Sign in to follow this  
Sayyid

New Suldaan inaugurated in Rabaale

Recommended Posts

Sayyid   

GAROOWE : Suldaan Cusub oo maanta lagu caano-shubay Tuulada rabaable ee gobolka Nugaal

Posted to the Web Feb 12, 18:57

 

 

Garoowe:-Waxaa maanta lagu caano-shubay Tuulada rababaale ee gobolka Nugaal Suldaan Cusub oo lagu magacaabo Suldaan Subeer Xaaji Maxamuud , caano-shubka Xafladii ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah Issimada Puntland oo ka mid yihiin.

 

Islaan Ciise Islaan Maxamed , Suldan Siciid Maxamed Garaase ,Garaad Salbeen Garaad Maxamed , Beeldaaji Cali Faarax , Garaad Maxamed Cali Shirwac, Suldaan Cabdisalaan iyo Cali Ugaas , waxaa kaloo ka soo qayb galay qaar ka mid ah Masuuliyiinta 2-da Gole dawlada Maamulka Puntland iyo dadwayne aad u badan.

 

Waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid Issimada Puntlandiyo Masuuliyiinta Maamulka Puntland ,waxaynau hambalyeeyeen Issimka Cusub ee ku soo kordhay Issimada Puntland waxayna Ilaahay uga baryeen in u fududeeyo hawlaha iyo waajibaadka horyaala.

 

Xafladii Caleema saarka ee lagu caana-shubay Suldaan Saleebaan ayaa waxay ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ,oo lagu qabtay meel jawi wanaagsan oo farxad galisya dhammaan ka soo qayba galayaashii halkaasi isugu yimid ee ka kala yimid dhammaan gobolada dalka.

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Tuuladda Rabaable ee Degmada Garowe...

 

Daawo sawirada Caleemo saarka

"Raali ka ahaada aragtida sawirada oo ay sababtey goobta"

 

Suldaan Subeer Xaaji Maxamuud Cali Abokor.

 

Caleemasaarka Suldaanka ayaa waxaa ka soo qayb-galay Mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland uuna ka mid yahay wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, wasiirka D/ Hose iyo HRM Cali Cabdi Awaare, Salaadiinta Puntland sida Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Waliba Isimo kale oo aad u tiro badan kana kala yimid Dhamaan Goboladda Puntland.

 

Sidoo kale, waxaa halkaas si weyn uga dhexmuuqday Dhalinyarada, Haweenka iyo Ururadda Bulshada oo iyagu ku labisnaa dhar lagu buufiyey Erayo ku aadan Caleemasaarka saarka Suldaanka.

 

Munaasabadda Calemasaarka Suldanka cusub ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Suldan Siciid Maxamed Garase, oo isagu halkaas ka soo jeediyey hadalo ku aadan Munaasabada Caleemasarka Suldanka waxaa kale oo halkaas ka hadlay Garaad Saleebaan oo taariikho ka bixiyey darajada Salaadiinta iyo maamuuska ay lahaan jirtay iyo tan hadda wuxuna ku soo gabo gabeeyey Duco iyo Alla-bari uu u soo jeediyey Dhaman Dadka Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaanba iyo Suldaanka Cusub waxaa kale oo halkaas ka hadlay Isimo aad u diro badan oo aanaan halkan ku soo koobi Karin.

 

Dhanka Madaxda Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole wuxuuna Wasiirka ugu horan ka warbixiyey Shirka Madaxda DFKM ah uga socda Magaaladda Galkacyo oo uu ugu bishareeyey Dadweynaha reer Nugaaleed iyo reer Puntlandba in ay Madaxdii Dawladu heshiiyeen kana tashanayaan habka Meelmarinta Maamulka, Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha DGPL Mud. Cadde uu haatan ku sugan yahay dalka Emaradka Carabkta Dubai uuna Caafimaadkiisu aad iyo aad u wanaagsan yahay hadda.

 

Wasiirku isaga oo hadalkii sii wata ayaa wuxuu yiri, Haddii ay jirto wax dhaliil ah oo ay I simadu u hayaan Maamulka wey u soo jeedin karaan, Hadii ay tahay dhaliishu mid wax lagu toosinayo wax dhibaato ah ma leh, balse waxaa dhib leh hadii ay dhaliishu tahay mid wax lagu burburinayo.

 

Waxaa kale oo uu Wasiirku halkaas Tacsi uga soo jeediyey Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland Geeridii ku timid Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, isagoo markaasi sheegay in ay ka daaheen Aaskii Garaadka ayna sababtu tahay in ay ku maqnaayeen Magaaladda Galkacyo, wuxuuna sheegay sababaha uu hadda uga yimid Galkacyo in ay tahay Geerida Garaadka isla markaana aynu u amba-baxi doono Maalinta Bari ah Dhanka Gobolka Sool si aan ugu soo tacsiyeyno Eheladii iyo Qarabadii uu ka geeriyooday Garaadku.

 

Waxaa kale oo goobtaas isaguna hadalo wax ku ool ah ka soo jeediyey Wasiirka D/ha Hoose iyo HRM Cali Cabdi Awaare.

 

Gabagabadii Xaflada Caleemasarka ayaa waxaa gabayo iyo Buraanbur uu ku amaanayo uguna ducaynayo Suldaanka Cusub ka tiriyey Abwaan Baarleex oo isagu si aad ah loogu diirsaday Tixihii uu halkaas ka tiriyey.

 

Waxaa ugu dambeynti Xaflada lagu Caleemasaarayey Suldaanka soo gabo gabeeyey Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ugu horayn u mahad celiyey dadkii ka soo qayb galay Xaflada Caleemasarka Suludanka, wuxuna yiri †Waxaan ilaahay ka baryeynaa in kulankan uu nooga dhigo mid khayr qaba, waxaynuna nahay dad Islaam ah, ilaahayna wuxuu inoo qadaray Maamul iyo nabad-galyo taas oo loo baahan yahay in aan sida ay tahay u dhawrno.

 

Islaanku wuxuu tibaaxay in ay lagama maarmaan tahay in dhamaan Bulshada reer Puntland ay dhawraan kala dambaynta iyo Nimcada Maamul ee ilaahay ina siiyey wuxuuna u soo jeediyey dhamaan Bulshada Reer Puntland in ay la shaqeeyaan Madaxda Maamulka ayna dhawraan kala dambaynta.

 

Mar uu ka hadlayey dhanka DFKM ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay Islaanku in Hadda ay Madaxdii DFKM ah ee Soomaaliya ay ku sugan yihiin Magaaladda Galkacyo halkaas oo ay ku shireen Mas'uuliyiintii ugu sar saraysay loona baahan yahay in la taageero.

 

Wuxuuna Islaanku ku soo gabo gabeeyey hadalkii sa Duco iyo Rabi bari uu si gaar ah iyo si guudba ugu duceeyey bulshada Soomaaliyeed iyo tan Islaamkaba.

 

Si kastaba ha ahaatee, Xaflada Caleemasaarka Suldaanka Cusub ee maanta lagu qabtay Deegaanka Rabaable ayaa waxay ahayd mid ay ka muuqatay habsami iyo maamuus aad u wanaagsan oo cajab gelisay dhamaan ka soo qayb-galayaashii halkaas isugu yimid.

 

506o.jpg

 

507o.jpg

 

508o.jpg

 

509o.jpg

 

Suldaan Saciid Maxamed Garaase with the new Suldaan, Suldaan Subeyr Xaaji Maxamuud Cali Abokor!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this