Sign in to follow this  
Ojelle

Cadde Muuse : Laascaano waxaa naga qabsaday Ciidamo Shisheeye

Recommended Posts

Ojelle   

Jen.Cadde Muuse “Dagaalkii lagu qabsaday Laascaanood waxaa ka qeyb galay dagaalyahano shisheeye ah, waxaana heynaa cadeymo badan oo ay ka mid tahay :D

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Jen. Max’uud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) oo gelinkii dambe ee shalay si deg deg ah ugu soo laabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ka dib markii ciidamo taabacsan Somaliland ay gacanta ku dhigeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo horey ay u joogeen ciidamada taabacsan maamulkiisa ayaa markii ugu horeysay maanta kaga hadlay dagaalkaasi shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo ka mid ah magaalooyinka hoos taga maamulka Puntland.

 

Jen Cadde Muuse ayaa sheegay in dagaalkii shalay ciidamo taabacsan Somalailand ay kula wareegeen gacan ku heynta magaalada laascaanood ee gobolka Sool ay ka qeyb galeen dagaalyahano shisheeye ah oo isla markaana ay cadeymo buuxa u hayaan arintaasi “Waxaana soo baxay wixii aynu marar badan sheegi jirnay, waxaana heynaa cadeymo buuxa oo la xiriira in ciidamadii Somaliland ee shalay qabsaday magaalada Laascaanod ay ka barbar dagalamayeen dagaalyahano shiheeye ah, waxaana ka mid ah cadeymahaas dokumeyntiyada qaar ka mid ah dagaalyahanadaas oo lagu dilay dagaalka oo laga soo helay jeebabkooda, kaasoo cadeynaya dalalka ay u kala dhasheen” ayuu yiri Jen Cadde Muuse.

 

“Laascaanood waxay ka mid tahay dhulka ay ka taliso Puntland, Somaliland waxay ku qabsatay si gardaro ah oo aan geedna loogu soo gaban, caaalamkuna waa arkaa waxa ay ku kaceyso, waxaan cadeynayaa in Somaliland aysan qabsan karin dhulkeena oo aanu ku qasbanahay inaan iska difaacno” ayuu intaa ku day Jen. Cadde Muuse oo si aad ah u careysan, wuxuuna intaa ku daray Puntland ay u diyaar garoobeyso dagaal muddo dheer qaata oo ay la geleyso ciidamada maamulka Somaliland ee soo duulay sida u hadalka u dhigay.

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Soomaliya

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D

 

Duq Gaboobey wax u roon afkii inu dabooshaaye

Marse hadduu duleeddada ka ciyo waa Darxumo weyn

 

Markii dhirbaaxo kulul lagu dhufto ayaa waxkale oo cumaamado xidhan u sawirmaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why did he say these things? Things he knows very well aren’t true! An appeal to Ethiopia. But again Ethiopia knows it too. He was defeated by Somaliland, and not by Asmara or imaginary al-itihad, and he knows it. So why?

 

I really want know how these stooges think and formulate their strategies!

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D .... alaylehe nin daad qaaday xumbo cuskay dheh ,, looool

 

 

Sarkaalad sare oo ciidanka qaranka ka tirsan oo ku sugan aaga hore oo hadalada Cade Muuse ku tilmaamtay been iyo kuwo naf la caarid ah

 

 

CiidankaQaranka50.jpg

 

 

Laascanood( QARAN)-Sarkaalad sare oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo ku sugan jiida hore ee ay joogaan ciidamda qaranka Somaliland ayaa caawa beenisay hadal uu cada Muuse BBC, laanta afka Somaliga ka sii daayay oo uu lahaa ciidamda awooda badan ee Somaliland ma aha kuwo ay Somaliland oo kaliya leedahay ee waxa ku waheliya ciidamo ay ka midyihiin maxaakiimtii Islaamiga ee lagaga adkaaday iyo iyaga oo kaashanaaya dawlada Eletariya, taasi uu ugu baroortay maanta Cade Muuse.

 

Hadaba sarkaaladan ka tirsan ciidanka qarana oo ku sugan Tukoraq oo aan sidaasi uga fogayn magaalada Garoowe ayaa sheegtay in hadalada Cade Muse yihiin baroor iyo mar marsiiyo, iyo been cad oo uu shicibkiisa iyo caalmka been ugu sheegaayo, waxa aananu u sheegaynaa in aan cidan na wehilin, iyada oo sii hadlaysa waxa ay hadalkeeda raacisay, Somaliland way ka go'antahay in ay xadkeeda sugato mana ku soo duulayno Garoowe iyo Somaliya inteeda kale toona, arintana waa mid ka go'am xukumada iyo shicibka Somaliland oo in mudo ah u dul qaadanaayay mana jirayso gorgortan iyo dib uga laabasho in xadka la sugo laga galayaa, Somalilandna uma baahna in ay cid u soo kaxaysto sugida amniga dalkeeda ee way leedahay awood iyo dhaqaal iyo niyad ay ku sugto amniga dalkeeda, waxa ay ku soo koobtay hadalkeeda oo tidhi Cade Muse waxa aan u sheegayaa in maxaakiimta iyo adiguba aad ka midaysantihiin cadaawada aad u qabtaan gooni isu taaga Somaliland, hadii ay cid maxaakiimtu soo raacayso adiga ayay ku soo raacayaan oo kula socdaan, iskana iloow sheekadaas maxaakiimta ee aad ku dawrsanayso, oo aayahiina ka tashada.

 

 

 

Axmed Xuseen Saalax

 

Laascanood

 

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this