Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Militia defected from the bugland

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-09-25 (Hadhwanaagnews) Mogadisho-(HWN)-Baryahan dagaalo goos goos ah ayaa ka socday Magaalada Laascaanood dagaaladaasi oo u dhaxeyay Shiftada Puntland xooga ku qabsatay iyo Dhalinyaro reer Lascaanood ah oo u dhashay deeganaakasi kana caraysan qabsashada ama weerarka qaawan ee ay soo qaadeen Mamulka ******teniya.

 

Maamulka *****teniya ayaa baryahan ku mashquulsanaa sidii uu ula heshiin lahaa Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha iyo Amniga Puntland, Axmed Cabdi Xaabsade, ee haatan Laascaanod inta badan gacanta ku haya waxaana maamulka Puntland doonaya sida wararka nagu soo gaaraya in Xilkiisii loo celiyo balse warar sugan lama hayo in uu qaadanayo iyo inkale, waxaase jirta in dadka soomaalida ah ay badanaa ku xantaan reer Sool in aynan ahayn dad Mowqif adagleh amaba siyaasada soomaalida kaga jira wax lataban karo ayna yihiin dad sidii kabaha oo kale qofba marka uu doono gashto.

 

Magaalada Laascaanood ayaa waxay noqotay magaalo dagaal oo wada dhufeys ah waxaana is hor fadhiya Shiftada ******teeniya iyo Malayshiyo beelood oo reer laascaanood ah waxaa Xalay saacadu markii ay ahayd 3:00AM Saqdii dhexe isa soo dhiibey 8 Nin oo ka tirsan Malayshiyada Puntland iyo Sadex Tikniko ah ay wateen taasi oo isla markiiba loosoo gudbiyay dhinaca Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Malayshiyada Puntland ee isa soo dhiibtay ayaa waxa Ciidanka Qaranka Somaliland ay ula dhaqmeen si fiican waxaana loosoo dhaadhiciyay Dhinaca Burco oo hatan amaankooda lasugayo, waxay kale oo ay sheegeen Nimankaasi in ay ku timid niyad jab kadib markii uu Mamulka Cade Muuse wax Mushahar ah siinin iyo in lasoo marin habaabiyay laguna yiri laascaanood ayaad ilalinaysaan sikastiba ha ahaatee Shiftada cade Muuse ayaa waxaa ku yimid kala faraaruq kadib markii ay reer Laascaanood ku Gadoodeen shiftadaasi dumarkii masaakiiniinta ahaa ee Cashuurta laga qadi jirayna ay diideen in ay siiyaan shiftada ******teeniya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this