Sign in to follow this  
General Duke

Xaji Abdi Iman Clan Opposition group leader chooses peace

Recommended Posts

xajiciman.jpg

 

****** Waa Ka Qeybgalaa Shirweynaha Qaran

 

Muqdisho(Calanka.com) 08-Luulyo-2007

 

Muqdisho – Guddoomiyaha Odayaasha Beelaha ****** Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in beelaha ****** ay si shuruud la'aan ah ay uga qaybgalayaan Shirka Qaran.

 

Xaaji Cabdi Iimaan wuxuu sheegay inay arrintaas keentay kaddib markii ay xiriirro kala duwan la sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Maxamed Dheere iyo Cali Mahdi, wuxuuna sheegay in khilaafaad u dhexeeyay Beelaha ****** iyo Dowladda Soomaaliya la dhameeyay.

 

"Waxaan u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Beelaha ****** in shirka Qaran uu ****** uga qaybgalayo si shuruud la'aan ah, Hawiyena uu doonayo in la dhameeyo khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed", ayuu yiri Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo ah guddoomiyaha Gole dhawaan ay ku dhawaaqeen beelaha ******.

 

Mar uu ka hadlay xubno ka tirsan beelaha ****** oo sheegay in shirka Qaran aysan waxba ka soo baxay ama uu yahay shir aan dan u ahayn Ummadda Soomaaliyeed ayaa wuxuu yiri: "Kooxahaas waa kuwo aan shacabka dantooda ka shaqeynayn, ama aan ahayn kooxo doonaya in heshiis laga gaaro dhibaatooyinkii dhexmaray Ummadda Soomaaliyeed".

 

Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, wuxuu sheegay inuu yahay madaxa Golaha Beelaha ****** uuna u caddeynayo dunida iyo shacabka Soomaaliyeed Inaysan beelaha ****** ahayn beel doonaysa in Soomaaliya ay dhib ku sii jirto, balse ay doonayaan inay dalka u horseedaan nabad iyo kala dambeyn.

 

Mar la weydiiyay Xaaji Cabdi Iimaan in Odayaasha Beelaha ****** ay kala jaban yihiin oo qolo ay doonayso inaan shirka laga qaybgelin, isaguna uu doonayo in laga qaybgalo ayaa wuxuu yiri: "Kooxaha aan doonayn ma ahan ****** ee waa kuwo doonaya inay dhib dalka ka abuuraan, waxayna baajiyeen shirkii hore ee ****** isugu imaan lahaan iyagoo doonaya inay shirka weynna baajiyaan".

 

Waa markii ugu horreysay oo Xaaji Cabdi Iimaan uu sheego in ****** uu ka qaybgalayo shirka Qaran ee Muqdisho ka furmaya Malaitna 15-ka bishaan, iyadoo Afhayeenkii Beelaha ****** Axmed Diiriyana uu sheegay in shirka Qaran aysan waxba ka soo baxayn.

 

Xigasho:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Xaaji Cabdi Iimaan iyo Cabdullaahi Sh. Xasan oo ka tanaasulay mowqifkii ay horay u qabeen.

8. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo ah Guddoomiyaha Dhaqanka Beelaha ****** iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ah Afhayeenka Siyaasadda beelaha ****** ayaa maanta si cad shaaca ugu qaaday iney ka tanaasuleen fikradihii hore ee ay ku diidanaayeen ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed iyo kan la isugu keenayo beesha ******.

 

Shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelka Lafweyn magaalada Muqdisho Xaaji Cabdi Iimaan ayaa waxaa uu ku sheegay iney diyaar u yihiin ka qeybgalka shirweynaha dib u heshiisiinta ee ay dowladda KMG ku dhawaaqday isla markaana ay ka qeybgalayaan shirka ay ku kulmayaan beelaha ****** kaasoo saacaddaha soo socda ka furmaya Hotelka Laf-Weyn.

 

Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in ka tanaasulka diidmadiisa ku aadaneyd shirka dib u heshiisiinta iyo kan beelaha hawiya aysan aheyn mid uu dhaqaale ku helay balse tanaasulkiisa uu ku saleeyay marxalada dalka iyo sidii dib u heshiisiinta beelaha u noqon laheyd mid guuleysta isla markaana la soo afjaro dhibaatada dalka ka taagan si loo helo midnimo qaran.

 

Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in fikrada cusub ee uu qaatay ay ku taageersan yihiin inta badan xubnaha Golaha uu Guddoomiyaha u yahay, wuxuuna intaa raaciyay in ay jiraan koox tiro yar oo diidan mowqifka cusub ee uu qaatay balse aysan aheyn kuwo tayo leh waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Isbadalkan cusub ee Hoggaanka sare ee Golaha iyo midnimada beesha ****** ku yimid ayaa ah mid u muuqda iney soo afjarmeysa khilaafka ka taagan siyaasadda magaalada Muqdisho iyadoo arintan ay ka danbeysay kulan shalay iyo xalay dhex maray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere iyo Xaaji Cabdi Iimaan iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan oo is afgarad uu dhex maray.

 

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Hotelka Lafweyne ee magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweynaha beelaha ****** ee ay ku soo afjarayaan khilaafka u dhaxeeya iyo mideynta beesha ******, iyadoo shirkaasina uu ka qeybgeli doono sida la filayo Maxamed Dheere iyo Xubnahan cusub ee mowqifkooda isbadalka ku yimid.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Cabdi Imaam Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo shaaciyey inay ka qeybgeli doonaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, oo ay horey u mucaaradi jireen

 

Mugadisho, Axad, Julaay 08, 2007

 

Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha ******, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan Cali ayaa lagu soo waramay inay muujiyeen debecsanaan siyaasadeed, kadib, markii ay sheegeen inay ka qeyb geli doonaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, xilli ay Labadaa mas’uul xiriir la soo yeesheen Madaxweynaha DFKMGS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu.

 

Xaaji Cabdi Iimaam Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan, ayaa arrintaasi ku soo bandhigay Shir Jaraa;id oo ay maanta ku qabteen Hotelka Laf-weyn ee magaalladda Muqdishu, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka qeyb-galaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, oo bishan 14-da ka furmi doona Xarunta Gaadiidka Boliska ee magaalladda Muqdishu.

 

Labadaa mas’uul, waxay kaloo faahfaahin ka bixiyeen kulankii ay shalay Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” kula yeesheen Hotelka Lafweyn ee Magaalladda Muqdishu, waxayna sheegeen inuu kulankaasi ahaa mid horumar laga gaaray, oo lagu xaliyey khilaafkii dhinaca Ra’yiga ee jiray, waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

Dhinaca kale, War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Xaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan Cali, ayaa waxay ku sheegeen inay ka soo qeyb geli doonaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, oo ay horey u sheegeen inaysan ka qeyb geli doonin.

 

Nuqul ka mid ah War-saxaafadeedkaasi oo la soo gaarsiiyey Xarunta Idaacadda Somaliweyn, ayaa waxay kaloo labadaasi Mas’uul ku xuseen inay aqbaleen codsi uu Maxamed Dheere kaga dalbaday inay Odayaasha sameeyaan Tanaasulaad si xal kama dambays ah looga gaaro arrimaha dalka Somalia.

 

War-saxaafadeedka, ay soo saareenXaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan Cali, waxaa kaloo lagu sheegay inuu Maxamed Dheere la xiriiriyey Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, isla markaana uu Madaxweynuuhu soo dhaweeyey Tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid loo qaaday dhinaca nabadda.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Cabdi Iimaan oo sheegay inay shirka dib u heshiisiinta qaran ka qeyb qaadanayaan.

 

July -08-2007-HornAfrik, Mogadishu.

 

Guddooomiya beelaha ****** Xaaji Cabbdi Iiman ayaa sheegay inay ka qeyb galayaan shirka dib u heshiisiinta qaranka iyadoo qaar ka mid ah Beelaah ****** ay qaadaceen shirkaasi.

 

Shir jaraa’id oo maanta uu qabtay Guddoomiyaha Beesha ****** Xaaji Cabdi Iimaan ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday in kooxda diiday in la dhameeyo khilaafaadka yarka ah ee ka dhaxeeya beelaha ****** ay iyagu diideen in nabad la gaaro sidaasi darteedna ay shirka ka qeyb galayaan oo ay doonayaan in babad iyo kala dambeyn la helo kuwaas diidayna ay yihiin kuwa yar.

 

Xaaji cabdi imaan oo la waydiiyey su’aal ku aadaneed in odoyaasha kale ee ****** ee la baxay odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** iyo kuwa uu isagu uu hogaaminayo la kala gaday ayaa waxaa uu sheegay inaysan jirin waxyaabahaasi oo iyagu ay go’aan sadeen inay shirka aqbalaan oo ay ka qeyb qaataan.

 

waxaa sidoo kale hadalka xaajiga uu soo baxayaa xili ay kulamo uga soconayaa Hotel Lafweyn guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar xabeeb maxamed dheere iyo waliba odoyaal iyo waxgarad ka mid ah Beelaha ******.

 

Shirkaan maanta uu qabtay Xaajigu ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin fara badan oo uu ka mid yahay Afhayeenka dhinaca siyaasada Beelaha ****** C/laahi Sheekh Xasan.

 

Dhawaan ayey ahayd markii uu fashilmay kulankii wada tashiga beelaha ****** oo ay qaadaceen garab katirsan Beelaha ****** oo sheegay inaysan dani ugu jirin ****** waxyaabaha dalka soomaaliya iminka ka soconaya.

 

Waxaa la is waydiinayey oo dad badan ay ka dhowr sugayeen qaabka uu noqon doono shirka dib u heshiisiinta qaran mar hadii ay is khilaafeen qaar ka mid ah beelaha ugu awooda badan Soomaaliya balse arrintaasi ayaa waxaa ay u muuqanaysa mid is bedel uu ku yimid kadib markii maanta qaar kood beelaha ****** ay ayideen shirka dib u heshiisiinta qaranka ee dhawaan uu iclaamiyey Madaxweyne C/laahi yuusuf Axmed,iyadoo uu labo mar oo hore lagu guul dareytay in shirka uu furmo.

 

Ilaa imina majiraan warar ka soo baxay garabka kale ee beelaha ****** kuwaas oo si wayn gaashaanka ugu dhuftay in shirka dib u heshiisiinta ay qeyb ka qaadanayaan.

 

Arrintaan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay maalmo qur ah uu ka harsan yahay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed mana la oga sida ay wali suuragal u tahay furitaanka shirkaasi maadaama Magaalada Muqdisho ay tahay goob habeen iyo maalinba ay ka dhacayaan falal ammaan daro oo baahsan oo ay u sii dheertay Bandow saaran caasimada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha B/****** Xaaji Cabdi Iimaan oo shaaca ka qaaday in uu shirka ka qeyb galayo.

Muqdisho, Axad, 08 July - 2007 [Radio Simba]

 

Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha ****** Xaaji Cabdi Iimaan ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday in Shirka dib u heshiisiinta qaran ee lagu wada in 15-ka Bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho uu ka qeyb gali doono.

 

Hadalkan ayuu ka sheegay Xaaji Cabdi Iimaan, kadib Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaa uuna sidoo kale sheegay in xiriiro ay la sameeyeen Odayaasha, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, gudoomiyaha Shirka dib u heshiisiinta iyo waliba Madax weynaha dowladda KMG ah ay iskula afgarteen in B/****** ay Shirka ka qeyb galaan.

 

Dhinaca kale, kulan hor dhac u ah Shirka dib u heshiisiinta ayaa maanta waxaa uu magaalada Muqdisho uu uga furmay qaar ka tirsan Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyeenta B/******.

 

Kulankan oo maanta ka furmay Hotelka Laf weyn ee magaalada Muqdisho, ayaa mas'uuliyiintii kasoo qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha B/****** Xaaji Cabdi Iimaan, Siyaasiga C/llaahi Sh. Xasan iyo waliba xubno ka tirsan B/******.

Share this post


Link to post
Share on other sites

****** Traditional elder’s held consolation meeting Lafweyn hotel in Mogadishu.

 

Mogadisho, Sunday, July 08, 2007 (SMC)

A consolation meeting began today in laf-weyn hotel for ****** traditional elders in in Mogadishu Capital.

 

This is the second meeting aimed to bridge the deep division between ****** elders.answering a question is the compolisive for all ****** tribal elders?.

 

The Chairman of the ****** elder’s Committee, Hagi Abdi Imam Omar, has said it is compulsive conference.furthermore, he asserted that the meeting would not be hamper for a few figures who want to bycot it.

 

The conference continued although some prominent figures in ****** clan have not attended in the conference such as The The Vice chairman, of ****** Elder’s Committee, Ugas Abdi-dahir, the Spokesman, Ahmad Diiriye Ali and other members.

 

The other side, Analysts believe that the conflict between the rival tradional elders could not tackled or solved easily.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

 

Mogadishu, Somalia.

 

Source:- SMC

Share this post


Link to post
Share on other sites

this man is geedi's cousin! Hagi Abdi Imam Omar, hes tug...so has no bearing about bringing the main tribes to the table..

 

so far no major clans have accepted this deal..

only geedi's clan is whats being waved by tfg..

 

therefore, no deal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

rudy: "therefore, no deal."

Oo adiga miyaa qofka go'aanada soo saara? Thats what I call e-governance.

 

Contact:

 

Jaalle Madaxyare Rudy

Dowlada Federaalka ee Paltalk

Starbucks

33 S 6th St

Minneapolis, MN

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. Haji Abdi Imaan was the hero of the struggle a few days back. :D

 

Now he is a tuug. Anyhow Geedi's clan, the clans of dayniile and others all support the recociliation conference.

 

Who's against it, A/Qasin, Culuso, Ugas Abdi Dahir, Ahmed Diriye oops they are all from the same sub-clan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

hey, we somalis, we may not have records, but everyone of us is known as individual... u can bet on that.

 

by the way... i dunno anybody who lives in mn personally. never been there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

Who's against it, A/Qasin, Culuso, Ugas Abdi Dahir, Ahmed Diriye oops they are all from the same sub-clan.
:D

Indeed, same sub-clan as Gacmo-dhere, Qeybdiid, et al.....so what is our suggestion since you have categorised the opposition as a s'sub-clan'? May be something like to eliminate them once and for all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this