me

Laas Caanood under attack.

Recommended Posts

me   

War Deg Deg:::Badhtamaha Laascaanood Oo Siweyn ay xabaduhu uga dhacayaan...

 

(Laascaanood}15.10-7

WarDegDeg Ah::: Iyadoo ay tahay hadeer 6:30 Am Subaxnimo ayaa waxaa badhtamahamagaalada laascaanood si xoogan looga maqlayaa qoryaha waa weyn iyo kuwa yaryar oo si xoogan u dhacaya.......................................

 

Huganka madaafiicda iyo daryanka rasaasta yar yar iyo kuwa waa weyn ayay ku waa bariisteen dad weynaha reer laascaanood saaka oo isniin ah.

 

abaaro 6:20 am subaxnimo ee saaka ayay bilaabay xabadu ilaa iyo iminka oo ay tahay 6:40 am subaxnimo-na si xoogan ayay u dhacaysaa xabadu walise nooma suurto gelin inaanu ogaano asbaabtakaliftay in xabadahan ay dhacaan iyo dhinacyada iska soo horjeeda.

 

wixiisoo kordha w2aan idin soo gudbin doonaa insha allaah

 

(jor Widhwidh Online News Desk...Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

War Degdeg Ah Wararku Waxay Nagu Soo Gaadhayaan Dagaalkii La Sugeyey In Uu Qarxay

 

 

Oct 15, 2007 By:Jidbaale.com

Laascaanood (Jidbaale.com)Wararka aanu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay, waxay sheegayaan inay saaka xabadu ka bilaabantay labada aag ee kala ah Waqdari iyo Boholaha Xargaga, kooxihii isku uruursaday waqdari siday wararku tibaaxayaan waxaa sutida u qabtay ciidanka sooma jeestayaasha ee daraawiishta Puntland, ilaa haatana lama arag kooxahaasi meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, waase lagu raad joogaa……

 

 

Dhicana Xargaga waxaa isna ilaa haatadan ka socda dagaal aad u culus, waxaana dhawaqa madaafiicda iyo rasaastaba laga maqlayaa gudaha magaalada Laascaanood, oo ay maalmahanba shacabku u diyaargaroobayeen sidii deegaankooda uga xorayn lahaayeen maamulka Dirta Waqooyi ee damacoodu yahay dhulballaadhsi, ilaa hada lama soo sheegin khasaaraha soo gaadhay ciidamada ismiidaamiska ah ee ka amarqaata Ina Rayaale…..

 

 

 

Dib ayaanu idin kala soo socodsiin doonaa wixii dagaalkaasi ka soo cusboonaada…

 

 

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Dagaal ba'an oo ka socda badhtamaha magaalada Laascaanood saaka.War deg deg ah.

Warkii 15-Oct-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk.

Waxaa saaka ka dhacaya badhtamaha magaalada Laascaanood dagaal ba'an oo u dhexeeya ciidamda Soamliland iyo kuwa Puntland,waxaana la isu adeegsanayaa noocyada hubka oo dhan,waxaana magaalada halmar ka bilowday rasaas iyo sawaxan aan la garanayn meel uu ka yimid.

 

 

Dagaalkan oo ilaa hada socda ayaan la garan karin khasaarihiisa inta uu le'eg yahay.Waxaa loo badinayaa in ciidamda Somaliland weerar soo qaadeen, waxayna gudaha u soo galeen magaalada si lama filaan ah.

 

Wararka oo faahfaahsan ha ka fogaan Afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Maleeshiyadii Maamulka Daahir Riyaale oo Saaka Dagaal Soo Qaaday hase Yeeshee Dhirbaaxo Ku Dhacday..

 

Laascaanood-Puntland October 15, 2007

saaka abaaro 6.30.am oo subaxa wakhtiga magaalada laascaanood ayaa dagaalkii la sugayey ka qarxay jiida hore oo magaalada laascaanood ee Gobolka sool,wararka ayaa sheegaya in dagaal kharaari ka socdo,Maleeshiyaadkii Maamulka Daahir Riyaale,kuwaas oo ay dabada kaga dhaceen Ciidamada Darawishta

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool,ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in dagaalkii mudada la Sugayey saaka ka qarxay jiidaha ay isku soo urursadeen maleeshiyaadka naflacaariga ah ee meydkooda ayaa lagu soo waramayaa in saaka Cagta la mariyey iyada oo firxadkooda ay ku daba jiraan Ciidamada Mujaahidiinta daraawiishta ee Puntland.

 

Wararka aya sheegaya in Maleeshiyaadkii taabacsanaa Maleeshiyaadka Daahir Riyaale,ayaa la sheegayaa in ay meelo magaalada ka mid ah Soo gaareen hase yeeshee go'aan lagu gaadhey in Maleeshiyaadka Isaaqa cagta la mariyo maleeshiyaadka *********** ee taabacsana Dhowaan hubka laga dhigayo .

 

Ciidamada Sooma jeestayaasha ee Daraawiishta Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay ku raad joogaan Maleeshiyaadkii Naflacaariga ahaa ee la soo dagaal tegey Hargeysa,Burco,ito Boorama

 

Wixii dheeraad ah gadaal ayaa idiinka soo gudbin doonaan insha allaah.

 

Filsan Daahir

 

Xargaga Online

 

Laascanood-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Thanks Mr. ME for the heads up, The spark of this an all out war was an expected one. Only the foolish and short-sighted individuals were praying for peace while the eternal and inalienable rights of the locals have been abused not once, not twice but many times. On all accounts, the incubation period of this conflict is over. I talked to my Dad who is at or around 80 years of age and he told me that he neither wants nor is ready to be a displaced person for the third time in his country... He told me that the moment has arrived for me to live in dignity in my own community or die as a man.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Xiinfiniin was on the mark with his comments on Ethiopian meddling in the SSC region. Keep in mind Mansa Munsa that the people of the SSC regions are not only facing SL and PL militia's distablising their region but also Ethiopian meddling.

 

Originally posted by xiinfaniin:

Wayxaka yaa Kashafa!

 

This is really sad. It’s not unique to SL however. Political stoogism has sadly peaked everywhere in Somali territory. It’s in Puntland. It’s in Xamar. It’s in Kismayo.

 

 

Each and every little entity has to perform at its up most ability to satisfy the Master. And to do that unfortunately they must sacrifice the innocent. It’s not that SL politicians hate ONLF folks. It’s just how the game of appeasing Ethiopia is played. In their mind, to survive SL must outplay other clients including PL. Today Cadde announced his chief achievements during his long stay in Addis, and that’s to allow official Ethiopian presence in PL just to be at par with SL!

 

Those who are involved in SOOL politics or are in-the-know will tell you all the unity Isims attained has been discarded because Zenawi gave orders for both entities to keep the status quo, namely LA will remain the buffer zone for now. And he is not bluffing; reports say Zenawi troops has showed up in Buuhoodle to send the Master’s unmistakable signals. Also in Kismayo, reports are coming that there will be an official power handover to the militia who have shown their hunting skills recently by killing the good wadaads in the city. They have made their mark in the political stoogism and there’s no going back for them. They have brilliantly understood this game and expertly executed it. The old stooge will have the first symbolic defeat in his hands in first time. The good thing is that it will send another decodable signal about who’s calling the shots in Somali affairs.

 

In Baydhabo, reports are coming that the Master has given his orders for Geedi to step down. The parliament vote has been halted to give the old servant a chance to gracefully exit and resign. Sixteenth of October is the date. If he does not do it by then, he will be forced to go by other means. At least that’s the plan whether it will work out smoothly as planned is another matter and remains unknown.

 

^^What does all this show you yaa jamaacah? The Ethiopian influence is quite extensive, and to free Somalia from its grip we need a comprehensive approach. My hope is that their picking on Geedi will backfire on them and will spell out the end of this project. In that case, at least Somalia will have a fresh start. And this time this game of stoogism and its subtle rules will be well understood by all parties…

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Thanks Mr. ME, I am aware of the Eithopian factor in regards to SSC dilemma and as evident SSC is not capable of fighting many fronts at this point in time therefore I am hopefull that they some how contain and mitigate the ramification of the problem.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

It is time the people in LA should have a common voice. it is horrible,when the same pple are used against each other,and dying from both ends!

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Somaliland oo gudaha usoo gashay Laascaanood 5 sano kadib iyo Puntland oo isaga baxday.

Warkii 15-Oct-2007 iyo Qormadii: Afnugaal

Saaka aroortii hore ayaa ciidamada maamulka Somaliland weerar kadis ah ku soo qaadeen magaalada laascaanood weerarkaas oo ahaa mid lama filaana ayay u suura gashay ciidamada Somaliland inay gudaha u soo galaan magaalada laascaanood 5 sano oo dagaalo faraha looga gubtay dhaceen.

 

 

Waxaa jira khasaare badan oo labada dhinac ah iyadoo ay hada magaalada dhex joogaan ciidamada Somaliland halka kuwa Puntland na ay dib u gurasho sameeyeen , waxaa aad u adag wararka xaqiiqda ah ee ka jira gudaha magaalaada isgaadhsiinta oo xidhan awgeed balse dad aan la xidhiidhnay oo looga qaateena oo u dhashay Laascaanood, oo kala jooga Hargaysa iyo Garoowe ayaa noo xaqiijiyey in Ciidamada Somaliland hada ku sugan yihiin gudaha Laascanood, kuwa Puntland na ay dib u gurasho usameeyeen dhanka garoowe

 

Wararka danbe la soco Afnugaal oo si toosa idiin ku soo tabinaysa wararka laascaanood.

 

Info@afnugaal.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Buuhoodle oo ay ku sii jeedaan ciidamda Somaliland.War deg deg ah.

Warkii 15-Oct-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk.

Wararka aan ka helayno magaalada Burcvo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidan baaxad weyn oo ka tirsan ciidamda Somailand ay qarka uu saaran yihiin inay la wareegaan magaalada Buuhoodle,iyadoo uu horkacayo Xamse Gaadaweyne,iyo niman reer Buuhoodle ah.

 

 

Magaalada qarkeeda ayaa waxa gaadhay ciidankii ugu horeeyey iyadoo la maqlayo qoryaha madaafiicda ka dhaca.

 

Wararka danbe la soco.

 

Afnugaal News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

War Deg Deg: Wariye Axmed Cabdi Laahi iyo wararkii udanbeeyey dagaalada Laascaanood

Warkii 15-Oct-2007 iyo Qormadii: Axmed Cabdi Laahi

Sida uu hada khadka telefonka Lind line ka ah ee magaalada laascaanood noogu xaqiijiyey wariyaha Shabakada Afnugaal ee Laascaanood Axmed Cabdi laahi ayaa kusoo waramaya in ciidamada Somaliland ay dhaafeen magaalada laascaanood iyagoo sii haya wadada laamiga ah ee dhanka garowe uga baxda laascaanood ...............

 

 

Sidoo kale waxaa uu wariye Axmed cabdi laahi xaqiijiyey in maagaalada ay hada u gacan gashay ciidamada Somaliland , waxaa kaloo uu intaasi ku daray in magaalada gudaheeda aysan ku jirin ciidamada Somaliland ee ka yimid dhanka waqooyiga balse ay hada magaalada gudaheeda ku jiraan ciidamo beeleedyada taageersan Somaliland halka ciidamadii Somaliland ee adhi-cadeeye fadhi jiray ee saaka soo galay laascaanood ay toos uqaadeen wadada laamiga ah ee garoowe aada iyagoo ku daba jira ciidamada puntland oo saaka dib ugurasho sameeyey.

 

Waxaa jirta gawaadhi lakala qabsaday ,dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalada walooow aan la xaqiijin karin qiimaynta dhabta ah ee khasaaraha xaalada oo wali adag.

 

Wariya Axmed Cabdi laahi oo hada ku sugan meel wax yar u jirta kaantaroolka bariga ee magaalada ayaa intaasi ku daray in hada uu dagaalku ka socdo agagaarka buundada maraaga leh oo 7 km dhanka garoowe ka xigta magaalada Laascaanood

 

Waxaa iyana hawada ka maqan ka telefoonada gacanta ee Mobile ka marka laga reebo kuwa guryaha la dhigto

 

Ha Mogaan warar xaqiiqda ku sulaysan ee Afnugaal iyo saacadaha soo socsa

 

Axmed Cabdi laahi

 

Afnugaal.com Laascaanood Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Dagaal xoogan oo ka socda dhinacyadda Magaaladda Laascaanood iyo Maleyshiyo Taabacsan Riyaale una dhashay SSC oo gaaf wareegaysa Magaaladda

 

 

Oct 15, 2007 By:

Abu Dhabi(Jidbaale.com) Dagaal xoogan oo saaka arooryadii hore bilowday ayaa laysku adeegsaday hubka noocyaddisa kala duwan, qeybo kamid ah magaaladdana waxaa la sheegay inay waxyeello gaadhsiiyeen madaafiicdii lays waydaarsanayay. Dagaalka oo saaka la bilowday labada Aag ee maleyshiyadda Riyaalle ku sugnaayeen ayaa la sheegay inuu ku baahay dhamaan magaaladda iyo degaanadda ku xeeran.

 

 

Ciidamadda Gardaradda Soo qaaday ee ka soo duulay Hargeysa ayaa saaka bilaabey weerar xoogan, kadibna ciidamadda Daraawiishta ayaa sutida u qabtay walina waxaa socda dagaalkii in kastoo wararka qaarkood sheegayaan in uu jiro dibu habeyn la doonaya in maleyshiyadda dib loogu celiyo meeshii ay ka yimaadeen.

 

Dhinaca kale kooxo ka soo jeeda SSC oo taageera dhinaca Hargeysa ayaa lagu soo waramayaa inay gaafwareegayaan gudaha iyo daafaha magaaladda laascaanood, iyadoo la sheegayo inay wataan calanka ay leeyihiin maamulka hargeysa.

 

Wararka dagaalka ayaan la hubin dhabta ah iyo khasaaraha dagaalkaas saaka qarxay uu geystay, iyo wali cida si rasmi ah gacanta ugu haysta magaaladda laascaanood.

 

Dagaalkan ay saaka soo qaadeen maleyshiyadda Riyaale ayaa lagu soo waramayaa inuu xidhiidhsan yahay kuna jahaysan yahay dhamaan magaalooyinka SSC, iyadoo saaka wararka qaar tibaaxayaan in ciidamo gaashaaman oo uu harkacaya Hamse Gaadaweyne ay u dhaqaaqeen dhinaca Gobolka Cayn, sidoo kale waxaa jira abaabula ay malayshiyadaasi ka wadaan degaanadda Gobolka Sanaag.

 

 

 

Jidbaale Desk News

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Damage control by Puntland, but will it help?

 

War Deg Deg ah:Wasiirka warfaafinta Puntalnd oo ka hadlay dagaalada ka dhacay laascaanood

Warkii 15-Oct-2007 iyo Qormadii: Afnugaal

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Md: C/raxmaan bankax ayaa goor dhowd shaaca ka qaaday in dagaal buuxa uu ku dhexmarayo ciidamada Puntland iyo Somaliland gobolka Sool oo mudo 5 sano ah ay ku muran sanaayeen ............

 

 

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka dhankooda aysan bilaabin balse lagu soo qaaday ayna ku jiraan ilaa iyo hada is difaacis waxaana sidoo kale uu sheegay in dagaalku uu ka duwanaan doono kuwii horay u dhex maray labada dhinac uuna yahay mid qaadan doona mudo dheer waa sida uu hadalka u dhigaye ..

 

Sidoo kale wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu cadeeye cida hada gacanta ku haysa magaalada Laascaanood waloow wariyaha Afnugaal uga soo waramaya laascaanood uu sheegaya in ay magaalada la wareegeen maamulka Somaliland oo arooryadii hore weerar ka dib ku soo qaaday ciidamada Puntland ..

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Puntland wuxuuna intaa sii raaciyay in hadda dagaalku uu socdo waxaana uu soo hadal qaaday in xagooda aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ayn jiri karaan dhanka kale khasaaro gaari kara balse uusan xaqiijin karin arintaa waa sida uu hadalka u dhigaye..

 

Dagaalkan saaka ka dhacay laascaanood ayaa ku soo beegmayaa xili laga dhowrayo maagaalda Garoowe madax weynihii maamul gobaleedka Puntland kaasi oo safar ku jooga Adis Ababa waxa uuna kulamo la qaatay Males Zanawi iyo xubo kale oo ka tirsan xukuumadiisa waxaana fashil ku soo dhamaaday wada hadlo ay ka dhex watay labada dhinac ..

 

Afnugaal news Disk

 

Garoowe Puntland Somalia

 

Info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Cali Sandule, Xuseen Taarwale Dalbac ,Dhakool,iyo Indhabdhable Oo Shabaka Laascanood Ku Gadoodeen Tariikhda Baal-madow Ka Galay.

 

 

Oct 15, 2007 By:

Laascaanood(jidbaale.com):-wararka ugu danbeeyey ee magaalada Laascaanood ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada ay shacabkii kaceen iyaga oo gadoodsan ay mudaharaad ka sameeyeen isla markaana wadooyinka magaalada xidheen

 

 

shirkada telesom oo isku dayday in ay garabsiiso maamulka Hargeysa iyada oo uu sheegay agaasimaha shirkadaasi in uu qaato amarka ay bixiyeen Cali Sandule iyo xuseen Taarwale,uun yidhi hadba qoladii na qabsataa noo talisa, ayaa dadweyne Cadhaysani albaabada isku dhufteen, waxayna dadweynuhu ay gacanta ku dhigeen saldhiga oo uu qabsaday ninka lagu magacaabo Xuseen taarwale , Cali sandule ninka siaguna lagu magacaabo ayaa isku dayey in uu shacabkaas gadoodsan la hadlo waxaase shacabku ay ku bilaabeen kacdoon.

 

Magaalada ayaa marqudha isu badeshay goob kacsan iyada oo bulshada ay guda galeen in ay isdifaacaan,waxaana magaalada haatan ka taliya shacabka oo sheegay in naay marnaba u ogolaanayn in karaamadooda meel loga dhaco.

 

dadweynaha ayaa ku celcelinayey ragga ***** midiidinka u ah taariikhda baal madow ayey ka galeen.

 

jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.