Sign in to follow this  
Gabbal

Is the Anti-Terror Alliance breaking up?

Recommended Posts

Gabbal   

Khilaaf soo dhex galay Xubnaha Isbaheysiga

 

 

Xubnaha sar sare ee Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa waxaa soo dhex galay khilaaf kadib markii lagu heshiin waayay qorshaha dagaalka socda,taasina waxaa keentay in qaar ka mid ah xubnaha Isbaheysiga u dhoofan Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka kenya.

 

Milkiilaha Hotelka Saxafi C/rashiid Shire Ilqeyte ayaa u dhoofay Magaalada Nairobi sida ay sheegayan kadib markii ciidamadiisa lagala wareegay Isgoyska N0-4 iyo Hotelka saxafi, waxaana la sheegay in C/rashiid ka xumaaday qaabkii loo dayacay Hotelkiisa.

 

Dhinaca kale Maxamed Dheere ayaa ciidamadiisa kala baxay degaanka Carfiid kuna laabtay magaalada Jowhar isagoo ka biya diidsan qaabka abaabulka xubnaha Isbaheysiga, In ka badan 30 Baabuurta dagaalka ah oo uu leeyahay Maxamed Dheere ayaa ku laabtay Magaalada Jowhar iyagoo la ogeyn sababta ku laabtan xilli uu dagaal culus dhex maraya Isbaheysiga iyo Maxkamadaha.

 

Howsha dagaalka ayaa haatan waxaa wada Wasiirada Ganacsiga iyo Ammniga Qaranka, inta badan dagaalka waxaa uu ka socdaa labadaas mas’uul degaanada ay maamulaan.

 

Khilaafka ayaa waxaa uu salka ku haya qaabka loo qeybsanayo agaga dagaalka ka socda, Maamul la’aanta dhinaca Ciidamada oo soo dhex galay, iyadoo hoggaamiye kasta uu doonayo inuu ciidamadiisa iasaga hogaamiyo.

 

Balcad.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xubno ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada oo gaaray maanta Magaalada Nairobi

Posted to the Web May 26, 17:19

 

 

Muqdisho (PP) - Xubno ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka argagaxisada iyo soo celinta nabadda ayaa warar soo gaaraya Puntlandpost waxay sheegayaan inay gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Xubnahaan ayaa wararku waxay sheegayaan inay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Jasiira oo mar labaad dib loo furay kaddib markii uu ku xirmay dagaalladii ay Muqdisho ku wada galeen Isbahaysiga la Dagaalanka argagaxisada iyo soo celinta nabadda iyo maxkamadaha Islaamiga ah 18-kii Feberaayo ee sannadkaan Garoonkii Dayniile oo ahaa mid ay si weyn u isticmaali jireen hoggaamiyeyaasha dagaaalka.

 

Milkiilihii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho Ganacsade C/rashiid Shire Il-qeyte ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha gaaray magaalada Nairobi, kaasoo lagu qabsaday shalay Hotelkiisii dagaallo aad u qaraar oo isbahaysiga iyo maxkamadaha ay ku gaareen magaalada Muqdisho gudahdeeda, gaar ahaan agagaarka KM 4 oo uu ku yaallo Hoteelka.

 

Wararka ayaa sheegaya inuu ka mid yahay xubnaha raacay Il-qeyte C/shukri Axmed Xasan oo isagana lagu jabiyay ciidamadiisii isla deegaankaas goob ku dhow gaar ahaan Villa Baydhabo oo ay ku sugnaayeen, lamana garnaayo sababaha dhabta ah ee ay xubnahaas u aadeen Nairobi, balse wararka ayaa sheegaya inay xiriir la leeyihiin dagaalladii shalay looga xoog roonaaday.

 

C/rashiid Shire Il-qeyte ayaa sidoo kale ku waayay dagaalkii shalay gurigiisa oo ku yaalla isla agagaarka KM4 iyo sidoo kale gawaari tikniko ah oo uu lahaa, waxaana tani ay dhabarjab weyn ku noqotay ganacsigiisa isagoo maanta aanay waxba gacanta ugu jirin hoygiisii iyo hoteelkiisii intaba.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

 

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Kala dishe umadiye, ka hortaga wajigooda"

 

Jecliyaa jabkooda! horey ayaa loo yiri if your hause is made of glass stop throwing stones!

 

C/rashiid Shire Il-qeyte ha u raadsado hotel iyo guri superviser-kisa Qanyare bal inu wax u taago iyo in kale inkasto Qanyare qudhiisu shiidsan yahayoo airportkii waayahan wax kasoo geli jireen waa hore wadaadadu qara-rammsadeen mushaarna uhaynin mercenary-giisa.

 

By the way Turn up the volume, where are the party animals?

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

It seems the money has dry. it is unlikely they will get more money very soon because they lost. unfortunatly it is not end of the moqdisho warlods. not by far moqdisho wars. Very soon we may see new moqdisho warlods regrouping, inclouding the court.! Only ntervention or occupation from outside will solve moqdisho problems. Moqdisho is open for business.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this