Sign in to follow this  
garyare

MARXALAD WALIBA IYADAA MAGAC LA BAXDA

Recommended Posts

garyare   

MARXALAD WALIBA IYADAA MAGAC LA BAXDA

 

Akhristow fadlan ka gudub erayadaan lambarrada leh oo hoos ugu dhaadhac qoraalka ka hooseeya. Markaas ayaad ogaanaysaa nuxurka qoraalka iyo ujeeddada erayadaan. Erayadu waa kuwo aan ugu talo galay inuu akhristuhu ka raadiyo dhibaatada haysata Soomaalida iyo xalkaba. Dabcan waxaa jira boqollaal eray ee kale oo ku jirta murtideenna sawir iyotarkii oo raadi cudurradeenna iyo dawooyinkooda.

 

Erayadu waxay ku xusuusin karaan majara habowga iyo walaahowga siyaasadeed ee ku habsadey siyaasaddii iyo dawladnimadii Soomaaliyeed waxayna la socon doonaan qaybaha qoraalkaan taxanaha ah.

 

 

1. Dhaqan iyo Caado

 

2. Hashu maankay gaddaye ma masaarbay liqday?

 

3. Hal nin gurrani dheelmay/kexeeyey dhanna/dhinacna uma fayooba/fiyooba

 

4. Hasha maqaarka diidaysaa meelo daldaloola/dulduleela ayay ka daydaa

 

5. La mood noqonse waydey

 

6. Ka dar oo dibi dhal

 

7. Ka rog oo labo saar

 

8. Wirwir

 

9. Hungo

 

10. Habow/Habaw

 

11. Dan gurracan

 

12. Isku maan- Kala maan

 

13. Nin hadduu tago an la Tabahayn oo hadduu yimid an wax tarahayn Allow taqajimi

 

14. Shisheeye Kalkaal

 

15. Doolaalo

 

16. Anna way kan

 

17. Qawsaar/Qowsaar

 

18. Shab-Shablena ku day

 

 

 

a. Dawlad

b. Xukuumad

c. Madaxweyne

d. Ra’iisul Wasaare

e. Wasiir

f. Xildhibaan

g. Guddoomiye Baarlamaan

h. Gole

i. Muqdisho

j. Jowhar

k. Beled/Weyne

l. Baydhabo

m. Kismaanyo

n. Caasimad

 

 

 

 

 

Qoraalkaan gaaban ee hoose waxaynnu ku eegaynaa waxyaabo u eg ama shabbaha amaba lagu sifayn karo erayada kore oo dhammaantood ku soo aroora murtida iyo arrimo kale oo khuseeya Soomaalida.

 

Waxa aynnu ka dhex raadinayno erayadaasi waa xaaladda murugada badan oo ay manta ku sugan tahay Qowmiyadda uu ka dhexeeyo magaca ama erayga “SOOMAALIâ€.

 

Si taxaddar leh oo taxane ah ayaan insha Allaahu idiinku soo gudbin doonaa, intii karaankay ah, qormooyin gaagaaban oo ay ka dhex muuqdaan erayadaas kore iyo kuwo la mid ah oo wada khuseeya xaaladda murugsan ee Somalia.

 

Maanta waxaynnu ku bilaabaynaa erayada “Dhaqan iyo Caado†iyo sida ay ku unkamaan. Guud ahaan waxaynnu ognahay in ay dhaqanka iyo caadadu yihiin mid ka mid ah tiirarka ama xargaha isuku haya bulsho meel deggan, sida xarigga qaanuunka oo kale, haddii ay xargahaasi go’aanna ay bulshadaasi noqoto silsilad ama tusbax furtay.

 

Waxaan aad u jeclaan lahaa inuu mowduucu noqdo dood furan ee uu akhristuhu wax ku kordhin karo haddii uu doonana uu la kaashan karo waxgaradka Soomaaliyeed ee Rag iyo Dumarba leh.

 

Khasab maaha aniguna uma fadhiyo in ay cid waliba igu raacdo ra’yigayga: dabcan dadka qaar ayuu la toosanaan karaa, qaar ayuu la khaldanaan karaa halka ay qaar kalena uga baahan karaan caddayn amaba ay su’aalo ka qabi karaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, waan soo dhoweynayaa sixitaan ama dhaliilaha niyad samida ah, waxaanse jeclaan lahaa in ay is dhaliishu noqoto mid asluubaysan waayo awalbaa hore loo yiri: wixii nin la toosani nin la tuur leh ama wixii qof la tuur lihi qof la toosan.

 

 

DHAQAN &CAADO.

 

Tafsiirka eraygan waxaa ka mid noqon kara inuu yahay: wax ku negaada dadka marka wax la caadaysto taasoo ah mid ku soo noqnoqota bulshada dhexdeeda ka dibna loo aqoonsado wax loo hoggaansamo ama la obbokonaado kadibna noqda xeer ayadoo qofkii ama ciddii ku xadgudubtana lagu eego il xun amaba la fongoro/takooro ama la cisaaro/ganaaxo. Sidoo kale in lagu ammaano cidda ugu dhaqanta sidii loo bartay. Haddii la jebiyo caado xeer noqotay waxaa la yirahdaa: Caado la gooyey caro Alle ayay leedahay; Wixii nin xil moodo ayuu nin xarrago moodaa iwm.

 

Haddaba, dhaqanka joogtada noqdaa maaha mar kasta mid la wada toosan, wada qanciya ama caddaalad, asluub iwm ugu wada yabooha bulshada isku deegaanka ah. Waxaa laga yaabaa, in marxaladaha qaarkood ay dhaqan gasho caado qowm u keenta burbur ama halaag ay kuba tirtiranto.

 

Walow qarni fog laga joogo waxynnu tusaale u soo qaadan karnaa Qowmu Luud oo ku halaagmay dhaqan xumadoodii sida ay inoo sheegtay Diinta Islaamku.

 

Dhaqanka xun waxaa ka mid ah, iyadoo uu qowm caadaysto ama ku heshiiyo wax aan jirin ama been ah.

 

Haddii aan ku sii dheeraado waxay tusaalooyinku ila gaari karaan boqollaal ilaa uu soo jirey aadanuhu, saas daraadeed, waxaan ku soo koobayaa tan maanta haysata Qowmiyadda Soomaalida ee aan ka dhashay si gaar ahna ii khusaysa iina gubaysa.

 

Caadada ay Soomaalidu maanta halista ugu jirto in ay Dhaqan u noqoto waa “dawladnimada beenta ah oo haba yaraatee aan lahayn aasaas qaanuuneed oo ay ka bilaabatoâ€.

 

Su’aasha aynnu is waydiin karnaa waxay tahay, yaa faafinaya beentaan ama dhaqan xumidaan? Xaggayga way ka fududdahay jawaabtu waana sidaan:

 

1. dagaal oogeyaashii iyo adeegayaashoodii isugu tegey Kenya 3 sano ka hor iyagoo uusan midkoodna haysan wakaalad ama kalsooni uu ku matalo Soomaalidii ku noolayd gobolkii uu ka yimid. Qabqablayaashu iyaga ayaa xayeesiiya oo isugu yeera magacyada jagooyin u eg kuwii loogu yeeri jirey xubno xukuumadeed sida: Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Wasiir, Xildhibaan, Guddoomiye baarlamaan, Gole baarlamaan iwm.

 

2. Melez Zanawiga Ethiopia oo ah awoodda runta ah ee ka dambaysa kooxkaas qawlaysatada ama calooshood u shaqaystayaasha ah

 

3. dadweynaha habaas-jiifka ah oo dhegta uun u taaga raadiyeyaasha ku hadla af Soomaaliga oo ay maamulaan isla kuwa ay marna u yihiin la haystaha marna isugu sheega inay u yihiin madax xukuumadeed iyagoo sheeganaya magacyada kore. Dadweynaha Soomaaliyeed waa mid xanuun iyo damqashaba gabay tacaddiga arxan darrada ah oo ay ku hayaan 15ka sano qawlaysatada hadda isu dallaciyey “dawladnimada†khiyaaliga ah, markaana iyagoo rajo dhigay ku carwosaadaya oo ay uga dhegtey erayga “dawlad†taasoo maanta u jirta inta uu cirku u jiro.

 

4. waxaa soo raaca oo iyagu gebi ahaan lunsan ama dayeysan, aragtidayda, hase yeeshee aan joogin meel ay ka noqdaan, kooxdii ku hadlaysey magaca bulshada rayadka ah ee shir beenaadkii Kenya u tagtay “anna waykan†ama “ha la rooraan run moodey†(walow aanan tan dambe ugu cudurdaari karin waayo aqoon ayay u lahaayeen dagaal oogeyaasha ay ku biireen iyo cadowga ay u adeegayaan intaba).

 

Saas darteed, waxaa muuqata in inta ku hadaaqaysaa dawlad u dhalatay Soomaaliya ay yihiin qaar been ku heshiis ah marka laga reebo dadweynahaas aan iyagu garan ujeeddada laga leeyahay mashruucaas hase yeeshee la qabsaday erayga dawladnimo oo ay ku shaqaysanayaan idaacadaha aynnu kor ku soo sheegnay iyo tan qaybta Af Soomaaliga ee BBCda oo hadda ay Soomaalidu badi ku eedayso in ay noqotay mid batariga u buuxisa kooxaha dableyda ah ee ku hardamaya Somalia.

 

Mashruuca ay qabqablayaashu ku sheeganayaan dawladnimada Somalia waa mid “hungo†ah oo aan ku matali karo “wir-wir†(waa walaxa u eg biyo qulqulaya ama hirka badda marka ay qorraxda ama cadceeddu aad u kulushahay. Aragtidayda waa mid “ka dare†ah oo muddo dheer sii fogaynaya dib u soo noolaansho Qarankii Somalia iyo xukuumad ka dhalata.

 

Dawladnimada ay dagaal oogeyaashu wada sheeganayaan ama isugu jiibinayaan Muqdisho iyo Jowhar waxay ku bannaan tahay sheekadii 4 nin oo saaxiib ah kalana ahaa mid dhego la’, mid indho la’, mid curyaan ah iyo mid qaawan, kuwaasoo dhisay isagana markhaati furay beenta soo socota:

1. dhegoole wuxuu yiri: sac baa seeri (meel fog) ka ciyey

2. indhoole wuxuu yiri: arkaayoo giiran (midabkuu tilmaamay)

3. curyaan wuxuu yiri: an rornoo jebinno (aynnu ku orodno)

4. qaawane wuxuu yiri: armaa layna furtaa (layna qaawiyaa)

 

 

Qormada dhow waxaynnu ku halqabsan doonnaa insha Allaah Geela oo ka mid ah tiirarka dhaqan ee ay ku dhaadato Soomaalidu:

 

1. hashu maankay gaddaye ma masaarbay liqday?

2. hal nin gurrani dheelmay/kexeeyey dhanna/dhinacna uma fayooba/fiyooba

3. hasha maqaarka diidaysaa meelo daldaloola/dulduleela ayay ka daydaa

 

 

Ciddii dood ka qabta aragtidayda oo markaas jecel in aan qanciyo ama iyadu haysa wax ay aniga igu qanciso, waan soo dhowaynayaa waxaanna u diyaar ahay in aannu si deggan oo niyad sami ah uga doodno.

 

 

La soco qaybta 2aad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this