Sign in to follow this  
xiinfaniin

Doing the Right Thing in Somalia

Recommended Posts

Sheekh Shariif oo la kulmay ARS-Asmara

15 Jan 15, 2009

 

 

 

Gudoomiyaha Isbahaysiga ARS-Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo qarsoodi ah kula qaatay Magaalada Dubai xubno ka tirsan Isbahaysiga ARS-Asmara oo uu xifaatan ka dhexeeyo.

 

Xubno ARS-Asmara ayaa la sheegay inay kala hadleen Sheekh Shariif sidii loo dhameyn lahaa khliaafaadyada u dhexeeya dhinacyada Isbahaysiga, isla markaana ay u yeelan lahaayeen hal hadaf.

 

Zakariye Max'ud Xaaji Cabdi oo la safan Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay in kulamadaas ay ahaayeen kuwo ay dhinacyadu kaga hadleen sidii hal mowqif loo yeelan lahaa, kadib bixitaanka Ethiopia.

 

"Ma qabno in Ethiopia ay si dhameystiran uga baxayso Somalia, balse waxaa fulay qayb ka mid ah heshiiskii Jabuuti oo ay galeen dhinacii uu khilaafku naga dhexeeyay" ayuu yiri Zakariye oo ku sugan Dubai.

 

Wararka hoose ee laga helayo Dubai ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo Sheekh Cumar Iimaan oo dhanka Asmara ka tirsan ay taleefoonka ku hadleen, lana sheegay inay si weyn isugu soo dhawaadeen.

 

Sheekh Shariif ayaa xiliyadii ugu dambeeyay waday dadaalo uu ku kasbanayo kooxaha kasoo horjeeda, inkastoo ay ku baaqday Al-shabaab inay dagaalo kasii wadayaan Muqdisho, ciidamada Ethiopia kadib.

 

Inkastoo Sheekh Xasan Daahir uu ganafka ku dhuftay inuu heshiis la galayo Sheekh Shariif, hadana waxaa socda dadaalo ka madaxbanaan oo dib loogu mideynayo Isbahaysiga ARS.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Xubno muhiim ah horayna uga tirsanaa isbaheysiga garabka Asmara oo ku soo biiray garabka Jabuuti

 

Labada siyaasi ee Jaamac Cali Jaamac iyo Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayay warar hoose oo aanu ka helnay illo lagu kalsoonaan karo inoo xaqiijiyeen inay ka soo go’een isbaheysiga dib u xoreynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys ee fariisinkoodu yahay magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya.

 

Siyaasiyiintan ayaa la xaqiijiyay inay kulan hoose ku wada qaateen magaalada Dubai ee xarunta Imaaraadka Carabta guddoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed halkaasoo ay ku wada hadleen.

 

Xubnahan ayaa la tilmaamay in lagu qanciyay aragtida isbaheysiga dib u xoreynta ee Jabuuti iyagoo ku qancay sida uu wax u wado haatan Sh. Shariif oo ay horay u dhaliilsanaayeen aragtidiisa ah in isbaheysigu uu heshiis la galo dowladda federaalka KMG Soomaaliya.

 

Sakariye Maxamuud ayaa ahaa kuxigeenkii guddoomiyaha golaha fulinta ee isbaheysiga dib u xoreynta garabka Asmara, iyadoo Jaamac Cali Jaamacna uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan isbaheysiga, waxaana la filayaa inay dhowaanta soo gaaraan magaalada Jabuuti si ay uga qeyb galaan shirarka u soconaya TFG iyo ARS.

 

Garaad Salaad Xirsi, Djbouti

E-mail: garaadcadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii TFG iyo ARS oo galabta si rasmi ah uga furmay magaalada Jabuuti iyo Sh. Shariif iyo Nuur-cadde oo hadalo ka jeediyay

 

Waxaa galabta si rasmi ah uga furmay hoolka shirarka ee Hotelka Kempiski ee magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti shirkii dhinacyada dowladda federaalka iyo isbaheysiga dib xoreynta kaasoo soo bilowday horaanta sanadkii 2008. Shirkan ayaa waxaa galabta ka soo qeyb galay ra’iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo Sheekh Shariif Sh. Axmed, iyadoo uu goob joog ka ahaa ku-xigeenka wakiilka Q/midoobay ee Somalia Waliid Mussa, waxaana sidoo kale ka qeyb galay xubnihii gudiyada Siyaasada iyo Amniga.

 

Shirkan oo galabta ahaa kala war qaadasho oo qura ayaa waxaa halkaasi hadalo kooban ka jeediyay Nuur-cadde iyo Sh. Shariif iyagoo labaduuduba diirada saaray ka bixista ciidanka Itoobiya ee caasimadda Muqdisho, waxayna si isku mid ah u qireen inay aad ugu faraxsan yihiin ka bixistaasi ayna rajeynayaan inay ka dhamaadaan ngebi ahaanba dalka ciidankaasi.

 

Sidoo kale, labadan mas’uul ayaa ka hadlay horumarka uu sameeyey shirkan Jabuuti waxayna si isku mid ah u tibaaxeen in la sii wado lana dhameystiro isku darka labada baarlamaan si ugu dambeysta loo doorto madaxweynaha dalka Soomaaliya, lana unko dowlad Midnimo Qaran sida horayba ay ugu heshiiyeen.

 

Kulankan oo aan weli soo idlaanin ayaa waxaa la filayaa in warbixino looga dhegeysto gudiyada Amniga iyo siyaasada, gaar ahaana midka Amniga oo isagu bishii tagtay ku howlanaa sida loo sugi karo amniga caasimadda iyo sida la isugu dari lahaa ciidamo ka kala socda labada dhinac ee TFG iyo ARS.

Shirka ayaa la filayaa inuu sii socdo maalmaha soo socda iyadoo ugu dambeyna ay ka soo bixi doonaan bayaano ku aadan wax qabadka shirka, iyadoo laga yaabo in la iclaamiyo xilliga sida rasmiga ah loo mideynayo baarlamaanka TFG iyo midka ARS.

 

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Baydhabo ay ka soconeyso qaban qaabada doorashada madaxweynaha Somalia, iyo sidoo kale xilli uu maanta ku dhawaaqay in Nuur-cadde uu u taagan yahay qabashada jagada madaxweynaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

The Good news keep flooding in Xiino

 

Originally posted by Qalbi-Adeyg:

Would it not make more sense to scrap the TFG and create an administration in the south similar to puntland and somaliland, where are all the clans in the south are represented.

 

How many of these so called transitional central governments are we gonna experiment with before we realize this approach is not working.

Adeer both can be formed simultaneously but like JB said the statement would have sounded more credible if you posted it when you first joined in june

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

I am hearing the clan elders are rallying behind Sh Sharif and Nur Cade, they were the ones who advised the Asmara camp to start negotiating with the Djibouti camo. They intend to do the same with Al Shabaab once they have strengthened their base.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabuuti: Madaxweynaha Jabuuti iyo Nuur Cadde oo kulmay iyo Warar ku saabsan shirka Jabuuti oo furmay

 

 

 

Jabuuti(AllPuntland)- Gelinkii danbe ee maanta ayaa magaalada Jabuuti waxaa ka furmay Shirkii dib u heshiisiinta ee u dhaxeeyay Guddiyadii Amniga iyo Siyaasadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen Ra'iisul Wasaaraha DKM iyo Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Sheekh Shariif Skeeh Axmed, xubno ka socday beesha caalamka iyo mas'uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

 

Shirkani oo furmay gelinkii danbe ee maanta ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif Sh. Axmed oo khudbadooda kaga hadlay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Magaalada Muqdisho, waxayna soo dhoweeyeen arintaasi iyagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin go'aanka ay Itoobiya kula baxday ciidamadeeda.

 

Mas'uuliyiintan ayaa waxay sheegeen in rajada ay tahay in dhamaadaan dalka Soomaaliya ay ka dhamaan doonaan ciidamada Itoobiya, waxayna qireen in tallaabadani ay tahay mid ku timid wada hadaladii iyo horumarka laga gaaray shirka dib u heshiisiinta dalka Djibuoti.

 

Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif ayaa waxay kaloo sheegeen in laga mira dhaliyo shirka dib u heshiisiinta isla markaana la dhameystiro qodobada kale ee heshiiska iyo isku darka Labada Baarlamaan si ay u soo doortaan Madaxweyne kadibna la dhiso Dowlad Midnimo Qaran.

 

Guddiyada labada dhinac ayaa maalmaha soo socda ka hadli doono waxyaabihii qabsoomay iyo waxa u harsan, iyadoo labada Guddi ay warbixinadii ugu danbeeyay ay soo bandhigi doonaan si loogu gudbo wajiyada kale ee harsan.

 

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa la filayaa in uu u sii gudbo dalka Kuwait halkaasi oo ka furmi doono shirweyne caalami ah oo lagu casuumay inuu ka soo qeybgalo.

 

Waxaana ugu danbeyntii laga filayaa in shirka Jabuuti ka furmay maalmaha nagu soo aadan ay ka soo bixi doonaan bayaano ku aadan horumarka laga gaaray shirka Jibouti iyo in lagu dhawaaqo xiliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada madaxweynaha iyo xiliga la isku darayo labada Baarlamaan.

 

AllPuntland, Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Xiin-ow Ma kaa dhabaa mase Riwaayad baad noo dhigaysaa? What is this shir between the government and ARS oo hadana furmay. Nimanka heshiiskooda ma dhamaado miyaa, soo iyagii heshiiyay iskuna wada waafaqay saxiixayna one month ago, oo 550 MPs lasameeyo kadibna dowlada lasoo dhiso.

 

What I thought to have been the next step, and was waiting for is the selection of the 550 MPs and finally go for the Presidential race or elections and create a government. Dowlada iyo ARS waa heshiisheen waxaan dib ufurmaaya madadaalo miyaa, I would rather see in Asmara group ahaan lahayeen waxa uu shirka ufurmay, laakiin Ahmed Abdi Salan iyo Sheekh Shariif ayaa hotel kushiraya in djibiout is a waste of time...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

 

What I thought to have been the next step, and was waiting for is the selection of the 550 MPs and finally go for the Presidential race or elections and create a government.

The main purpose in this gathering is primarilly to select a president. Or at least that's what I am hearing. But the selection of new batch of PMs will also be made. Then two parliaments will be combined. Then a president will be selected.

 

I dont have the dates,but that where things are headed. All big cats are there :D

 

When the big cats are away, the mice tend to play, and that's what's happening in Mogadishu today i.e. Indhacade's speech and Islamic camouflage :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Lol

 

Are you telling me the President will be selected even before the making of the 550 MP's :D

 

Waar bal give us your thought ineer, who do you think will end up being the President, I know you don't get inside nafaqo from the caravan crew or don't make direct calls to Shariif, or perhaps you do, but just speculate, who do you think will be the next President or how long will the process take, a month, two or three

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^The president should not be selected before the the combined parliament convenes.

 

To the rest of your questions, I dont know. Of course i would favor Sharif.

 

Whom do you favor? The man Crowned by The Devil?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^LOol, Crowned by the devil in other words, Jiniboqor :D , thats my candidate....

 

I heard Azhari is also running, A. Qasim I heard to be hiding behind but will soon declare he's a candidate, who esle is running?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Abtigiis &Tolka:

I never believed in this charade entity called TFG. You know my position. I don't care whoever takes the P post. I also don't want Sheekh shariif. I am not anarchist, though. I willbe happy with Sheekh Hassen Dahir Aweys.

 

Or Prof. Ahmed Ismail Samatar. Or Cali khalif Galaydh. or Gen. Jama Mohamed Qalib.

 

People of that pedigree, not middle-men like shariif.

I agree with you about Samatar, Gallayr and Qaalib although I would give Sh Sharif a chance too as he has many good things to offer but my question here is do you still want Xasan Daahir? even after his latest interviews with VOA and BBC Somali?

 

I wouldn't include Aweys at all. One good example, he never condemns Indhacade's actions at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

Originally posted by xiinfaniin:

^^^Allow aamiin.

Allow Aamiin indeed!

 

Allow bring peace and stability to Somalia and Allow bring wisdom and patience to Somali men.

 

So I don't have to hear this bloody clan-land bulshidh. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this