Sign in to follow this  
xiinfaniin

Puntland leader condemns Bakara Masjid explossions

Recommended Posts

M. Puntland oo ka degey Bosaso, lana hadley saxafada

3 May 3, 2010 - 8:40:08 AM

 

 

Madaxweynaha Puntland oo maanta kasoo dagey garoonka Bosaso ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa waxaana soo dhoweeyey mas'uuliyiin kala duwan iyadoo amaanka aad loo adkeeyey.

 

Madaxweynaha dowladda Puntland oo shir jaraa'id ku qabtey xarunta Madaxtooyada Bosaso ayaa halkaas kula hadley saxaafada isagoo sheegey in kulamo isaga iyo waftigiisu lasoo qaateen beesha caalamka kuna dhamaadeen guul iyo is-afgarad.

 

Mud.Farole ayaa warsaxadeedka ku sheegey in maamulkiisa ka daba tageen been abuur laga faafiyey taasoo ku saabsaneyd in xukuumadiisa xiriir la leedahay Burcad badeedka islamarkaasna caalamka ku qanciyeen gaar ahaan saraakiil ka socotey golaha amaanka sida arintaas tahay iyadoo lagu amaaney talaabada adag oo ay ka qaadeen kooxaha badaha ka qowleysta.

 

" Way jiraan warxuma Tashiilo warbixino qorey oo inagga inna ceebeynayey, dad siyaasiyan uga jeeda iney Puntland ceebeeyaana way jiraan, waxaa kamid ah in burcad badeed nalu ku eedeeyey in Xukuumadayadu gacan saar la leedahay oo ay tahay meel Puntland ay ku adeegtaan dowladuna gacan-saar la leedahay bal taas been ka wayn oo la sheegi lahaa ma jirtaa" ayuu yiri Madaxweyne Farole oo la hadlayey saxaafada markii uu kasoo dagey magaalada Bosaso.

 

Madaxweynaha ayaa sheegey ineysan jirin meel kale oo Somalia Burcad Badeed lagu xiro oo aan Puntland ka aheyn islamarkana aysan jirin meel kale oo beesha caalamka ciidamadeeda ka jooga xeebaha Somalia keenaan markey qabtaan maxaabiistooda.

 

Arrimaha Somalia mar uu ka hadlayey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamad Farole ayaa sheegey inuu aad uga xun yahay qaraxii dhowaan lala beegsadey masjidka ku yaaley suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa sheegey in ay tahay arin lala yaabo oo laga naxo in qarax lala begsado masjid gudahiis taasoo horey loo caadeystey in dadka qiimaha leh lagu dilo masjidyada iridooda isagoo baaq u jeediyey dhamaan Somalidu iney joojiyaan dilka macno darada ah.

 

Mr. Faroole ayaa u mahad celiyey dhaman ciidamada amniga iyo shacabka Puntland sida wadajirka ah oo ay uga shaqeeyeen amniga Puntland isaga oo cududaar ka bixiyey safarka dheer taasoo uu sheegey iney jireen arrimo muhiim ah oo u baahnaa in waqti lagu dhumiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muslim scholars condemn the Bakara suicidebombing...

 

Garoowe:(Allpuntland)-Culimada ugu caansan deegaanada Puntland ayaa canbaareyn & dhaliilidba isugudaray qaraxyadii shalay duhurkii gilgilay masjid weyn oo kuyaala suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho,waxayna culimada Puntland falkaas ku tilmaamay mid si xun loo abaabulay islamarkaasna diinta wax loogu dhimayo.

 

Culimadan oo warqoraala kasoo saaray magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa qoraalkoooda ku sheegey in falkaasi ay ka danabaysay maskax aan sifiican u fikirin,isla markaasna uu ahaa falkaasi mid ka fog diinta,dadnimada & Wadaniyada Ummada soomaaliyeed oo in mudo ah qiilqiil ku jirtay.

 

"Culimada Puntland waxay muujinayaan sida ay uga xunyihiin qaraxyadii shalay ka dhacay masjidka kuyaala Suuqa Bakaaraha,waxaanuna sheegaynaa in falkaasi uu ahaa mid wax loogu dhimayo Diinta islaamka,Shacabka Puntland-na waxay kawada simanyihiin eedaynta Xasuuqa & Gumaadka noocan oo kale ah"Ayaa lagu yiri Bayaanka culimada Puntland.

 

Midkamid ah culimada bayaankan soo saaray oo APL u waramay ayaa sheegaya in falkaasi uu yahay mid aysan ogolayn maskaxda saliimka ah,wuxuuse meesha kasaaray in falkaasi ay ka danbayn karaan dad diinta islaamka ku abtirsada,waxaana uu intaas ku daray in dadka soomaaliyeed xaaladoodu imika ay marayso meel khatar ah.

 

Culimada Bayaankan soo saaraya yaa ka koobnaa 22-Xubnood,waxayna kamidyihiin culimada magaca & Maamuuskaba ku leh deegaanada Puntland,waxayna kala ahaayeen sidan:-

1. Sh. C/qaadir Nuur Faarax

2. Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan

3. Sh.Daahir Aw Cabdi

4. Sh.C/naasir Xaaji Axmed

5. Sh.Xassan Xuseen Axmed

6. Sh.Axmed Daahir Xassan

7. Sh.C/waaxid Xaashi Xassan

8. Sh.Maxamed Macallin Axmed

9. Sh.C/qaadir Siciid Cali

10. Sh.Xassan Maxamed Ibraahim

11. Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf

12. Sh.Axmed Siciid Maxamed (Farax)

13. Sh.Aadan Maxamed Cigaal

14. Sh.C/rashiid Sh.Saalax

15. Sh.C/nuur Xirsi

16. Sh.Mahad C/laahi Maxamed

17. Sh.Axmed Faarax Garaase

18. Sh.Maxamed Axmed Faarax

19. Sh.Faarax Maxamed Cajab

20. Sh.Axmed Yusuf Daad

21. Sh.C/raxmaan Aw Ciise

22. Sh.Axmed C/samad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Maaddeey:

quote:Arrimaha
Somalia
mar uu ka hadlayey
Madaxweynaha Puntland
Cabdiraxman Sheekh Maxamad Farole ayaa sheegey..

lol...isagu ma nus-Soomaali baa toloow...mise waa ex-Somalia?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Its not shallow to point out inaad si hoose Soomaalinimada u dumineysaan, laba canleyn & yeysan wax idin dhaafin baa idinku haya mooyee mar horaa..., sida runtii ahna meesha Somaliya laga heysto waa la wada garan karaa, wixii uurka ku jirana afkaa dafa!.

 

Teeda kale, bayaanka culimada intaad ka akhrisid website-yada reliable-ka ah, ii sheeg hadalkan meeshuu AllPuntland ka keenay?:

"
Culimada Puntland
waxay muujinayaan sida ay uga xunyihiin qaraxyadii shalay ka dhacay masjidka kuyaala Suuqa Bakaaraha,waxaanuna sheegaynaa in falkaasi uu ahaa mid wax loogu dhimayo Diinta islaamka,
Shacabka Puntland
-na waxay kawada simanyihiin eedaynta Xasuuqa & Gumaadka noocan oo kale ah"
Ayaa lagu yiri Bayaanka culimada Puntland
.

bayaan gooni ah miyey Allpuntland heshay?, balaayo idinla been badnaatay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hales   

http://news.bbc.co.uk/1/hi/7967594.stm

 

We all know these hideous crimes of bombing places of worship use to happen when the Pakistan Government use to wage war against the Taliban and the Taliban in response intentionally use to blow and open fire on mosques for various reasons

 

And this is exactly the same events being played out; the same tactics are being used and you can see the ideology that promotes it is foreign and not Somali or Shaffii.

 

Brace yourself for anything that might happen in Somalia whether its similar to Mumbai killings, Mass killing of Sufis, or whatever.

These deviants are capable of that and they will do it, like they have just shown.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markii aan iri culimada qolo gaar ah ayey sheegtaan maxaa la igu eed sheegtay?

 

Ama waa culimada islaamka oo dadka ka wada dhaxeeya ama waa culimada "puntland".

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^lol. You have no point, but recognise the states contribution to peace adeer. The Ulema of Puntland are not waging war, nor stealing money as "President", they are merly telling the truth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Maaddeey:

Its not shallow to point out
inaad
si hoose Soomaalinimada u
dumineysaan
, laba canleyn & yeysan wax idin dhaafin baa idinku haya mooyee mar horaa..., sida runtii ahna
meesha Somaliya laga heysto waa la wada garan karaa
, wixii uurka ku jirana afkaa dafa!.

Toloow Maaddeey yuu ka hadlayaa. Ilaahoow been ka dhig waxaan malaynayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

 

General Duke, this is precisely the thing that confuses the heck out of these simpletons: why is it that the Culima and the leader of the big bad wolves of Puntland are the ONLY ones who have openly condemned the attacks on the mosques, when everyone else in Somalia, including Sharif Hotel, seems to be nonchalant about the whole issue?

 

This indeed does not coagulate well with their silly paranoid delusions of Puntland and its' peoples.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Sheekh Sharif's Information Minister did condemn these attacks adeer. It has been all over the media, do you read only "tolka" news portals?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this