Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Police Vs Alshabab showdown in Burco

Recommended Posts

Maaddeey   

^ Qolo walbey leeyihiin, lakin cinwaanka threadka ood adigu leedahay mooyee meel kale oo Shabaab sheegeysa ma arag, haddaba Nimankan intaan la soo weerarin ka hor & markey makhsinka kireysanayeen waa la yiri: 'horta qolo maad tihiin?' e, adna ma dhego li'ide maad noo sheegtid?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco (HWN) Waxaa maanta Duhurkii magaalada Burco ka dhacay iska hor imaad dhex maray ciidamada Boliska iyo kooxo hubaysan, iyado iska hor imaadkaasi uu ku dhintay hal askari halka dhaawacyo kale ay soo gaadheen Taliyihii qaybeedkii Bariga Burco Yusuf Shire, iyo weliba Taliyihiii saldhiga Dhexe khadar farax cumar.

 

Iska hor imaadkan oo ka dhacay xaafada London ee u dhaxaysa xaafadaha Aktobar iyo hodan ayaa la sheegay in uu ka dhashay qabashada koox hubaysan oo isku dayayey inay qaraxyo ka fuliyaan gobolka xilliyada doorashadu soo dhowdahay.

 

Waxaa lagu wareejiyey ciidan isugu jira Bileys iyo Milleteri xaafaddihii ay ku jireen kooxahaasi ee ay ka dhasheen dhaawaca iyo dhimashada ciidankaasi, waxaana aad u kacsan illaa iminka xaaladda xaafadaasi, iyadoo iska hor imaadku u sii gudbay dhinaca xaafadda Oktobar oo lagu sheegay qaar ka mid ah kooxdani inay u tallaaben kuna jiraan guryo ka mid ah xaafaddaasi.

 

waxa inta la ogyahay la qabtay 6 ka mid ah kooxdaasi ooo la geeyey saldhiga dhexe ee Burco, waxana weli lagu daba jiraa gaadh adagna laga hayaa koox kale oo la sheegay in weli ay ku jiraan gur ka mid ah guryahaasi, waxaana ciidanka bileysku isku dayayaan in xooga laga soo saaro.

 

Taliyaha saldhiga dhexe Khadar faarax Cumar ayaa isagoo dhaawac ah ay shebekedda hadhwanaagnews ku bookhtay dhakhtarka Ina mire oo u yaallay waxayna wax ka waydiisey xaaladdiisa caafimad iyo sida wax u soo gaadheen, waxaanu sheegay taliye xigeenku in caafimaadkiisu hadda wanaagsanyaahy, wuxu sido kale sheegay in ay xabbadi gacanta kaga dhacday.

 

Baabuurta aya laga joojinayey waddooyinka xaafadahaasi dhex mara, waxaana aggaasi ku hareeraysnaa shacabkii xaafadaha iyo ciidamo police ah, waxana usuuro gashay Shebekadda Hadhwanaagnews inay madashaasi si toosa u tagto, iyado aya goobta ku sugnaayeen Badhasaabka Gobolka, madaxa jeelka weyn ee Burco iyo weliba saraakiil sar sare oo ciidanka ah.

 

Si kastaba ha ahaatee dhacdadan maanta ka dhacday magaalada Burco ayaa dadku si weyn isu waydiinayeen waxaana maamulka gobolka iyo hogaanka ciidankuba ay diideen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan, sidoo kale waxaana buuq aawadeed suuro geli wayday in loo galo taliye qaybeedka Bariga Burco Yusuf shire oo yaalla cusbitaalka weyn ee Burco.

 

Ugu danbayntii waxaa suuro gala in wakhtiyada soo socda Bandow lagu soo rogo magaalada, iyadoo ciidamo tiro baddana lagu soo daad guraynayo xaafadaha falkani ka dhacay, iyagoo dadka xaafadahaasi deggena bannaanka u soo wada baxay kana cabsi qaba iska hor imaad mar kale dhex mara kooxahan is hor fadhiya, waxaana laga war dhowrayaa dhawaqa sarakiisha ciidanka iyo maamulka Gobolka oo la filayo inay si deg deg ah u sheegaan faahfaahinta waxa dhacay maanta.

 

 

 

 

 

la soco sawiro badan oo laga soo qaaday goobta gor dhow................

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Time to quote Churcill and write the word Nazi in bold letters, yaa Oodweyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Haatu:

A tactic by Riyaale to cling on to power. Nothing else.

God bless our president Mudane riyaale , this irhaabis will be Karbaashed hard

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^ definitely, Riyaale will soon declare a state of emergency and postpone those so-called elections once more.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Che -Guevara:

quote:Originally posted by Haatu:

A tactic by Riyaale to cling on to power. Nothing else.

I'm begining to admire the guy
:D
I was so impressed by his sheer ability to lead Somalis and stay in power that I gave him the title Aabo Riyaale. Only him and Aabo Siyaad deserve that title.

 

Xaaji, who wouldn't want a leader like that? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Oodweyne:

Mr. Me,

 

Do not worry about that old warhorse (i.e.,
Mr. Churchill
) and his word-minting ability to have something to say for every occasion. For, that was in-born and innate few could challenged it, indeed... :cool:

 

But, if I were you, I would really have the mind, to search the nooks and the crannies of the internet, so that, one may find it, a certain
"political truism"
, that, in turn may could be used as
"consolation"
when it comes to in one's heart-breaking condition of
"manly impotence"
against others, particularly, at the dead of night, indeed,
my friend
...
icon_razz.gif

Well Oodweyne you are blessed with the mouth of a penny wh0re, so it would be ill fitting to compete with you on that front. However, what is before us today is the systematic dismantling of the 20-year-old secessionist project from within and without. Therefore the only sign of impotence is you having to run double and triple shifts here on SOL, while Riyaale toasts on the blood of your kin.

 

As for the political clips thread that you were alluding to, I am sorry if it went beyond your capabilities. We all have our limits, but you prove to us how limited you are with every post :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji......He's an effective leader some of Somalia's important provinces. I don't see why he shouldn't be given a shot at the highest office seeing how he rules northern Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Mr-GC.jpg

 

Dr-sacad-Nuur.jpg

 

RIYAALE oo ay ku Caddaatay Fadeexad lagu miji xaabinayo Doorashada Somaliland

 

 

Wakiilka xukuumadda Somaliland ee Maraykanka, Dr. Sacad Sheikh Cismaan, iyo nin Australiya u dhashay oo magaciisu yahay, Gregory R Copley, ayay ku caddaatay fadeexad ku saabsan hawl gallo ay ku doonayaan in doorashada madaxtooyada ee Somaliland la miji xaabiyo oo ayna dhicin, eedayn qaawanna waxay u soo jeediyay Xisbiga KULMIYE, Guddiga Doorashada Qaranka iyo qaar ka mid ah hay’adaha iyo waddamada innaga caawiya hirgalinta doorashada. Wuxuu maqaalkani iftiiminayaa dariiqa uu Dr. Sacad u maray meel marinta hawshan, eedaynta uu soo jeediyay iyo ujeeddada uu ka leeyahay.

 

Qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee deggen Maraykanka ayaa ****olka ka qaaday in Dr. Sacad iyo ninkani ay si wadajir ah u sameeyeen bar internetka ah oo aan lahayn masuuliyad rasmi ah oo loogu hagaago. Debadeed, waxuu Dr. Sacad bilaabay qoraallo ku qoran af Ingiriisi oo aan maga ca qoraaga lagu qorin oo ku soo baxa bartan, weerar qaawan iyo aflagaaddo aan sal lahaynna ku q aaday xisbiga KULMIYE, Guddiga Doorashada Qaranka Somaliland, hay’ado caalami ah iyo waddamo innaga caawiya xagga doorashada.

 

Wuxuu Dr. Sacad qoraaladiisa ku tilmaamay madaxda Xisbiga KULMIYE inay qaarkood ka tirsan yihiin ururka xag jirka ah ee Al-Shabaab. Waxayna dawladda Somaliland ka sii daysay Radio Hargeysa qoraal Dr. Sacad uu ku sheegay in Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Mudane Cabdicasiis Samaale ay ka mid yihiin Al-Shabaab. Waxaa kale oo uu ku sheegay qoraaladiisa in xisbiga KULMIYE uu cadaadis ku saareen xukuumadda Somaliland in doorshada la qabto isagoo KULMIYE la kaashanaya arrintan, buu yidhi, hay’adda Doorashada Qaranka iyo hay’ado iyo waddamo shisheeye ah.

 

Waxaa eedayntan Dr. Sacad ku raacsan oo u markhaati furay Madaxweyne Daahir Rayaale oo markii uu ka soo noqday booqashadii uu ku tagay Faransiiska iyo Jabuuti warbaahinta Somaliland u sheegay in bulshada caalamku ku khasbayso inuu doorashada qabto. Waxaanay arrintani muujinaysaa in Dr. Sacad ka duulayo fikirka iyo amarrada Madaxwaynaha oo tilmaamaya in aan dalku doorasho hadda galin.

 

Baadhis lagu sameeyay qoraalladan ciddii qortay ayaa muujisay in Dr. Sacad iyo Mr. Gregory Copley ay ka danbeeyeen. Waxayna qoraaladani si is daba joog ah ugu soo baxeen warbaahinta internetka ee ay xukuumadda Somaliland gacanta ku hayso ee Qarannews, Somaliland nation, iyo Harowo.

 

Markii ay ******** arrintan, ayay qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee Maraykanku digniin u direen Dr. Sacad una sheegeen inuu joojiyo arrimahan dhabarjabinta ku ah hirgalinta doorashada Somaliland xumaynaysana cilaaqaadka aynu la leenahay waddamada iyo hay’adaha ina caawiya.

 

Weerarka Dr. Sacad maaha mid iskii gooni u taagan ee wuxuu qayb ka yahay hawlgallo qorshaysan oo UDUB iyo Daahir Rayaale wadaan. Mus’uuliyiinta UDUB iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa si toos ah eedaymo kale oo qaawan iyaguna kula dul kufay guddiga doorashada, iyadoo ujeeddadoodu tahay inay fashilyaan hawlaha doorashada ee ay sida daacadda ah ee madaxa banaan u wadaan guddiga doorashadu. Waxay xukuumaddu xidhay hawlwadeenno u shaqeeya Guddiga Doorashada, waxay isku dayday inay xoog ku jiidho goobo ay ku kaydsan yihiin xogta tirro koobka codbixiyayaasha qaatay kaadhadhka, waxay baayacayaan kaadhadhka dadku qaateen, waxayna yareeyeen wacyigalinta kaadh-qaadashada. Waxaana hadda la sheegay inay xukuumaddu dalbatay lacag cusub oo la filaayo inay dhawaan u soo degto si doorashada iyo codbixiyayaasha loo khalkhal-galiyo.

 

Ujeeddada ka danbaysa hawshan uu ku jiro Dr. Sacad waxa weeye in la carqaladeeyo laga hortago doorashada Somaliland, loona sawiro in koox argaggixiso ah dalku gacanta u galayo. Waxay xukuumadda Rayaale is tustay in ayna maanta helayn teegeerada shacabka, doorashadana ay ku guul darraysanayso, dabaylo badan oo isbeddel doon ahina dalka bari iyo galbeedba ka socdaan. Dr. Sacad waxaa loo ballan qaaday in, haddii xukuumadda Rayaale sii jirto oo aan doorasho dhicin (waa sida kaliya ee ay kujiri kartee, laga dhigi doona wasiirka Arrimaha Dibadda oo logu beddelo Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo aan isagu haatan xukuumadda Rayaale miisaan wayn ku lahayn.

 

Ugu danbayntii waxaa Dr. Sacad laga codsanayaa inuu ka waantoobo hawlahan si dhakhso ahna u joojiyo wararka been-abuurka ah ee xaqiiqada ka fog raalligelinna ka bixiyo muwaadiniinta uu ku gaf ay, kana tanaasulo khataraha aan ka jirin dalka ee uu fidinayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this