Sign in to follow this  
Suldaanka

General Gebre slapped Abdilahi Yusuf on the face LOL

Recommended Posts

gabre.jpg

 

source

 

Wararka aanu ka heleyno qaar kamid ah Mas'uuliyiinta gobalka Banaadir ayaa xaqiijiyeen inuu khilaaf weyn soo kala dhex galay Madaxweynaha DF Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Gabre oo ah Jeneraalka ugu darajada weyn saraakiisha Ethiopian-ka ee Somalia joogta.

 

Khilaafkaan ayaa la xaqiijiyay inuu yimid kadib markii Gen. Gabre uu maqlay in dacwad ka dhan ah loo gudbiyay Ra'iisul-wasaare Meles Zenawi.

 

Gen. Gabre ayaa sida la xaqiijiyay shalay galab soo gaaray xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

"Gabre waxuu soo galay howl-ka lagu shiro ee Madaxtooyada, waxuuna soo ag istaagay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, laba eray ayay is dhaafsadeen kadib waxaan ka war helnay Gabre oo laba dharbaaxo oo deg deg ah ku dhuftay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, taasoo sababtay in Madaxweynaha uu dhulka ku dhaco, isla markaana madaxa darbi uu ku dhufto" ayuu yiir mas'uulkaasi gobalka Banaadir ka tirsan. :eek:

 

Madaxweynaha DF ayaa la sheegay in markii la dharbaaxeeyay uu ku qeyliyay erayo ay kamid ahaayeen "raali noqo gabre ,,,,, qalad baa wax laguu fahamsiiyay ,,, ".iyo erayo kale. redface.gifredface.gif

 

Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Yuusuf oo dhawaan gaaray magaalada Addis Ababa uu hordhigay Ra'iisul-wasaare Meles codsi ku aadan in Somalia laga badalo Gen. Gabre uu ku eedeyay inuusan amar ka qaadan Dowlada KMG ah.

 

Madaxweynaha ayaa Gabre ku eedeeyay inuu marar badan isku dayay inuu shirqool ku dilo, isla markaana madaafiic ku garaaco xarumaha Dowlada gaar ahaan Madaxtooyada iyo Garoonka Muqdisho xiliyada ay madaxda ka duulayaa.

 

Raggga sida gaarka ah Gen. Gabre la saaxiibka ah uuna ka dhaxeeya isbaheysi xooggan ayaa wxaa ka mid ah Darwiish, Maxamed Dheere, Xaabsade iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha wasiirada iyo qaybaha kale ee dawlada.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa si aad ah u diidan ciidamada ay sida gaarka ah u leeyhiin Darwiish iyo Maxamed Dheere oo fuliya danaha ka soo horjeeda isaga, inkastoo uu doonayey inay isaga ka amar qaatan dhamaan ciidamada dawlada sida uu doonana u adeegsado si ay awooda dawlada oo dhan gacanta ugu soo gasho balse arintaasi aanay dhicin, waqti badan oo xilkii uu hayeyna laga lumiyey in kastoo uu haatan dadaal ugu jiro sidii uu ku hanan lahaa awooda Dawlada oo dhan

 

Gen. Gabre ayaa lasoo warinayaa inuu isagoo xarakeynaya uu ka baxay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, isla markaana uu ku goodiyay inuu dili doono Madaxweyne Yuusuf.

 

Madaxweynaha ayaa u qeyla dhaamiyay Ciidamada AMISOM iyadoo guud ahaan ammaankiisa la wareegeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee Muqdisho jooga.

 

Xaalada Madaxtooyada ee uu degan yahay Cabdilaahi Yuusuf ayaa maanta kacsan iyadoo laga cabsi qabo dagaal halkaasi ku dhex mara ciidamada DF iyokuwa Uganda oo dhinac ah iyo Ciidamada Ethiopian-ka.

 

Si kastaba ha ahaatee, Gen. Gabre ayaa sidii uu doono ula macaamila Madaxda sarre ee Dowlada KMG ah isagoo is mooda inuu ka daraja sareeyo dhamaan madaxda DF.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If this is true(doubt it), As much as hate that God forsaken warlord in the name of president, I am personally going all the way to Mogadishu & B!tch slap this Gabre. :mad: :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ You seem very indifferent there sxb.

 

Adeero nin Xabashi ah ayaa faraxumeeyeyna waa ka diiriwayday? :(

 

Originally posted by Faarax-Brawn:

If this is true(doubt it), As much as hate that God forsaken warlord in the name of president, I am personally going all the way to Mogadishu & B!tch slap this Gabre. :mad: :mad:

Even Somalitalk.com, which usually is a very reliable Puntland source is running the samearticle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

If this is true(doubt it), As much as hate that God forsaken warlord in the name of president, I am personally going all the way to Mogadishu & B!tch slap this Gabre.

 

Sxb adiga sujui aa tahaiy waxba ma ogide aamus :D:D . Iam sure you came across such statements many times.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Suldaanka:

^^ You seem very indifferent there sxb.

 

Adeero nin Xabashi ah ayaa faraxumeeyeyna waa ka diiriwayday?
:(

Between you and me, you seem to be worried about Yeey. Warlord la fara xumeeya is the least of my concerns.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by juma-nne:

quote:If this is true(doubt it), As much as hate that God forsaken warlord in the name of president, I am personally going all the way to Mogadishu & B!tch slap this Gabre.

 

Sxb adiga sujui aa tahaiy waxba ma ogide aamus
:D:D
. Iam sure you came across such statements many times.
Is that a euphism for "You dont understand the qabil rivalry"? :D

 

Adeer,Where i come from,every old man is like my grand pa. Haaba xumadee,nin gaal ah,oo shasheye eh,oday awowga la eg inuu dhirbaxo,waa foolxumo. Today,its yey,tomorrow its Grandpa,Jumm-ne. Karma,adeer,Karma!

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

At first I laughed, then it was sad.

 

No matter how much we may dislike AY. He represents Somalia today. And him getting slapped no matter now dishonourable he may be. It is dishouner to all of us.

 

Even if you don't like AY, see it like this. Its a Somali man being hit by a non-somali.

 

Imagine if you see a Somali guy who is being attacked by non Somalis on the streets would you just walk by or do something about it (if you can)?

 

In todays world some somalis would just walk away, other would help those non somalis that are attcking the somali and others would do something about it (if they could). Wich one are you? how you feel after you read this article, shows you which type you are.

Share this post


Link to post
Share on other sites

looooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooo oooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Faarax-Brawn:

Well,it seems the story has a bit of truth to it.

How saxiib? Because the same guy who wrote it sent it to somalitalk.com as well? Or is it the fact that the author cited "anonymous" sources?

 

Why don't I believe the story Faaraxoow?

 

One sentence: "raali noqo". right after being slapped. :D:D:D

 

ciyaal maa meesha jooga. lool.

 

That just killed the validity of the whole story.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay C/laahi yuusuf iyo Gen, Gebre

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo xog ogaal ah kuna dhaw madaxweyne yuusuf ayaa shaeegaya in khilaaf xoogan oo gaaray heerkii ugu sareeyey uu u dhexeeyo madaxweynaha DFS C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan soomaaliya ee dhinaca siyaasada Gen.Gabre.

 

Qilaafkan ayaa lagu macneeyey inuu salka ku hayo awooda dhinaca maamul ee Soomaaliya, ayaa soo shaac baxday ka gadaal markii C/llaahi yuusuf uu dacwad ka dhan ah jananka itoobiyaanka kuna dalbanayo in laga bedelo Soomaaliya uu u gudbiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Malez Zenawi muddadii uu safarkiisii ugu dambeeyey uu ku joogay Magaalada Adis ababa, arintaasoo muddo maalmo ah ku qaadatay Madaxweyne Cabdulahi Yususf sidii uu uga dhaadhicin arrimaha uu kaga cabanayo Jeneraal Gabre raiisal wasaare Meles Zenawi.

 

Ilahaasi xog ogaalka ah ayaa sheegaya in Malez Zanawi aanu si rasmi ah u aqbalin dalabka C/llaahi Yuusuf balse uu sheegay in Gen. Gabre looga yeeri doono Adis Ababa waqti aan la cayimin, waxaanse la ogayn in Gen.

Gabre looga yeeri doono Adis Ababa iyo in kale, wallow la tuhunsan yahay in hadalkaasi uu ahaa mid keliya lagu qancinaayey Madaxweyne Yuusuf.

 

Waxana warar la helayo ay sheegayaan in ay jiri karaan in xaaladu ay sidan ka sii weynaato oo uu yimaado shirqool la isku qaarijiyo, arintaasoo laga dareemi karo in si aad ah loo adkeeynayo amaanka Madaxweynaha, oo ay imminka si weyn u sugayaan ciidamada AMISOM iyo Ciidamada ka tirsan kuwa DFS, arintana qilaafka ahna waxa ay sababtay sida la xaqiijiyey in dhinac ka mid ah raggan is haya ay hawlgalo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisha lagu sheegay inay ka dambeeyeen kooxaha ka soo horjeeda Dawlada.

 

Weeraradda la tuhusanyahay in ay ka dhasheen khilaafka madaxweynaha iyo jeneraal Gabre ayaaa waxaa ka mid ah weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha muqdishu xilli uu ka sii baxayay raiisal wasaare nuur cadde iyada oo madafiicda lagu ganay garoonka laga ganay meelo fariisan u ah ciidamo soomaaliyeed oo madaxdooda la saaxiib ah jeneraal Gabre.

 

 

Madaafiicdaasi ayaa ahaa kuwii ku habsaday guryo ku dhowaa xeradda afasiyoone oo ay ku lee’deen dad rayid ahaa. Raggga sida gaarka ah Gen. Gabre la saaxiibka ah uuna ka dhaxeeya isbaheysi xooggan ayaa wxaa ka mid ah Darwiish, Maxamed Dheere, Xaabsade iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha wasiirada iyo qaybaha kale ee dawlada,waxaana Madaxweyne Yuusuf uu si aad ah u diidan yahay Ciidamada ay sida gaarka ah u leeyhiin Darwiish iyo Maxamed dheere oo fuliya danaha ka soo horjeeda isaga, inkastoo uu doonayey inay isaga ka amar qaatan dhamaan ciidamada dawlada sida uu doonana u adeegsado si ay awooda dawlada oo dhan gacanta ugu soo gasho balse arintaasi aanay dhicin, waqti badan oo xilkii uu hayeyna laga lumiyey in kastoo uu haatan dadaal ugu jiro sidii uu ku hanan lahaa awooda Dawlada oo dhan

 

 

Madaxweyne yuusuf ayaa la xaqiijiyey in uu xilka ka qaadi lahaa raggan xulafada la ah Gen Gabre ee aan ka tirsanayn Golaha wasiirada waa haddii ra’iisal wasaare Meles Zenawi uu bedeli lahaa Gabre hase yeeshee Meles ayaan weli fulinin codsiga madaxweynaha oo ah in Gabre laga wareejiyo arrimaha Soomaaliya.

 

samatar said salah

 

 

triples.limo@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this