Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Somali President meets with Puntland candidates

Recommended Posts

Horseed Media oo ka waraysatey Nuradiin Adan kulankii ay la yeesheen Cabdullaahi Yusuf

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Qaarkamid ah musharixiinta ku loolamaya Xilka madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, shirkan ayaa ahaa mid albaabadu u xiranyihiin, hadaba waxyaabihii looga hadley shirkaas ayaa weriye Jaamac Yusuf (Deparaani) oo ka tirsan warbaahinta Horseed Media waxa uu waraysi kala Yeeshay Nuuradiin Adan Diiriye oo isu soo taagey xilka madaxweynaha Puntland 2009 - 2013.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimada Puntland oo shirsan.

28. november 2008

 

Garowe(AllPuntland)- Musharaxiinta doonaya in ay qabtaan xilka Madaxweyne-nimo ee Puntland ayaa ku shirsan Magaalada Garowe, waxaana aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.

 

Ilaa 19 Musharax in ka badan ayaa kasoo qeybgalay shirkan, waxa ayna isla soo qaadeen sida ay sheegayaan qaar ka mid ah Xoghaymaha musharaxiintaasi sidii ay iskugu ogaan lahaayeen talo wanaagsan oo ku aadan howlaha ka socda gudaha deegaanada Puntland, siiba waxa ay isla eegayaan sida ay ku qaadan karaan gudigii doorashada ee dhawaan la magacaabay.

 

Musharaxiinta joogta shirkan waxaa ka mid ah Nuuridiin Aaden Diiriye, Axmed Siciid Aw-Nuur, Cali Baashi Xaaji, Maxamed Cabdi Nuur, Aaden Maxamed Ciise, Cabdi-weli Cali Taar & Musharaxiin kale oo shirkan joogey.

 

Qaar ka mid ah Musharaxiintan oo AllPuntland la hadlay ayaa ku soo koobay ujeedada Shirkooda wada tashi, kaasoo ay kaga tashanayaan Aayaha deegaanada Puntland iyo sidii ay ku dhici lahayd doorasho cadaalad ah.

 

Faahfaahin filo goor dhaw.

 

F. C. Geylan

AllPuntland, Xarunta Shirka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Maxay ka wada hadleen Musharaxiinta Puntland iyo Cabdullaahi Yuusuf

28. November 2008

 

Garoowe(AllPuntland)-Waxaa caawa ilaa galabta shir u socday Musharaxiinta dooneysa iney qabtaan xilka Madaxweynenimo ee Puntland, kuwaasi oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo sida ugu wanaagsan ee doorashooyin rasmi ah uga dhici karaan Puntland, musharaxiintan oo inta badan kulanka ka soo qeybgalay uu afkooda ku hadlay C/raxmaan Maxamed Faroole wuxuuna sheegay in ujeedada kulankan uu yahay sidii looga shaqeyn lahaa qabsoomida Doorasho xor ah oo cidna loogu roonaan.

 

C/raxmaan Faroole oo Warbaahinta kula hadlayey Maktabada magaalada Garoowe ayaa sheegay in maanta Musharaxiinta xilka Madaxtinimada Puntland ay la kulmeen Madaxweynaha Federaalka, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Guddiga Ansixinta iyo Khilaafaadka ee Xukuumadda Puntland magacowday, waxayna musharaxiinta ay ka codsadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in guddigaasi la badalo maadaama uu sheegay in aysan ku qanacsaneyn Musharaxiinta, waxaana uu tilmaamay in lagu heshiiyay in la soo dhiso Guddi hor leh oo dhismahiisa ay si wada jir ah ugu soo shaqeynayaan Dowladda Puntland iyo Musharaxiinta.

 

Md.C/raxmaan Faroole wuxuu kaloo uu sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen inaan Dhaqaalaha Dowladda loo isticmaalin ololaha doorashada dhaceyso bilowga sanadka cusub, wuxuuna tilmaamay in hadii ay taasi dhacdo xubnaha Baarlamaanka la soo xulayo in laga yaabo in loo adeegsado dhaqaalaha dalka, sidoo kale Musharaxiinta ayaa Madaxweynaha Dowladda KMG ay u gudbiyeen in la dhiso ciidamo hal meel laga xukumo, kuwaasi oo laga soo xuli doono guud ahaan gobolada Puntland, kuwaasi oo howshooda bilaaban doona Todobaadkan iyadoo howshoodana socon doona inta doorashada ka qabsoomeyso, go'aankaasi oo ay isla qaateen Musharaxiinta iyo Madaxweyne Yuusuf.

 

 

Ugu danbeyntii Musharaxiinta oo kulamadooda ay sii socon doonaan ayaa waxaa la filayaa in dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda KMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu la kulmo Xukuumadda Puntland ee iminka jirta si dhankoodana ay uga munaashaqoodaan qodobada ay soo bandhigeen Musharaxiinta.

 

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qudhac, is that your idea of "sarcasm"? Yes, it's all about Garowe and our presidential candidates. Infact here's some more news regarding the candidates...

_______________________________________

 

Garowe(AllPuntland)- Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo ee Puntland ayaa maalintii labaad ku shirsan Magaaladan Garowe ee Caasumada Puntland, waxa ayna ka wada hadlayaan xaaladaha amaanka & Doorashada.

 

Musharaxiintan oo gaaraya 19 Musharax ayaa isla eegaya in ay sameystaan Hal ciidan oo wada suga amaankooda iyo in ay si wadajir ah go'aan cad uga gaaraan gudiga doorashada ee Puntland.

 

Musharaxiinta ayaa shalay galab kulankoodii wuxuu soo gaaray habeynimadii xalay, waxa ayna go'aan mideysan ka gaari waayeen qaar ka mid ah qodobadii ay ka wada hadlayeen, siiba waxa ay soo qaadeen arinta Doorashada.

 

Qaar ka mid ah Musharaxiinta ayaa qaba in Isku shaandheyn lugu sameeyo gudiga doorashada ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi, oo isagu laf ahaantiisa ka tirsan Musharaxiinta waqtigan utaagan in ay qabtaan xilkaasi.

 

Go'aan ka gaarida arinta gudigda doorashada & amaanka ayaa noqday qodobada ugu waa weyn ee ay isla soo qaadayeen musharaxiinta oo ilaa shalay arintan isla meel dhigi la'a, qeybo ka mid ah Musharaxiinta ayaa wata hub fara badan waxa ayna doonayaan in ay hubkooda sii heystaan.

 

Musharaxiinta ayaa kulankoodan ka dambeeyey markii ay la kulmeen Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sugan Magaalada Garowe ee Caasumada Puntland, waxa ayna si gaar ah ueegayaan xaalada doorashada sidii ay ugu dhici lahayd sidii ugu wanaagsaneyd.

 

Kulankaan ayaa lafilayaa in uu maanta soo xirmo oo ay Shir saxaafadeed si wadajir ah uqabtaan xubno ka tirsan Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo ee Puntland, ayagoo looga fadhiyo in ay go'aan cad ka gaaraan ciidamada ay wataan oo ay hal hogaan uyeelaan ama yareeyaan & gudiga doorashada.

 

***********************************************

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this