Sign in to follow this  
General Duke

President Faroole's clear statement on Federalisam

Recommended Posts

zFaroole.jpg

Jabuuti: Madaxweyne Faroole oo sheegay in maslaxada Somalidu ay ku jirto hirglinta dawlad federaal ah, kase digay in dawlada M/weyne Shariif aanay danaynayn nidaamka federaaliga ah.

21. marts 2009

 

M/weyne Faroole waxaa uu sheegay in danta ummadda Somalidu ay ku jirto hirgelinta nidaamka federaaliga ah, iyo dhismaha dawlad goboleedyo hoos yimaada, sidaasna kaalin weyn ay uga qaadan karto dib u heshiisiinta.

 

Waxaa uu intaas ku daray in nidaamka federaaliga ahi uu kaalin xoog leh ka qaadan karo midnimada ummadda Somaliyeed, oo uu sheegay in xitaa Somaliland oo muddo raadinaysay in ay ka go'odo Somaliya ay ku qanci karto nidaamka federaaliga ah.

 

Gobollada Bay & Bakool ayaa uu sheegay in ay iyana aad u danaynayaan nidaamka federaaliga ah, muddana ay naawliyeen hirgelintiisa.

 

Mar wax laga weydiiyey waxa Puntland ay yeeli doonto haddii la bedelo nidaamka federaaliga ah, waxaa uu sheegay in ay taasi ku khasbi doonto Puntland in ay qaadacdo dawlad aan federaali ahayn, taasina ay kala fogayn doonto dib u heshiisiinta iyo midnimada ummadda Somaliyed.

 

Waxaa uu shaki ka muujiyey sida ay daacad uga tahay dawlada M/weyne Shariif hirgelinta nidaamka federaaliga ah, oo uu sheegay in ay muuqato in dawlada M/weyne Shariif ay aad u danaynayso dawlada dhexe oo aan ku dhisnayn nidaamka federaaliga ah, uuna socdo qorshe ka duwan kii sannadkii 2004-kii lagu gaaray Kenya.

 

Mar wax laga weydiiyey hirgelina shareecada Islaamka oo la sheegay in Somaliya lagu soo rogi doono, waxaa uu sheegay in ummadda Somalidu ay Muslim tahay, dastuurka federaaliga ahina uu ku salaysan yahay diinta Islaamka, sida ku cadna qodobkii khilaafsan la waafajiyo.

 

Waxaa uu shaki ka muujiyey waxa loola jeedo 'ku dhaqanka shareecada Islaamka' oo u sheegay in aanay u cadayn ujeedada laga leeyahay, isaga oo intaas ku daray in dawlada Puntland ay ka dhur sugi doonto halka ay taasi ku dambayso.

 

M/weyne Faroole ayaa maalimihii la soo dhaafay safaro ku marayey dalalka Ethiopia iyo Jabuuti oo uu hadda ku sugan yahay.

 

M/weyne Faroole ayaa u waramay wakaalada wararka ee VOA, qissimka English-ka.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

In my opinion at this Juncture, i will ago along whatever Mr.Prez Farole says, he knows what he wants Puntland to be and he has my full support,Meesha halaga socodo hana loo duceeyo madaxweynaha cusub. Good job so far Mr.Faraole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is very pragmatic, he sees things as they really are.

We somalis will only prevail as a people if we cooperate but not control each other. No one needs to be above or below anyone, all clans and people should be given the same chance to prosper. Federalism is the only system which caters for this equall opportunity to develop. Infact since somalis are in nature very competitive internally this will further boost somalias development.

The south has greater and more fertile land than the north so controlling this land will naturally give them a greater leap ahead and also economic advantage. I don't see any reason why anyone in the south would be against the federal system (of course not counting in the selfish ambitions of warlords and religious extremists)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this