Sign in to follow this  
Muruqmaal

This is funny plz read it... Sirta Puntland... From Calaacal Gedo

Recommended Posts

Sirta puntland iyo Hadafka Shariif Axmed

 

Waxaa wax aad loola yaabo igu noqday markaan maqlay in maamul goboleedka Puntland ay ku hanjabayaan haddii nin aan iyaga u dhalan laga dhigo wasiirka koowaad ay goosanayaan,waxaa taa ka sii yaab badan u dhago nuglaanta Shariif Axmed uu u muujiyey hanjabaadaas.

 

Sirta ka dambaysa inay reer Puntland qabtaan xilalkaas waaweyn ee qaranka Soomaliyeed waxa ugu horreeya tan Ethopianka uu dalkaan ula falgalay iyo in Puntaland ka dhaqaale roonaato gobolada kale waayo Dekada kaliya ee si toos ah u shaqaysa waa tan boosaaso ku taal intii Deked kale uu dalku lahaana maaha kuwo si toos u shaqeeya nabadgalyo xumo darteed.

 

Madaxweyne iyo wasiirka koowaad oo ka yimid Puntaland horay baan u aragnay waxa ayna ahaayeen kuwo sii huriyey uun dhibkii ka jiray Gobolada koonfureed ee Soomaliya, markii lagu kala dareeray maamulkii ay qaybta ka ahaayeena ku laabtay Garowe iyagoo shandado lacag ah sita,halka ay Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta ay ka sii dareen dhibaatooyinkii jiray oo ay iyagu gaas sii kordhiya holaca u noqdeen,ciidamadii ka yimidna ay ka qayb noqdeen xasuuqii iyo barakicintii shacabka koonfurta degan.

 

Ragga ka soo shaqo tagay Puntland iyo Somaliland mar walba waxay ka shaqeeyaan inaanay koonfurtu degin si kastaba labada maamulna waxa ay leeyihiin ujeedooyin is galaya inkastoo aysan isku aragti ka hayan ,Puntaland dhaqaale inay dadka kale dheeraato oo ay ku maamusho ayaa ugu weyn hadafkooda qarsoon.Somaliland in koonfurto gubato oo iyaga loo arko inay gob gobi dhashay yihiin dadka kalena ay ka fiican yihiin bay geed dheer iyo md gaabanba u fuuleen.

 

Waxaa haddaba is waydiin mudan Shariif Axmed ma hadduu dhashay?sidee buu indhaha uga qarsan karaa dhibka koonfurta soomaliya yaala oo xal aan jirin uu baadi goobii karaa Puntaland?ma yahay nin hadafkiisu cad yahay doonayana inuu nabad ku soo dabbaalo koonfurta soomaliya?

 

Waxaan oran karaa haddii uu Shriif Axmed yahay nin doonaya inuu wax hagaajiyo wuxuu hawshiisa ku bilaabay fashil muuqda wax uu hagaaagayana ma jiraaan inuu sii fogeeyo mooyaane ,waxaana uu nasiib badan yeelan doonaa haddii uu nabadeeyo Magaalada Muqdishoo kaliya,aniguse hadafka Shariif Axmed uu leeyahay durbaba waxaa iga galay shaki wayn oo aan is leeyahay maaha nin u istaagay caddaalad iyo horumar ee waa nin ay ku jirto mar uun madaxweyne ha laguugu yeero,hoggaanka nin loo hayo loona qaban karo ,sidii ay dad badan hore uga shanqariyeen nin lagu aamini karo qaran maaha,.

 

Xilligii Maxkamaduhu Koonfurta oo dhan ay ka talinayeen waxaa dad badani ay ugu yeeri jireen Shriif la soo gamay oo micnaheedu ahaa inuusan ahayn nin taladiisa ku socda laakiin usha loo dhiibtay,waxaa kale oo dad badani ay ku eedeeyaan inuu yahay nin ballamaha ka baxa oo aan eegin meel aad u fog,sida muuqata magacaabista uu maanta magacaabay nin u dhashay Puntland waxay tusaale cad u tahay inuu yahay nin mar walba usha loo qaban karo ummada Soomaliiedna god dheer ku ridi kara.

 

Waxaa iyana dhibaato kale ah in Madaxda Soomalidu inta badan aysan lahayn dad si wanaagsan ula taliya ee ay helaan uun rag godka u dheereeya oo dabinno iyo shirqoolo la agfadhiya gacalna ay moodaan,waxaan hubaa markaan sidaa leeyahay in ay dhici karto in dad badan ay sidaa kula taliyeen kuwaasoo aan marnaba dhismo qaran diyaar u ahayn mar walbana eegta cidda ay wax wada cuni karaan.

 

Ugu dambayn mar haddaan sheegay sirta reer Puntland ay u doonayaan madaxda sare ee dawladda iyo hadafka Shariifka oo aan caddayn,dadka aan maqaalkan sida hoose wax u waydiin doono waa dadka aadka u faraha badan ee u dhashay gobolada Koonfureed ee Soomaaliya,marba nin meel kale ka yimid miyaa idinku kor qadaynaya idinkoo qaxaya?goormaad garan doontaan dantiina ?goormaad garan doontaan caddaalada aad ka sheekaysaan maalin walba?haddii aad xaqdarro u hiiliso xaq miyaad helaysaa adigu?su,aalahan jawaabtooda ma filayo inaan ka helayo Soomalida maanta joogta waxaanse rajaynayaa inay garan doonaan jiilalka dambe ee soo koraya.

 

Sharrif Axmed caqabadii hor yaalay oo awlba adkaa buu sii labalaabay oo wuxuu samaystay mucaaradad cusub ,waayo Beesha uu uga dhaartay xilkaas waa beesha ******* ugu weyn uguna xoogga badan,waligoodna taageera nabad kasta ee la damco in la gaaro,haddase waxay u egtahay mid ka quusatay caddaalad ka dhacda Soomaliya guud ahaan gaar ahaan Muqdisho oo aad moodo in cuqdad gaar ah loo qabo weli inkastoo ay dad badan yiraahdaan wax aad u foolxun baa dhacay sidaa darteedna waxaan ogaanay inay Beeshaasi xumaan laga sheego aysan lahayn si khaldan baa dadka loogu sheegay,intii dhibaatadu dhacdayna shacabku waa is bartay ninka samaha jecel iyo kan xumaha afuufa.kan dalka iyo dadkaba iibsanaya iyo kan u hiilinaya,waxaase nasiib darro ah in dad badan aysan wali garanba halka laga qaniinay iyo saaxiibka hiilka ay ka heli karaan.

 

Ugu dambayn waxaan ku soo koobayaa Shariif Axmed adigoo caqabado badani ku horyaalaan baad saan wax noogu qaybisaye maxaan kaa sugi lahaa adigoo awood u leh maamul dhan oo gacanta kuugu jiro?

Beesha **** waxan kula talinayaa inay dhammaan cod miidaysan ku diidaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku salaysan duudsinta xaqooda raadiyaana wax ay danta Soomaalidu ku jirto iyaduna ay ku helayso waxa ay mudan tahay.

 

wabilaahi towfiiq

Mamamed Cabdi Shire(lugafalaar).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this