Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: 4000 New troops enter capital after training

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamo cusub oo ka socda dawladda Soomaaliya & Itoobiya oo soo galay Muqdisho.

16. september 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ee dhawaan ay tababaradu ugu soo xirmeen dalka Itoobiya ayaa qeybtoodii labaad ay soo gaartay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

Ciidamadan oo si gaar ah loo soo tababaray ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku soo jirey dagaalo ay kala kulmayeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna dagaaladaasi ku heysteen wadada dheer ee isku xirta Muqdisho & Baydhabo.

 

soo galidii Ciidamadan ee Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemay, waxa ayna dageen Xeryihii ay horey usoo galeen ciidamadii ayaga kaga soohoreeyey Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

Wariyaha AllPuntland ee Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegayah in ay ciidamadan badaleen jawiga guud ee Magaalada, ayna ku soo galeen si degan mana jirin wax weerar ah oo lugu qaaday markii ay soo galayeen Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan waxaa la socda Milateri fara badan oo ka socda dawladda Faderaalka ee Itoobiya oo taageero Milateri oo xoog leh siisa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee ay Beesha Caalamku aqoonsan tahay, waxa ayna si wada jir ah uqaadi doonaan talaabooyin dib loogu soo celinayo amaanka Caasumada Soomaaliya.

 

Tirada ciidamadan cusub waxaa loo diiday dhamaanba in ay Saxaafada ogaato, waxaase ay sheegayaan Dad ku sugan Xeryaha ay degeen in ay ciidamadan ka badan yihiin ciidamadii dhawaan tababarada ku soo qaatey dalka Itoobiya oo tiradoodu kor udhaafeysay 4000 Kun.

 

Dawladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa imika ku faraxsan cudada milateri ee ay heysato, waxa ayna wasaarada Gaashaandhiga ee dawladda Soomaaliya iyo Saraakiisha ciidamadu diyaarinayaan talaabooyin ay qaadaan ciidamadan oo amaanka Caasumada Soomaaliya lugu sugi doono.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo horleh aadna u fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa ku soo fool leh Magaalada Muqdisho.

 

Isnin 15. 09. 2008

 

Somalia - Ciidamo horleh aadna u fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa ku soo socda Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, kuwaasoo kayimid dalka Itoobiya. Ciidamadan ayaa wararku waxay sheegayaan in ay dhan yihiin 5,000 kun oo ciidan.

 

Ciidamadan waxa ay tababaro ku soo qaateen dalka Itoobiya, waxa ayna dhawaan soo gaareen gudaha dalka Soomaaliya waxa ayna Muqdisho ku soo galayaan Safar dhinaca dhulka ah ayagoo lugeynaya.

 

Ciidamadan shalay ayaa dagaal ku qabsaday deegaanka Leego, waxa ayna dagaaladaasi sababeen in ay ciidamadaasi xalay oo dhan ay joogaan goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen.

 

Saraakiisha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ciidamadan qeyb ka noqonayaan ciidamo loo diyaarinayo amaan sugida dalka Soomaaliya, gaar ahaana ciidamada lafilayo in ay dhawaan qaadaan howlgalo culus oo laga sameynayo Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan waxaa la socda 21 Baabuur oo ah kuwa dagaal oo xambaarsan hubka waa weyn sida kaaraha, waxa ayna gaadiidku yihiin kuwii ciidamadan ka soo qaaday dalka Itoobiya.

 

Warar hoose oo laga helayo Taliska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in ay ciidamadan dagi doonaan Xeryahaha ay degan yihiin ciidamada dowladda Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They will keep coming, these are new troops lads.

 

Soon Mogadishu will be as quite as Asmara & Nairobi. The fake Shiekhs will be there as quite as they are in the hotels in Asmara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

When has ethiopia's tigree militia become TFG soldiers?

 

 

Those thieves Robb people everyday in the streets of Mogadishu and set up illegal road blocks.

 

Every time they claim to do a security sweep, they steal money and merchandise.

 

Those bandits should be rehabilitated before they are allowed to join with society.

 

 

---Darowallada gaadiidka ka hawlgala qeybo kamid ah Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhaqaaqay shaqo joojin ay kaga cabanayaan lacago lagu kordhiyay iyo dhac loogeysanayo dadka gaadiidka raaca.

 

 

 

Gaadiidleydani oo ka hawlgala Isgoyska Hawlwadaag illaa Xamar weyne iyo kuwa ka shaqeeya KM4, Xamar weyne illaa iyo sanca ayaa maanta joojiyay hawlahoodii shaqo taasi oo ay uga cabanayaan dhibaatooyin ay sheegeen in ay u geysanayaan Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxayna sheegeen wadeyaashasi gaadiidka in Ciidamada ay ka qaadayaan lacago fara badan taasi oo aysan awoodin islamarkaasina ay u sii dheertahay dhac, jirdil iyo baarasho loo geysanayo dadka rakaabka ah taasina ay maanta ku qasabtay in gabi ahaanba ay shaqadoodii joojiyaan isla markaasina ay dhigaan banaanbax ka dhan ah Ciidamada dowladda.

 

 

 

Gawaarida BL-ka ayaa maanta la isugu geynayay xarunta Iskaashatada gaadiidka ee Gobolka Banaadir oo kutaalla Degmada Xamar weyne waxaana halkaasi isugu soo baxay gaadiidley aad u fara badan iyadoo gaarigii la arko in uu rakaab wado lagu qasbayay in uu gaadiidka rakaabka kadaadiyo hadii kalena la dhagaxyeynayo.

 

 

 

Mid kamid ah wadeyaasha gaadiidkaasi ayaa shabelle u sheegay in wadada looga qaado Marka ay kasoo baxaan Maanabooliyo 10-kun Sh.So, Isgoyska Jubba 10-kun Sh.So. Jiirada Maxamed Dheere gurigiisa kudhaw 4-kun Sh.So, Barxadda Yaasiin 4-kun Sh.So. Jiirada Ceelgaab Saakay horey 5-kun waxyar kadibna 10-kun Sh.So. Isgoyska Dabka 10-kun Sh.So, KM4 10-kun Sh.So, wuxuuna intaasi ku daray darowalkaasi in lacagta ay dadka ka qaadaan iyo kuwa wadada looga qaato ay badatay kuwa wadada ay Ciidamda dowladda uga qaataan taasina ay sababtay in shidaalkii deen uu ku noqdo iyaguna aysan waxba helin gawaaridana ay sidaasi iskaga dhigeen.

 

 

 

Sidoo kale waxa ay sheegen darowallada in dadka gaadiidkooda saaran qaarkood lagala dego gaariga marka laga soo dejinayana lagu yiraahdo “Waan ku naqaanaa” inta ay meel gooni ah la aadaan ayayna kasoo qaatan Mobil iyo laca waxa uu qofkaasi heysto.

 

 

 

Gaadiidleyda ayaa guddi ay maanta iska dhexdoorteen waxa ay aadeen xarunta Maamulka Gobolka Banaadir halkaasi oo ay cabashadooda u gudbiyeen guddoomiyaha Cusub ee Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir iyadoo duhurnimadii maantana gawaari dhif ah ay dib u hawlbilaabeen.

 

 

Horey ayaa afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska oo lagu magacaabo C/llaahi Xasan Bariise waxa uu wax kamajiraan ku tilmaamay dhibaatooyinka dadka shacabka ay ka sheeganayaan Ciidanka iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay isa soo tareyso qeybo dhaanta kasoo yeereysa shacabka taasi oo illaa iyo iminka aanay jirin cid wax ka qabatay.

 

Shebelle Media Network - Source of Somalia News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Duke deploys 4 to 5 thousand troops to Mogadishu quarterly - it is either he forgets that he mentioned before and thus has a recollection problem or sooths himself with imaginary news since he is an adamant supporter of a failed entity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by General Duke:

^^^lool. Adeer thats were you and your leaders are threatening the airport of Mogadishu.. Clowns prepared are no better than other clowns.

The airport is closed down due to the Alshabaab orders. Pretty powerful group eh? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Everytime I see the incongurent tolaaeyeey posts of this fake General, my mind refuses to bury the pictures of the proverbial Igbo poet, Christian Akigbo, who subordinated his art to his ancestry. General Duke follows in the path of the narrow-minded poet.

 

Duke is first a man of the reerka, and then a somali. He has subordinated the intersts of the nation to that of the jilib. And hence, has closed his mind to reason and logic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this