me

Laas Caanood under attack.

Recommended Posts

me   

Magaalada Laascaanood oo maanta gacanta u gashay ciidanka Somaliland kuwaas oo ka kooban kooxo isugu

 

Laascaanood- October 15, 2007

Jira jabhada SNM ee ay ku bahoobeen beelaha Isaaqu iyo qabaa,il gacan siinaya oo ka soo jeeda deegaanada SSC qaar ka mid.ciidanka daraawiishta Puntland ayaa gebi ahaanba soo baneeyey dhufaysyadii ay isku horfadhiyeen ciidanka maleeshiyada *****-land.

 

Dagaal aad u kulul oo saaka la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan kana dhacay jiida hore ee dooxada Xargaga ayaa sida wararku nagu soo gaadhayaa ciidanka daraawiishta ee DGPL lagu jebiyey.

 

Ilaa hada ma cada meesha ay ku sugan yihiin ciidankan laga gacanta roonaaday iyadoo naloo xaqiijiyey in gebi ahaanba ay magaaladu gacanta ugu jirto jabhada SNM iyo qaar ka mid ah beelaha *********** ee iyagu la socdey.

 

Calanka jabhada SNM ayaa la xaqiijiyey in laga taagey goobo badan oo ka mid ah magaalada Laascaanood sida xafiisyada dawlada iyo kuwa gaar ka ahba.

 

Ilaa hada lama hayo wax war ah oo ka soo baxay dhinaca DGPL kuwaas oo loo tirinayo inay dhibka meesha ka dhacay masuul ka yihiin.

 

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya inay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho magaalada dhexdeeda ah kuwaas oo loo maleynayo inay keentay kala aarsi beelaha *********** dhexdiisa ah.

 

 

 

Wixii ka soo kordha insha allaah gadaal ayaanu idinkala soo socodsiin.

 

 

 

Abdirizak Adam

 

Xargaga Online

 

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

According to the news from most websites Laas Caanood is in the hands of the secessionists and militia's affiliated to them.

 

Mansa Munsa, Soomaal and the rest of you. Take a moment and think. The enemies that the people of the SSC are facing are many and the people of the SSC have no friends in this struggle.

 

What is needed is unity among the ranks of the people of the SSC and their needs to be a plan to tackle the PL and SL militia's that are working together in destibalising the region and their Ethiopian master that is calling the shots.

 

It is easy to jump the tribalist bandwagon. I can see that this is naked aggression against the people of Laas Caanood and the people of the SSC have every right to defend themselves. But the response to this agression should well thought of and calculated.

 

God has given the people of the SSC another opportunity to defend the honour of the Somali nation.

 

Unite under the banner of Somalinimo and defend your lands against the xabash meddling and their local agents.

 

As widhwidh reported the Ethiopian Foreign Minister Mesfin stated: " Aniaga aqoon fiican ayaan u leeyahay dadka deegaanka sool sanaag iyo cayn waa dad taariikh dheer leh marka loo eego dad somaliyeed"

 

This history that Mesfin is talking about is a history of Somalinimo and thats one of the reasons that the people of the SSC are being targeted.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Maamulkii Hore ee Gobolka Sool oo garoowe gaadhay iyo kuwii cusbaa oo soo galay Laascaanood..

Warkii 15-Oct-2007 iyo Qormadii: Afnugaal

Maamulkii hore ee gobolka Sool ee dhinaca Puntland oo ay hogaaminayaan duqa Laascaanood C/raxmaan Jaamac boodhle iyo gudoomiyaha gobolka Sool Ibraahin Jaamac Daad ayaa goor dhowyd gaadhay xarunta Puntland ee garoowe iyagoona isaga soo baxay Laascaanood oo ay hada ku sugan yihiin dhigooda oo ay soo magacowday xukuumada Somaliland. kuwaas oo hore ugu sugnaan jiray deegaano ka baxsan gobolka Sool...........

 

 

Masuuliyiintan ayaa iyagu markii hore ka hadhay wasiirka maaliyada Puntland Maxamed Cali yuusuf (Gaagaab) iyo Xeef Cali taar oo iyagu gawadhidooda kolonyaystay markii ay xabadu bilaabatay saaka , balse markii ay ciidamada Somaliland udhaafeen laascaanoo dhanka iyo garoowe ayay masuuliyiintani go'aan sadeen inay u baqoolaan xili danbe dhanka iyo garoowe..

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolak Sool Cali Sandulle ee ay soo magacowday xukuumada Somaliland iyo xubno kale oo uu hogaaminayo ayaa ku sugan gudaha laascaanood iyadoo la sheegay in uu kulamo la leeyahay waxgaradka magaalada oo ay ka arinsanayaan isbedelka cusub ee saaka ku dhacay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

 

Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in qabsashada Somaliland ee laascaanood ay sahashay is qabqabsigii waayadanba ka dhextaagnaa saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugnaa laascaanood , khilaafkaas oo uu mar madaxwayne ku xigeenka Puntland Xassan Daahir uu uyimid laascaanood inuu dhameeye balse uu ku guuldaraystay,..

 

Waxaa jira warar xoog badan oo sheegaya in qaar ka mid saraakiiishii ciidamada daraawiishta Puntland ay ku biireen kuwa Somaliland oo ay hada fadhiisimadoodii ay ka hawl galayaan iyagoo tuutihiina qudha bedelay ...

 

Ciidamada Somaliland oo ay taageerayaan maleeshiyaad deegaanka ayaa saaka aroortii hore la wareegay gacan ku haynta gobolka Sool oo ay mudo 5 sano ah ka talinayey maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland , wararka ugu danbeeya ayaa sheegaya in ay ciidamada Puntland hada difaac ka samaysanayaan buura wadal oo 90km dhanka garoowe ka xigta laascaanood ..

 

 

 

Afnugaal News

 

Laascaanood Somalia

 

Info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Che anigu wadna gariir iguma dhacayo sxb taas ha ka walwalin. I am just reporting whats happening on the ground and so far the SL militia's are gaining ground while the Puntland militia's are running once again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Winds of fortune change so fast in the Former Republic,it is not even worthy reporting who take what. Zenawi must be enjoying, and I now see Ethios coming to "liberate" SSC.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Che this is big news sxb, its a break though in the stalemate that is called Laas Caanood. The fall of Laas Caanood into secessionist hands and Puntland militia's running away is newsworthy to me.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by me:

As widhwidh reported the Ethiopian Foreign Minister Mesfin stated:
" Aniaga aqoon fiican ayaan u leeyahay dadka deegaanka sool sanaag iyo cayn waa dad taariikh dheer leh marka loo eego dad somaliyeed"

 

This history that Mesfin is talking about is a history of Somalinimo and thats one of the reasons that the people of the SSC are being targeted.

loooool that dhareer was funny.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Afhayeenka Somaliland Saciid Cadaani ayaa ka hadlay dagaalada maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ka hadlay qaabka uu ku bilowday dagaalkii maanta ku dhexmaray duleedka iyo gudaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, wuxuuna tilmaamay in dagaalkaasi uu ka dambeeyey ka dib markii sida uu sheegay ciidamada daraawiishta ee Puntland ay weerar ku soo qaadeen fariisimida ciidamadoodu ay kaga sugnaayeen duleedka magaalada Laaascaanood.

 

 

Saciid Cadaani ayaa in ku daray in ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ay iska difaaceen weerarkaasi ay ku soo qaadeen kuwa Puntland sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay oo kale in ciidamadoodu ay u suurta gashay iney si dagaalkaasi ku qabsadaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ka dib markii ay dagaalka ku jebiyeen ciidamada Puntland sida uu sheegay.

 

“Ciidamadeena geesiyaasha ah Maanta ayey xaqiijiyeen iney gaaraan xuduudeenii rasmiga aheyd, cidii dambe ee u soo hawootana waxay diyaar u yihiin iney iska difaacaan, waxaanuna la wareegnay gaadiid fara badan oo ay wateen ciidamada Puntland, kuwo kalena waanu ka gubnay, waxaana cadaatay in Somaliland ay dooneysay nabad, Puntland dagaal, waxa badan ayaa dagaal ka gaabsanay hase ahaatee waa na laku qasbay ILAAHEYNA waa naga guuleeyey gardaradii nalkagu soo qaaday” ayuu yiri afhayeenka Somalialnd oo ka hadlayey dagaalkii maanta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by me:

What is needed is unity among the ranks of the people of the SSC and their needs to be a plan to tackle the PL and SL militia's that are working together in destibalising the region and their Ethiopian master that is calling the shots.

 

It is easy to jump the tribalist bandwagon. I can see that this is naked aggression against the people of Laas Caanood and the people of the SSC have every right to defend themselves. But the response to this agression should well thought of and calculated.

 

This was what I said in LasAnod topic days before:

 

The only thing I can think of is to have the elders and political leaders of the region to meet to reach a common solution. And they can only do that if they get rid of the others mingling amogst them. Remember, many of the boys fighting for both camps belong to the same overall clan and clan members have respect for the words of the wise elders. These boys are never beyond the control of their clan leaders- the moment just requires for these leaders to take the responsibility of giving out few points:

 

1- first and foremost, demand the demilitarilization of LasCaano and all its environs;

2- gathering elders and waxgarad from both sides owing to the fact that if they don't they both stand to lose;

3- To set up an impromptu local admin for the disputed areas;

4- recall all the boys from the camps of Puntland and Somaliland;

 

And the rest could follow from there....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.