey ku jiraan, xoolaheeni waa ta loo raray, ilaahay cudur buuse ku sahday oo shan markab oo xoolo ah baa ka khasaaray, xataa iddi bay qaadeen oo ciid kale dhigeen, haddana xoolihii way bukoonayaan, waxaaba hadda socota in xoolaha halkoodii lagu soo celiyo, waana ayanak dadkani leeyahay.

 

Markaa tegistiisu (madxweyne ku xigeenka) inkastoo isagu wixii loo diro uun nin ku soconaya yahay, tallana kuma laha oo marka la doono naga aamus baa lagu yidhaahdaa.

 

S: Markaa ma waxay ahayd markii aad golaha wasiirada ku jirtay?

 

J: Maya dhawaan raggii wada hadalka la galay baa nool markii uu ooyayey, kelmad buu yidhi aanan xasuusnayn, markaasu Riyaale yidhi dadku waxay I waydiiyaan xagee baad ka soo qaadatay ninkan, isagii oo taagan buu sidaas ku leeyahay, waxay ahayd inuu yidhaahdo halkii Cigaal kaa keenay baad iga soo qaadatay, kuma dhaco, sida runta ahna nin jira maaha ee wax loo diro uun buu soo qabtaa.

 

S: Wakhtigii golaha wasiirada ku jirtay waxa la yidhaahdaa cawil oo kale, wax buu qorqoraa, oo buugaag buu diyaariyaa, ma jirtay arrintaasi?

 

J: Horta Cawil buug hore ayuu qoray oo ah kii siillaanyo mucjisada ku sheegay, laakiin cawil cidiba rumaysan mayso, oo jaamac yare waa kii yidhi waa beenaale.

 

S: Waxa la yidhaahdaa dhulkan la iibiyey waxa laga dhisayaa daaro dhaadheer oo bilicdii wax ka bedelay, taas ka waran?

 

J: Horta guryahan waxa loogu talo galay shaqaalaha dawladdu inay galaan oo kiro jaban bixiyaan, shaqaalihiina meesha way ka baxeen, ma xuma in daaro dhaadheer laga dhiso, laakiin waxay ahayd in sharcigii loo maro dakhligii lagu daro miisaanidda Qaranka, markaa mashruuc ummadda loogu samaynayaa ma jiro ee waa dhulkaa la boobayo.

 

S: Xukuumadda dhaliilo badan waa loo soo jeediyaa, sharci jebin badani way samaysaa haday hanti la boobayo noqoto iyo haday mid qaranka ahba, laakiin dhibaatadu wa shacbiga oo la yidhahdo kama damqanay aan arrimahan, mana aha mid wax diidi karaya, masalan tan dhulka, dadkii iyagaa tijaarki la doonanaya, mana jiran shacbi ka hadlaya boobka dhulkan oo isu soo baxaya, markaa miyaan la odhan karin shacbia iyagaaba kuogol raggani inaysii joogaan?

 

J: Shacbi markaynu leenahay waa dad balaadhan, baahina way haysaa oo sicir barar iyo abaaro ayaa isu galay, shaqo la’aan, laakiin halka laga dhintay waxa weeye Baarlamaan baan jirin, waaxdii garsoorku waa hore ayey dhimatay oo ninkan magacaabay ayaa wuxuu doonayaa cid u dhego nugul ee lama raadinayo cid meeshii u qalanta, taasina way wada baaba’day, waxa ku xiga baarlamaankii oo laba ah Wakiilo iyo Guurti, Guurtidu iyadu beri hore ayey talada laabatay. Waxa soo hadhay wakiilada, golaha wakiilada waxa la ogyahay inuu sannad walba ansixiyo miisaaniyad uu ogyahay in dakhli badani ka dhiman yahay oo ay iyagu sheegaan, cid ay dacwad kusoo ogeena ma jirto, markaa halka uu dalku ka dhintay waa baarlamaanka oo aan daba galayn miisaaniyadda mushaharka madaxweynaha golaha wakiiladdu 2006 ayey u gudbiyaan shirgudoonkooda in laga dhimo. Mushaharkan badan ee uu qaadanayo weli shirgudoonka ayuu la yaallaa 2007 kii ay dib loogu celiyey welina shirgudoonku ayuu la yaalaa markaa qoladiinan saxaafadu intaad Cabdiraxmaan cirro u tagtaan waxaad weydiisaan maxaad u gudbin waydeen ilayn dadka intaas oo lacag ah ayaa ka luntay intii aad hayseene, kolkaa halkaa laga dhintay dadweynaha maaha waayo dadka intiisa badani waa dad wanaagsan, waa dadkii intay dalkoodii oo buuxa ka qaxeen wax dawarsanaya la waayey. Waadadka wixii laga dumiyey dib u dhisay in badan oo kalena ku soo kordhiyey, ee jaamacadaha dhisay, isgaadhsiinta sameeyey, muddadaa cid ay waxaasi ku dhaceen oo ku wax qabsataa meelna kama jiro, Eed kale malaha shacbigu ee dirxibaa ka galay madaxa, oo madaxdii baa illaahay ka dilay. Baarlamaanka ayuu ahaa kii daba geli lahaa, bal may maalin kaliya yidhaahdaan intaas oo lacag ahi waxay ku baxday hebel iyo hebel, oo waxa weeye markay iyagu xeer illaalintii u gudbiyaan dambigii wuu ka hadhay, ummadduna way ogaan lahayd ninkii wax lagu leeyahay ee qariskan ayaa ninkii asturaysa.

 

S: Markaad magaalada dhexmarto arkaysaa dhalinyaradii oo rajo beel taagan, waxanay qaarkood odhanayaa markii doorashadii qabsomi way ayey rajo dabarku ka qabeen isbedel dhamaatay boqolaal baana tahriib miciinsaday, taas ka waran?

 

J: Wax Alle ummad siiyo bina adamkaa ugu qaalisan illaahayna wuu karaameeyey, malaa’iktaa la yidhi u sujuud, waxaanu illaahay bini aadamka u abuuray inuu caabudo, kow kana camiro inuu qiimo darada iyo inay dhalinyarada badda isku tuurto waa awood inaga luntay waa dadkeenii oo dalkii gabin ee dawladeedii gabtay wixii waxay ku soo noqnayaan waxan yaa u hagaajin lahaa, dee kii ay doorteen, saddexda waaxood inay isdheeli tiraan baa loo sameeey, markaa xeerdeyntii inay ka hadlaan bay ahayd sharcigan la jabinayo iyo sida xun ee wax loo wado, kuwa shaqadoodii gaba waa fulintii oo musuqmaasuq ku kacday iyo xeer dejintii oo qaban wayday.

 

Masalan sow dhowaan Berbera lacag lagama soo dejin, siddeed gaadhi bay ahaayeen, afar baanka ayaa lagu rogay baa suuqa ku jirtay, afartii kale meeye, yaa baadhi lahaa? Waxaa baadhi lahaa baarlamaanka oo guddi u diri lahaa soo baadha, oo dacwad ku soo oogta haddii wixii meeshii laga waayo ma jiraan, qaarkood waxay sugayaan in wax laga siiyo waxaan la lunsanayo oo bahal dhaameelka ahi imaankii buu ka madhay o odayaashii u gooteyey muddo kordhinta qaar sheikh hebel la yidhaahdo intay waxoogay meel kaa qaateen markii la yidhi madaxtooyadii baa wax bixinaysa intay tii iska celiyeen tii kale qaatay, waana sheikh nasri ayaa illaahay uu si dhakhso ah u keeni siday doonayaaa noqonimayso ee sidaa illaahay yidhi ayey noqon. Waxaan layaabaa toddobaddii sannadood ee uu Rayaale joogay saddex doorasho iyo ciidankaa uu bari geeyey mooyee wax allaale wax uu dalka ka qabtay ma jiraan, fasal kamuu dhisnayn.

 

S: Haddii Riyaale shandada qaato waad isku yaacayaan baa wasiirada qaar uu cawil kamid yahay yidhaahdeen?

 

J: Cawil waa beenaale ee waxba ha ka soo qaadin hadalkiisa, hortii miyeynaan nabadda ku jirin, ma isagaa [Riyaale] keenay nabadda.

 

S: Dadka qaar waxay yidhaahdeen muu isku shaandheeyo golihiisa, markaa hadii ragga qaar sida Cirro, Cawil iyo wasiirka khaarajiga haddii la bedleo ina wax ma idinka bedeli lahayd?

 

J: Ninbaa tagsi yar buu lahaa oo niman macalimiin ah ayuu ugu shaqayn jiray, tagsigii ayaa ka xumaaday oo uu u geeyey farsamo-yaqaan, markaasuu ku yidhi waxaan ka bedel oo kan ka bedel, dabadeed makaanigii oo og ninkani inuu baayacay ayaa isagoo doonaya inuu iska joojiyo wuxuu ku yidhi gaadhigani in ilaa darawalka la bedelo ayuu doonayaa, markaa illaa ina Rayaale la bedelo ayey doonaysaa.

 

S: Dhinaca kale waan waanta waxa la leeyahay qoloda KULMIYE waa lala heshiin kari lahaa ee qolodiina Qaran ayaa meesha ku jirta oo la mari la’yahay, taas maxaa ka jira?

 

J: Horta KULMIYE mar buuu khalad galay markii uu ka qaybgalay kordhiskii dabadeed waxay dadku u qabaan inuu khalad kale geli lahaa, annaga taas baa imika nalagu eedeeyaa, laakiin KULMIYE tii hore ayuu wax ka bartoo isagaa isu soo jeedda. Ta kale ninka waan-waanta marka la gelayo halkee ayay ku hoyataa? Wasiir kastaa ha soo wad-wado, ina Riyaale ayey ku hoyanaysaa. Alla ha u naxariistee Ina Cigaal iyo ninkani [Riyaale] waxay ku kala duwan yihiin, Ina Cigaal marka laga toosan yahay wuu qaadan jiray, ceebna umuu qabin. Laakiin aynu wada hadalno ninkani ceeb buu u qabaa, tanaasulkana fulaynimo ayuu u qabaa, wax kastana waan ogahay buu yidhaahdaa. Kolkaa waxay doonaanba hawada galeen oo haku wada hadleene nin talo ka socon karto sidiisaba Riyaale maaha. Ta kale qolada tidhaahda dhexdhexaadin baanu samaynaynaa ee aan wasiiradiisan iyo ahayn waxa lays weydiinayaa dadku markuu wax dhexdhexaadinayo wuxuu dhexdhexaadinayaa laba qof oo is-haysta oo aanu isagu qayb ka ahayn waxan laysku haysto. Markaa waxaad isweydiinaysaa tallow nimanku ma Masar bay ka yimaadeen, mise Nairobi, waxa laysku hayaana waa sidii dalkan loo maamuli lahaa. Markaa waa kelmad iyagaba ku ceeb ah wax baanu dhexdhexaadinaynaa ee waxay ahayd inay sharciga eegaan oo kii khaldan yidhaahdaan waad khaldan tahay, ka toosana la saftaan iley Ajnebi maahee.

 

S: Qoloda dhexdhexaadinta imika ku jirtaa waa guddidii daba-galka (monitoring) doorashooyinka oo xubno ka mid ahi dhexdhexaadintii hore ku jireen iyo Akaademiga oo taas hore soo shaxeeyay, markaa ka ururka QARAN ahaan iyo ka KULMIYE ahaanba maxaad xal u aragtaan?

 

J: Aniga ra’yigaygu waxa weeye qoloda Akaadamigu waa dilaaliin, mushahar ballaadhan bay qaataan, kaas inuu u socdo oo aanu ka dhammaan bay jecelyihiin doorashana dhicin, hadal-haynteedana aan la deyn, waa la qaadacayaana aan la odhan ee ay isk socoto uun. Qolodan kale ee Daba-galka, doorashaba ma dhacayso oo bahalkan Server-ka la yidhaahdo waa iska cimri-dheeraysi uun ee asalku waxa weeye wada-hadalkaa Djibouti wado (Somaliland iyo Somalia) cidii ka qayb-geli lahayd inuu Ina Riyaale noqdo oo aan doorasho dhicin, waxan kale oo dhami waa xaabadii dabk lagu shidayey.

 

S: Waa maxay ra’yigaaga ugu dambeeya ee aad dadka u jeedin lahayd?

 

J: Horta kuwan (xukuumadda) muddadoodii way dhammaatay ee waa in dadweynuhu isu tago oo dawlad ku-meel-gaadh ah samaysto. Qolodan wakhtigoodii wuu dhammaaday, Golaha Guurtida wakhtigoodii wuu dhacay, goleyaasha degaanka wakhtigoodii iyagana wuu dhacay, waxaad odhan kartaa sifaha aynu maanta ku jirnaa waa qaran baaba’ay oo kale (Failed State).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddida dhexdhexaadinta ee EMB isagoo haysta kalsoonida saddexda xisbi qaran siiyeen waxa uu dadweynaha ugu baaqayaa in kulankii ugu horreeyey ee xallinta khilaafaadka siyaasadeed ay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku yeelan doonaan xarunta Madaxtooyada maalinta Sabtida ee foodda innagu haysa.

 

Muddada wadahadalku socdo guddidu waxa uu saddexda xisbi qaran si xurmo iyo xushmadba leh uga codsanayaa;

 

* Inay hakiyaan/joojiyaan dacaayadaha iyo waxkasta oo kale oo waxyeello u geysan kara amma carqalad ku noqonaya habsami-u-socodka dadaalka loogu jiro raadinta xal meel-mar ah oo khilaafka siyaasadeed lagu soo afjaro.

 

 

Guddidu waxa uu xukuumadda ka codsanayaa in warbaahinta qaranka xilligan ay u adeegsato hawlaha xukuumadda, hase ahaatee ay joojiso in xisbiga talada hayaa u adeesado barnaamijadiisa xisbiyadeed.

 

Warbaahinta madaxabannaan iyo ka xisbiga, waxa uu guddidu ka dalbanayaa inay hubiyaan in barnaamijyada iyo qoraallada ay baahinayaan ama ay daabacayaan aanay noqon kuwo sii huriya khilaafaadka xaaasiga ah amma carqalad ku ahaada xal-u-raadinta mushkilada.

 

Guddida dhexdhexaadintu, waxa uu xasuusinayaa dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka dalka inay iska dhawraan, kana ilaaliyaan bulshada tallaabooyinka xiisado abuuri kara.

 

Guddidu waxa uu ka codsanayaa labada gole ee Baarlamaanka inay si degdeg ah u dhammaystiraan xeerka doorashooyinka si u uu noqdo mid lagu dhaqmi karo doorashooyinka (Biometric Elections) ee dalka ku noqon doona mid ugub ah.

 

Guddidu waxa uu ka codsanayaa culimada iyo dadweynaha inay mujtamaca ka dhaadhiciyaan dadaalka lagu jiro, is-xil-qaadka masuuliyiinta, Ilaahayna uga baryaan in xal degdeg ah la gaadho.

 

Guddida dhexdhexaadintu waxay u mahadcelinaysaa saddexda xisbi qaran sidii tixgelinta iyo mudnaanta lahayd oo ay kalsoonida Guddidan u siiyeen.

 

Sidoo kale, waxa Guddidu ammaan iyo mahadnaq u soo jeedinayaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida salaadiinta iyo boqorrada, culima’udiinka, ganacsatada iyo waxgaradka isu taagay xallinta khilaafaadka siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this