Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: + Beledweyne +Galkacyu celebrate the 14 October

Recommended Posts

Munaasabad lagu xusayey caleemo saarkii C/laahi Yuusuf oo Muqdisho lagu qabtey

Muqdisho- 14.Oct.2005 Munaasabad balaaran oo ku aadan xuska sanadguuradii 1-aad ee caleemo saarkii Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliyan ayaa maanta waxaa lagu qabtey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

Munaasabadan ayaa waxaa lagu qabtey xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia oo uu gacanta ku hayo Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Arimaha gudaha Eng.Xuseen Max’ed Caydiid.

 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galey Ra’isalwasaare kuxigeenka Xuseen Max’ed Caydiid oo ah masuulka ugu sareeya xiligan xubnaha Labad gole ee ku sugan magaalada Muqdisho, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Max’uud Xasan Cali Cade (Gaabow), saraakiil ka tirsan ciidamadii Booliiska oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Kaahiye Faarax (Harag-Shabeel), G/lle Sare Kabacade, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Isbahaysiga SNA ee uu hogaamiyo Xuseen Caydiid.

 

Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Eng. Xuseen Max’ed Faarax Ceydiid oo dadkii ka soo qeybgalay la hadlayey ayaa wuxuu ugu horreyn u mahadceliyey ka soo qeybagalayaashii isu soo baxaasi, isagoo sheegay in ay maanta tahay maalintii Madaxweyne sharci ah loo dhaariyey Soomaaliya mudo 15 sano ah ka dib oo dawlada la’aan dalku ku jirtey kaasi oo hogaamin doona 5-ta sano ee soo socoto.

 

Xuseen Caydiid wuxuu sheegay in munaasabadan ay ugu qabteen magaalada Muqdisho si ay uga dhabeeyaan balanqaadkii hore ee ahaa in Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho.

 

“Maanta xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaan ugu dabaal degeynaa balantii aheyd in xukuumadda Soomaaliya & madaxweynahu ay shuruud la’aan ku yimaadaan Muqdisho, loona gogol xaaro, adduunkana waxaan ka codsaneynaa in ay taageeraan dowladda federaalka†ayuu yiri Eng.Xuseen Caydiid oo la hadlayey boqolaal dad ah oo maanta isugu yimid xarunta Madaxtooyada.

 

 

MM Dhoore

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maanta oo si weyn looga xusay Magaalada Muqdisho Sannadguuradii 1-aad ee ka soowareegtay markii la caleemo saaray Madaxweyanaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed

Posted to the Web Oct 14, 17:28

 

 

Muqdisho:- (PP) - Maanta ayaa waxaa si weyn looga xusay Magaalada Muqdisho sannadguuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii la caleemo saaray Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiro iyo xildhibanno ay ka mid ahaayeen wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid, Guddoomiyaha gobolka Banaadir isla markaan ah duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow) waxayna xafladdaas ka dhacay Madaxtooyadii hore ee Soomaaliya ee Villa Somalia.

 

Xuseen Maxamed Caydiid oo xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la garab istaago dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena meesha laga saaro is qabqabsiga ay wadaan qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho.

 

"Waxaa loo baahan yahay in dalka iyo dadka loo shaqeeyo ee xal ma ahan sida ay wadaan wasiiro iyo xildhibaanno dowldda ka tirsan oo Muqdisho ku sugan, kuwaasoo caadeystay inay ka shaqeeyaan qilaaf, balse aan dan iyo heello kale ka lahayn dalka iyo dadka, Dowladdu waxay ku tallaabsatay iyadoo kala jaban wanaag aad u fara badan,mar haddii ay is raacdana waxa la filan karaa waa wanaag intaan ka badan" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo ay ka muuqatay qiiro marka uu hadlkaas jeedinayay.

 

Xafladdii maanta ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow) oo dhankiisa sheegay in dowladdu muddadii sanadka ahayd ee ay dhisnayd ay ku tallaabsatay howlo la taaban karo oo uu ka tilmaamay Xafiiska Midowga Afirka ay ka furatay Jowhar, iyo howlaha nabadgalyo ee ka socda Dalka qaybo ka tirsan, wuxuuna ugu baaqay dhankiisa xubnaha ku sugan Muqdisho inay dadaal u galaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka raagay, balse aysan meel iska fadhin oo aysan noqon khilaaf wadayaal aan wanaag soo wadin.

 

Sidoo kale xubno kale ayaa halkaas ka hadlay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafaadka u dhexeeya xubnaha labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo hadalladooda ay isaga mid ahaayeen in danta guud laga hormariyo danta gaar ahaaneed.

 

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

contact us:webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great pictures from the Somali capital Mogudishu. 10/14/04 IT's a day that Change Somalian politics. This shows that people have not lost hope which is a good thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ONCE AGAIN Siyaad Barre( Allo Ha unaxariisto)THE GUY SURE DOES NEED ALOT OF NAXARIIS.

 

AS YOU SEE BROTHER REER MOGADISHU,REER BELEDWEYNE AND REER GALKACYU GIVE A CRAP. NO ONE TOLD YOU TO CELEBRATE BUT DON'T GET IN THE WAY OF OTHERS WHO WANT TO CELEBARTE THAT HISTORIC DAY IN SOMALIAN HISTORY.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

But the president is notably ABSENT and may be preparing for a war on these same people celebrating his inauguration. First time in Somali history an elected president can't show up in his Capital because of a dispute with fellow crooks while the common nomads want him in town :D

 

PS: I am shocked people aren't armed to the teeth in these pictures. Malaha kuraasta hoostoodaa la dhigtey qoryaha out of the camera view lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nooloow, nooloow Cabdilaahi nooloow; aabihii dalkoow, Cabdilaahi, aabihii ummadoow, Cabdilaahi...Guulwadoow Cabdilaahi, aabihii garashada, geyga yagoow...hantida dowlada federaalka wadaaga ummada Soomaaliyeed, noo horseedayee, barbaatii barbaartayoo...Haay, haay, waligaa haay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lOl, why celebrate the day the President was elected? That is a relevent question, I personally dont agree with it. Howver they [government] like marking any landmark..

 

Nice Pics from Mogadishu a good turn out indeed...

 

vilada.jpg

 

viladsa6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deegaanka Gobolka Bari ee Boosaaso oo si weyn looga xusay Sanad-guuradii Madaxweynaha Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed

Posted to the Web Oct 15, 08:36

 

 

Boosaaso:-Waxaa si weyn looga dabaaldegay xuskii ku beegnaa maalintii loo caleema saaray Madaxweyanaha Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed Xilka Hogaaminta shanta sanno ee Dalka Soomaaliya ee ku beegneyd 14-kii Octobar 2004 oo lagu qabtay Xarunta Gobolka Bari hoolkiisa ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u bdan oo farxad iyo reyn reyni ay ka muuqatay.

 

Dabaaldegan oo ay ka qeyb qaadanayeen Ciidamada Qalabka sida Booliiska maxaliga ee gobolka, baanbeeyda iyo Ururada Bulshada sida dhalinyarada, Haweenka iyo arrdayda Dugsiyada ayaa waxaa si weyn ugu soo bandhigay riwaayado iyo Heeso wadani ah Hobolada Walaalaha Bari ee Puntland.

 

Kuwasoo soo jiitay dadkii ka soo qeybgalay qiirana ku abuuray waxyabihii ay soo bandhigeen oo ay ku dheehneyd Soomaali kala tegtaay isu soo noqda oo is walaaleysta iyo Oktoobar waa tii na taageertay oo tabaalaha naga saari laheyd.

 

Dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladan ayaa si weyn u faraxsanaa sugayeyna in Sanadka dambe Colaada, Dilalka iyo fawdada kii looga gudbi lahaa inuu u noqdo Shacabka Soomaaliyeed.

 

Ugu horayntii waxaa halkaas hadalo qiimo badan ka soo jeediyey Masuuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka iyo Puntland, waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Yuusuf Maxamed Wacays dheddo, oo ku tilmaamay maalin taariikhi u ah ummadda Soomaaliyeed, ayna haboontahay inaan sanadka dambe iyadoo dalka oo dhan nabad yahay guudahaan u wada dabaal degno si farxadeed.

 

Waxaa kaloo ka hadlay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Ibtraahin Cartan Xaaji Bakiin oo shegay in Soomaaiya maalintii maanta ku beegneyd ay aheyd maalin meel walba oo Soomaaliya lagu farxayey caleemo saarka Madaxweyanaha cusub ee Soomaaliya ayey aheyd maanta inaan u dabaal degno waa waajib ina wada saaran oo muqadas ah, waxaana rajeynayaa ayuu yiri Bakiin inaan sanadka dambe ku wada dabaal degno Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed Caasimadii Dalka ee Muqdisho anagoo ka baxnay qabyaalada , colaada iyo macaluusha qaxootinimada ina badatay.

 

Sidoo kale waxaa hadalo dheer ka soo jeediyey Lataliyaha Arrimaha Warfaafinta Puntland Bile Qaboowsade oo uu dhawaan u magacaabay Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse, horayna Maamulkii C/Laahi Yuusuf ka soo qabtay xilal kala duwan wuxuuna bile si aad ah uga hadlay marxaladihii shirka Dalka Kenya uu soo maray iyo sidii ugu dambeyn uu u najaxay wuxuuna ugu horeyn halkaas ugu mahad celiyey Dalalka IGAD, gaar ahaan Dawlada Kenya oo muujisay dulqaad iyo walaalnimo deris wanaag jecayl ku dheehan.

 

Wuxuuna xusay in la'aantood aanan maanta loo dabaal degeen Qaranimada Soomaaliya, wuxuu kaloo amaan u soo jeediyey Wadamadii gacanta weyn ka geystay dhismaha Dawlada Federaalka oo uu sheegay in ay dhaqaalaha bixinayeen sida Midowga Yurub, Maraykanka iyo Jaamacada Carabta wuxuu kaloo amaanay Qaramada midoobay oo aan la ilaawikarin doorka ay ka ciyaareen ugu dambeyntiina wuxuu ku booriyey Beesha Caalamka in aanay ka harin dadaalkii ay labada sanno muujiyeen maalintii ay dhaliyeen qaranka loogana baahan yahay dhameystirka taabagelinta iyo nabad ku soo celinta Soomaaliya inay gacan weyn ka sii geystaan oo aanay noqon Fuleyoow Guuli kuu dhaweydaa.

 

Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa waxaa iykana lagu qubtay xus kan la mid ah oo ay masuuliyiinta Maamulka DG Puntland ay ku xuseen sanadguuradii 1-aad ee Madaxwaynaha Soomaaliya.

 

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflado lagu Maamuusayo Maalinta 14.10 oo Las_anod iyo Jowhar ka dhacay

 

( Jowhar }14.10-05 xafladahan oo kadhacay meelo badan oo soomaaliya kamida ah waxaa lagu maamuusayey maalinta 14.10

 

Xaflad balaaran oo lagu maamuusayo maalintii la caleema saaray madax waynaha soomaaliya Cabdi Laahi yuusuf Axmed ayaa maanta lagu qabtay meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.

 

Magaalada Jowhar ee fadhiisinka u ah xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay xafladii ugu balaarnayd.

 

Xubnaha dawlada soomaliya ee Jowhar ku sugan ayaa goor hore oo maanta ah isu diyaariyey waynanyta maalintan.

 

kasokow laamaha Dawlada waxaa yaguna xafladaas ka qayb qaatay wakiilada dawlada caalamka ka fadhiya jowhar ha'adaha ayaa yaguna door wayn ku lahaa qabaqaabinta iyo ka sooqayb galka shirkaasi.

 

madax waynaha Soomaaliya ayaa halkaas kasoo jeediyey khud bad aad u dheer oo uu kaga hadlayo wax qabdkii dawladiisa mudo hal sano ah,waxaanu isku dayaynaa in aanu xiliyada soosocda idnn soo gudbino khudbada madax waynaha.

 

dhanka kale Munaasabadan ayaa lagu qabtey xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia oo uu gacanta ku hayo Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Arimaha gudaha Eng.Xuseen Max’ed Caydiid.

 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galey Ra’isalwasaare kuxigeenka Xuseen Max’ed Caydiid oo ah masuulka ugu sareeya xiligan xubnaha Labad gole ee ku sugan magaalada Muqdisho,

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Max’uud Xasan Cali Cade (Gaabow), saraakiil ka tirsan ciidamadii Booliiska oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Kaahiye Faarax (Harag-Shabeel), G/lle Sare Kabacade, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Isbahaysiga SNA ee uu hogaamiyo Xuseen Caydiid.

 

sidaas oo kale magaalada laascaanood waxaa caawa meelo kamid ah lagu qabtay xaflado lagu maamuusayo 14.10 oo dad badni ku tilmaameen in ay tahay maalintii dibu soo celinta qaranka soomaaliya .

 

mar aanu dhugananay aarda dad waynaha ee ku aadan wax qabadka dawlada iyo halsano kabacdi waxay badidoodu timaameen in dawladu ku amaanan tahay sida ay xooga sanadka hore u saaratay dhisda ciidanka xooga soomaaliya ,waxaase ay ku dhaliileen in dhanka siyasada Khaarajiga ah Xukuumadu ka gaabisay.

 

waa markii igu horaysay ww xukuumada ku meel gaarka ah ee waliba curdinka ahi Soomaaliya ugu dabaaldagto munaasabad noocan oo kale ah yadoo baritona ay ku abaaran tahay maalintii shirkii kenya soomaalida loogu qabtay albabada loo furay ama rasmi ahaan uu ufurmay.

 

Widhwidh online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by haruun:

Celebrations in 4 regions out of 18 regions. One year goes by and he calls that accomplishments.

You cant be serious sxb? How can you only narrow it down to accomplishments. You must be enemy of the state number 1.

You have camel-milk caliing it historical-day , Duke describing it as a landmark day . MMA singing and rephrasing the lyrics to Noolow Noolow (Istaqfurullah Illah aya ah Ma dhinte).

 

Come on Haruun join the fun and dont spoil it, or sit aside and watch how few can make a full of themselves unknowingly.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this