Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

Gaboose taking credit for the SNM struggle!

Recommended Posts

'Ma Jirto Geesinimo Ka Weyn Halgankii Rafaadka Badnaa Ee Loo Soo Galay Somaliland Wakhtigii SNM-ta' Dr Gaboose

Hargeysa, Somaliland — 4 March, 2007

--------------------------------------------------

 

 

Dr. Mohamed Cabdi gaboose oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madaxa banaan ee Somaliland, isla markaana aan ka tirsanayn Xisbiyadda Qaranka midkoodna, ayaa jawaab kulul ka bixiyey eryadii Madaxweyne Rayaale ku weeraray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo.

 

Dr. Gaboose, waxa uu xasuusiyey Madaxweyne Rayaale in aysan jirin Geesinimo ka weyn tii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ku ogolaaday inuu madaxcweyne Rayaale kaga guulaysto 80-cod, iyada oo buu yidhi uusan jirin Siyaasi africaan ah oo ogolaaday doorasho lagaga helay 80-cod.

 

Dr, Gaboose, waxa kale oo uu intaas ku daray inaysan jirin Geesinimo ka weyn Halgankii rafaadka badnaa ee loo soo galay Somaliland wakhtigii SNM-ta, isla markaana uu maanta aqbalay inuu Daahir Rayaale midhihiisa goosto.

 

Dhakhtarku waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu xalay u qaybiyey war-baahinta oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhayna waxa uu u dhignaa sidan:

 

“in kasta oo aanay dhaqan ii ahayn in aan dhakhso uga hadlo ama uga jawaabo arrimaha qaar, hadana waxaigu kelifay in aan qalinka qaato luuqadii Madaxweyne Rayaale maanta {shalay} war-baahinta kaga hadlay, gaar ahaan waxa aad ii soo jiidatay erayadii iyo weedhihii uu sida khaaska ah ugu weeraray Ahmed Siilaanyo. Waa daruuri is-dhaliilku waana milgaha siyaasada lagu yaqaan, hase yeeshee odhaahdii Daahir Rayaale ku weeraray Ahmed Siilaanyo, mid dhaqanka isdhaliilka waayeelka aan ku qumanayn, isla markaana aan laga fili Karin Afka Madaxweyne garanaya Kursiga uu ku fadhiyo. Runtii, waxaan odhan karaa, ma jirto geesinimo ka weyn talaabadii uu Siilaanyo ku ogolaaday 80-kii cod ee Rayaale Fursada u siiyey in uu Madaxweyne noqdo. Ma jirto Geesi-nimo ka weyn halgankii rafaadka badnaa ee uu u soo maray dib-u-xoraynta Somaliland, kaas oo uu aqbalay inuu Daahir Rayaale midhihiisa goosto oo mas’uulka ugu sareeya noqdo, isaga oo aan habeena u soo dhibtoon. Maan arag mana maqal Siyaasi Africaan ah oo ogolaaday, in Doorashadii lagaga helay sideetankaa cod, ee Siilaanyo liqay go’aankeeda. Taasi waxay muujinaysaa in sababta uu u aqbalay ay ahayd lexejeclo uu u qabo Dalkiisa iyo Dadkiisa, ilaa hadana uu ugu dhabar adaygayo qadiyadda iyo gefafka tirada badan ee inta badan kaga socota dhinaca Madaxtooyadda.

 

Madaxweyne ma tihid Kuray yar oo la ficiltamaya dhigii, ee waxaan moodaayey in aad tahay Madaxweyne garanaya milgaha luuqada Kursigu uu ku fadhiyo. Haatan waxa cad in aad shacbiga tustay in aad gaadhay maqaam ku geesnimo geliyey, ficilkaaguna maanta wuxuu ka dhigan yahay, hadaanan annigu joogayn Dal iyo Dad midna la iga dhaxli maayo, waxaad samaysay tijaabooyin guracan, Dadkuna maaha qaar deman oo aan ku fahmayn, balse, Ishaa ayey leeyihiin waa ka dulqaad, waan hubaa inay ku cajabisay awooda Dadku kuu dhiibtay, Somaliduna waxay ku maahmaahdaa “Beenaale ma hubsadaa ka liita” anniguna waxaan ku khatimayaa laaca aragtaye, laaga ma ogtahay”.

 

Xigasho: Somaliland Future

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaboose should be careful with his words. He is in the same boat as the President......the 1991 Amnesty was extended to all parties in the conflict civilian and military. If anyone should be accused of collaberating with the Fakaash regime it would certainly be gabose who sat and watched in Villa Somalia as the plans to annhiliate the Northern population was hatched.

 

Such an irony now that he shamelessly takes credit for the SNM struggle when he was clearly on the other side of the fence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This issue is almost non-existent. everybody knows the real SNM heroes and everybody knows this ***** gaboose certainly wasnt one of them. he should be tried for treason along with many of todays regime including that dog riyaale.

 

long live the real heroes of the SNM and may the ones that have passed away rest in peace and may god have mercy on them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Before you start asassinating the character of the speaker you first need to look at content of his speech. I think all what he said is true.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this