Sign in to follow this  
Duufaan

Hargaysa Yaa Ugarniqi?

Recommended Posts

Duufaan   

Who will reconcile Hargaysa? This is the question of day? Is it more than Qat talk or Qat demonstration? I mean Hargaysa standard of Fadhi kudirir. If you read Somaliland media, you will see huge increase of accusation and counter accusation and yet business as usual. Could this be constitution crises as some secessionist, put it or the fruit of Hargaysa style democratization

 

What is really going on?

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

This is what is going on in Hargeysa. I am Sorry to say that The glimmer of hope is already between a rock and hard place. I hope things ends in peace.

 

Enjoy this Piece: Written by one disgruntled Kulmiye Supporter.

 

 

Daahirkii Horaan ahay

Khudbadii Dahir Riyaale ee DC January 2008

 

158. Daba ******yadiiniyo

159. Kacaan diidayaashii

160. Dabinadana xidhi jiray

161. Xanta duubayaashii

162. Denbigooda baadhiyo

163. Sirdoonkii la daba dhigay

164. Daahirkii wataan ahay

 

 

Gabaygii Dahir Riyaale ka tiriyey DC booqashadiisii Maraykan ee January 2008-kii ayaa wuxuu ku faaleeyey kagana waramay qorshayaashiisa siyaasadeed , shakhsiyadiisa iyo sidii lagu doortay ee uu ku yimi kursiga Madaxtooyada.

 

Dahir Riyaale wakhtigaas waxa uu caddeeyey inaanay sinaba suurta gal u ahayn inay doorasho dhacdo maadaama oo guurtidu diyaar u tahay inay mar kasta oo uu doono u kordhinayso waxaanu ku caddeeyey khudbadiisii , Dahir Riyaale waxa uu ka waramay arimo badan khudbadii Riyaale oo gabay lagu turjumay kana waramaysa wax badan oo odayga laga helay waa tan.

 

1. Rayaaloo dalxiiskii

2. Ictiraaf ku doonoo

3. Durkayoo fogaadoo

4. England doorar joogoo

5. Damaashaadna loo tumay

6. Daanshooday baan ahay

 

7. Daartii caddayd iyo

8. DC baan dul joogaa

9. Waxa aan dawaafaa

10. Duni wada cajaa’iba

11. Weli daawashaan ahay

12. Duni barasho waa kow

13. Dhalin qiiro damaqdoo

14. Dal tabyadu ku raagtiyo

15. Udub doora baan helay

16. Way I daadeheeyaan

17. Wax kastoo aan doonaba

18. Deg deg bay u keenaan

19. Deeqsiyaal wanaag badan

20. Doolarkana aan waayeyn

21. Iyo duul gobaan helay

22. Rashiid waa hal doorkood

23. Waa wiil dirsoocdii

24. Sumadiyo dirayskii

25. Ku daliigan tahay Udub

 

26. Sacad wuu I deeqoo ( Sacad Sh.Cisman Nur )

27. Waa oday dadaal badan

28. Duulka uu la joogana

29. Derejuu ku leeyahay

30. Waana laga danbeeyaa

31. Inkastaanan uba diran

32. Ictiraaf ku daal iyo

33. Dano shacab buu raadshaa

34. Dareenkaygu kama helin

35. Dani waxaan ka baqayaa

36. Inuu damac ku soo jiro

37. Uu doorashada rabo

38. Inkastaanan doonayn

39. Vote loo dareeraba

40. Duubcadayda ii xidhan

41. Diyaar ay u joogaan

42. Inay iigu duugaan

43. Intii aan ka doonaba

44. Haduu dookha ku hayaba

45. Oo uu diyaar yahay

46. Waxaan uga durkinayaa

47. Ninka fooxa daaree

48. Aan duniba war u hayn

49. Haduu diido yeelkii

50. Isagay u darantahay

51. Waana laga digtoon yahay

 

52. Qaar kaloo dayooboo

53. Hadba duulal sheegtoo

54. Kulmiye uu dareershoo

55. Ucid dhaar ka duugtoo

56. Diiday inay ku biiraan

57. Dawo ma lihin lagu yidhi

58. Didsan baa iyana yimi

 

 

59. Waxan idhi dirsoocdiin (Rayaale weydiiyey)

60. Iyo sheega degelkiin

61. Dalka aad ku nooshiin

62. Dadka yaad la hoyataan

63. Aad ka soo dareerteen?

 

64. Nimuu hadalku duug yahay ( Guulwadaashii heesaayey)

65. Dalab carrabku leeyahay

66. Deg deg aan u odhan karin

67. Ayaa yidhi Daryeeloow

68. Madaxweyne dooroow

69. Daahir Ina Rayaaloow

70. Daadihiyaha Qarankoow

71. Naanaystaydu waa Dude

72. Nin la dayrshay baan ahay

73. Minnesotaan ka doodaa

74. Adaan kuu dadaalaa

75. Ninkii adi ku diidana

76. Dagaal baan ka xigayaa

77. Waxa aan dudubiyaa

78. Amaantaada doorka ah

79. Dibnahayga kama dhigo

80. Waxa aan u ahay Diig

81. Dhawr ii dareeroo

82. Duunyadayda lagu daro

83. Diristayda ku horrada

84. Garashadana kala daran

87. Duudka iyo oogada

88. Qalbigoodu waa doog

89. Waxa lagu dirsoocaa

90. Dilaaliinta Udub iyo

91. Denbigiyo xumaanaha

 

92. Intaa wuxuu ku sii daray

93. Doorashana ha noo qaban

94. Waxaad doonto noo sheeg

95. Kuwii dumiyey qarankee

96. Daryeeliiyii Siyaad iyo

97. Kacaankeenii diirrane

98. Dalqoweyne dhaliyiyo

99. Dawladeenii hore riday

100. Siilaanyiyo dirkiisiyo

101. S-tii dirirta waalayd

102. Doorashada ka dheeree

103. Dawladeena yay qaban

104. Adna daa’imkaa joog

105. Daahir Ina Rayaaloow

 

106. Duulkuu hor kacayee (Weftigii Rayaale)

107. Dabadiisa taagnaa

108. Sacab bay ku deeqeen

109. Deex iyo amaan badan

 

110. Wuxuu yidhi dadkayggow (khudbadii Rayaale)

111. Shacabyohow dedaalaa

112. Arinteenu waa duug

113. Duniduna ma fahansana

114. Wayse ina dareemeen

115. Duul jira inaan nahay

116. Docda aan ku naalana

117. Degel nabada ay tahay

118. Hayeeshee wax baa dedan

119. Amuuraa dahsoon weli

120. Dahaadh uu ku xidhan yahay

121. Anigana dareenkay

122. Dubaaqayga waxa jira

123. Inaan lay daryeel qabin

124. Dayac badani uu jiro

125. Doodna laygu sii daro

 

127. Aan dilaacshe hadalkoo

128. Duurxulka aan ka saaroo

129. Daabac aan ku jiidee

130. Daymanadiina ii fura

 

131. Marka hore dumaal iyo

132. Duugtii ina Cigaal iyo

133. Dar Allaan ku imi kow

134. Doorashadu jacayl iyo

135. Deeq layla maagiyo

136. Dalacsiina ma ahayn

 

137. Dulqaad iyo wanaag iyo

138. Dayibnimo aan leeyahay

139. Dadku hore u mahadsheen

140. Beel daaje ma ahayn

 

141. Sheekh laga ducaystoo

142. Dalabkiisa la aqbalo

143. La durraanto ma ahayn

 

144. Daaci diinta faafshiyo

145. Awliyada dirkeedee

146. Daayimkoodu jecel yahay

147. Eebbe doortay ma ahayn

 

148. Waxan ahay nin dulin iyo

149. Dakanooyin hore qaba

150. Didmadiina feejigan

 

151. Dawladdii aad dumiseen

152. Dagaalada ku qaadeen

153. Ciidankii ku dayraa

154. Aad duhurka jebiseen

155. Taliyii dalbanayee

156. Dirirtaba hor kacayiyo

157. Daahirkii horaan ahay

 

158. Daba ******yadiiniyo

159. Kacaan diidayaashii

160. Dabinadana xidhi jiray

161. Xanta duubayaashii

162. Denbigooda baadhiyo

163. Sirdoonkii la daba dhigay

164. Daahirkii wataan ahay

 

165. Duqsi iyo da’diisii

166. S-ta dunida keeniyo

167. Kuwaad nagula doodaan

168. Aad dayaxa saartaan

169. Iilka laga ****olee

170. Uu dunida kaga hadhay

171. Ina Xaashigaan diray

172. Ninkii dooni jirayee

173. Derejada ku qaatiyo

174. Raggii loo diraan ahay

 

175. Ninkii duhur dharaareed

176. Daafaha aduunyada

177. Wargeysyada la daabaco

178. Raaqiyi ku duugtee

179. Denbigiisa lagu qoray

180. Ee daliilka maragiyo

181. Arimo aan la dedi karin

182. Shaahid loogu sii daray

183. Isna aan dafirinee

184. Dacaayadaa ku sheegiyo

185. Garoo Daahir baan ahay

 

186. Derejadaad I siiseen

187. Daartaad I geliseen

188. Dalacaadda madaxnimo

189. Arin Daa’im keeniyo

190. Deeq Eebbe weeyaan

191. Daacadnimana ma ahayn

192. Nina dubaaqa muu gelin

193. Doorashada Rayaalee

194. Duleedkaan ka soo helay

195. Idinkana dayow iyo

196. Dani been ahoon jirin

197. Daruur haw hayaamina

 

198. Ducaday ma kacaysee

199. Waxa iga dardaarana

200. Hadaad dunida dooc iyo

201. Dareen aad u leediin

202. Hadaad dhego dalooliyo

203. Maqal debecsan leediin

204. Hadaad waxa danbeetiyo

205. Saadaasha deristaan

 

206. Dorraad iyo wixii tegey

207. Iyo doorkan maanta ah

208. Degelkiina waxa yaal

209. Xusuus daarran leediin

 

210. Waxa aan ka digayaa

211. Inaad digo kulaashaan

212. Cagahana dab gelisaan

213. Dunidaba waxaan jirin

214. Iyo caddaalad doontaan

215. Anna doorkan maanta ah

216. Dagi maayo waxaan helay

217. Nin kastoo is door bida

218. Ama sheegta diric ba’an

219. Daluun baan ku ridayaa

220. Ilaa lay dabbaal dego

221. Oo durbaano lay tumo

222. Degi maayo weligay

223. Hadii lay damaaciyo

224. Kursigana aan lay dayn

225. Dabaday ma jiraysaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

I got you Uncle Mitid And Iam watching as it unfolds. I however would like to remind you too that

 

Handing over Mandeeq to the very Butchers wont resurect its lost glory. Learn from experience Uncle Learn from experience

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is what is going on in Hargeysa. I am Sorry to say that The glimmer of hope is already between a rock and hard place. I hope things ends in peace.

:D

 

Don't be fooled by the sabre-rattling.. There is only small degree of seperation between the parties involved in the current horn-lock.

 

Just watch and see how thing go without much problems in the next few weeks. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Halkaa waxaa kahadlay nin Iskumagacaabay Jacayl Baro. oo wuxuu yidhi

 

 

Nimuu hadalku duug yahay

 

65. Dalab carrabku leeyahay

66. Deg deg aan u odhan karin

67. Ayaa yidhi Daryeeloow

68. Madaxweyne dooroow

69. Daahir Ina Rayaaloow

70. Daadihiyaha Qarankoow

71. Naanaystaydu waa JB

72. Nin la dheregsan baan ahay

73. Hargeysaan ka doodaa

74. Adaan kuu dadaalaa

75. Ninkii adi ku diidana

76. Dagaal baan ka xigayaa

77. Waxa aan dudubiyaa

78. Amaantaada doorka ah

79. Dibnahayga kama dhigo

80. Waxa aan u ahay Diig

81. Dhawr ii dareeroo

82. Duunyadayda lagu daro

83. Diristayda ku horrada

84. Garashadana kala daran

87. Duudka iyo oogada

88. Qalbigoodu waa doog

89. Waxa lagu dirsoocaa

90. Dilaaliinta Udub iyo

91. Denbigiyo xumaanaha

92 Distoorkaad degsatay

92. Dulmiga kusalaysan

93 doodaan galoba waan udaliishadaa

 

Sudaanka I hope for the best but you also know well things are not going well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli

Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga

Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu

Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali

Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi

Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya

Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori

Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale

Hanquusle halowle Garaad himhimowle

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli

Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga

Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu

Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali

Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi

Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya

Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori

Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale

Hanquusle halowle Garaad himhimowle

 

 

Wooow. Taasina ma hargeysay katimid mise waa kuwii hargeysa kabaxa laguyodhi?

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this