Sign in to follow this  
Sky

waa sidee xaalada caasimada puntland ee garoowe...

Recommended Posts

Sky   

waa sidee xaalada caasimada puntland ee garoowe...

 

 

Garoowe 20Aug 2005 Run ahaantii magaala waliba kama soo hadho qaabka ay u dhisan tahay iyo nidaamka ka jira, sidaasi awgeed waxaaba ku raalli gelinaya sida loo habeeyey degitaanka magaalada, oo hadii dhaqaale buuran loo heli lahaa waxaaba si hawl yar u fududaan lahaa, sidii jid cadayaasha xaafadaha dhex mara loogu bedeli lahaa jidad laami ah oo qurux badan.

 

haariye61sa.jpg

 

Garoowe waxaan odhan karnaa way tahay magaalo u qalanta caasimad, sababtoo ah korontadii way leedahay, dhismayaal bilicle way ka dhisan yihiin, qaarna gacantaaba lagu hayaa, waxbarashadii ilaa heer jaamacadeed bay maraysaa, hay’adaha deeqaha bixiyaa aad bay u joogaan, amniga magaaladuna waa mid aad u heer sareeya.

 

Sidoo kale magaalada Garoowe waxay leedahay laba idaacadood oo madax bannaan, dadkuna ay aad u xiiseeyaan, isla markaasina leh wada shaqayn saxaafadeed oo dhab ah, wargeys la yidhaahdo idaacada radio garoowe ayaa waxay tahay mid iyo du ku taala magaalada garoowe dhexdeeda halka sbc xarunteeda rasmiga ahi ay tahay magaalada boosaaso runtiina markaad u fiirsato radio garoowe waxaad arkaysaa in ay tahay idaacad aad u horumarsan waxaana kabaxa barnaamijyo iyo warar dadku aad u xiiseeyaan.

 

haariye40ll.jpg

 

Maamulka Puntlandna maadaama ay caasimadii u tahay waxaa u jooga wasaaradihii, wakaaladihii iyo dhamaan xarumihii looga addeegayey Bulshada oo idil, waxaana halkaasi ka jira kala dambayn iyo nidaam dawli ah, kii ugu heer sareeyey.

 

waxaa kasocda magalada garoowe horumar aad dareemi karto hadii aad u kuur gasho ama aad dhexmarto magalada kuwaas oo iskugu jira dhanka waxbarashada caafimaadka iyo dibu dajinta waxaa magaalada garoowe aad ugu soobadanaya baryahan danbe hayadaha caalamiga ah iyo kuwa NGO yada waxana fuliyaan arimabadan oo dadka garoowe ama ku sugan caasimada kataageeray barnaamijyo badan sida waxbarashada iyo arimaha caafimaadka iyo dibudajinta dirkaba markii aan u kuur galay waxaa ii soo baxaday in hayada diyokoniya ay kawada deegaanka garoowe barnaamijyo ay ku taageerayso dhanka waxbarashada tusaale ahaan waxay mu shahr siisaa macalimiin badan oo ay kamid yihiin barayaasha machadka pcc labatodobaad kahorna waxay iclaamisay in ay u baahan tahay ama ay tababar sii dooto arday dhan 110 arday oo kabaxay dugsiyada sare ee puntland.

 

haariye82el.jpg

 

ku waas oo ay siindooto kooras tababar macalinimo oo ay ugu talagashay in ay ardaydaasi ku shaqaystaan dhanakakalena waxaa magalada garoowe ku yaal macdka lagu magacaabo pcc oo ah mid lagu barto maadooyin kala duwan sida maamulka iyo maaraynta waxaana uu u shaqeeyaa sidii jamacad oo kale ardayda dhigataa waxay kakala yimadaan gobolada puntland oo dhan ha u badnadeen caasimada garoowe waxaa, kaloo ku yaala garoowe jamacad lagu magacaabo psu oo aan hada laakiin shaqayn

 

dhanka dhalinyarada markii aan u kuur galay waxaa iiga soo baxday in ay yihiin kuwa ku mashquulasan dhanka waxabarashada

 

haariye92sr.jpg

 

qaar kood gaar ahaan kuwa kabaxay dugsiyada sare waxay u shaqeeyaan oo shaqooyin kahelaan wasaradaha iyo hayadaha waxayne leeyihiin dhalin yarad reer garoowe ururo dhalinyaro oo siminaaro qaar kood kahelaan ilaa heer caalami waxyna leeyihiin xafiisyo waawayn oo aad ku arkikarto gudaha magaalada iyo waliba tuulooyinka ku dhawdhow ururadaa dhaliyarada garoowe waxaa kulmiya dalado ama anbareelooyin hadaba hayada unicef waxay balan qaaday dhawaan in ay u dhisi doonto dmid kamid ah daladaha kulmiya ururada dhalin yarad holal waawayn oo ay shirarka ku qabtaan iyo xafiisyoba ayna u qalabayn doonto xafiisyada taasna waxaa soo dhaweeyey dhaliyrada kala duwan ee ku dhaqan guud ahaan gobolada puntland gaar ahaan caasimada garoowe

 

maxadkapcc4yi.jpg

 

dhanaka camalka am shaqada waxaa ku yaran dhalinyara camalaaantu hayso waxana magalada joogo dad kasoo kicitimay guud ahaan gobolada puntland oo dhan gaar ahaan dadkani waxay u badan yihiin aqoonyahanadii reer puntland oo soo dugsaday caasimada xataa waxaa magalada aad ku arkayasaa in kas too hada ay ka aay u baxeen dhanka jawhar xildhibaano badan oo joogo garoowe ku was oo katirsan dawlada fdrk ah ee dalka soomaaliya waasiiro katirsan faderaalak ayaa hada ku sugan garoowe taasina waxay kuu muujinaysaa sida garoowe ay u tahay amani iyo magaalo nabadi kajito

 

guud ahaanaba magaalada garoowe waa magaalo siwayn dadkuna u gusoo badanayaan dhismayaashuna ugu fidayaan .

 

jaamac maxamed nuur jeele garoowe puntland soomaaliya

 

radiolaascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

damn gerowe is beautiful. I want to pack my bags and move there right now. Damn even hargaysa got nothing on it.

 

 

ps. what does gerowe mean? Is it shaah caano laheen? icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

i believe this city is still in sland according to the current world maps! did the sunaame move this city to pland!! holla back if u got the 411! :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Originally posted by Jason:

ps. what does gerowe mean? Is it shaah caano laheen?
icon_razz.gif

Something with Justice. Garoowe is a relatively young town. Originally a pastoral settlement of the local subclan that owns the west of the Nugaal valley. Eyl is traditionally the main town of Nugaal, but the Chinese road and its status of the province's as well as state's capital city turned Garoowe into a well-known and important city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Our brother rudy is confusing "Garoowe" city in the Nugaal with "Yiroowe" village near "Burco" town in Togdheer.

 

I've sympathy for him because they are similiar words and people can actually get confused, which is the city and which is the village.

 

But I've got a piece of advice which I noticed earlier which is to limit the confusion I've come up with my own way to deal with the confusion, that is "Garoowe" starts with a capital "G" letter followed with the letter "a", contrary "Yiroowe" begins with two vowel letters the first being a capital "Y" letter closely followed by the other vowel "i",

 

it helped me a great deal in my confusion of the two locations concerned and I also sincerly hope that it will also ease your confusion.

 

so-150.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this