Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Geedi oo hilkaqaadis lagu sameenayo

Recommended Posts

Xubno isugu jira wasiiro & xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ayaa si weyn u cambaareeyey ra'isul wasaaraha xukuumada federaalka Cali Max'ed Geeddi xil-ka qaadistii uu ku sameeyey wasiirkii arrimaha dibedda Ismaaciil Max'uud Hurre (Buubaa), waxeyna xubnahani sheegeen in ay tahay qalad weyn oo aan diblumaasiyada meelna kaga jirin in wasiirkii arrimaha dibedda oo ka mid ahaa halbowlayaasha dowladda in xilkiisii uu ku waayo sideed ula hadashay Max'ed Cali (Ameerika) dartiis, taasina waxey muujineysaa bey yiraahdeen xubnahaasi biseylka siyaasadeed ee Geeddi, waxeyna sheegeen in talaabada Geeddi uu qaaday ay noqon doonto mid soo dedejisa ridistiisa.

 

" Dadka kale ee lagu gal-gashay ee xilalkii laga qaaday looma socon ee ujeedadu waxey aheyd Buubaa, Geeddina hadduu sidaa u yaqaan dowladnimada oo qofkii inankaa yaree uu meesha keensaday la hadlaba uu leeyahay xilkaan ka qaadayaa waanu eegi halka ay ku danbeyso, waxeyna soo dedejin doontaa in uu mooshin degdeg ah laga keeno baarlamaanka" ayuu lagu yiri baaq cambaareyn ahaa oo ay soo saareen xubno isugu jira wasiiro & xildhibaano.

 

 

"Waanu la soconaa in C/llaahi Yuusuf aanu raali ka aheyn waxaa uu sameeyey Geeddi ee uu doonayo in ay is arkaan Geeddi & baarlamaanka & xukuumadiisa, kadibna Geeddi la rido" ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada ka gadoodsan talaabada Geeddi, wuxuuna intaasi raaciyey in Geeddi aanu dooneyn dowlad-nimo ee uu doonayo dhaqaale uu uruursado oo keliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this