Sign in to follow this  
me

SSC troops enter WidhWidh - Secessionists trapped

Recommended Posts

me   

Read

 

Listen

 

These are the early days of the long war of liberation in Northern Somalia, there as set backs expected, however so far the secessionist are unraveling.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Widhwidh (Jidbaale.com):-War deg deg ah oo hada naga soo gaadhay Degmada Widhwidh ayaa wuxu xaqiijinaya in dhamaan saldhigyadii Maleeshiyaadka Soomaalidiidka ay la wareegne Ciidamada Xaq u dirirka SSC. Saldhigii Balihadhac ilaa degmada Widhwidh Baliga widhwidh yare ayee Boqolaal Ciidama SSC ahi xoog ku qabsadeen ka dib markii ay soo jiidheen dhamaan Difaacyadii Maleeshiyaadka Soomaalidiidka ah.

 

 

Ciidamada SSC ayaa waxay gubeen labo gaadhi oo Nooca tiknikada ah ku waasoo gurmad ahaan uga yimid Laascaanood. Waxaana la sheegay in la Cabudhiyey Maleeshiyaadka ka dib markii labo wado muhiimka laga soo galay Widhwidh. Ciidamada SSC ayaa degmada Widhwidh ka soo xaga magaalada Laascaanood oo ah meeshii ay Somalidiidku ka filayeen gurmadka, dhanka Buuhoodlena waxaa culays ka soo saaray Boqolaal kale oo Ciidadam SSC ah taasoo ku khasabtay in ay Soomaalidiidku afka saaran wadada Yeyle aada ee sii marta Shululux.

 

Waxaa la sheegay in ay jaha wareer fara badan la kulmeen isla markaana ay kala firxadeen. Ciidamda SSC oo khidad dagaal oo aad u saraysa degay ayaa hada waxay haystaan labo wado oo muhiim. Kuwaasoo kala ah Bali hadhac iyo wada kale ee Istaratijiga ah ee Xagafta loo yaqaano. Waxay kaloo ku dheerasan yihiin wadada aada Buuhoodle ayagoo dhamaan la wareegay fadhiisamadii maleeshiyaadka Dulmi u dirirka ah.

 

Shacab weynaha degmada Widhwidh ayaa wada dhinacyadeeda la taagan Caleemo qoyan iyo weli Tashhiilaad kale oo ay siinaya Ciidamada Daraawiishta ee dalkooda Sifeeyey. Khsaaraha ilaa hada ka dhashay dagaalkan ayaa lagu sheegay dhwaac fara badan oo soo gaadhay kuwii saarnaa baabuurta la gubay. Waxaana la sheegay in aysan xejinba xabada Xoogaag SSC oo ay judhiiba dabajeediyeen kuwii soo duulay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Buuhoodle Oo degan Saaka iyo Widwidh Oo Dagaal ka qarxi Karo daqiqadkasta

 

Saturday, May 22, 2010

 

Waxaa degan xalaada magaalada Buuhoodle oo shalay dagaal faraha looga Gubtay ka dhacay. Xidhiidh aan saaka la samaynay maagalada Buuhoodle ayaa naloo xaqiijiyey in xaladu degan tahay. Waxana la sheegay in ciidamo fara badan oo ka yimid dhanka Itoobiya ay xidheen xadkooda isla markaana aysan jirinw ax dagaal ah saaka.

 

Dhanka Widhwidh ayaa xaaladeedu kacsan tahay waxana saaka magaalada ku waabiriistay Ciidamada SSC oo dhabarka danbe ka soo galay magaalada. Waxaana la sheegay in maleeshiyaadka Soomaali diidku ay magalada ka xigaan dhankan Galbeedka xaga kuwa SSC na ka soo galeen dhina bari.

 

Waxaana saacad kasta la filan karaa dagaal, ciidamada SSC waxay difaac adag ka galeen meesha loo yaqaano Lebida oo magalada i jirta masafo yar. Sidoo kale waxay magaalada dhexdeeda ku daadiyeen ciidamo kale oo loogu talo galay dagaal gacanta la iskula tago.

 

Ciidamada SSC oo Mooraalkodu aad u sareeyo maadaba ay xaq ku dirir yihiin ayaa isku diyaarinaya dagaal Hilba dirir ah oo ay ku qaadaan Maleeshiyaadka ka soo duulay Boorame, Gebiley iyo Hargaysa. Kuwaasoo doonaya in ay dhintaan.

 

Shacabka magaalada ayaa la arkayey ayagoo isku diyaarinaya dagalaka, waxaan haweenku ay ku hawlan yihin sidii ay saanada u daba qaadi lahaayeen Ciidankooda xaq ku dirirka. Waxaana Widhwidh iyo deegaanada ku dhaw dhaw laga dareemaya is abaabul shacabka kaasoo xataa ay ka qayb qaadanayaan Reer Guuraagu.

 

Isha ku hay warrakeena saacad saacad daqiiqad daqiiqad.

 

Horufadhi.com

Horufadhi.com@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Jacaylbaro,

 

Maxaa war ah oo aad ku soo kordhin kartaa golahan? wali ma laga qayilayaa Hargeysa? Doorashadii wali dib ma loo dhigay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

War nimankan SNM ta ah yaa jooga dhaha. Marka dagaal rasmiya yimaado sidiini baad qaylinaysaan.Waxaan xasuustaa waa gii Puntalnd iyo Somaliland is dagaaleen, markasta oo aad basas raacdo waxaad arki jiray kuwo SNM ah oo ku qaylinaya, war ma ogtahay ina Qowdhan dhimay, oo ina Sanwayne dhimay, oo hebel dhimay. war hooy meel fariisat inta goori goor tahay. somali dagaal dhexdeeda ah wax kuma soo kordhinayo, cid cid qabsan kartan maleh. Nin kuu digay kuma dilin baa layiri

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this