Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Police Vs Alshabab showdown in Burco

Recommended Posts

Just getting the news. The fighting started after the police raided a house where Alshabab elements were hiding. Then the police faced resistance from the terrorists.

 

 

Stay Tuned for More Info ..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Somaliland.Org)- Inta la ogyahay hal Askari ayaa geeriyooday, 2 qof oo Saraakiil Ciidamada Booliska ka mid ahna waxa soo gaadhay Dhaawac ka dib markii maanta dhinaca bari ee magaalada Burco dagaal ku dhex maray Koox la tuhunsan yahay inay wadeen falal Argagixiso ah iyo Ciidamada Booliska.

 

Siday Wararku sheegayaan dagaalkann ayaa qarxay ka dib markii Ciidamada Boolisku ay hawl-gal ka fuliyeen Guri ku yaala xaafadda Octoobar ee dhinaca bari ee magaalada Burco. Warku wuxuu intaa ku daray in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin Taliyihii Ciidamada Booliska ee qaybta Bariga Burco Yuusuf Shire iyo Taliyihii saldhigga dhexe ee magaaladaas Mr. Mahad, kuwaas oo hadda dhaawacooda lagu dawaynayo Cusbtatallo kala duwan oo ku yaala magaaladaas.

 

Inkasta oo aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee gaadhay Kooxaha hubaysan ee la rumaysan yahay inay Argagixisada yihiin, haddana Warku wuxuu sheegay in Ciidamada Boolisku ay gacanta ku dhigeen Hub tiro badan, isla markaana ay xabsiyada u taxaabeen qaar ka mid ah Kooxda hubaysan ee dagaalka la gashay Ciidamada Booliska.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco(Togdhnews). Hal askari ayaa ku dhintay laba kalena ww ku dhaawacmeen kadib markii maanta Boolisku ay hawlgal ku sameeyeen guri ku yaala dhinaca Bariga,gaar ahaan Xaafada

 

Oktoobar, la sheegay in kuy jireen kooxo hubaysan oo haystay aalladaha wax lagu qarxiyo halkaasna ay boolisku kala kulmeen tacshiirad.

 

Hoggaanka ciidanka booliska gobolka Togdheer Col.C/Raxamaan Fooxle ayaa TogdheerNew u sheegay inay hayaan laba ka mid ah kooxdii guriga ku jirtay,isla markaana ciidanka booliska uu ka dhintay hal askari ,laba kalena ka dhaawacmeen,wuxuuna taliyuhu intaa ku daray in ay qabteen hubkii iyo aaladihii loogu talogalay inay wax ku qarxiyaan oo isugu Miino,Rasaas iyo aalado kale.

 

Kooxdan guriga ku jirtay ee hubaysnayd ayaa la sheegay inay booliska u soo sheegeen dadkii dariska ahaa kadib markii ay ka shakiyeen dhaqdhaqaaqa ka socday gurigaas,waxayy kaloo dadka dariska ahi sheegeen in kooxdani ay labadii maalmood ee u dambaysay soo galeen guriga.

 

Tirada kooxdan ayaa lagu sheegay lix qof oo laba ka mid ah hadda gacanta lagu hayo.Arrintan ayaa ku soo beegantay wakhti lagu jiro ololihii doorashooyinka, iala markaana 26-ka bisha Juun la filayo inay qabsoonto doorashada madaxtooyadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is this another stunt to suppress Kulmiye supporters in Burco, why now? Timely incident, Riyaale's mugging strategy marches on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco ayaa maanta waxaa ka dhacay iska hor imaad rasaas la adeegsaday oo dhex maray booliiska iyo nimaan aan weli la sheegin waxa ay yihiin.

 

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan booliiska.

 

Waxaa ku dhaawacmay taliyihii saldhigga booliiska Burco iyo Taliyihii Saldhigga Booliiska Bariga Burco.

 

Abbaarihii 12-ka duhurnimo wakhtiga Burco ayaa dagaalku billowday.

 

Waxaa lagu warghelay, sida uu soo sheegay weriyaha BBC ee Burco, Xuseen Aw Jaamac Jibriil, iyada oo booliisku ay mar keliya u gurmadeen guri ku yaal bariga Burco.

 

Gurigii markii la isku rasaaseeyay ka dib ayaa la iskala baxay.

 

Masjid ayaa lagu dagaallay ka dib.

 

Aakhirkiina waxaa lagu dagaallamay guri kale.

 

dagaalu weli waa socdaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gurigii markii la isku rasaaseeyay ka dib ayaa la iskala baxay.

 

Masjid ayaa lagu dagaallay ka dib.

 

Aakhirkiina waxaa lagu dagaallamay guri kale.

That was a serious stuff ...............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Deg Deg: Dagaal xoogan oo ka socda Magaalada Burco

 

Burco (RBC Radio) Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada booliiska ee magaalada burco iyo kooxo hubeysan ayaa ka bilowday maanta barqanimdii bartamaha magaalada burco.

 

Dagaalkaan oo bilowday maanta duhurnimadii ayaa socda ilaa hada waxaa wararka nasoo garaaya sheegayaan in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac oo dagaalkaan sababay.

 

Ugu yaraan sadex ruux ayaa ku dhimatay tiro ka badan todobo ruux ku dhaawacmeen wararka nasoo gaaraya waxa ay sheegayaan in uu ku jiro taliyihii booliska burco.

 

Sida wararka laga helayo dadka deegaanka ay shegayaan dagaalka waxaa uu ka bilowday markii ciidamada booliiska weerar ku qaadeen masaajid ku yaala xaafada octoobar oo ku taala dhinaca bari ee magaalada burco.

 

Niman hubeysan ayaa ciidanka booliiska halkaas kaga hor yimid waxaana dagaalka markii danbe ku fidey qeybo kale ee magaalada .

 

Dadweynaha ku nool qeybta bari ee magaalada ayaa bilaabmay in ay ka barakacaan dagaalkan awgiis waxaana joogsi galay ganacsigii magaalada burco oo dhamaan irdaha loo xiray maanta.

 

Taliska booliiska ee gobalka oo dagaalka ka hadlay waxa ay sheegeen in ay la dagaalamayaan kooxo ay ku tilmaameen argagixiso oo magaalada ku sugan.

 

Wixii warar oo soo kordho dib ayaan ka soo gudbin doonaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

(HNW) Magaalada Burco ayaa goor dhawyad uu dagaal ku dhaxmaray ciidamadda Ploce ka iyo koox hubaysan, iska hor imaadkan oo ka dhacay xaafadda Aktoobar marka la dhaafo iskuulka caanka ah ee Shiikh Ibraahim lama garanaayo illaa hadda inta khasaaruhu leegyahay, lakiin dad goob jooga oo la soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaaya in ciimadda police ka ay ka dhacmeen laba askari oo uu ku jiro Taliyihii Saldhiga dhexe, Saleebaan Dhagacade, lakiin wali lama hubo. Halka warar kale sheegayaan in hal askari dhintay. Sidoo kale waxay ciidamadu qabteen tiro afar xubood ah iyo hub farabadan oo ay siteen kooxdii dagaalka kala hortimi ciidanka

 

Kooxdan uu cidanku weeraray ayaa loo tuhunsan yahay inay yihiin dad isku dayaayay hawlo argagixiso yadoo hadda lagu jiro doorashadii Madaxtooyada. Wixii warar ka soo kordha iyo khasaaruhu intuu leegyahay kala soco Hadhwanaagnews goor dhaw.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar goor dhaweyd naga soo gaaray Magaaladda Burco,Gobalka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegaya innuu halkaas ka socdo iska hor immaad u dhexeeya Ciidamadda Amaanka Magaalada iyo Kooxo Hubaysan oo lagu tilmaamay Argagixiso.

 

Dagaal ayaa la sheegay innuu bilowday ka dib markii Ciidamadda Amaanka Magaaladdaas ay Weerar ku qaadeen Guri la sheegay innay gabaad ka dhiganayeen Kooxo Hubaysaan oo ilaa hadda aan la xaqiijin cidda ay yihiin..

 

Sida ay innoo xaqiijiyeen 1-ruux ayaa Geeryooday tira kale oo yarna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray iska hor imaadka,waxaana Ciidamadda Amaanka u suurta gashay innay gacanta ku dhigaan,Koox ka mid ah Kooxihii Dagaalamayay oo xilligaas innay baxsadaan isku dayayay.

 

Sikastaba ha ahaatee Kooxaha ayaa la tilmaamay innay ku u baxsadeen Masaajid ku yaala Xaafadda Oktoobar halkaasoo Dagaalku u weecday oo ka soconayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this